SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print

Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Shan nin oo kasoo jeeda Beesha Sade oo Dhaawac ahaa lagu Dhaawac tiray isbitaal ku yaala Bu'aale...

Shantan nin ayaa lagu soo qabtay dagaaladii ka soconayey degaanada jubada dhexe ee u dhexeeyey wasiirka gaashaandhiga dfkmg ah barre hiiraale iyo golaha maxaakiimta iyagoo dhaawacyo kala duwan ah, sidoo kalena Shantan nin ayaa kasoo jeeda beesha SADE waxaana la geeyey oo lagu daweynayey isbitaal ku yaala degmada bu,aale ,islamarkaana waxaa lagala baxay isbitaalkii kadibna waxaa lagu toogtay meel aan ka dheeray isla goobtaas.

Sidoo kale waxaa isa soo taraya qaylo dhaan badan oo laga soo sheegayo deegaanadaasi oo dhaawacyo badan oo gaar ahaan milayshiyadii barre hiiraale loo gaysanayo xasuuq ,waxaana sidoo kale lagu qabtay deegaanadaasi xogahayntii barre hiiraale oo lagu magacaabi jiray cumar xadreeye (dhegaweyne ) oo isagana inta la qabtay lagu diley isla goobahaasi dagaaladu ka dhacayeen oo ay ku go,doomeen milayshiyadii barre hiiraale . 

Sidoo kale warar ayaa waxay intaas ku darayaan ,Axmed Madoobe oo ah taliyaha ciidamada golaha maxaakiimta oo ka soo noqday magaalada Buaale oo waday dhaawac maleeshiyo beeshiisa oo gaaraya 43 qof oo qaba dhaawac ka soo gaadhay dagaalkii ay la galeen ciidamada wasiirka Gaashaandhigga iyo golaha maxaakiimtu ay maanta dhowr diyaaradood dhaawacoodu loogu qaaday magaalada Kismaayo loona qaaday magaalada Nairobi.

Madaxa amaanka maxkamadaha kismaanyo oo la hadlay saxaafadda ayaa asaguna xaqiijiyay in raggaasi la laayay, isagoona ka gaabsaday inuu siiyo war rasmi ah saxaafadda oo suaalo wax ka weydiisay xasuuqii ka dhacay magaalada Buaale. Masuuliyiinta kale oo ka soo jeeda beesha SADE oo maxkamadaha ka tirsan ayaa ayaguna ka gaabsaday inay ka hadlaan xasuuqii ay geysteen maleeshiyada maxaakiimta kismaanyo .

Dhacdadii xasuuqa loogu geystay nimankaan dhalinyarada ahaa ayaa waxaa aad ugu xumaaday waxgaradka iyo aqoon yahanada soomaaliyeed iyo sidoo kale dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka beesha SADE oo ku nool magaalada Kismaayo oo ay eedeeda dusha uga tuureen masuuliyiinta maxkamadaha ee magaalada Kismaayo oo ugu horeeyo ninka lagu magacaabo Axmed Madoobe oo asagu la sheegay inuu goobjoog ka ahaa markii la xasuuqayey dhalinyaradaasi.

Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, afhayeenka golaha dhaqanka Beesha Sade ee J/hoose ayaa sheegay in ka dalbanayaan maxaakiimta in ay Jawaab cad ka bixiyaan falalka arxan darro ee ka fog shareecada ee loo gaystay dhaawaca. "Waa waxaan horay loogu arag islaamka iyo soomaalida in dhaawaca la toogto inta maalmo la hayo waxayna u muuqataa arin aargoosi ah oo kolley cawaaqaib xun uu ka dhalan karo" ayuu yidhi Nabdoonka oo ka digay dagaalo ahli ah oo ka dhallan karo hadii hadafka maxaakiimta la huwiyo shaati aano qabiil isagoo u waramyey warbaahinta Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa aad u kacsan iyada oo ay odayaasha iyo waxgaradka beesha mareexaan ay kulamo isadaba jooga ku leyhihiin magaaladaasi ,islamarkaana ay wada hadal weli yeelan golaha maxaakiimta magaalada kismaanyo.

Magacyada 5ta dhalinyaro oo lagu laayey magaalada Buaale:

1-Mahad Faarax Cali oo da,diisu ahayd 25jir

2-Xuseen Xasan Cali(X.Farey) oo da,diisu tahay 40jir.

3-Dhicis Cabdi Cagaweyne,oo da,diisu tahay 20jir

4- Maxamed Axmed Cali oo da'diisu aheyd 22 jir.

5- Cabdi Maxamed Mahad oo da'diisu aheyd 28 jir.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com

002521-580916

Wararka kale ee maanta.... AKHRI....

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2006


Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD