SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Dad lagu xidh xidhay magaalada Jigjiga
  • Dagaallo ciidamada  cadowga Itoobiya lagu naafeeyay 
  • Dil ka dhacay magaalada Diridhabo oo la baadhayo
  • Itoobiya oo sheegtay inay ciidamo u dirayso dalka Soomaaliya
  • Barnaamuj aan ku soo qaadan doono waxyaabihii ugu waa waynaa ee ay saxaafadu ka qortay geeska afrika iyo suugaan kala duwan.

Dad lagu xidh xidhay magaalada Jigjiga 

Ciidamada taliska gumaysiga Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay 19 ruux oo dadka ku dhaqan magaalada jigjiga ka mid ah. Dadkan oo qaar ka mid ah ay yihiin ciidamada Booliska maamulka maqaar saarka ah ee magaalada jig jiga ayaan la sheegin wax sabab ah oo xabsiyada loo dhigay. Mar uu wariyaha Radio Xoriyo ee magaalada Jig-Jiga kula kulmay qaar ka mid ah eheladii dhibanayaashaas ayay u sheegeen in ayna garanayn wax dadkooda loo xidh xidhay. Dadka oo la xidho, la dilo iyo iyaga oo hantidooda la boobo waa wax caado u ah ciidamada Itoobiya umana baahno sabab aan sii raadino, sidaasna waxaa yidhi Cabdi oo ka mid ah ehelada dadka xidh xidhan. 

 Dad lagu xidh xidhay magaalada Jigjiga 

Ciidamada cabudhiska gumaysiga Itoobiya waxaa caado u noqday in ay cidday doonaan xabsiyada dhigaan kay doonaana ay dilaan iyaga oo ku kalsoon in ay yihiin awoodii ugu sareeysay ee sharciga.

Dhibanayaasha xabsiga lagu guray waxay kala yihiin.

  • 1-     Cabdi Xasan Godane

  • 2-     Khadar Cabdi

  • 3-     Suldaan Mahdi Qadiid

  • 4-     Cabdi Maxamed Yuusuf

  • 5-     Sucaad Shariif Maxamed

  • 6-     Cali Cumar Guuleed

  • 7-     Cabdi Nuur Xareed Qase

  • 8-     Cabdi Salaam Faarax Xasan

  • 9-     Axmed Shariif Muuse

  • 10- Cabdulahi Maxamed Daa`uud

  • 11- Xaamud Muuse Baxar

  • 12- Khadar Xasan Axmed

  • 13- Cabdi Ismaaciil Dhuxul

  • 14- Mahdi Yaasiin Yuusuf

  • 15- Deeq Layli

  • 16- Maxamed Shakuub Cabdi

  • 17- Cabdirashiid oo aannaan magac buuxa ka hayn

  • 18- Cali Sh. Cabdulaahi

  • 19- Cabdi oo aannaan isna magaciisa oo buuxa hayn

Dhinaca kale: 24.10.2004 waxaa magaalada Jig Jiga ka dhacay banaanbax dhaawac iyo burbur hanti keenay oo ay sameeyeen dad aad u badan oo Shaqooyinkoodii laga joojiyay. 

Dadkan oo si nabad galyo ah u banaan baxayay ayaa waxaa rasaas ooda kaga qaaday ciidamada taliska Itoobiya, waxaana halkaas ku dhaawacmay dad aad u badn oo 4 ka mid ah dhaawacoodu culusyahay. 

Dadka shaqooyinka laga joojiyay ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay Soomaaliya wax ku soo barteen isla markaasna ayna xaq u lahayn in ay wadankooda wax shaqo ah ka qabtaan.

Banaan baxayaashan ayaa waxay ka cabanayeen xad gudubyada xuquuqdooda lagu sameeyay ee xukuumada Itoobiya ay sharciyaysay.  

Dagaallo ciidamada  cadowga Itoobiya lagu naafeeyay. 

Dagaallada dhex mara ciidanka waddaniga xoraynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya oo si joogto ah uga socda gobollada kala duwan ee Ogadenya ayaa waxaa ugu denbeeyay kuwan hoos ku qoran oo isu-gayntooda cadowga lagaga dilay ama lagaga dhaawacay 20 askari. 

15/10/04 dagaal ku dhex maray ciidamada geesiyiinta Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya meesha la yidhaahdo Hora-shagax oo ka tirsan degmada Dhanaan ayaa ciidamada cadowga Itoobiya lagaga dilay 3 askari 2 kalena  lagaga dhaawacay. 

Isla 15/10/04 Raybadleey oo degmada Shaygosh ka tirsan iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka cadowga lagaga dilay 2 askari halka  3 kalena  lagaga dhaawacay. 

Dagaal mir ah oo ay ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen 22/10/04 saldhiga ciidamada gumaysiga Itoobiya ee magaalada Garbo ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 4 askari 6 kalena loogu gaystay dhawacyo halis ah. 

Dil ka dhacay magaalada Diridhabo oo la baadhayo. 

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in baadhis lagu samyn doono dad rayad ah oo ay lix qof ku sheegtay oo lagu dilay magaalada Diridhabo, ka dib markii uu booliska xukuumadda Addis Ababa rasaas oodda kaga qaaday dad ka gadooday badeecado uu boolisku ka boobay. 

Dadkani waxay dhinteen, ka dib markii uu boolisku weerar ku soo qaaday suuq wayn oo ku yaalla magaalada Diridhabo, si uu ula wareego badeecado kala duwan oo xukuumadda Addis Ababa ay sheegtay in dalka si sharci darro ah lagu soo geliyay,hase yeeshee dadwaynihii suuqaas meheradaha ku haystay ayaa arrintaas si wayn ugu gacan saydhay, waxayna isku dayeen inay hantidooda ka difaacaan booliska, taasoo keentay in boolisku uu rasaas oodda kaga qaado. 

Warar horay arrintan uga soo baxay ayaa sheegayay in weerarkaas ay ku dhinteen dad aad uga tira badan inta ay hadda xukuumadda Addis Ababa qiratay. Ururka Xuquuqul-insaanka Itoobiya ayaa isaguna jimcihii sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 19 qof oo kale, wuxuuna ururku sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid nacabnimo ah. 

Ururka Xuquuqul-insaanka Itoobiya wuxuu sidoo kale sheegay in boolisku uu aad u hubaysnaa markii uu suuqaas soo weeraray. Warbixin uu ururku arrintan ka soo saaray wuxuu ku sheegay in booliska looga baahnaa inuu jidadka sharciga ah soo maro marka uu dukaamada baadhayo, isla markaana ay khalad ahayd inuu xoog ku galo oo isku dayo inuu gurto badeecado ayna dadkii lahaa xataa la joogin. 

Ururku wuxuu warbixintiisa ku soo gabagabeeyay in boolisku uu sharciga ka tallaabsaday, isla markaana gaystay denbiyo ay ka mid yihiin dil, dhaawac iyo hanti lunsasho. 

Aftidii loo qaadayay deegaamadii uu muranku ka taagnaa oo la soo dhameeyay 

Afti Axaddii laga qaaday dadwaynaha ku dhaqan 440 tuulo oo maamullada Soomaalida iyo Oromadu isku haysteen ayaa la soo gabagabeeyay, hase yeeshee waxaa laga noqday cod-bixinta 21 goobood, oo ay ku jiraan goobo ku yaallay magaalada Mooyaale, ka dib markii ay soo baxeen dhibaatooyinka qaabka cod-bixinta la xidhiidha. 

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in goobahaasna sida ugu dhakhsaha badan afti looga qaadi doono. Waxaa qaybta fadareeshinka loo soo gudbin doonaa 15 goobood oo guddiyadii loo xilsaaray ay isku afgaran waayeen, waxaana mustaqbalka goobahaas go’aan ka gaadhi doonto qaybta fadareeshinka ee Itoobiya. 

Meelihii ay aftidu uga hirgashay sidii loogu talagalay waxaa lagu dhex jiraa tirsigii codadka, waxaana lagu wadaa in toddobaadkanba la dhameeyo. Natiijada aftidan laga qaaday tuulooyinka la isku haysto waxaa daaha laga rogi doonaa horraanta bisha Nofember ee fooda inagu soo haysa  sida ay sheegtay xukuumadda Addis Ababa.  

Qaar ka mid ah Dagmooyinkii na tiijadooda lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku gacan seeydhay gudigii ismaamulka Soomaalida ka socaday oo ku tilmaamay mid aan cadaalad u dhicin, waxayna dadku is waydiinayaa sababta natiijada saacado gudahood loogu dhawaaqay. Xukuumada Itoobiya oo ay Labada qoomiyadood ee Oromada iyo Ogaadeenya madax banaanidooda ka doonayaa ayaa qorshahan u diyaarisay in ay iskaga hor keento Labada qoomiyadood dhexdoodana ay dagaal ka abuuro.  

Itoobiya oo sheegtay inay ciidamo u dirayso dalka Soomaaliya 

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya keligii taliye Meles Zenawi ayaa warbaahinta usheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay in ciidamo nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya haddii Midowga Afrika uu arrintaas ka soo codsado. 

Keligii taliye Meles Zenawi wuxuu arrintan daboolka ka qaaday, ka dib markii ay warfidiyeennadu horraantii toddobaadkan waydiiyeen in dawladiisu ay ciidamo Soomaaliya u dirayso iyo in kale, wuxuuna yidhi; Itoobiya waxay ciidamo nabad ilaalin ah u dirtay dalal kale oo Afrikaan ah, waxayna diyaar u tahay inay Soomaaliyana u dirto haddii laga soo codsado. 

Keligii taliye Melse Zenawi wuxuu intaas ku daray in Itoobiya ay ciidamo Soomaaliya u dirayso haddii dawlada cusub ee Soomaaliya iyo dadwaynaha soomaaliyeedba ay raalli ka noqdaan, sidaasna wuxuu yidhi mar ay isaga iyo madaxwaynaha Soomaaliya shir jaraa’id ku wada qabteen huteelka Shiriton ee magaalada Addis Ababa. 

Xukuumadda Itoobiya waxay had iyo goore hubaysaa kooxaha hubaysan ee gacan saarka la leh, si ay u sii calwiso xaaladda Soomaaliya, isla markaana uga hortegto in dadwaynaha soomaaliyeed ay khilaafaadkooda ka gudbaan oo danta guud u soo jeestaan, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in arrintaas ay ku gaadhi wayday danihii ay Soomaaliya ka lahayd, sidaas darteed waxay ku talajirtaa inay ciidamo badan oo nabad ilaalin loogu yeedho Soomaaliya u soo dirto, si ay siyaasdeedii gumaadka iyo kala caydhinta ahayd halkaas uga sii wado. 

29.10.2004

C/Nuur Sh. Maxamed
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD