SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


 Warsaxafadeed Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibada

Warsaxaafadeed October 8, 2006

‘’Marka hore waxaan idiin leeyahay Ramadaan kariim dhamaantiinba, waxa kale oo aan leeyahay shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaanba sidoo kale Ramadaan Kariim wakul caam wantum Bil Khayr.

Ta labaad waxaan idiibnka mahad celinayaa imaatinka aad ku timaadeen codsigaygii iyo wakhtiga aad dhawrteen.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Tallaabo oo sheegay in ay xabsiga ugu tageen kulmeen Sh. Maxamed Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixinaaya Su'aalo ay ka weydiiyeen Sh. Maxamed jiritaanka Cajalad Video oo isaga lagu jidh dilaayo iyo wuxuu ugu jawaabay wuxuu yidhi " Waxaanu Weydiinay Seddex Su'aalood oo kala ahaa 1. Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay, Waxaanu weydiinay Maxaa lagugu dili jiray? wuxuu yidhi Suun ayaa la igu garaaci jiray isagoo farta ku fiiqay Suunka nooca Ciidanka oo meesha yaallay, iyo aalad kale oo ah ayuu yidhi laydh yar oo jac kaa siinaaya, Waxaa kale oo aanu weydiinay yaa ku dili jiray? wuxuu ku jawaabay Dad Madaxa Duuban. Waxaanu weydiinay Maxaad wakhtigaasi oo dhan u qarinaysay ee aad u sheegi wayday? wuxuu ku jawaabay Cajaladda Video-ga ah ayaa dhinaca Xukuumadda ku maqnaydo intay ka soo baxayso ayaanu sugaynay.!".. AKHRI....

Amakaag iyo ku soo boodo naguma ahayn wararkii British Broadcasting Corporation ka soo xigatay nimanka sheegtay Maxkamadaha sida wadaadka shariif Axmed shirkii ka dhacay Villa Somalia ee Khamiitii iyo dhawaaqyadii kornayl xasan turki ee ka horeeyay, maxaa yeelay kornayl xasan daahir Aways ayaa hore looga soo wariyay ‘’In Somaliland ay caabudo SANAM la yidhaahdo (Nabad) kaana waanu ka bur burin doonaa’’, waana sababta manta raga falalka argagaxiso Hargeysa ugu xidhnaa shariifka iyo Turkiba uga dhigayaan dad aan denbi lahayn oo la ciqaabayo kuna ballan qaadeen inay xoog kula baxayaan haddii Somaliland sii dayn waydo, iyadoo horena falal isku day ah in lala fakado kuwi hore u xukunaa iyo ku eedaysanayaasha falalka argagaxiso sida fal dambiyeedka uu ku eedaysan yahay Maxamed Sh. Ismaaciil.

Waxa xusid mudan in hore looga fuliyay falal argagaxiso jamhuuriyada Somaliland oo nimanka hadlaya ka soo maleegeen Muqdisho sida haweenaydii Talyaaniga ahayd ‘’Annallena Toneli’’ ee Boorame lagu dilay iyo laamihii Ingiriiska ahaa ee the ‘’Eyeingtons’’ ee Macalimiinta ka ahaa sheikh ee sheikh lagu dilay iyo falkii lagu fuiyay xubno ka tirsan Hay’adda GTZ oo ay u geeriyootay falkaasi haweenay u dhalatay dalka Kenay, iyo falalkii kale ee khal khal gelinta iyo bur burinta Nabad gelyada Somaliland taas oo xukuumad iyo shacaba si mug leh looga wada hawl galay loona qab qabtay gaan ku dhiigalayaashii , iyadoo qaarna xukuman yihiin qaarna ay yihiin xukun sugayaal, waxaanu ognahay in shirka Villa Somalia lagaga tashaday layskulana soo qaaday abaabul hor leh oo ku wajahan waxyeelada jiritaanka qaranimada iyo nabad gelyada Somaliland, meelo cayimanna oo bartilmaameedana afka rag ku dhuftay.

Waxa si badheedha Muqdisho iyo Kismaayo shariifka iyo Turkiba ay uga cadeeyeen ka soo horjeedka gooni isku taaga Somaliland iyo midnimadeeda , iyagoo weliba ku hanjabay inay xoog ku muquuninayaan JSL.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin dhawr jeer oo la waydiiyay mawqifka xukuumadiisa ee arrimaha ku soo kordhay Somalia, wax isagoo dhawraya darisnimada uu ku cadeeyay inaanay xukuumadiisu faraha la gelayn arrimaha ka socda dalkaa, uguna baaqay kooxaha is haya inay arrimahooda ay ku dhamaystaan wada hadal oo caqligu shaqeeyo halka qori iyo ciidan la adeegsanayo caadifadana la iska dhaafo, wuxuuse uga digay cidii soo faro gelisa gooni isu taaga iyo arrimaha Somaliland inay cadow u arki doonaan diyaarna Somaliland ay u tahay daafaca qarinamadeeda, waxaase muuqata niyad samidaa Madaxweynuhu muujiyay inaan dhag jalaq loo siin marka loo eego dhawaaqyada is daba jooga ah e ka soo baxaya taliska Maxkamadaha beryahan danbe.

Wazxaananu u qaadanaynaa ku dhawaaqif dagaal (Declaration of War).

Dagaalkaasi iyo durbaanadaa colaadeed ee taliska Maxkamaduhu ka dhawaajiyeen waxa shacbiga Somaliland iyo dawladiisaba uu ku soo kicinayaa xanuunkii dhibaatadi nafta iyo maalkaba lahayd ee loo gaystay shacbigan, waxana la yaaba cumaamada sheekhnimo ee loogu soo hagoogayo Moorgan oo qayb ka ahaa xasuuqii iyo bur burkii wadankan kuna sifoobay (Butcher of Hargeisa), iyo Turki oo ahaa dabar goynta, gaar ahaan guutadii cadaadlay inay manta u soo bu’ayaan shacbigii dhagartoodi indhaha ka laliyay, gooni isu taaga, Midnimada iyo sugida Nabad gelyada Somaliland waa muqadas difaaceedana cidna looga haybadsan mayo.

Raggiina sheegtay, inaad amniga Soomaaliya ka shaqaynaysaan idinkoo gabood ka dhiganaya diinta, ujeedooyinkiinana aanu hoos u ognahay, laakiin dhalanteedka aad ka iibinaysaan BEESHA Caalamka, Somaliland idiinkama fadhido Nabad gelyo iyo Maamul midna, laakiin waxay idinka sugaysaa inaad soo gudbisaan xubnaha ku jira guddiyadiina ee anaka iyo aduunkuba aanu ognahay inay ka mid yihiin argagaxisada falalka dalka ka geystay iyo kuwii fikrada iyo fulinta falkaa soo unkay soona abaabulay taas oo tijaabo u noqon karta annaga iyo caalamkaba inaad ka daacad tihiin inaad wanaag umadeed iyo niyad sami ka talinaysaan inaad gacanta noo soo gelisaan argagaxisada, haddii kale waxaanu caalamka u sheegaynaa xidhiidh la samayntiina iyo gacan siintiinaba inay tahay taageerid la taageerayo argagaxisada caalamiga ah.

Xukuumada Somaliland waxa uga digaysaa taliska Maxaakiimta inay ka waantoobaan faro gelinta arrimaha Somaliland, waxaanuna Beesha caalamka la socodsiinaynaa guud ahaan Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo Maraykankaba iyo gaar ahaan urur goboleedka IGAD in dagaal oogista ay ku dhawaaqeen Maxaakiimtu wixii cawaaqib xumo ee ka yimaada ay Masuul ka noqon doonaan, iyadoo dabkaasina aanu ku ekaan doonin Soomaaliya, waxaanu Beesha caalamka ka codsanaynaa inay ka fiirsadaan horboodida koox aanay ogayn ujeedadooda dhabta ah, oo ku gabanaya magaca diinta Islaamka ee u dhalatay Nabad gelyada, horumarka iyo wada noolaanshaha shucuubta caalamka. Kooxdaas oo ka faa’iidaysanaya fursada uga soo baxday shicibkii soomaaliyeed ee cidhiidhiga Nabad gelyo la’aaneed ku sugnaa una la’aa si ay uga baxaan. Maantana wax loo qabtay aanay jirin, waxaan ahayn kala joojin oo weliba loo maray dariiq dhiig daadin muslim , looguna gabanayo kitaabka quraanka ee kariimnka ah.

Shacbiga Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inaanay ku sirmin shirqoolada cadowgu u maleegayo sida cajaladan been abuurka ah ee lagu dambebsayo eeaysanaha loo haysto falalka argagaxisnimada lagu minji xaabinayo xasiloonia iyo qaranimada Somaliland , iyada oo ku tallo galkoodu ahaa dilal goob joogayashii doorashada wakiilada iyo la bixida raggii argagaxisada hore loogu xidh xidhay, isla markaana la qab qabto amaba la afduubo Madax ka mi ah quraanka JSL, waxa kale oo xukuumadu ugu baaqaysaa mar kale in golayaasha qaranka, saddexda xisbi qaran, saxaafada Qaranka iyo shacbi weynaha guud ahaanba meel kasta oo ay joogaanba guddo iyo dibadba meel looga soo wada jeesto difaaca qaranimada iyo midnimada iyo ka feejignaanta kuwa u hanqal taagaya una suul dhabaalaynaya kooxaha Muqdisho iyo ashkyhaasta kale ee gudaheena laga adeegsan karo, sida nimanka baaqyada ku taageeraya si toosan iyo si dadbanba, lana ogyahay hawlaha ay ku jiraan.

Ugu dambayn , haddidaada iyo hanjabada lagu wado qaar ka mid ah culimada waaweyn ee Jamhuuriyada Somaliland iyo saxaafadaba, qarankani u dul qaadan maayo’’.

C/laahi Maxamed Ducaale
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada JSL

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD