SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Siilaanyo ha inoo dambeeyo ee wersheddii sibidhka ka warran wasiir!

Cabdillaahi Cawed Cige
edleh@hotmail.com


Tawradda maanta Somaliland maamushaa waa mid hodan ku ah warsaxaafadeedka. Waxa aad maalin walba maqlaysaa waxa saxaafadda xafiiskiisa ugu yeedhay wasiir hebel, oo muxuu u sheegay ayaa kugu soo dhacaysa, tolow ma mashruuc cusub? Ma shaqo la abuurayo? Ma daacuunka oo la dawaynayo? Ma dadka badaha ku madhay ee ka soo qaxaya Somaliland oo uu ka hadlayo? 

Maya, waxaas oo dhan wasiirku uma qaban warsaxaafadeedkiisa, wuxuu u qabtay inuu hadal ka daba carraabiyo hebel kale oo meel kale, maalin kale, oo cid kale dhegaysanaysay, hadal kale oo aan isagan wasiirka ah, wasaaraddiisa iyo shaqadiisa midna khusaynin ka yidhi.  

Waxa haddaba bogga wararka ee Hadhwanaagnews igaga soo baxay mid ka mid ah warsaxaafadeedyadaas halwadka ah ee dawladdu shaqo ka dhigato. Dabcan sida aan ugu hiloobo marwalba in dalkaygii wax wanaagsani ka dhaco, in wax u kordhaan, in garaadka siyaasigeennu kobco ayaan warka wasiirada iyo maamulka u xiiseeyaa, oo bal in wax manfac u leh dadka iyo in kale ay ku hadleen isha u mariyaa. Waxa igaga soo baxay boggaas aan tilmaamay sheeko ku bilaabantay sidatan;  

“hadhwanaag 2007-06-07: Hargeysa (HWN):-Wasiirka warshadaha Somaliland Md. Maxamed Saleebaan Maxamed ayaa ku eedeeyey qaar ka mida hogaamiyaashi SNM oo uu ku jiro Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo uu ku tilmaamay Hogaaniye aan jaho-siyaasadeed lahayn. Wasiirku waxa sidaa ka sheegay shir’jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa” 

Haddii aynu wasiirka warkiisa ka soo qaadno mid runta ku raftay oo Axmed Maxamed ka dhigno nin siyaasaddiisu jaho aanay lahayn, maxaa wasiirka jahadiisa siyaasadeed ee uu fadalkiisii weli ka sii qoyan yahay agagaarka wershedda sibidhka ee Berbera ay tolow noqonaysaa?  

Wersheddii madaxweynaha, wasiirkan hadlaya iyo wasiir kale oo maanta aammusani, beri dhexdaas ah dadka ku maansheeyeen, ee ay dhaarta mijinta hereriga ah gacanta la saarayo dadka ugu mareen in dhakhso loo dhisayo, tolow wasiirku muxuu aflagaadada Siilaanyo ka dib wax inoogaga sheegiwaayay? 

Mise wersheddiina waxa ay ku dayatay Siilaanyo oo jihadii farsamo ee ay dhulka ku fadhiisan lahayd ayaa ka xumaatay? Malaha wasiirku wuxuu ka ilduufay inuu hadalkiisa ku wajahan odayga raaciyo; “Eeyaahee Axmed, marraa-waaxid siyaasaddaadii jahadu ka luntay waxa ay asqaysiisay wershedihii la ii diray oo iyaguna diiday in ay Jarmalka soo dhaafaan” 

Muwaadin siyaasadda macmalka ah ee Somaliland aad u lafagura, Axmed Xaaji Nuur, oo dalka Noorwey ku nool, islamarkaana aad ula socdey wershed geedkeed ba’ay oo wasiirka wershedaha, madaxweynaha iyo dhawr nin oo kaleba muddo badan dadweynaha reer Somaliland ku maaweelinayeen ayaa dhowaan maqaal uu qoray wuxuu inagu xusuusiyay muddadii dawladda Somaliland inoo qabatay in wersheddaas jaan dalka ku imanayso, bisha saddexaad ee sannadka 2007, ayaa la inagu yidhi. 

Ma aha gef iyo meel ka dhac midna in siyaasigu weeraro qofka ay siyaasadda iskaga soo horjeedaan, sidaas aawadeed wasiirka wershedaha cidi ku qabsanmayso haddii uu Siilaanyo daaqad kala boodo, waxa se af kala qaad ah xadhigga uu wasiirku ka garaacayo.  

Marka koowaad waa in siyaasiyiinta noocan ahi xisaabta ku darsadaan in garaadka bulshadu ka sarreeyo kan ay iyagu ku talagelayaan. Madaxayaga waxa ku jira dareemayaal iyo maaddooyin kiimiko ah oo intaas ka shaqeeya sidii aannu waxkasta oo nolosha iyo dabeecaddu na hor keento u lafaguri lahayn, u na areerimi lahayn. Bulshadu ka ballaadhan ka na aqoon iyo garasho badan wasiirrada, sidaas aawadeed ma aha in wasiirradu ay bulshada ula dhaqmaan sidii shandaddooda oo kale oo ay is yidhaahdaan marwalba waxa aad doontaan ayaad ku ridanaysaan iyada oo aan weydiin laga keenin. 

Marka labaad, wasiirradu waa in ay shaqadooda bartaan. Dalku wuxuu leeyahay saddex urur qaran oo leh saddex guddoomiye oo isu dhigma, iyaga ayaa habboon in ay isu tuurtuuraan lafagurka iyo jareexada siyaasadeed ee dhexdooda taalla, maaha in wasiirka wersheduhu garab ka fuul noqdo oo inta uu wasaaraddiisa wershedaha saxaafadda ugu yeedho yidhaahdo, Siilaanyo ayaa lumay ee ha la soo helo. Waa inuu marka hore waxa ka lunsan wasaaraddiisa uu hor fadhiyo bulshada uga warramaa, waa inuu inoo sheego wershedda maqan ee badda soo dhaafiweyday waxa haysta iyo sida dhibkaas looga baxayo. 

Hadal iyo dan, bulsho waxay ku leedahay; “Wasiir iska illow Siilaanyo iyo SNM oo wersheddii sibidhka bal warkeedii u dambeeyay uga warran dadweynaha reer Somaliland?” 

Akhri: Qoraaladii hore ee Cige....

Cabdillaahi Cawed Cige, Liverpool UK  edleh@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh oraaga ku saxiixan

Faain: SomaliTalk.com | June 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com