- Diyaaradaha
dagaalka Itoobiya oo duqeeyay xuduudda Kenya iyo
Soomaailya
- Dalal Afrikaan ah
oo lagu qalqaalinayo inay ciidamo u soo diraan
Soomaaliya
- Hay’adda Somali
Society Development Association (SOSDA) oo howlo wacyi
gelin iyo seminaaro ku soo gabagabeysay gobolka Sh/hoose
- Guddoomiyaah
xisbiga Somali Nation-State Party Md. Max’ed Xaashi
Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada
Muqdisho
- Xildhibaan Khaalid
Cumar Cali "Muqdisho waa caasimaddii dalka, waxaana
aaminsanahay ilaa iyo hadda inay wanaagsan tahay nabad
gelyadeeda"
Diyaaradaha dagaalka Itoobiya oo
duqeeyay xuduudda Kenya iyo Soomaailya
Diyaaradaha dagaalka ee Itoboiya nooca helicoptarada ayaa
weerar ku qaaday shalay xuduudka Soomaaliya iyo Kenya dhinca
dalka Kenya ka mid ah, iyagoo halkaasi ku riday gantaallo
iyo rasaas.
Lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay,
waxayna wararku sheegayaan in dowladda Kenya ay cabasho
arrintaas ku saabsan u dirtay Itoobiya.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay inay daba joogeen madax
iyo ciidamo ka mid ah maxkamadaha Islaamiga oo xuduudka
Kenya meel u dhow ku sugnaa.
Dalal Afrikaan ah oo lagu
qalqaalinayo inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya
Dalal Afrikaan ayaa lagu qalqaalinaya inay ciidamo u diraan
Soomaaliya ka qeyb qaata nabad ilaalinta iyo taageerada
dowladda Federalka Somialia, kaddib markii ciidamada
Itoobiya ay jebiyeen maxkamadihii Islaamiga Soomaalida.
Mareykanka ayaa la sheegayi nuu dadaalkaasi qeybtiisa ugu
weyni ku jiro waxaana ilaa iminka ciidamo ku yaboohay
dowladaha Uganda oo 1000 askari diyaar la h iyo Nigeria oo
sheegtay inay Soomaaliya u direyso hadba ciidamadii looga
baahdo.
Dalalka la doonayo inay ciidamo u soo diraan Soomaaliya
waxaa la sheegay inay ka mid tahay Koonfurta Afrika oo la
sheegay inuu ka cago jiideyso, waxaana la filayaa inuu
Mareykanku ku qanciyo dalal kale oo Afrikaan inay ciidamo u
diraan Soomaaliya.
Lama hayo cidda maal gelin doonto ciidamadaasi, iyadoo
Midowga Yurub oo hore looga codsaday inuu ciidamada nabad
ilaalinta soomaaliya maal geliyo ayaa ka gaabsaday iyadoo
dhaqan gelinta qaraarkii Golaha ammaanka ee 1725 ay
dhibaatooyin badan hor taagan yihiin.
Hay’adda Somali Society
Development Association (SOSDA) oo howlo wacyi gelin iyo
seminaaro ku soo gabagabeysay gobolka Sh/hoose

Xiriiriyaha Hay’adda SOSDA Max’ed Sheekh C/raxmaan (Abkow)
oo ay la socdaan howl wadeenno ka tirsan Hay’adda SOSDA iyo
howl wadeeno ka tirsan hay’addaas ayaa dib ugu soo laabtay
magaalada Muqdisho, waxayna ka warbixiyeen howlo seminaaro
iyo wacyi gelin ah oo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan
gobolka Sh/hoose oo kala ah: Beledul amiin, Buulo-kulan,
Bangaley iyo tuulooyin kale.
Howlahan la xiriira seminaarada iyo wacyi gelinta oo ay
hay’addu ka soo fulisay tuulooyinkan ka tirsan gobolka Sh/hoose
ayaa waxaa ka faa’iideystay in ka badan 200 qof oo isugu
jira beeraley, xoolo dhaqato iyo reer guuraa, iyadoo
howlahan seminaarka iyo wacyi gelinta ay socdeen inta u
dhexeysay 30/12/2006-da ilaa 03/01/2007-da.
Seminaaradan iyo howlahan la xiriira wacyi gelinta ayaa
waxaa lagu kala qabtay tuulooyinka Beletul Amiin, buulo
kulan iyo Bangaley oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, waxaana
lagu baray dadkaas qodobo ay ka mid ahaayeen: waa maxay
Aids? Sidee lagu kala qaadaa? Qaab ceynkee ah ayaa loola
dhaqmaa qofka qaba cudurka HIV/Aids? Sidee loo daryeelaa
bukaanada qaba HIV/AIDs? Iyo wacyi gelin ku saabsan qaabka
looga hortago iyo siyaabaha lagu kala qaado cudurka
HIV/Aids, waxaana qodobadaasi wax ka dhigayay macallimiin ay
ka mid ahaayeen C/naasir C/laahi Shuuke, C/fitaax C/shakuur
Warsame, Cismaaciil Cabdi Xasan, Max’ed Faarax Aadan,
Liibaan Max’ed Aweys, Cabdi Muuse Mayow iyo xubno kale.

Hay’adda Somali Society Development Association (SOSDA) oo
howshan iyada ka soo fulisay gobolka Sh/hoose ayaa dib ugu
soo laabtay magaalada Muqdisho, waxayna soo laabashadooda
kaddib shir jaraa’id ku qabteen xaruntooda magaalada
Muqdisho, iyadoo shirkaasi jaraa’idna uu qabtay xiriiriyaha
Hay’adda SOSDA Max’ed Sheekh C/raxmaan Abkow oo ugu horreyn
shirkiisa jaraa’id kaga warbixiyay muddadii ay ku gudo
jireen howlahaasi seminaarada iyo wacyi gelinta oo ay ku
qabteen gobolka Sh/hoose, isagoo sheegay in hay’addu ay u
taagan tahay sidii bulshada Soomaaliyeed ay uga wacyi gelin
laheyd cudurkaasi halista ah ee adduunka fara baas ku haya.
Md. Abkow wuxuu sheegay in howlahani ay iska kaashadeen
hay’adaha kala ah: OXFAM NOVIB, Global Fund oo iyagu gacan
weyn ka geystay taabo gelinta ololahan laga soo fuliyay
gobolka Sh/hoose, wuxuuna sheegay Md. Abkow inuu mahad weyn
u celinayo masuuliyiinta gobolka Sh/hoose, waxgaradka iyo
dadkii ka faa’iideystay howlahaas, wuxuuna si gaar ah ugu
mahad celiyay bahda saxaafadda gudaha iyo dibadda, wuxuuna
Md. Abkow si kooban uga hadlay waxqabadka hay’adda SOSDA oo
uu sheegay in la aas-aasay 1998dii, waxayna howlo wax ku ool
ah uu sheegay inay ka fuliso gobollada South and Southern
gaar ahaana gobollada Sh/hoose, Banaadir iyo Mudug, wuxuuna
intaasi ku daray in ay wax ka qabtaan HIV/Aids-ka ka sokow
howlo waxbarasho iyo caafimaad oo ay u fidiyaan dadweynaha
ku dhaqan gobolladaas.

Xiriiriyaha hay’adda SOSDA Md. Abkow wuxuu sheegay in haatan
hay’addu ay sanadkan cusub qorsheyneyso sidii ay u laba
laabi laheyd howlaha ballaaran oo ay hay’addu u hayso
bulshada, wuxuuna sheegay inay u qorsheysan tahay inay
fuliso mashaariic dhowr ah sanadkan 2007da, oo uu sheegay in
hay’addu is beddel weyn ka muujin doonto howlaheeda.
Hay’adda SOSDA waxay ka mid tahay hay’adaha ka howl gala
dalka Somalia gaar ahaanna gobollada South and Southern,
waxayna horay u soo qabatay seminaaro iyo howl wacyi gelin
ah oo la mid ah kuwan, iyadoo ay ka faa’iideysteen dad aad u
fara badan oo ah dhallinyaro isuguna jira rag iyo dumar,
da’dooduna u dhexeyso 25-45 jir.
Guddoomiyaah xisbiga Somali
Nation-State Party Md. Max’ed Xaashi Cigaal oo maanta shir
jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Xisbiga Somali Nation-Sate Party Md. Max’ed
Xaashi Cigaal ayaa shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada
Muqdisho, wuxuuna shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xaaladda
guud ee dalka maanta ka jirta
"Xaalad
adag ayaa maanta soomaaliya ka jira, xaaladdaas labo
dhinacba way aadi kartaa, waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa inay
dhinaca wanaagsan u socoto, dhinacaasi oo ah nabad, midnimo
iyo qarankii Soomaaliyeed oo madax banaani iyo midnimada
ummaddiisa ay u sallowdo, dhinaca kale waxay u dhici kartaa
in dhibaato cusub ay timaaddo, qaranimada Soomaaliyeed iyo
karaamada Soomaaliyeed iyo amniga labadaba inay wax gaaraan"
ayuu yiri Md. Max’ed Xaashi Cigaal guddoomiyaha Somali
Nation-State Party oo dhowaan Muqdisho soo gaaray
Guddoomiyuhu waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray "xaajada
maanta ma ahan mid cusub sida aan la wada socono, ilaa 16
sano oo sanadkii 17aad billowday dalka waxaa ka maqnaa
seddax arrimood: Soomaalidu ma aqaan siyaasadda sida ay u
fahamto, waa wax yaab badan, siyaasaddu haddeysan laheyn
saldhig, saldhiggaas oo ah institution ama hay’ado qaanuuni
ah oo ay ugu horreyso qaabka uu u dhisan yahay oo ay ku
xigto dhismahaasi inay wadaan dad awood u leh inay kaxeyn
karaan dhismahaas oo gaarsiin kara, qodobka sedexaad waa
hadafka markaas uu leeyahay institution-kaas, in seddaxdaas
waxyaabood aysan jirin, kuwaas oo maqnaa ilaa iyo intii
dowladda Soomaaliya meesha ka baxday, waxba ma imaanayaan"
ayuu yiri Md. Max’ed Xaashi Cigaal oo ku dheeraaday qaabka
ugu habboon ee loo adkeyn karo midnimada ummadda
Soomaaliyeed, isagoo xusay in xarunta ugu weyn ee xisbigiisu
ay ku taallo magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose ee
Kismaayo, isla markaana ururkiisa la aas-aasay 27-kii Jun,
2006-da.
"
Magaca xisbiga dowlad qaran Somali Nation-State annagoo ku
hadleyna ayaan ku warsaneynaa in dowladda Itoobiyada
ciidamadeeda waqtiga ugu horreyso kala baxdo, dowladda KMG
ah ee keentayna awood inay u yeelato inay la wareegto xilka,
xilkas oo ay tahay inay ku wareejiso kula wareegto awoodda
dadka Soomaaliyeed, ciidan ahaan, amni ahaan, shacab ahaan,
waana suurto gal, taas baaba dan u ah inay kula wareegto,
waana suurto gal, taas baana dal u ah labada dal, Itoobiya
ciidamadooda dalkeeda ayaa u baahan, iyaga culeysyo ayaa
haysan karaya, waxa weeye inay ciidan Soomaaliya u noqdaan
ciidamada Itoobiya ma dooneyno, man dhici karto, ciddii isku
dayda in ay taas yeesho iyaguna isuma daneyn haddey dantooda
ka fikirayeen, qaran Soomaaliyeedna uma daneyn, umana daneyn
tan Itoobiya, taasi waa qodob, waxaa Ilaa xalay aad looga
dhawaaqayay hadallo ka soo yeeray masuuliyiinta qaarkood oo
uu ula jeeday ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka
arrimaha gudaha Eng. Xuseen Caydiid oo ahaa in Itoobiya iyo
Soomaaliya in ay isku darsamayso xuduudaheedana ay bannaan
yihiin, horta Afrikoo dhan waxaan jeclahay inaan dadweynaha
u sheego inaanan aad loola fajacin oo loola yaabin mabda’a
isku darsanka iyo midnimadu Afrika oo dhan jaatarkooda ayay
ku jirtaa, innaguna aanu aheyn dalalkii ugu horreeyay oo
markii dowladdu dhalatay OAU la suubiyay 1963dii, dadkii
ayiday ayaanu ka mid aheyn, ha yeeshee Soomaaliya iyo
Itoobiya isku darsankooda wax weyn baa u dhexeeya, dariiq
dheer oo fog baa jira, bal horta inaanu jirno weeye si aan
wax ugu darsano, waxaa la soo qaatay EU-da iyo dalalka Yurub,
intee sano ayay Yurub u halgameysay inay midnimo gaarto,
haddeer ayay ku guuleystay oo weli qaar ka maqan yihiin"
ayuu yiri Guddoomiyaha NSP Md. Max’ed Xaashi Cigaal.
"Xuduudaha Soomaaliya iyo Itoobiya waa Artifishal, nin
kastaana waa inuu ogaado taas, shan sano wada hadalkii
Soomaaliya iyo Itoobiya u socday oo lagu dhex-dhexaadinayay
Mingiste Xayle Mariam ninkii waday aniga ayuu ahaa oo Max’ed
Xaashi Cigaal, dhalashadii IGAD-na macno kale ma lahayne
waxay aheyd in la helo meel lagu dhex-dhexaadiyo Max’ed
Siyaad Barre iyo Mingiste Xeyle Mariam, oo hal sano aan isku
haysanay in la helo ayaa adkaatay, sidaas ayay aheyd in
laysugu yimaado, arrintaana gacan ayay ka geysatay sidii
lagu heshiisiin lahaa Mingiste iyo Max’ed Siyaad,
arrimahaasoo dhan iyo dagaalladii dhex marayya Itoobiya iyo
Soomaaliya iyo xaaladda maanta jirta marka laysku daro
arrimuhu waxay u baahan yihiin in la tartiibiyo, caqli,
waayo aragnimo, maskax, qawmiyad ayuu waddaninimo" ayuu ku
soo gabagabeeyay shirkiisa Jaraa’id Md. Max’ed Xaashi Cigaal.
Xildhibaan Khaalid Cumar
Cali "Muqdisho waa caasimaddii dalka, waxaana aaminsanahay
ilaa iyo hadda inay wanaagsan tahay nabad gelyadeeda"
Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo suxufiyiinta kula hadlayay
hotel Global ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sdia
uu u arko soo gelitaanka dowladda Federalka iyo howlihii ay
qabatay intii ay dhisneyd iyo xaaladda guud ee nabad gelyo
ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in caasimadda magaalada Muqdisho
ay tahay meel wanaagsan waqtigan oo laysku halleyn karo
nabad gelyadeeda, wuxuuna xusay in dowladda Federalka
Soomaaliya ujeedadeedu ay tahay sidii nabad gelyo guud looga
dhalin lahaa dalka, isla markaana ay dowladda Federalka
Soomaaliya u soo guurto caasimadda.

"Imaanshaha aan Muqdisho
nimid waa qorshe u degsanaa dowladda Federalka, taasoo loogu
talo galay markii Ilaahay guusha naga siiyay shacbigana aan
taageero badan uga helnay la dagaallankii kooxihii
Maxkamadaha sheeganeysay ayaa waxaan nasiib u yeelanay
xubnihii ugu horreeyay ee xukuumadda ka socday iyo
baarlamaanka uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Cali maxamed
Geeddi inay yimaadaan magaalada Muqdisho, taasoo nasiib
wanaag aan ka billownay soo gelitaankeenii Muqdisho markaan
soo galnay kadib aan booqanay airporkii, dekeddii weyneyd ee
caalamiga aheyd iyo magaalada qeybo ka mid ah oo aan ku
sameynay wareeg dheer" ayuu yiri xildhibaan Khaalid Cumar
Cali oo sheegay in xukuumaddu ay tahay mid u dhalatay
shacabka Soomaaliyeed, isla markaana looga baahan yahay
dadweynaha inay mar walba soo dhoweeyaan.
Sidoo kale Xildhibaan Khaalid Cumar Cali waxa kale oo uu
sheegay in arrimaha Soomaaliya go’aankeeda uusan hal ruux
laheyn, waxaana go’aanka ugu dambeeya iska leh baarlamaanka,
"Sababtoo ah joogitaanka aan joognay magaalada Baydhabo
wuxuu ahaa go’aan baarlamaan ah, haddana soo guuritaanka loo
soo guurayo Muqdisho wuxuu noqon doonaa go’aan baarlamaan
ah" ayuu yiri Xildhibaan Khaalid Cumar Cali mar la waydiiyay
su’aal aheyd: ma laga yaabaa in dhammaan xildhibaanada
baarlamaanka ay Muqdisho u soo guuraan?
"Baarlamaan labo ah ma jiro, baarlamaanku waa hal, xubnaha
Baydhabo jooga, kuwa Jooga Nairobi iyo kuwa Muqdisho jooga
waa hal, qaar ka mid ah shalay ayay baxeen, qaarna maanta
ayay baxayaan, waxayna tagayaan xarunta ku meel gaarka ee
golaha baarlamaanka magaalada Baydhabo" ayuu yiri Xildhibaan
Khaalid Cumar Cali.
"Ammaanka magaalada Muqdisho faraha kama bixin, sababtoo ah
waxaa aan marqaati ka ahay aniga shalay waxaan kormeer ku
soo sameeyay ilaa Jaamacadda Muqdisho xarunteeda cusub,
waxaana soo wareegay magaalada gees ka gees, waxaana ka
waayay hal nin oo qori wata iyo meel isbaaro u taalla" ayuu
yiri Xildhibaan Khaalid Cumar Cali.
Sidoo kale waxa uu difaacay Xildhibaan Khaalid Cumar Cali
go’aanka ay ciidamada Itoobiya ku yimaadeen dalka Soomaaliya
isagoo xusay inay ku yimaadeen go’aan baarlamaan, taasoo uu
sheegay inuu yahay go’aankii cunaqabateynta hubka Soomaaliya
saarneyd, wuxuuna sheegay inay yihiin dowlad xor ah oo
heshiis qoraal ah la geli karta dowlad kasta oo caalamka ka
jirta.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 3, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...


|