Culimada Hargeysa ku xidhan
Maxay u
xidhanyihiin, yeyse u xidhan yihiin?
Maxamed Xirsi
Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Aug 19, 2006
Waxa ku jira
jeelka magaalada Hargeysa culimaa’udiin ka kooban lix wadaad oo aanay caddayn
sababta loogu illoobay jeelka daryeelka daran. Culimadan oo kala ah:
- Sheekh
Maxamed Sheekh ismaaciil
- Sheekh
Axmed-kayse Cali Xuseen
- Sheekh
Maxamed Maxamuud Nuur
- Sheekh
Muuse Cali yuusuf
- Sheekh
C/laahi Maxamed Axmed
- Sheekh
Maxamed Ibraahim Axmed
Culimadan
waxaa jeelka loo taxaabay bishii september 2005 ilaa haddadan oo la joogo bishii
Augost 2006 waxba laguma xukumin, maxkamadna lama hor keenin wixii ka horreeyey
bishii juulay 2006 ka dib markii qaraabadoodu dalbatay in nimankan la sii daayo
ama dembi lagu caddeeyo oo la xukumo. In jeel la iskaga hayo qof xor ah oo
waddani ah ma jirto meel ay kaga taal sharciga u deggen Soomaalilaand. Waxaaba
ku cad xeerka la qortay qodobka 27aad, faraca 2aad, sida tan: ” Qofka xorriyadda
looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u Ieeyahay in lagu
hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood gudahood, laga bilaabo
marka Ia qabtay”
Waa kuwama culimadani?
Waxaan
tilmaan kooban ka bixinayaa saddexda sheekh ee ugu korreeya liiska aan kor ku
xusay. Ujeedadaydu waa in qaddiyadda culimadeenna lagu baraarugo, lagana
murugoodo.
- Sheekh
Maxamed Sheekh Ismaaciil; waa caalim ku xeeldheer diinta islaamka oo si weyn
looga yaqaanno magaalooyinka Hargeysa, Boorame, Burco iyo Ceerigaabo. Waagii
dalka iigu dambaysay oo laga joogo 11 sano, waxaa meheradaha Hargeysa si
weyn looga dhegaysan jiray muxaadarooyinkiisa oo loogu soo ururi jiray sida
Britsh Broadcasting Corporation loo dhegaysto oo kale. Faseexnimada
hadalkiisa iyo quraanruugnimadiisa waxaa u dheeraa in uu ku xeeldheeraa
aqoonta jinka iyo dabiibka dadka. Waxaana aad loogu jecelyahay
muxaadarooyinka ku saabsan culuumta jinka iyo dabiibkooda. Waxa la’ii
sheegay in waayadii dambe si weyn looga bartay dalka, gaar ahaan magaalada
Hargeysa oo dadku muxubbada ay u hayaan cilmigiisa isu urursan jireen.
Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil waxaa loo taxaabay jeelka Hargeysa sanadkii
2005 isaga oo ku foogan danihiisa gaarka ah iyo danaha bulshada muslinka.
Lama oga sababta loo xidhay? Lama hubo cidda uu u xidhan yahay? Lama kafaalo
qaadan qoyskiisii maadama lsagii laga soo xidhay, welibana waxay ku
qasbanaadeen in ay jeelka cunto ugu geeyaan!!. Miyaanay Shacabka la
gudboonayn in ay ka war doonaan xadhiga sharci darrada ah ee sheekhooda??
- Sheekh
Axmed-keyse Cali Xuseen: Waa sheekh caalim ah oo ilaahay ku mannaystay
hibooyin badan, dhinaca fahanka, dhinaca aftahamada, dhinaca kartida iyo
dhinaca hogaamintaba. Waxa ay hibooyinka Axmked-keyse soo ifbaxeen bilowgii
1980-naadkii isaga oo markaa kuray ahaa. Wakhtigaa wuxuu ka dhex noqday
shabaabkii baraarugga islaamka xiddig iftiimaysa, waxaana ku soo xoomi jiray
casharradiisa tobannaan dhalinyaro ah oo ka aflaxay. Axmked-keyse wuxuu
isaga oo yar waxbarasho u tegay dalka Suudaan halkaas oo uu ku soo qaatay
waxbarashadiisa jaamacadeed, kuna kordhiyey wacyigiisa siyaasadeed iyo
saqaafadiisa islaamiga ahba. Dalka ayuu ku soo laabtay bilowgii
1990-naadkii, waxaanu ka dhexmuuqday ilaa wakhtigaa fagaaraha bulshada,
samafalka iyo baraarugga islaamka. Sheekh Axmed-keyse Cali Xuseen waxaa
jeelka loo taxaabay 2005 isaga oo gudanaya waajibkaadka ka saaran qoyskiisa
iyo umaddiisaba. Lama oga sababta loo xidhay? Lama hubo cidda uu u xidhan
yahay? Lama kafaalo qaadan qoyskiisii maadama lsagii laga soo xidhay,
welibana waxay ku qasbanaadeen in ay jeelka cunto ugu geeyaan!!!. Miyaanay
Shacabka la gudboonayn in ay ka war doonaan xadhiga sharci darrada ah ee
aqoonyahan Axmed-keyse?
- SHeekh
Maxamed MAxamuud Nuur: Waa sheekh Caalim ah oo la koray baraarugga islaamka
ee magaalada Burco. Waa shakhsi u samaysan hoggaamin oo aan ka daalin
faafinta khayrka iyo yaraynta xumaanta. Wuxuu ku caan baxay in uu
shaaracyada magaalada Burco kula wareego mukirifoon isaga oo dadka
waaninaya. Wuxuu magaalada ka hirgeliyey fagaarayaal badan oo dadka lagu
waaniyo habeenkii. Wuxuu hirgeliyey nadaamka gargaarka masaakiinta, iyada oo
kuwa waxhaysta laga qaadayo wax ay ku noolaadaan kuwa aan waxba haysan.
Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur, wuxuu ahaa mannaaradii khayrka ee magaalada
Burco. Dadka fusuqa iyo xumaanta suuq geeyaa way ka nixi jireen, dadka
ehlu-khayrka ah iyo masaakiintuna way ku farxijireen. Markii la xidhay waxaa
magaaladii Burco ka naaqusay iftiinkii khayrka. Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur
waxaa jeelka loo taxaabay 23 september 2005 isaga oo ku foogan wacdiga
shaarica, lagana sugayo waajibaadkii qoyskiisa. Lama oga sababta loo xidhay?
Lama hubo cidda uu u xidhan yahay? Lama kafaalo qaadan qoyskiisii maadama
lsagii laga soo xidhay, welibana waxay ku qasbanaadeen in ay jeelka cunto
ugu geeyaan?. Miyaanay Shacabka la gudboonayn in ay ka war doonaan xadhiga
sharci darrada ah ee sheekhooda?
Saddexda
sheekh ee kale uga tusaale qaado saddexdan aan kor ku xusay, inkasta oo aanan
anigu aqoon u lahayn. Inkasta oo qof walba oo muwaaddin ahi xaq u leeyahay in
aan lagu xadgudbin xorriyaddiisa, haddana culimada diintu way ka sii xagjirtaa.
Fudaydsiga culimadu waa diintii oo la fudaydsaday, dullayntooduna waa diintii oo
la dullaystay. Markaa reer Soomaalilaandow, bal eega hareerihiina. Gaar ahaan
reer Hargeysow ka fekera in aad nabad iyo caano ku seexataan, culimadiinii oo
aan dembi cad lagu soo eedaynna ay xabsiga deriskiinna ah ku caddibanyihiin
sannnad dhan.
Maxamed Xirsi
Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Aug 19, 2006
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com

 |