SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 
Daabaco Boggan | Print

QARAX KA DHACAY GAROONKA WILSON AIRPORT EE NAIROBI

Oct 18, 2004


Dabdamis taagan garoonka Wilson Airport, qaraxii shalay galab ka dib | Sawirka Standard | Oct 18, 2004

Saddex qarax oo xiriir ah ayaa ka dhacay garoonka Wilson Airport ee magaalada Nairobi shalay galab (Octoobar 17, 2004) markey saacadu ahayd 4:30pm, waqtiga Afrikada Bari. Qaraxaas oo waxyeelo gaarsiiyey garoonka. Waxaa la sheegay in qaraxaasi uu dillaaciyey derbiga iyo saqafka qol ka mid ah qaybta ay dadweynuhu ka duulaan, waxa kale oo burburay daaqadaha qolkaas. Waxaa halkaas ku dhaawacmay laba dumar ah oo markii dambe la geeyay isbitaalka "Mater hospital". Qaraxaasi markii uu dhacay waxaa garoonka la xiray muddo laba saacadood ah kadibna dib ayaa loo furay.

Qaraxa kaddib waxaa la arkayey muraayo daadsan garoonka hareerihiisa ilaa 100 miter.

Markii ugu horeysey waxaa la soo weriyey in qaraxaasi uu ka dhashay bombaano lagu soo qariyey boorso, laakiin dad goobta joogey ayaa sheegay in ay maqleen saddex qarax oo xiriir ah.  Sida ay caawa werisey jariidada Daily Nation oo k asoo baxda Nairobi, Saraakiil sarsare oo ka tirsan dalka Kenya ayaa markiiba beeniyey in qaraxaasi uu ka dhashay bombaano, waxaana saraakiishaas kamid ah wasiirka gaadiidka John Michuki, Wasiirka Isgaarsiinta Raphael Tuju iyo madaxa garoomada kenya George Muhoho.


Afhayeenka dawlada kenya,  Dr Alfred Mutua (bidix), iyo
Raphael Tuju [wasiirka Information] oo warbaahinta kula hadlayey garoonka Wilson Airoport, kaddib qaraxii ka dhacay garoonka. Sawirka Standard.

Mr. Tuju ayaa yiri: "(Qaraxaasi) ma ahayn bombaano. Waxa uu ahaa mid ka dhashay waxyaabaha gubta ee loo yaqaan "flammable material", laakiin ma sheegi karo waxa uu sheygaasi yahay ilaa baaritaan lagu sameeyo. u malayn maayo in uu yahay bomb sababtoo ah waxa uu ka yimid (qaraxu) waxyaabo ku kaydsanaa maqaasiin".

Sarkaalka booliska Brig Ali oo asaguna meesha ka saaray in qaraxaasi uu ka dhashay bomb ayaa sheegay in uu soo sheegi doono halka baaritaanku marayo 24 saac gudohood.

Dhanka kale sida ay caawa werisey jariidada Standard, ilo ammaanka qaabilsan waxa ay sheegeen in ay baaritaan ku hayaan xiriirka ka dhexeeya qaraxaas iyo Soomaaliya, waa sida jariidadu warka u dhigtaye, waxana ay intaas ku dartay in baarintaankaas la samaynayo sababtoo ah waxa qaraxaasi dhacay wax yar ka hor intii aan madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, C/laahi Yuusuf, kusoo laaban garoonka.

Slideshow image
MDFKMG, C/lahi

Jariidada oo hadalkeedii sii wadata waxa ay tiri: ilo ammaanka qaabilsan oo weydiistey in aan la magcaabin ayaa sheegay in madaxweyne C/laahi iyo wafti la socdey ay socdaal ku tageen "Maasai Mara National Park". Waxana ay ku soo laabanayeen magaalada Nairobi markii diyaaradii ay saarnaayeen si kedis ah loogu weeciyey garoonka caalamiga ah ee "Jomo Kenyatta International Airport" (JKIA). Madaxweynaha iyo waftigiisu waxay subaxnimadii shalay (oct 17) ka baxeen Nairobi, waxana ay qorshaynayeen in ay garoonka Wilson kusoo laabtaan ka hor afurka, qiyaastii 6:30 waqtiga Afrikada Bari..

Markii ay diyaaradii uu la socdey madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya ka degtey garoonka JKIA, oo halka loo leexiyeyey, waxaa markiiba madaxweynaha loo qaaday meel aan la magcaabin, ammaankiisana aad ayaa loo adkeeyey, ayey jariidadu warkeedii kudartay.

Garoonka Wilson Airport waxa uu ka mid yahay garoomada bariga afrika ee ay diyaaradaha ugu badani ka duulaan. Waxaa garoonka ka hawlgala 27 shirkadood kuwaas oo leh 200 oo diyaaradaha yaryar iyo 400 oo duuliye. Laakiin Garoonkani waxaa inta badan laga qaadaa ama ka duula xamuul aad uga tiro badan dadka ka duula. Waxaa maalintiiba ka duula 500 oo duulimaad, kuwaas oo dadka ay qaadaan ay gaarayaan ilaa 1,000 qof, halka garoonka caalamaiga ah ee JKIA ay maalintiiba ka duulaan 120 duulimaad oo qaada 10,000 qof.

Xamuulka ka dhoofa garoonka Wilson Airport waxaa kamid ah QAADKA ka yimaada Meru ee ku socda Soomaaliya.

ISHA:  STANDARD | DAILY NATION |

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2004


WAR SAXAAFADEED: Somali Concern Group
waxaan soo dhoweyneynaa dhameystirka shirka iyo doorashadii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...

Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...

Warar Goos Goos ah::: Oct 17
»Wada hadal laga dhex wado Yalaxow, C. Caato iyo Madwayne C/laahi
»Madaxwayne C/laahi oo sheegay inay Muqdisho tahay Caasimadda
»Dowlada cusub oo loo soo jeediyey inay ka degto Magaallda Muqdisho
»Dr,C/qaasim  iyo Wafdi uu horkacayo oo maanta soo gaarey Muqdisho
»Xiriir telefon oo dhex maray m/weyne C/lahi iyo m/weyne Qadaafi
»Dalka Swedan oo lagu qabanayo shir looga hadlayo dib u dhiska
Dhammaan ka akhri halkan... Guji
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD