SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Sen. Coleman oo la gudoonsiiyey biladda "Saaxiibka Soomaalida"

Maanta oo ku beegan June 16, 2007maalinta caruurta Africa Senator Coleman –(MN) waxaa uu la kulmay Murayo Nur Ali iyo aabaheed Nur Ali Hudow iyo qoyskii soo sponsarey ee soo damaanad qaaday Mudane Abdicasiis Gaal iyo xaaskiisa Sahro Maxamuud.   Senator Coleman ayaa gudoonsiiyey bilad qoyskii keenay Murayo iyo aabaheed ugana mahad celiyey dadaalkii iyo isxilqaamkii ay qoyskaasi Soomaaliyeed sameeyeen kuna tilmaamay mid ku dayasho mudan. 

Waxaa isla goobta kulan Joogay salaadiin iyo hogaamiye dhaqameedyo Soomaaliyeed oo uu horkacayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Pfofessor Omar Dhalxaa.   Odayaashaas Soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Haaji Koogaar oo ah nin lagu yaqaan ka shaqaynta nabadda Banaadir (Peace activist), Suldaan Yusuf Cali Sokor, Suldaan Caliyow Ibrow, sidoo kale waxaa goobta joogay Ugaasyo, Islow, Islaam iyo nabadoono badan. 

Professor Dhalxaa oo ku hadlaya magaca umadda Soomaaliyeed , tan dawladda soomaaliyeed, qoyka Muraayo Nur Ali iyo Nuur Ali Hudow iyo magaca salaadiinta/ hogaamiye dhaqameedyada/haweenka shirka joogay ayaa senator Norm Coleman gudoonsiiyey bilad sharaf qaali oo la yiraahdo “Saaxiibka Soomaaliya”  Professor Dhalxaa ayaa yiri “ Senator Coleman maanta oo ah maalinta Caruurta Afica 2007 waxaa sharaf weyn ii ah in aan ku dhawaaqo inaad tahay maanta laga bilaabo Saaxiibka Soomaaliya   Soomaalida Minnesota ayaa kuu garatay kaana mahadinaysaa kaalinta aad ka gaysatay keenista gabadhan yare ee Soomaaliyeed oo u baahnayd daryeel  caafimaad, marlabaad maanta oo ah Maalinta caruurta Africa anigoo ka faaiideyasanaya waxaan kula socodsiinayaa inay haboon tahay in  dalwdadda maraykanku kordhiso taageerada dhaqaale oo lagu maalgelinayo mashaariicda caruurta soomaaliyeed lagu daryeelayo 

Wararka aan ka soo xigtay soomaalida Minnesota ku nool waxay ii sheegeen in Senator Coleman wax badan u qabtay bulshada soomaalida Minnesota una qalmo “Saaxiibka Soomaalida”  waxyaabaha ay ii sheegeen ee ay ku xasuustaan Senator Coleman waxaa ka mid ah:

Balantii ahayd in haddii la doorto 90 beri gudaheed uu Somalida kula kulmi doono oo uu fuliyay halka senatorada kale aanan la arag ama ka aamuseen arrimaha Soomaalida.

In xafiiskiisa looga hadlo af Soomaali

Markii la gubay qaybo ka mid ah masaajidka Islaamic Center of Minnesota (Fridley) telefoonkii uu imaamka kula xiriiray 2004

Markii la gubay qayb ka mid ah Masaajid Abubakar Al Sadiiq –qoraalkii uu ka soo saaray 2006

Dhaqaalahii uu ka caawiyey mid ka mid ah jaaliyadaha bulshada Confederation of Somali Community 2006

Qoraaladii uu ka soo saaray tacadiyadii Human Rights ee Soomaaliya, Oromo. Ogaden, iyo Soomaalida South Africa.

Adeega guud ee uu bulshada u hayo sida isu keenista qoysaska Somaaliyeed ee kala firirsan (Family Reunion)

Amendment uu soo dhex dhigay US Congress immigration bill oo ku saabsanaa in FBI la taageero dhaqaale ahaan lana xakameeyo waqti ahaan oo waxa loogu yeero Name Check uusan ka badan 6 bilood (Amendmentigan waa laga diiday nasiib darro)

Dadaalkii uu ka soo qaatay soo jeedinta US Government inay ka qayb qaadato nabadaynta Soomaaliya.

Dhawaaqa codka soomaalida oo uu gaarsiiyey US Congress/State Department. 

Si kastaba ha ahaatee Senator Coleman ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee hela biladda “Saaxiibka Soomaalida”  Arrintaasna waxaa uu ku mutaystay markii uu noqday Congressmanka keliya ee Minnesota oo aad ugu shaqeeya bulshada Soomaalieed isla markaana noqday Congressman keliye ee Minnesota ka hadla had iyo jeer arrimaha murugsan ee Soomaalida meesha kuwa kale dhegaha ka furaysteen arrimaha Soomaalidii u codeysay. 

Abdirahman Mohamed
Minnesota, USA
Timos@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 25, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com