GAROOWE: Markii ugu
horeysay oo laga Dhisayo Masaajid Dabaq ah.
Garoowe:-Dhismaha Masaajidka AL-huda ee Garoowe ayaa si
caadi ah u socda , wuxuuna uu iminka uu marayaa sida aad ka
aragtaan sawirka Mitirkii 2-aad ee qaybta hoose , waxaana
Insha'allaah laga dhigayaa dhisme heersare ah oo ka kooban 2
biyaano.

Masaajidka ayaa dhaqaalaha lagu dhisayo uu yahay mid ku
tiirsan Muslimiinta ku nool dalka gudahiisa iyo dibadiisa
waxaana qofkasta oo Islaam ah oo awooda in uu ka qayb qaato
dhismaha masaajidka isaga oo danaysanaya laga filayaa in uu
ka qaybqaato.
Sheikh C/qaadir Nuur oo ka mid ah Culimada waawayn ee dalka
Soomaaliya , ayaa Muslimiinta ugu baaqaya in ay
dhaqaalahooda iyagoo dar Ilaahay kula baxaya ay ku
tabarucaan si ay ugu noqoto sadaqo jaari ah oo waarta.
Masjidul- Al-hudaa , ayaa wuxuu ku yaalaa bartamaha
magaalada , waxaana la dumiyay ka dib markii uu ku filaan
waayey dadka.
Hadaba cidii dhaqaale ku darsanaysa waxay ku soo diri kartaa
Accoonadan hoos ku qaran , waxay kaloona la soo xiriiri
kartaa magacyada wata talleefoonada.

Sh.C/qaadir Nuur Faarax(dhinaca midigta), Xaaji. Shuluco
Xaaji Yuusuf (dhexda) Sh.Yaasiin Cabdullaahi(dhanka bidix).
Shiikhu wuxuu sheegay in
qaybta hore ee Masaajidka ay ku baxayso lacag dhan $ 154,000
, iminkana la hayo sida Masaajidka ka muuqata ay la helay
lacag dhan $ 50,000 , sidaasdarteed loo baahan yahay in ay
mulimiintu ay soo dhamaystiraan inta kale ahaa 104000.
Ciddii doonaysa in dar
Ilaahay ay ula baxdo sadaqo waxay ku soo diri kartaa
Accoonadan
Dahabshiil : 000100
Amal : 0704041022501
Teleefaonadan la xiriir:
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax 00 2525 74 6134
Xaaji Yuusuf Jaamac Dagal (Cambe) 00 2525 79 4245
Yaasiin C/laahi Maamulaha Masjidka 00 2525 72 446
Waxaa soo tebiyey
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Cell phone:
252-5-794242
Somalitalk, Garowe-Puntland
Apr 25, 2007


|