SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Cabdillaahi Yuusuf iyo Somaliland

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

”Waxay ila tahay dhammaanteen waan wada og nahay midnimada Soomaaliya in ay tahay shay lamahuraan ah oo muqaddas ah. Markaa dib u heshiisiinta haddee waxaan ku darayaa walaalaheen Waqooyiga Soomaaliya oo iyagu la baxay Somaliland. Dad walaalaheen ah weeye, dad runtii aan aad kollay anigu nin baan ahayoo, idinkana waan filayaaye, aan uga xanuunsado wixii dhibaato hore u gaaray. Waxaa loo baahan yahay xukuumadda markii la dhiso wada xaajood nabadeed iyo sidii loo soo celin lahaa midnimada umadda soomaaliyeed in lagu soo dabbaalo arrintooda. Waana xaaraan, mana suurtogelayso, xabbad dambe in aan ridno oo xabbad loola tago walaalaheen.” 

Sidaas ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed u hadlay xafladdii loogu caleemosaaray madaxnimada Soomaaliya. Waa hadal aad uga duwan dabeecaddii lagu bartay hoggaamiyeyaasha koonfurta badankooda, kuwaas oo ku hadla afkii kelitaliye Maxamed Siyaad Barre. Sidan cusub ee uu Cabdillaahi u hadlay waa sidii seegtay Cabdiqaasim, kaas oo markii la doortay halkii uu ummadda u furi lahaa wadahadal iyo geeddisocod nabadeed, kana shaqayn lahaa dhayidda dhaawacyadii la isu geystay, bilaaby dafiraad, hanjabaad iyo dardaarwerin. Dadaalkiisa iyo dagaalkiisa wuxuu si qaldan ugu jeediyey meelihii maamullada iyo nabaddu ka jireen, isaga oo is-illawsiiyey waajibkiisii koowaad ee ahaa in uu Xamar ka dhigo meel lagu noolaan karo oo dawladi ka shaqayn karto. Waxay ahayd arrin aan sinaba loogu baahnayn in Cabdiqaasim dad wax uu isagu qaban waayey qabtay, oo degaankooda nabadeeyey bulshaduna dooratay, in uu inkiro iskuna dayo in uu burburiyo. Isla markaas ma ay habboonayn in uu ku faano in uu ka tirsnaa taliskii dooxatada ahaa ee Oktoobar, oo uu beeniyo ama yareeyo halaaggii iyo dumintii uu taliskaasi umadda baday. 

Taasi ha jirto haddana Cabdilaahi Yuusf qudhiisu kama fayooba cudurka siyaasiga soomaaliyeed dilooday ee ah kursi jacaylka qabyaaladda ku dhafan. Madaxnimo loo maro waddo walba iyo qabyaalad aan lala gabban Cabdillaahi laguma tuhunsana ee waa eed ku cad oo aanu isaga qudhiisu marnaba qarsan. Ma aha nin ku tilmaaman waddaniyad, munaasabado badan ayuuna qabyaalad qaawan laabta u garaacday ay ugu dambaysay in uu qirtay sababta uu maamulka Sool iyo Sanaagbari ugu murmayaa in ay tahay qabyaalad, ee aanay ahayn soomaalinnimo iyo midnimo. 

Ha ahaatee labadaas dabeecadood ma aha labada ugu xun ee siyaasiga maanta joogaa yeelan karo; waxaa ka sii xun aragtigaabni iyo kartidarro. Labada dabeecadood ee dambe qofka ku sifoobay ma gaadhi karo heer waxqabad ee sallaanka koowaad ayuu ku kufaa, laakiin ka leh labada hore – xukun jacayl iyo qabyaalad – wuxuu yeelan karaa waxqabad, natiijadu ha xumaato ama ha samaatee. Sidan dambe ayaa Cabdillaahi Yuusuf loo wada arkaa. 

Iyada oo xasuusta lagu wada hayo shashsiyadda Cabdillaahi Yuusuf ayey soomaalida badankeedu madaxnimadiisa ku qaabbishay shaki iyo digtooni. Kelitalisnimo hor leh, dhiig badan oo daata, iyo danihii cadawadeed ee Xabashida oo meelmara ayaa ah saddexda masiibo ee taladiisa laga filan karo. Laakiin haddana wuxuu noqon karaa fursad khayr leh oo lagaga baxo rubuc qarni dhimasho, burbur iyo fawdo ah. Iyada oo laga faa’iidaysanayo kartida iyo dhiirranaanta Cabdillaahi Yuusuf lagu sheego ayaa lagu fushan karaa wax lagaga baqayo oo dhan beddelkooda. Cidda ugu horraysa ee ay taas dani ugu jiri kartaa waa Somaliland oo nolosheedi afar iyo toban sano fadhiid u ahayd, dadaalkeeduna u curyaansanaa, niman aan gari gelin garina ka bixin oo isbaarooyin Xamar iska hor tuban.  

Weli lama saadaalin karo ilaa inta ay gaadhi karto awoodda fulineed ee dawladda cusubi, waayo Banaadir waxaa ka buuxa kooxo leh awood ciidan ama dhaqaale ama labadaba, kuwaas oo laga yaabo in ay soo dhoweyn waayaan ama soo dhoweeyaan iyaga oo aan dan wanaagsan ka lahayn. Qaarkood danta keliya ee ay dawladnimada ka rabaan waa in ay sidii sac irmaan Xamar ku xidhaan oo marba sadaqada ay dunidu ku soo shubto ka shubtaan. Laakiin waxaynu eegaynaa haddii ay sida wanaagsan u dhacdo oo koonfur ka hirgasho sida ay u wada dhaqmi doonaan iyada iyo Somaliland. 

Dhawaaqa nabadeed ee Cabdillaahi Yuusuf ka soo yeedhay ee Somaliland ku saabsani sida muuqata ma aha oo keliya xaqiiqo uu ku qancay ee waa natiijo ka dhalatay cadaadis dusha kaga yimid, shisheeye iyo sokeeyeba. Taageeradii feejignayd ee Maraykanka ka timid digniintii ku lifaaqnayd ayaa daliil inoogu filan. Isla markaa meesha kama maqnaan karto Cabdillaahi qudhiisu mar haddii uu gaadhay yoolkii uu weligii higsnayey in uu goostay arrinta in uu ka odayeeyo, taas oo aan madaxnimadiisa guul mooyee khasaare ugu jirin. Waana hubaal khudbaddiisu in ay bakhti afuuftay rajada nabadda iyo midnimada Soomaaliya inteeda ku aaddan Somaliland, walow ay tahay arrin labada dhinacba uga baahan kaga dhabayn.  

Marka la gaadho marxaladda wadahadalka waxaa soo baxaysa dhibaato Somaliland ka jirta oo maanta qarsoon taas oo ah kala qaybsanaanta siyaasadda gobolka. Siyaasadda Somaliland waxay u kala taagan tahay saddex dhinac: 1) Kooxda maamulka haysa ee Rayaale hormuudka u yahay uu weheliyo ururka UCID. 2) Mucaaradka uu Siilaanyo ugu weyn yahay. 3) Midnimo-doonka ay Qaalib, Galaydh iyo Kalluun ugu caansan yihiin. 

Saddexda kooxood mid waliba waxaa laga yaabaa in ay iyadu isa siiso doorka wadahadalka, taas oo keeni karta in si habaqle ah loogu biiro maamulka Cabdillaahi Yuusuf. Shaki la’aan taas waxaa ka soo dhex baxaya khasaare siyaasadeed oo gobolkaas mar kale soo wajaha. Ugu yaraan waxaa meesha ka baxaysa in cabashooyinkii badnaa ee hore u jiray si dhab ah wax looga qabto, cabashadaas oo aan sii jiitankeedu soomaalida kale qudheeda dani ugu jirin. Haddaba si loo garto sida ay dantu ku jirto waa in si daacad ah looga jawaabaa: Waa maxay cabashooyinka ay tahay in la xalliyo ee gobolku? Dadka gobolka ma naftooda oo keliya ayuu xil ka saaran yahay mise Soomaaliya oo dhan? 

Jawaabaha labadaas weydiimood ka soo baxa ayaa ina baraya kala duwanaanta saddexda kooxood iyo wax ay mid waliba ku wanaagsan tahay ama ku xun tahay. Kooxda koowaad oo ah UDUB-ka talada haya oo xulafo la ah xisbiga UCID waa kooxda ugu hagjirsan uguna dulqaad yar saddexda kooxood. Waxay qaaddaa tallaabooyin aan habboonayn waqti aan habboonayn, sida booqashadii Rayaale ee Laascaanood, iyo hadallo aan munaasab ahayn, sida in rasmi ahaan Cabdillaahi Yuusuf loogu eedeeyey in uu ka dambeeyey falalkii argagixisada ahaa ee caddaanka lagu laayey, iyo in uu Faysal Cali Waraabe ku dooday ”Wiilka Addis jooga ayaa iga xiga ka Xamar jooga”. Kooxdani waa caaddifi aan dulqaad u lahayn aragtida teeda khilaafsan, aad ayeyna ugu liidataa gaashaanbuursiga soomaalida koonfurta, wyna ka indho la dahay maslaxadda guud ee soomaalida. Geeridii Cigaal ayaa kooxdan ku ahayd dhabarjab weyn oo ay ka soo kaban weyday. Sidaa darteed wadahadal kasta oo ay kooxdani la yeelanayso maamulka Cabdillaahi Yuusuf waxaa loo baahanayaa gacan saddexaad oo dhexdhexaadisa. Gacanta saddexaad ma noqon karto Itoobbiya, oo in kasta oo ay labada qolaba isku fiican yihiin haddana aan marnaba si daacad ah uga shaqayn doonin isu soo dhoweyntooda. 

Qolada labaad, oo ah mucaaradka ururka UDUB ee uu Siilaanyo hoggaaminayo, iyo qaar ka mid ah ruugcaddaaga ururkii SMN, tii hore way uga bisishahay wada xaajood noocan ah. Waxaad mooddaa in ay xamaasadda gooni goosadka iyo baqdinta koonfurta laga qabaa ku yar tahay, isla markaas ay naftooda iyo siyaasaddooda u diyaariyeen aqoonsi la’aan Somaliland ku timaadda iyo midnimo lagu khasbanaado. Isla markaas dacaayaddooda siyaasadeed waxay ku salaysan tahay SNM, ururkaas oo aan run ahaantii weligii si dhab ah ugu ololayn kala go’a Soomaaliya. Mar kalena xubnaha sarsare ee ka soo jeeda SNM waxaa u nugul dareenka dhinaca kale ee wadahadalka uu hoggaaminayo Cabdillaahi Yuusuf (SSDF), waxaana la isla fahmi karaa wax badan oo aan hadhaadigii Kacaanka la isla fahmi karin. Laakiin kooxdan oo keligeed wadahadalka isu qoondaysa waxaa ka dhalanaysa halis ah in loo arko mid kala dhantaalaysa midnimada gobolka. Kooxdani waxtarka ugu weyn waxay yeelan kartaa haddii ay wadahadalka qayb ka ahaato iyada oo la socota kuwa talada haya. 

Kooxda saddexaad ee u taagan in iyada Somaliland lagala arrinsado waa dadka lagu magacaabo ”Soomaaliweyne” ama ”Federaaliste” ee weligood ku soo jiray dadaalladii lagu raadinayey soo celinta dawladnimadii iyo midnimadii Soomaaliya. Shakhsiyaadkaasi run ahaantii waxay ka mid yihiin kuwa ugu aqoon iyo waayo’aragnimo fiican dhammaan siyaasiyiinta gobolka, waxaase lagu xantaa niyadsamida ay Soomaaliya u qabaan in ay la mid tahay tii ”la eeday” ee lixdankii. Sidoo kale waxaa lagu xantaa midnimada ay raadinayaan in ay ka tahay xin ay kula ficiltamayaan dadkii siyaasadda Somaliland kaga adkaaday. Kooxdani iyaduna markii ay Cabdiraxmaan-Tuur wayday waxay isu rogtay wax aan ka duwanayn ”Bulshada Rayidka ah” (Civil Soceity), mana leh fikrado iyo qorshe muuqda oo dalka dib loogu midayn karo, ama baahida reer waqooyiga lagu meel marinayo. Sidaa darteed ma aha dad soo saari kara ama muhimmad siinaya danaha gaarka ah ee gobolka, waxbana lama wadaagi karaan qabqablayaasha koonfurta oo ah niman bahaloobay oo aan qof debecsan u arxamayn. Xil kasta oo ay kooxdani maamulka Cabdillaahi Yuusuf ka qabataa kama duwana xil loo dhiibay qof reer koonfureed ah, mana dhaamayaan sidii ay ka ahaayeen maamulladii Cali Mahdi, Caydiid iyo Cabdiqaasim. Sinaba uma matali karaan beelaha ay ka soo jeedaan, marka laga reebo Dr. Galaydh. 

Xaalka marka sidaas loo arko waxaa loo baahan yahay, cid walbana dani ugu jirtaa, saddexda kooxood in ay midoobaan, arrintana wadajir u gorfeeyaan, dabadeed sidaas wadahadalka ku galaan. Waxaa laga yaabaa Cabdillaahi Yuusuf saddexdaas kooxood ta uu dan bido in uu la xaajoodo, kuna dadaalo in uu sii kala fogeeyo si uu uga dhex faa’iidaysto. Taasi run ahaantii waxay ka hor imanaysaa maslaxadda dhabta ah ee gobolka iyo ta guud ee dalka, waxayna dhalin kartaa danta loo socdo beddelkeeda oo xataa Cabdillaahi Yuusuf ku rogmi karta. Cid aan kalsoonida bulshada haysan oo lala hadlaa gudaha Somaliland waxay ka abuuri kartaa qalaanqal iyo xasillooni darro, bulshadana Cabdillaahi Yuusuf waxay u tusi kartaa cadow noloshooda iyo nabaddooda duullaan ku ah. Sidaa darteed waxaa la gudboon in uu la hadlo cidda ay taladu ka go'do ee haysata kalsoonida iyo doorashada bulshada gobolkaas, kana faa'iidaysto qaladaadkii Cali Mahdi iyo Cabdiqaasim. Sidaas ayaa lagu gaadhi karaa heshiis meelmar ah oo loo wada aayo. 

Wadahadalka la filayo ka hor iyo ka dibba waxaa muhiim ah deeqda ay dunidu Soomaaliya ugu yaboohi doonto in qayb weyn loo qoondeeyo dib u dhiska iyo dib u noolaynta waqooyiga oo ku burburay kuna naafoobay awooddii Qaranka Soomaaliya intii ay dawladnimadu jirtay, halka ay koonfurta badankeedu ku burburtay legdan beeleed. Cid kasta oo doonaysa in ay kasbato niyadda iyo kalsoonida dadweynaha gobolka, haddii ay noqoto midnimo iyo madaxnimaba, waxaa ku filan saddex qodob: 1) In la qiro falkii dabargoynta ku sinnaa ee dadkaas magaca soomaalinnimada loogu geystay; khudbaddii Cabdillaahi Yuusuf ayaana taas u ahayd bilaw wanaagsan. 2) ln la soo hor dhigo hannaan midnimo oo dammaanad qaadaya wixii sannadihii 80-kii dhacay in aysan dib u dhacayn. 3) In la tuso dawladnimadii dhulkooda lagu dumiyey oo dib loogu dhisayo. 

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo Gaystay Samsam  iyo Dilkii loo gaystay Marxuum
»Hargeysa: faraxumayntii loo geystey Samsam Axmed Ducaale
»Mugadisho: Dilkii loo geystey Marxuum Cabaas Cabdi Cali
Dhammaan ka akhri halkan... Guji... Oct 20, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar oo qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Som. Denmark Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD