SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

NINKII DADAALA MADAXWEYNANA WAA GAARA!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Hamigaagu ha dheeraado, niyadaaduna ha wanaagsanaato, nafsadaaduna kalsooni buuxda ha haysato. Ku dayasho waxaa noogu filan dadka Reer Falastiin ee har iyo habeen la gumaadayo oo aan ka daalin tuurida dhagaxa waayo waxay aaminsan yihiin in ay maalin uu guul gaari doonaan. Waxaan marna wax la yeeli Karin niyadooda oo higanaysa madaxbanaani iyo iska tuurida heeryada gumeysiga. Waa in ay qowmiyadaha la yasaa lahaadaan qorshe iyo meel ay hiigsanayaan. Waa in ay cabirtaan oo calaamaystaan gaarida meel aad u qurux badan inkastooy ka sokeyso boholo, buuro, dugaag, dhimasho iyo wax walba oo ay naftu necebtahay. Waa in yar iyo weynba ay ogaadaan in takoorka iyo quudhsiga ay ku hayaan kuwa isla weyni ay ka soo horjeedaan oo aysan niyad jebinayan ereyo yar oo lagu yidhi sida: Midgaan, Boon, Jareer, Tumaal, Yaxar iwm. Waa in carruurta yar-yar la hagaajiyaa mooralkooda laguna tarbiyadeeyaa in kan Ajiga ahi uusan waxba dhaamin ama uu ka sareeyo. Waa in aysan carruurtani ku barbaarin oo aysan marna arkin waalidkood ama eheladooda oo ka didaya magacyo, dacaayad iyo sheeko xariiro la mala awaalay ah madaxana hoos u foorarinaya marka uu Ajigu la hadlo. Waa in carruurta yaryar looga sheekeeyaa sheeko xarriirada iyo siyaabaha kale ee cunsuriyadu ku iman karto loona sheegaa in ay yihiin quraafaad la doonayo in lagu gumeysto oo niyada lagaga dilo. Waa in qowmiyadaha la quursadaa ay ogaadaan in magacbixintani ay iska harayso haddii aysan waxba ka soo qaadin ama aysan ka xanaaqin.

Waxaa dhacday in anigoo jooga xafiiska iskoolka aan maamulaha ka ahay habeenkii ee Ubah Educational Services ay ii timid qof haweenay ah. Iskoolkan waxaa 1997 sameeyey aniga iyo saaxiibkay Cabdirashid Warsame oo aanu ugu tala galnay in dadka waaweyn ee Soomaaliyeed ay ka bartaan Ingriiska, Xisaabta iyo Cilmiga Bulshada. Haweenaydii baa iga codsatay in aan sameeyo wax sharciga aan ku haboonayn, markaasaan u sheegay inaanan samayn Karin. Waxay tidhi: 渡inyahow iska daa Midgaanimada ee iisamee waraaqaha!. Waxaan u sheegay in aanan weligey maqal magac ka wanaagsan oo laygu yeedho.! Inta ay yaabtay oo afka qabsatay bay iyadoo qosol gariiraysa iga carartay. Gabadhaa waxba kuma sameyn markay igu tidhi Midgaanyahow, laakiin waxaan tusay oo aan u muujiyey in Midgaanka oo laysugu yeedhaa uusan dhib lahayn. Iyaduna waxay ogaatay in ay jiraan dad aan ka nixin, indhaha hoos u rogan, xanaaqin oo dagaalamin, meel isku buusin ee la soo taagan Filinkaas waa qarxay Xaajiyo!

Tusaale kale oo ku saabsan isku kalsoonaanta iyo in qofku uu ogaado in aan niyadiisa iyo wuxuu damacsan yahay marna la jebin Karin waxaa noogu filan Madaxweynaha Xilligan loo dooratay Soomaaliya. Bal ila akhriya Rafaadka uu ninkani u soo maray in uu riyadiisa run ka yeelo. Waxaan soo qoray oo keliya inta iga quseysa oo ah sidii aan u noqon lahaa qof isku kalsoon, ujeeda leh, mooral iyo nafsadna u haya in uu gaari karo waxa uu damacsan yahay. Dad aan badnayan oo leh ujeedo iyo kajeedo(vision) kana dhabeeya waxay ku haminayaan ayaa Ceelkaa Soomaaliya ka dhasha!. 

C/llaahi iyo Jeneral Daa置ud 

Jeneral Daa置ud: Burco!, Burco!, Burco! Cabdulaahi!, C/llaahi!, C/allahi ma imaqashaa? waa Jeneral Daa置ude!. Hadal ma leh, cidina qaban mayso taarka. Bal aan ku celiyo: Aloow, ma I maqashaa Cabdullaahi?.

Mijir C/llaahi: Aloow, waan ku maqlaa taliye

Jen. Daa置ud: C/llaahi maxaa lagaaga waayey goobtii lagu ballamay ee Shiikh! Miyaadan helin warqadii ay booyadii milateriga ee maalmaha soo socotay kuu waday

C/llaahi: Taliye adiga warqad kaama helin ee waxaan helay warqad uu soo diray 2 xiddigle.

Jen. Daa置ud: C/llaahi, C/llaahi 2 xiddigluhu waa gacanyarahayga anigaana ku amray in uu dhamaan taliyayaasha ciidamada u diro warka.

C/llaahi: Taliye anigu si aan 2 xiddigle amar uga qaato garan mayo ee fadlan haddii wuxu amar miletari yihiin adigu isoo amar!.

Jen. Daa置ud: Waayahay C/llaahi! Soo kexee ciidanka keen meesha ay kuwa kale joogaan.

C/llaahi: Waa yahay taliye! 

Taasi waxay ahayd dood dhex martay Madaxweynaha Federalka ee wakhtigan, Claahi Yusuf iyo Janaraalkii ay Ciidamada Qaranku jeclaayeen ee Jeneral Daa置ud Allaha u naxariistee. Ciidamada waagii hore iyagoo raran ayay ka soo bixi jireen xarumahooda kala duwan oo ay socod ku soo bixin jireen dhul baaxad weyn, kadibna ay isugu iman jireen meel la sii cayimay. C/llaahi oo ahaa taliyihii Qaybta Burco ayaan meelna u dirin Ciidankii Gorayacawl ee la filayey in uu yimaado Shiikh ee lagu ballamay kadib markii uu qoonsaday warqad lagu amrayo kaxaynta ciidamadaas oo uu 2 Xiddigle soo saxiixay!. 

C/llaahi iyo Madaxweynihii Adan Cadde 

Madaxweyne C/llaahi Yusuf ayaa yimid xafiiska Madaxweynihii waagaas Adan Cadde. Waxaa lasoo weriyey in Madaxweyne Adan Cadde uu xafiiskiisu u furnaan jirey dadka oo dhan,  qofkii muraad lehna uu geli jirey iyadoon cidna xanibi jirin. Laakiin waxaa caado u ahayd Madaxweynaha in uusan raajin dadka oo uu uga jawaabi jirey qof walba sida ugu dhakhsaha badan in uu wuxuu rabo u qaban karo iyo in kale. Markaa ugu badnaan qofka muraadka lihi Madaxweynaha xafiiskiisa daqiiqado ka badan kuma jiri jirin. Madaxweynuhuna dadka sooma sogootin jirin ee qofka muraadka lihi isagoo lugaynaya ayuu ka soo bixi jirey xafiiska Adan Cadde. 

Waxaa la yidhi Madaxwene C/llahi ayaa yimid xafiiskii dhigiisii hore ee Adan Cadde. Wuxuu ku jirey muddo kor u dhaaftay 30 daqiiqo oo dadkii dibada joogay oo dhan ka yaabisay. Markii uu C/llaaahi Yusuf soo baxay ayaa la arkay Madaxweyne Cadde oo soo sagootiyey kadibna inta uu istaagay weliba kusii dheegagay C/llaahi oo sii qulqulaya.

Madaxweyne Cadde ayaa la weydiiyey sababta keentay in uu C/llaahi ku jiro muddo badan oo aan xafiiskiisa lagu jiri jirin iyo sababta uu u soo sagootiyey ee uu weliba u sii daawaday isagoo sii socda. Madaxweyne Cadde ayaa u sheegay dadkii in uusan weligii soo marin nin ka qalafsan oo ka geesisan C/llaahi. Wuxuu yidhi ninkaas Mijirka ahi wuxuu mudadii dheereyd ee uu xafiiskayga ku jiray igala doodayey in aan ka dhigo Taliya Ciidamada Xooga Dalka iyadoo ay joogaan niman ka daraja sareeya!. Soo sagootiskii iyo dheygagiina waxaan la yaabanaa hankiisa iyo sida uu isugu kalsoon yahay!. Waxaan u qiray in uu yahay nin rageed ayuu yidhi Madaxweyne Adan Cadde. 

Xiisaanley iyo Sanheer  

Burco!, Burco!, Hargeisa, Hargeisa, Boorama, Boorama, Laas Caanod, Laas Caanood, Aluu, Aloow! mise nag! Fooneeyihii Gobolada Waqooyi cidina kama jawaabaso! Yaab!

War baa laga waayey Waqooyi, waxaa kala go誕y iska warqabkii, waxaa la waayey warbixintii maalinlaha ahayd ee laga soo diri jirey Gobolada Waqooyi. Waxaa lagaran waayey dhibaatadu meesha ay ka socoto. Jeneraal Daa置ud iyo ku xigeenadiisu waxay dul yuurursadeen Fooneeyaasha iyo Taararka. Booyadihii u kala gooshi jirey  Ciidamada ee waraaqaha iyo khabaarka soo qaadi jirey baa la waayey!.

Waxaa meel walba xiimaya gaadhi uu saran yahay Xasan Kayd oo ahaa 2 Xiddiglihii soo abaabulay in la inqilaabo dowlada si ay Gobolada Waqooyi u goostaan. Waxaa lawada xirxiray dhamaan Saraakiishii ka talin jirtay Gobolada Waqooyi oo u badnaa kuwii Gobolada Koonfureed ee lagu magacaabi jirey Xiisaanley ee Talyaanigu soo tababartay. Waxay inta badan ahaayeen Saraakiil aan asal ahaan militeri ahayn oo ay ka mid ahaayeen Siyaad Barre, Liiqliiqato, Gen. Daa置ud, Mahamed Abshir, Xuseen Kulmiye, Qoorsheel iwm. Waxaa ismaandhaafay oo isfahmi waayey Saraakiishii Wagooyi ee ka soo qalin jebiyey Sinheer oo ahyd kuliyad ku taalay Ingriiska oo u badnaa Xidiglayaal iyo 2-xigilayaal iyo kuwii Xiisaanley ee Koonfurta. Kadibna kuwii Waqooyi oo u badnaa 2 Xiddiglayaal ayaa go誕ansaday in ay Goboladooda Waqooyi dib ula noqdaan iyagoo lasoo ballamay Gumeystihii Ingriiska in uu ku caawiyo arrintaas.  Ingriiskii ayaa ka ballan qaaday haddii ay sii haystaan ilaa saqda dhexe in uu maraakiibtiisa dul keeni doono oo uu caawin doono!. Dhamaan saraakiishii markaa waqooyiga haysatay ayaa Miig loo xiray, Jeneraal Daa置udna waa ka quustay inuu cid ka helo. Saraakiisha Waqooyiga haysatay waxaa ka mid ahaa Caynaanshe, Gabayre, Ina Dheel, C/llaahi Yusuf iwm. 

C/llaahi oo haystay Qaybtii Burco ayaa inta garbaduub loo xiray qol gaar ah musqushiisa lagu xereeyey, biya qaboowna dusha looga sii daayey. Madaxweynaha ayaa qufac iyo hiinraag bilaabay, kadibna askari Isbitoore ahaa oo Reer Sool ahaa ayaa xarigii ka jaray una sheegay asxaabtiisii in ay si wanaagsan ula dhaqmaan taliyaha. Waxaa loo daayey qolkiisii oo dusha lagaga qufulay. Waxaa quraacdii iyo qadadii laga soo doonan waayey ninkii Saraakiisha wax u karin jirey. Waxaa  Miiskii saraakiisha yimid laba nin oo aad caan ugu ahaa toogashada oo inta badan uu Ingriisku u diri jirey Kenya si ay uga qayb qaataan tartanka shiishka. Kuukii ayaa u sheegay Isbitoore Dhila Casar iyo Alifle Ismaciil Curyaan in Saraakiishii la afduubay oo ay ku xirxiranyihiin guri weyn Xiddiglena uu waardiye ka yahay. Dhila Casar iyo Curyaan oo Sanag oo Sool ka yimid ayaa qorigoodii shiishka lahaa horey u sii qaatay iyagoy la socdaan koox yar oo Dableyaal u badan. Waxay horey u sii galeen gurigii weynaa oo xagiisa dabe qol ku yiilay laysugu ururiyey dhamaan saraakiishii oo dhan.  Naftu waa malayee, markii ay arkeen ciidamadan hubaysan bay saraakiishii af labadii yeedheen: Waar hana dilina, hana dilina. Waxay ku noqotay filan waa markii ay askartii ku yiraahdeen Taliyayaal kaalaya ka hadla Fooneeyaha oo u sheega Jeneraal Daa置ud in aad nabad qabtaan! 

Laba Xidigle Xasan Kayd oo ka tuuraya ayaa yimid isagoo aad ugu riyaaqsan wakhtiga yar ee ka haray ballantii goosashada, markaasuu isagoon ka warhayn dalaq soo yidhi gurigii. Xasan waagii baa ku baryey halkii baa isagoo lug ka dhaawacmay lagu qabtay. Waxay ahaayeen dhalinyaradan abaabushay inqilaabkan 32, waxaa la qabtay 30 waxaana xadka talaabay 2. Waxaa goor danbe C/llaahi oo jactatsan laga soo sii daayey qolkiisii u gaarka ahaa. Janaraalkii oo qayla dhaan ah waa kan: 

Burco, Burco!, Hargeisa!, Boorame!, Laas Caano! Dhamaan waxay ku soo jawaabeen in ay nabad qabaan lana soo gudbinayo ciidankan gadooday. Sharciga Milategigu waa dil laakiin Madaxweyne Adan Cadde ayaa u sheegay Janaraalka in 30 dhalinyara ah oo mutacalimiin ah uusan wadanku ka maarmi Karin ee ay haboon tahay in la badbaadiyo naftooda lagana wareejiyo ciidamada oo lageeyo wasaaradaha!. Isku shaandheyn iyo bedel baa lagu sameeyey dhamaan ciidamadii Waqooqi, Ciidankii C/llaahina waxaa laga soo tuuray Beledweyn. Isbitoorihii xariga ka jaray ayaa la yaabay qalafsanaanta C/llaahi markaasuu ku yidhi: Waar nin yahow maalintii in aan xariga kuu daayo baad ku fiicnayd!. C/llaahi baa iska muusooday! 

C/llaahi iyo Dhibowgii 

Askar ka qalin jebinaysay Xerada Gorayacawl oo dhibow ah ayaa loogu yeedhay Madaxweyne C/llahi in uu salaan ka qaato. C/llaahi oo tijaabinaya adkeysiga iyo Dishibiliinka askartan cusub ayaa askari kaarabiin ku giigsan ka dhuftay markaasuu dabadiisii kaga sii daayey wajhada! Askarigii baa koodkii soo bararay oo isagoo kor u dhawaaqaya yidhi: ooh! Taliye maxaa si kaa ah!. C/llahi baa hore isaga dhaqaaqay oo askari kale oo meel dhexe ku jira sidii oo kale u galay. Askarigii baa yidhi isagoo dhiiga iska biinaya: oo meesha waa layku dilayaa maad na tiraahdaan!. C/llaahi baa misana mid kale oo meel dhexe ku jira sidii oo kale u galay. Askarigii 3-aad baa halkii laga filayey qaylo iyo cabasho ayuu inta uu sare u booday isagoo salaana saaraya yidhi: Taliye!. C/llahi wuxuu qudbad dheer u akhriyey dhibowgii markii uu sii baxayeyna ku amaray saraakiishii dhibowga in ay eryaan labadii askari ee hore kii danbana ay sii yaan alif iyo ul sharafta ay madaxdu qaadato! Waxaasaa askari dhishibiliin leh ah! 

C/llaahi iyo Siyaad Barre

Waa Jeneral, wuxuu haystaa Ciidamada Qalabka sida. Haddii aan lagalo inqilaabka maxaan helayaa? Madaxweyne kolay noqon maayo ee maxaan uga qayb galayaa inqilaabkan? Maxaa iiga gidhiish ah! C/llaahi wuxuu ku adkeystay in uusan u juuqin codsigii Siyaad Barre oo uu iska joogo qaybtiisii uu taliyeha ka ahaa. Siyaad waa qabsaday wadankii. Claahi iska soo xaadiri xabsiga! 

C/llaahi iyo Xeryihii Fiam 

Istaag!, Istaag!, Istaag! Ayuu Kaamboostihii ku dhawaaqay.  Gaarigii baa istaagi waayey ka dibna sida sharciga Milaterigu qabo rasaas ayaa laga waraabiyey!. Waxaa fatuurada watey 2 nin iyo laba naagood oo boocda ka soo baxay si khalad ahna u soo wajahay albaabkii weynaa ee xerada ciidamada milateriga ee ku dhaweyd Dayniile. 

C/laahi oo ah taliyaha xeryaha ku hareeraysan Dayniile ayaa subax u soo kalahay xeradii uu xukumay si uu warbixin u helo. Ciidankii baa la rigeeyey oo warbixintii lagu daray gaari xalay si xun ay ciidankii waardiyaha lahaa ay rasaas ugu googooyeen laakiin 4-tii qof ee saarnaa ay ka badbaadeen. C/llaahi ayaa dalbaday 2 gaadhi oo Koofiyad Cas ah kuna amray in ay xabsiga u taxaabaan dhamaan kooxdii waardiyaha lahayd iyo Kaamboostahoodii!. C/llahi baa warbixin siiyey ciidankii oo u sheegay in uu dalacsiin lahaa haddii ay 4-taa qof oo shaandha ah uu arki lahaa. Laakiin waa nool yihiin aa! Bal ka warrama haddii ay cadow ahaan lahaayeen? Sow xerada lama qabsadeen? Gaadhigii baanu gubnay cadowgii la socdayna waa nool yahay waa maxay? Xeradiiba la qabsay!!. 

C/llaahi iyo Dagaalkii dunida ka yaabiyey 

Xabsi dheer ka dib ayaa la soo daayey si uu u hogaamiyo ciidan aad u baaxad weyn oo uu uga qayb qaato ciidamdii ku jiheysnaa Nageyle iyo Koonfurta Keliga 5-aad. Dagaalkani wuxuu ahaa kii dunidu ku baraarugtay colaadana noogu qaaday. Waxaa la rumeysan waayey dowlad yar oo Afrikaan ah baa ciidan baaxad weyn oo aad u tababaran yeelan karta. Waxaase aad loo la yaabay in uu ciidankaasi jebiyo Xabashidii looga yaqaanay dunida Libaaxii Africa. Waxaa loo dagaalamayaa dhul aynu siyaasad iyo xikmadba waa hore ku heli lahayn oo ay iska dhega tireen siyaasiyiin ku sheegtii 50-dii. Barasaabkii Ingriiska ahaa ayuu ahaa kii u soo bandhigay Qabqablayaashii waagaas in aysan Talyaaniga dooran oo ay soo galaan Barwaaqa Sooranka Ingriiska si uu ugu soo celiyo Somali Galbeed iyo NFD labadaba. Laakiin siyaasad xumo iyo ka fiirsasho la誕an ayaa Talyaanigii la yidhi nasii tababar 10 sano oo nagaarsii xornimadeena. Dagaalkii lagu soo jab! Mingiste ayaa usoo jeediyey Siyaad Barre in uu iska iloobo dhowr magaalo oo waaweyn oo uu dhulka intiisa kale qaato. Nasiib xumo waa lagu gacan sayray sida ay xukuumadii Soomaaliya ugu gacansayri jirtay shirkadihii khayraadka wadanka soo saari lahaa ee doonayey in ay kala badh qaataan faa段idada!. Waayaabe goorma ayay Soomaalidu ku raaxeysanaysaa khayraadka dhulka hoos jiifa? Buunka uun baa yeedhi, ka dib baan filayaa baashaalka!. 

C/llahi iyo Inqilaabkii Dhicisoobay 

C/llahi iyo saraakiil ay isku fikrad ahaayeen ayaa fahmi waayey ujeedada iyo ka jeedada dagaalkii lagu hoobtay ee 77-dii. Waxaa in dhawayd soo baxday in ay Masar iyo Dunida Carabtu na gelisay dagaalkaas iyadoo la doonayo in aysan Xabashidu biyaha Webiga Niil aysan ka faa段ideysan oo biyaxireeno iyo kanaalo dhisan. Ma moogani dhulka iyo dadka meesha jira laakiin si sahal ah baa lagu heli karaa haddii aanu miirka kaashano. Dawladaha Afrikaanku iyagaanba cimri dheereyn, haddii ay Soomaalidu Dawladooda dhowrtaan dhul badan oo baylah ah oon naf iyo mood midna naga gelin waa la arki doonaa!.  In Dowladii Kacaanka ahayd la minja xaabiyo ayaa lagu tashtay. Kadib markii lakala biiqbiiqay ayaa waxaa dhicisoobay inqilaabkii, wixii ka dhacayna Eebe waa ogaa. 

C/llaahi cararkii wuxuu sii istaagay Keliga 5-aad oo uu Mingiste kula soo heshiiyey in uu caawiyo si uu xukunka uga faramaroojiyo Dawladii Kacaanka ahayd. Waxaa ay Xabashadii ku soo noqotay dhulkii loo yaqaanay Hawd oo ay ka carartay 1977 dib danbana aysan ugu soo noqon. Waxaa bilaabantay in Soomaalida lagala wareego magaalooyinka xuduuda ku yaala sida Balanbal iyo Galdogob. Waxaa ay Xabashidu dejisay Calankii Buluuga Cirka ahaa oo ay saartay kii Midabada Qaansa Roobaadka lahaa ee ay maanta caanka ku yihiin Qowmu Luudku!.

C/llaahi wuxuu amray ciidankiisii in ay dejiyaan Qaansa Roobaadle oo ay saaraan Cir Buluugle! Mingiste ayaa yaabay! anigaadba ii marti tahaye maxaa ku waalay Xaaji. Xaaji xabsiga kaalay!.  

C/llaahi iyo Caydiid 

C/llaahi ayaa abaarihii 1993 Xamar kula kulmay Janaraal Caydiid. C/llaahi iyo Caydiid Waxay ahaayeen laba nin oo khibrad weyn u leh ciidamada iyo dagaalgelintooda aadna ugu adag sharciyada Militeriga saaxiibana ah. Caydiid ayaa usoo jeediyey C/laahi in ay heshiiyaan oo ay qaybsadaan xukunka, dhistaana dawlad. Waxaana dhex martay doodan:

Caydiid: C/llaahi waxaynu nahay niman saaxiiba ah, hadaynu heshiinana ummadu waa heshiinaysaa

C/llaahi: Waa runtaa

Caydiid: Waxaan qaadanayaa Madaxweynaha ee waxii kale ee aad doontid sheego

C/llaahi: Caydiid, anigaa noqonaya Madaxweynaha ee adigu wax sheego

Caydiid: Saaxiibow laba nin oo isyaqaana baynu nahay oo heshiin mayno

C/llaahi: waa runtaa oo Madaxweynanimada ku heshiin mayno

Caydiid: Waa yahay saaxiib waad naga qashqashtay sheekadii

C/llaahii: Waa yahay!. Qush ma leh! 

C/llaahi iyo Puntland 

C/llaahi Yusuf wuxuu intaa u soo halgamayey waa inuu mar uun Madaxweyne noqdo.  Wuxuu noqday Madaxweynaha Dawlad Goboleeda Puntland. Waxay noqotay Puntland meelaha ugu nabadgelyada badan Soomaaliya uguna Qanisan. Waxaa isugu yimid dhamaan Soomaalida inteedii kale iyo weliba dalalka jaarka ah si ay uga ganacsadaan ama uga shaqaystaan.  

Madaxweyne C/llaahi waa nin aad u qadiyad adag oo leh fikir iyo hiigsi aysan lahay Soomaalida inteeda kale. In kabadan 30 sano ayuu safar adag oo dhibaato badan u soo galay si uu riyadiisii run uga dhigo. Maantana wuxuu gaaray dhamaadka safarkiisii oo wuxuu ku fariistay kursi ka weyn kana qiima badan kii Puntland oo ah Kursiga Jamhuuriyada Soomaaliya. Waxaa haboon in ay Soomaalidu daalacdaan halganka iyo rafaadka uu Madaxweynuhu u soo maray si uu u gaaro ujeedadiisa kuna daydaan si ay marka dhib yari ugu dhaco aysan uga harin meeshii ay heeganka u ahaayeen. 

Waxaa halkaa lagala bixi karaa cashar aad u yaab badan oo dadka la takooraa ay ka faa段ideysanayaan harid la誕anta, hurda la誕anta, mintidnimada, niyad wanaaga, isku kalsoonaanta, yeeshaana qorshe iyo yididiilo ay kaga dhabeynayaan ujeedadooda. 

Waxaan warbixintan ka soo xigtay A. Aw-Yusuf 

KII NOO HAGAAGEE NOQO LOO HANWEYN YAHAY!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004

SAMSAM AXMED DUCAALE vs HARGEYSA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar oo qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Som. Denmark Guji...
Ururka SIMA oo Dhambaal u Diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaliga ee Soomaaliya
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD