Soomaaliya oo
ku sii biiraysa Ciraaq iyo Afgaanistaan.
C/risaaq Daad.
Email:
gahary25@hotmail.com
Soomaalidu markii ay gobannimada qaadatay
1960kii uma diyaarsanayn nidaam dawladnimo inay isku maamulaan, kooxdii
xilligaas talada qabatayna waxay isku dayeen inay hannaanka dimoqraadiyadda
wax ku wadaan. Waase ku fashilmeen oo dhaqankii qabiilka iyo qabyaaladdii
ayaa si xoog leh ugu fiday maamulkii iyo hay’adihii dawladda oo curyaamiyey.
Taasoo keentay inay ciidamadii taladii la wareegaan, shacabkiina taageero
iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeyo.
Haseyeeshee ciidamada qudhoodu inkastoo
markii hore lagu diirsaday loona sacabiyey haddana ma ay keenin aragti
hannaan dawli ah xanbaarsan oo horseedi karta xasillooni iyo horumar.
Ciidamadu inkastoo ay Hanti-wadaag ku dhawaaqeen haddana kama ay
nasiib-roonaan kooxdii rayidka ahayd oo iyaga ka horraysey, sidii oo kale
ayaana qabiil iyo qabyaaladi ay la degeen, taasoo ay u sii dheerayd madax
adayg, waxlayn iyo cabiidin, ilaa la dhaxlay inay holcaaan dagaallo sokeeye
oo ay hoggaaminayaan jananno iyo kornaylo qabiilooyin-koodii ka dhigay
jabhado hubaysan.
Jabhadaha hubaysani iyaguna ma lahayn
aragti siyaasadeed iyo mabaadi’ dawladnimo oo lagu hirto. Waxay ahaayeen
qabyaalad qaawan oo qori wadata, ujeedkeeduna yahay inay wax dumiso.
Jabhadihii waa ku guulaysteen inay dumiyaan qarankii, dalkiina burburiyaan.
Dabadeedna waxay noqdeen qabiilooyin islaynaya oo aan ujeeddo kale lahayn
inuu qabiil ka adkaado mid kale mooyee.
Janannadii iyo kornayladiina waxay noqdeen
qab-qablayaal dagaal oo uu mid walbaa ku faraxsan yahay inuu qabiilkiisa
dagaal geliyo si qabiil kale loo laayo oo looga adkaado. Waxay kaloo noqdeen
kuwo sidaas madaxnimada u qaba oo faan iyo ammaan ka dhigta wixii la laayo.
Dabadeena taasi arrin looga daydo ayay noqotay oo waxaa hoggaamiyo kooxeedyo
dagaalka qabiilka hoggaansha noqday kuwo aan ciidanba soo marin ama
magaalaba arki jirin ama dhagaxlayaal ahaa aan war dawladeedba hayn. Kuwaan
danbe lagama jid laha maxaayeelay qabiilka iyo qabyaaladda waa yaqaannaan,
janannada iyo kornayladuna wax kale ma hayaan.
Waa sidaase, adduun-weynuhu wuxuu isku
dayey in soomaaliya loo soo gurmado oo la badbaadiyo, laakiin nasiibdarro
bar loo afgarto ayaa la aqoon waayey. Waa dad hal qoys ah oo isdhalay oo
dhiig, dhaqan, diin, midab iyo afba hal ka ah. Waana islaynayaan,
qab-qablayaashiina waa faraxsan yihiin, sidii ay filin jilayaan bayna u
egyihiin. Shirar badan ayaa loo qabtay bal in heshiis la helo, waase ku kala
tageen mid walba, maxaayeelay waxay isku waafaqsanaayeen inay filinka sii
jilaan oo uusan ka dhammaan.
Waxaa la soo gaarey shirkii ugu danbeeyey
ee Kenya (Eldoret, Embigathi).
Qab-qalayaashii waa la isu ururiyey. Meel
ayaa lagu wada xereeyey. Hulkii ay galaanba waa laga daba galay. Geedkii ay
ku xoqdaanba waa laga saaray. Ugu danbayn hal baarlamaan ayay isla noqdeen,
madaxweynana waa iska dhexdoorteen. Ninka la doortay mooyee inta kale waa
bidaar sibiq ku gashay. Keligi ayaa markaan filinkii jili kara. Iyaga waa ka
xirmay. Quluubtoodu raalli ma aha. Kitaabkii iyo dhaartiina waa ay wada
mareen. Danse kama ay galeen ee waxay ahayd fagaare caalamkii u dhan yahay.
Waxna waa laga saxiixay. Meel ay ka noqdaan ma joogaan, meel ay joogaanna ma
arkaan. Qabiilooyin dagaallamayna waa la ahaa. Laba qabiilo iyo ka badan
toonnana lama heshiisiin. Qoryaha ha la wareejiyo iyo hubka ha la dhigo
ayuuna hadalku joogaa.
SOOMAALIYA Ciraaq iyo Afgaanistaan miyay ku
sii socotaa??????
Taageeradii Mingiste Xayle Maryan uu siin
jirey jabhadihii hubaysnaa uma roonayn soomaaliya, maantana ciddii taageerta
in xalka Soomaaliya lagu raadsho xabbad iyo qori ma aha cid soomaaliya u
roon. Soomaaliya masiibada Ciraaq iyo Afgaanistaan ka jirta, markaan waa ka
nabdoon tahay, haddiise xabbad xal looga doono waxay halis u tahay inay
labadaas dal xaalkoooda isu rogto oo ku siibato. Sidoo kalena ay noqoto meel
soo jiidata xafiiltanka webiga Niil, oo hagardaamooyin badan oo horena ay
Soomaalida ka soo gaareen. Beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD ha ka
fiirsadeen in Soomaaliya xabbad danbe dib looga bilaabo.
C/risaaq Daad.
Email:
gahary25@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2004
»SAMSAM AXMED DUCAALE
vs HARGEYSA
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com