SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Aragtida ku wajahan Dowlada Cusub ee Cabdulahu Yusuf by Dahabo Dowlo

WD. Dahabo Haji Isse

Marka ugu horeysa waxaan akhristayaasha qaaliga ah ku salaamayaa salaanta islaamka.

Waxay Asaxaabta akhrisata qoraaladeyda igu yaqaan inaanan weligey mucaarad noqon, laakiin aanan Dagaal Ooge (warlord) jecleyn maadaama lagu sifeeyey iney  dilaa yihiin, balse shaqsi kasta oo nabad noo keena waan u hambalyeynayaa, waana in la taageeraa.

Afeef: Waxaa nasiib darro ah in Soomaalidu ayada oo aanan fahmin ujeedada qoraalka ayey mar mar fikradda ka hor dhacaan, waxeyna qaataa aragti mararka qaarkood qalad ah oo akhristaha u gaar ah, markaas ayey Qoraaga caayaan ama ha ka ahaato qabiilkiisa oo la neceb yahay ama fikrada qoraaga oo sida ay rabaan aan u qorneyn amaba aan qancin, si kastaba ha ahaatee, waxaan waayo aragnimo ku arkay in warkii nin ka farxiyaahi uu nin kale ka xaanaajinayo, waxaana anigu qaatay oraahda Ingriiska ah ee  ay ku halqabsadaan (WHO HE PLEASES EVERY BODY PLEASES NOBODY). Sidaas darteedna waxaa iga Afeef ah in shaqsigii fikradeyda u bogi waayahi uusan shakhsi ahaan ii caayin sida kuwa Mooryaanta Internetka ah ee hadba qof iska ceyrsada. Waxaa xaqiiqo ah inaan ahay qof si cod Diinta Islaamka difaaca ayadoo luqadda ENGRIISKA ku qoran, (Riix Halkan), waxaa kaloo jirta inaan markii 11 September muslimka lagu eedeeyey iney argagixiso yihiin aan noqday qofka waraaq meel kasta qoraal u diray aan arrintaas kaga soo horjeedo, taasna waxaa xaqiiqadeeda og website-yadii daabacay, si kastaba  ha ahaatee waxaan aminsanahay inuu shaqsi kasta xaq u leeyahay inuu fikradeyda caarido ama mucaarado, laakiin inuu ii gefo waa shaqsiyad xumo qofkaas ku kooban, namiimka iyo kuwa been abuurayaasha ilaah ayaa deyriyey, jasadooduna waa naar.

Hadaba walaalayaalo Qoraalada aan qoro waxaan u arkaa waajib I saaran, haddana inaan dowladda cusub aragtiteyda ka dhiibto waa waajib aqoonyahan ahaan xaq dadkeygu iyo dalkeyguba iigu leeyahay maadaama aan Masiirka wadankeyga cidna iga xigin, waana in qofkasta oo wax fahmi karaa uu markasta xaqdhowraa xoriyadda ra'yiga shaqsiga, haddii uu qaldamana ama qoraalku ku qancin waayana waa in la saxaa ayada oo aan meel looga dhicin shaksiyadda qoraaga.

Walaalaheyga Soomaaliyeedoow haddii aan u soo noqdo dulucda maqaalkan, waxaa xaqiiqo ah in muddo hadda sii caga cageyneysa 15 Sanno iney Soomaaliya Dowlad la'ayd. Waxaa jirta in shirar badan oo gaaraya 14 la qabtay markastana ama guddi ama madaxna ayaa laga dooranayey, laakiin ay socon weydey, ayada oo qoysba qoyska kale leeyahay wey iga ciideeyeen, annaguna waan ka ciideyneynaa. Taas oo dhalisay markii shir lagu kala tagaba in Qabiilkii awal isku aragtida ahaa uu sii kala furfurmayo, colaad cusub ay qabiilka dhexdiisa ka dhalato iyo weliba kuwaba inta ay kuwa ay isaga deegaan dhowyihiin ay sii kala fogaanayaan, oo naceyb cusub iyo iska soo horjeesasho uu abuurmay.  Arrinkaas oo saameyey soomaaliya deegaanadeeda oo dhan ama muran ha ka jiro soohdinta u dhaxeysa laba maamul gobeeleed ama dhul balaarsi ha lagu sii kala foogaadee, xaalka soomaaliya wuxuu gaaray meel qatarku ah jiritaanka bini aadmiga.

Anigu Shaqsi ahaan awalba kuma kalsooneyn dowlad ka soo baxda wadan shisheeye, Jabouti oo aan walaalo nahayba dowladdii ay soo dhoodhoobeen waan iska ciideynay, midda Kenyana oo derisnimo keliya inaga dhaxeysa dhulna inaga heysta ilaah ayaa og waxaa aan ku sameyn doono!!.

Aragtidyda Gaar ahaaneed

Waxa ay ila tahay haddaan Soomaali nahay inaan ogolaanay in shirka Kenya uu qabsoomo ayada oo dowladii Carte weli jirto, taas oo macnaheedu yahay ku qanac la'aan.mamulkaas ama xag qabiil ha loogu qanciwaayo shaqsiga madaxweynaha ka ahaa ama qaab ahaan ha loo saluugee, ama islaweyni iyo sidee reer hebel madax inoogu noqon karaan ha noqoto marmarsiiyahuye.

Waxaa ka loo la ogolaaday in lala shaqeeyo cidkasta ama dowlad kasta oo shirkaas Kenya ku soo baxda, ayada oo aan dhamaan wada og nahay inaan dib u heshiisiin sax ah aan laga sameyn dadka soomaalida dhexdeeda, weli qabaa'ilkii dhibka kala tirsanayey ayaa sidii u kala tirsanayaan, weli hantidii la kala sheeganayey oo aan laga wad hadlin. Dib u heshiisiin macnaheedu waa in laga heshiiyo dhibkii dhacay, ka dibna, la sameysto wax la isaga raali yahay oo la isku raacay, laakiin hadda waxa ay sheekadu u eg tahay dhuxul danbas huwan, mar haddii aan dagaal oogayaasha ama hogaamiye kooxeed yadii inta meel la isgu keeno aan la heshiisiin oo aan gacmaha la isu saarin inta aanba dowlad iyo dhismaheeda laga hadlin. Haddaba Soomaaliyeey Annaga oo ogsoon waxaas oo dhan ayaa haddana Baarlamaan la sameeyey oo ragga Baarlamaanka ku jiraahi ay dhaarteen oo ballan ilaah ku qaadeen iney waddanka si daacad ah ugu shaqeyn doonaan, lana howlgalayaan madaxweynihii la doorto qofkuu rabaahi ha noqdee, waxaana la doortay Madaxweyne aan xoog cidna ku qabsan iyada oo nin kasta uu u jeedo ayaa la wada ogolaaday. Waxaana goobtaas ilaahey guul ka raacsiiyey Cabdullahi Yusuf Ahmed, looguna wada shubay.

Waxaan hubaa in urur siyaasadeedkii USC uu fursad qaali ah dhumiyey marka laga hadlo wadanka hogaankiisa, iyada oo ku amar ku taagleyneysa ilaa waqtigii la riday Dowladii Milateriga aheyd ee uu madaxweyne ka ahaa Siyaad Barre ilaa intii dagaalkii sokeeye uu socday, ilaa iyo intii shirar nabadeedkii Soomaalida la qabanaayey ilaa laga gaaro labadii sanno ee hadda u danbeysay ee Kenya la joogay, ayuu wadanku ayaga dartood dunida uga maqnaa, waxaa laga waayey in USC isqilaafkooda (difference- gooda) meel inta iska dhigaan oo ay danta guud ee aayaha dadkooda iyo dalkooda ay  ka hormariyaan middooda shaqsiyadeed oo ay wax uun isku raacaan, eeyna soo xushtaan qof keliya, mathalina kara magacooda.

Arrimahaas waxaa marqaati u ah in doorashadii u danbeysay ee Nairobi in ugu danbeyntii ay isugu soo hareen loolankii madaxweynenimada 7 shaqsi oo magaca Hiraab USC sheegta iyo hal qof oo magaca Karinle USC sheegta, halkaas oo 8deedaas qof ay madaxwenimo ula soo safteen Cabdullahi Yusuf keliya oo magaca Daarood kaligiis ka taagnaa, taasi waxa ay na bareysaa in halkaas lagu kala duwan yahay siyaasad u bislaanshaha iyo weliba isu samir ama isu hurid jago la isku deysto, iwm. Mararka qaarkood ayaa shaqsiga siyaasada ku jiraa laga rabaa tanaasul si aanu u burburin taxanaha siyaasaddooda haba la is khilaafsanaadee. Waxaana haboon inaan ogolaanaa xaqiiqada jirta oo aan la dhihin side wax loo sheegi karaa. Anigu ma jeclayn inaan qabiil afkeyga ku dhufto, laakiin waxaan u jeedaa in runta la is taabsiiyo, ayadoon laga caroon waxaa looga hadlay xaqiiqo jirta oon wada ognahay halka USC ku danbeeysay, taariikhduna ayadaa is qurta.

Waxaa xaqiiqo ah in hogaamiyaasha USC ay sameeyeen qaladaad hor istaagay dowlad loo dhan yahay, mar hadey ay ayagu isu tanaasuli waayeen Muddo15 Sanno oo haddi la isu samri lahaa ugu yaraaan seddex wareegto oo dowlad ah la gaari laha, wadankana sharci iyo nidaam kala danbeyn loo sameyn lahaa, mar haddii taas la waayey hadaba ma fiicna in dhibka lagu sii jiro oo maatida wadanka gudiihiisa joogta gaajada lagu sii dilo, kuweena  qurbaha ku Tabaaloodayna banaanka lagu horaa, haddiiba aan wax la isku dhaafeyn oo samir jirin dadkii kalena la is hortaago, waxaa run noqonayaa iney Siyaasiyiinta USC la mid yihiin halheyskii ahaa " Riibiyi Geedo ma Daaqdo Lagamana Daaqo". Sow taas looma fahmi karo "USC Dowlad ma rabto ninkii rabana uma ogola". Dee ama talo keen ahaaw ama talo raac ahaaw baa la yiriye, ee siyaasadii USC waxa ay la degtay dadkii ku abtirsan jiray weyna fashilantay ee in Soomaalida dhinac laga raaco sow taladu hadda kuma haboon?:. Dee Fursadu mar bey ku soo martaa, ee waa in markaas sida ugu wanaagsan oo kheyrku ku jiro looga faa'iideysto.

Si kastaba ha ahaatee Doorashadii waxaa ilaahey ku soo saaray Cabdillahi Yusuf, waa nin odey ah, uguna da'weyn kuwa sheegtaa iney Halgamaa yihiin ama ha ahaato middi lagu Mucaaradayey tii Siyaad Barre ama tii USC, amaba Carte, iwm, waa nin shaqsiyad dowlad leh, aaminsanna Sharci iyo Nidaam kala danbeyn (law and order) sida aan u arkay, wax yaabo badan oo laga sheegayana waa kuwa aan la hubin ama aan la cedeyn Karin haddii shaqsiga sheegaya la weydiyo inuu indhihiisa ku arkay dacdadaas (prove of evidence or witness). Soomaali haddaannu nahayna waxaan u badanahay waa la yiri, waan maqlay ee ma niraahno yaa arkay, maxaa cadeynaya. Wax kasta oo uu yahay ama laga sheegayaba inna Yuusuf ilaahay ayaa maanta masiirkii wadanka u doortay. Haddaba waxaan qabaa inaan laga horimaanin inta qalad weyn uu galayo laga arkayo, hubsiimo hal baa la siistaa, ee Soomaaliyeey bal wax suga oo wax hubsado oo wax kasta ha horboodina sida; Ingriiska ugu hal qabsadaan weeada ah "ha ka hor dhicin qoriga- do not leap before the gun".

Waxaa haddiiba dhacday in dad ka qeyliyeen ciidamo shiisheeye ee uu codsaday Cabdullahi Yusuf oo wadanka hubka dhig ku sameeya. Anigu waxaan qabaa in arrinta la sugo oo meesha Soomaali oo dhan ay ka gasho ciidankaas shisheeye in kuwa hadda ka hadalaya ay ka gelidoonaa, laakiin yeysan noqon kuwii ugu horeeyey ee qeyla dhaan bilaaba ayaga oon ogeyn kheyr iyo khasaaro waxa ugu jira. Tan kale Ciidan Shisheeye iska keen ma aha ee waxa ay u bahaan yahay dhaqaale (Logistics), mana aha wax far iyo fuul lagu keenei karo. Waxaa la yiri "fidno gacmo la qabto ayey leedahay ee daba la qabto ma laha", haddii waqtigaan haddiiba la qeyla dhaamiyo ayada oon laga fekerin in ciidanba la heli koro oo la ogaalan doono iyo haddii ay yimaadaan dhibta ka iman karta, waxa ay leedahay sharteeda iyo kala shakin cusub oo ay keeni karto, haddiise fidno ka dhalato arrinkan, yaa u sabab ah?? Ninkii bilaaabay sow maha? Soomaaliya maanta nabad ayay u baahana tahay, ninkii ka shaqeeya wanaaga iyo nabadda ayaana ilaahey xagiisna ajar ka helaya, dadkiisan samcad iyo magac uuga hari doonaa- waar meyside war ha kaa haro. Haddiise hub laga ururiyo wadanka waxa ayba dan u tahay ayaan filayaa reer USC waayo ayagaaba isku dhammeeyey, waxa ay iska dileen Saraakiishii sar sare, waxa ay iska dhameeyeen wax garadkii, aqoon yahankii, dhaqaatiirtii iwm oo maanta u hadli lahaa waxna la qeybsan alahaa asaagooda.

Waxaan aamisanhay in Soomaaliya ay dowlad u baahan tahay, ummaduna ay tacbaansan tahay, maantana ay taagan tahay meeshii u danbeysay ee ama qaraxa ama sumacadeeda, sharafteeda iyo heybadeeda lagu soo celin lahaa. Haddii la waayo dadku waxay ku dhowyihiin iney noqdaan Cawaan iyo Cali beysteen, sida hadda magaalooyinka qaarkood laga sheego, wadankana boob iyo dhac keliya ka socon doono, ileen nidaam dowladeed ma jiree. Taas yaanan maanta dadkeena iyo wadankeena u horseedin ee aan kawada shaqeyno sidii dowlad loo hanan lahaa, sharci iyo kala danbeyn loo sameyn lahaa, wixii qalad ahna loo wada sixi lahaa. Waxaa waddanka madaxweyne ka noqon lahaa hal NIN, wuxuuna ilaahey ka dhigay Cabdullahi Yusuf si kastba ha ku kasbadee. Waa in lagu kalsoonaado in Ilaahey uu Darajada iyo Magaca bixiya, waana in taas Soomaali ogolaataa, lana amino ninkii aan ilaah wax u qorin inuusan heli Karin si kasta oo uu is ku waalo (ilaah ayaa yiri "haddii ummada oo dhan isku daydo iney wax u geysataan shaqsi laakiin aanan anigu u qorin, waxba kama qaadayaan, haddiise ay isku dayaan iney badbaadiyaan laakiin aan anigu aan u qoray waxba uma tari karaan- qalinkii lagu qoray waa la qaaday, warqaddiina waa qalashay").

Walaayaalow aanu iska dhaafno qabiil wax ku colaadinta iyo naceybka aan dhamaaneynin, nafjecleysiga, shaqsiyad la'aanta, damaacinimada, iwm, ee ha la is cafiyo oo wadanka ha la wada dhisto, dumarka iyo caruurta banaanka ku tabaaleysana aan soo aruurino oo  wadanka nabad ha lagu soo dabaalo, toosin iyo nidaamka xisbiyada badan ee doorasho lagu muquuniyo madaxweyne kasta markii waqtigiisu dhamaado, ha la abuuro oo intii qori wax lagu xallin lahaa Af, dood, xisaabtan iyo tixgelinta ra'yiga dadweynaha (public opinion) wax ha lagu xalliyo, soomaaliyeey aan baraarugno. Calankeena Ceebeysan ee Ciida yaala aan kor u qaadno. Soomaaliyey Hurudooy Halyeeyadaadii Hurudooy Haadkaa Cunaayee Hurudooy.

Maxaa Soomaalida Koofurta la Gudboon:

Awalan waa in soomaali ilaahey u nodaan oo Asaga ayaa koonka u sareeya, awood iyo madaxnimana u sugnaataye ee waa in xarigiisa la qabsada, waxaan Soomaali u soo arkay meel barakeysan oo labaatan iyo afur saacadoo (24 hrs) ilaahey baryadiisa iyo cabsidiisa darted loogu wareegayo, waa Kacbadii Alle oo khayeraadka loo kala ordaayo, la isku jiiraayo, loo jidbaysan yahay, loo oynaayo (Wasaaricuuna lil kheyraati) ee haddii soomaaliyeey aad halkaas ku dadaali laheydeen waad ka waantoobi laheydeen qabiilka iyo is naceybka, ilaaheyna Asaga ayaa Qafuuri Raxiim ah ee wuu idiin danbi dhaafi lahaa, haddii asaga isku xirtaan. Guriga ilaahey - Xaramku waa meel aad ku raaxeysaneysiin joogitaankeeda oo aduunkan dhibkiisa iyo is qabqabsigiisa aad ku iloobeysaan, ee asaga booqashadiisa ha lagu dadaalo.

Thaaniyan Soomaaliyeey adeeca Uulul amrigiina ama madaxda masuulka wadanku saaran yahay (adiicu Laahi Waa Adiicu Rasuula Wa Uulil Amri Minkum) haddii laakiin aadnaan wax la taaban karo oo fasahaaad ah ku heynin ama ku arkin, ee yaysan waqti kale inaga dhumin shaqsi ku nicid qabiilka uu ka dhashay u noqday aqoonsi (Identity), markasta yeynan diidin ninkii la doortaba, sida tii Carte aan iskaga Ciideynay yaanan midaan Kenya soo buunbuunisay iska indha iridin,  oo yaan dowlad la'aan abid ah iyo dhib kale iyo dagaalo cusub, cuqdad soo korodha iyo kala foogaansho hor leh yaanan naloo horseedin. Soomaaliyeed dowlad xun dowlad la'aan ayay dhaantaa ee middaan ha la toosiyo, ka dibna xisbiyo demoqoraadiyada islaamka ku dhisan ha la tartamaan dowlada. Si wadanku uu aduunka ula saan qaado.


4.5 Waa Xaaraan la Sharciyeeystay

Waxaa Bin'aadanimada ka baxsan in xuquuqdooda la duudsiiyo dad kula dhashay oo aad si kastaba isugu dhiig tihiin in la xaqiro, ayaga oo lagu faanayo iney ka tiro yaryihiin qabaa'ilka kale ama ay yihiin kuwo kale. Ma jirto daaraasad sax ah oo lagu sameeyey qabaa'ilka Soomaalida dhexdeeda lana ogaaday tiradooda. Sidaas darted waxa ay ila tahay in qodobkaas la masaxo, ileen aduunka meel waxaas oo kale ka jirto ma jirto, kumana fiicna sucadda Xaquuqda Aadanaha. Si isla siman wax ha loo qeysado, dadkeenana dhexdiisa yaan laga sameyn midab faquuq. Dowlada Cusub waxaa lagu qiimeyn doonaa sida ay qodobkan wax uga qabato oo looga masaxo habwaxqebsiga Siyaasada Soomaaliyeed.


Arrinta Soomaaliland

Somalida waqooyiga ku nool waa nabad, dhilkooduna waa nabad, waxa ay sameysteen nidaam is maamulid ay dadkoodu raali ka yihiin, waxa aan qabaa inaan lagu deg deign. Ummad walba waa iney ayaaheedaa ka talisaa, marka yaan la qasbin oo la qasin dhulkii xasiloon ee ayaga ha ka timaado sida ay u rabaan iney mustaqbalkooda uu noolaadaan walaalahooda koofureed, taas macnaheedu ma aha inaan u ololeynayo in wadanka la kala gooyo, laakiin waa in reer Somaliland ay raali ka yihiin, ayaguna u madax banaanyihiin fikrada aaya ka talinta deegaankooda.

Intii dadka Soomaalida ah ee walaalaha ah ee isku dhaqanka ah, isku diinta, isku luqada ha, ee iska dhex guursada lakala qoqobi lahaa, waxa ugu wanaagsan haddii maamulka ay u keliyeystaan reer waqooyigu, ayna la wadaagaan dowladda walaalahood, laakiin yeysan taasi noqon mid qasab iyo dagaal la isugu dayey ee ha noqoto wax Somaliland ay raali ka yihiin, oo ayaga ka timid.

Maxaa Cabdulaahi Yusuf iyo Dowladiisa la gudboon

Waxaan kula tallin lahaa madaxeynaha Cusub ee Cabdullahi Yusuf iyo dowladda uu madaxda ka yahay in arrimahan la tixgeliyo.

1. Inuu ka fogaado wax kasta oo dagaal dhalin kara, ama ciidan shisheeyey ha helo ama yuusan heline. Sayidka ayaa laga sheegay nin rag hooyadiina koriyeye wuxuu walaalow ku dhaamo ma jirto. Xukun culus iyo caburin waa wixii tii siyaad barre ridaye

2. Waa inuusan cidna ka aarsan, waayo mar haddii ilaahey madaxnimo ku siiyey, nin xun iyo nin fiicanba masuul ayaa kaa saaran iyo masuul wanaag ku maalmoodkooda. Haddii iska aarsi iyo qab qab dhaafay yimaado, dagaal sokeeye ayaa halkaas ka iman kara, waana mid rajo tiri doonta dowladan dad badani u hanweyn yahiin. Aarsasho waa tii siyaasadii USC dhulka la gashay, is aamin la'aan iyo kala shakina ka dhex abuurtay.

3. Inuusan qabiil ku faanin iyo xukun anagaa garaneyna, yasid iyo isla weynaan, yeysan dhicin halheyskii ahaa "Ninkii Sarta Fuushan Suldaan Cali Weeye, Ninkii Dhulka jooga adoonkeygii weeye", taasi waa wixii kuwii ka horeeyey riday, burburkana noo horseeday.

4. Inaan Soomaalida la kala gobol goboleyn oo sidii hore oo loo wada noolaan jiray ninba meesha uu rabo uu ku noolaado, kana shaqeysan akro oo aysan dhicin, asal xasuuq iyo kala qob qobid shacabeed (ethnic cleansing and segregation of the society), sida anigu aan dalkan engriiska ugu noolahay oo kale, ee anoon u dhalan, kuna jinsiyad aheyn, ku diin aheyn, kuna dhaqan aheyn ay ii ogolaadeen inaan meeshaan rabo ugu noolaan karo six or iyo nabad ah, uga shaqeysan karo, hadaan rabana aan doorashadoda ka soo geli karo meesha aan deganahay. Soomaali isla dhalatayna warkeed daa, waa iney sidey rabaan iyo meesha ay rabaan u wada noolaadaan una wada shaqeystaan.

5. In aysan soo noqon qabiil keligiis xukunka u badsiga ama ku soo noq noqda, ayada oo laga caajinayo dadka kale, si aysan u soo noqon hal heyskii ahaa "Marna Risaaq Marna Rashiid Ar Inta kale Ma Rootiyaa". Waa in si demoqoraadiyad ah wax loo maamula wadankana loo ogolaadaa nidaamka xisbiyada badan, lana howl geliyo aqoonyahanka soomaaliyeed ee dunada dacaladeeda ku kala daadsan.

6. Waa in shaqada wasaaradaha ay wadaan dad aqoon yahan ah (technocratics), aqoona u leh shaqada uu hayo, qofkasta waxaa uu soo bartay ku shaqeeyaa, engineerku waa inuu dhismaha wadanka iyo muhandisnimo ka qeybqaataa, dhaqaatiirtu caafimaadka, siyaasadda kuwa soo bartay waa in ey siyaasada u beyraan, iwm, arrimaha isku dhexyaaca ah waa in laga baxaa, oo nin walba meesha u ku wanaagsan ku shaqeeyaa.

7. Waa in shaqaalaha lagu xulaa maxaad taqaan ee aysan noqon kuwa meesha lagu keenay yaa taqaanaa. Taasi waxa ay dhumisay hana qaadkii kacaankii barakeysanaa.

8. Waa inaan Culumaa'u Diinka aan la faragelin, Diin la'aan waa Imaan la'aan, arrimaha Diinto xasaasi ayey ku yihiin ummad kasta, ama Muslim ha ahaadaan ama Yuhuud, ama Kirishtaan, iwm. Waa inaan Cabdullahi Yusuf ku dhaqaaqin wax aan ilaah raali ka aheyn ee beri dhibkeedu nagu soo noqon karo ama aduunka ama akhiro. Haddii dagaal diineed bilaawda Dowladani wey fashilmi doontaa.

9. Kaalinta dumarka oo aan la yareysan. Haweenka lagama maarmo, waa ay ka badan 52% ee bulsho kasta, soomaaliyana waxaaba laga yaaba iney ka badan yihiin, maadaama raggii ku dhamaday dagaalkii sokeeyo, Haweenku waa laf dhabarka bulsho kasta. Dumarku waa hooyo, waa xaas, waa walaal, waa gabadhaada, waa eddo, waa habaryar, waa ayeeyo, waa sodoh, waa dumaashi, iwm. Ninkasta oo is qaad qaada naagbaa toosisa oo dhexda u dhuujisa oo dabdiisa taagan ama ha dhasho ama ha u dhaxdee, qabiil kasta dhiig ayaa ugu jira, markii dhimasha rageed la sheego meel baa danqataa, waayo meel ayuu ka soo galay, maadaama Soomaalidu qabiil kasta is dhex guur guursato. Haddana ayadaa dhibku ku soo dhacaa ama waa la dilaa, la dhacaa, la kufsada iwm (Victim for any disaster). Waa in la ilbaxaa oo dumarku waa lagama maar maane kaalintooda la siiyo, shirkasta ay ka muuqataa, safarada siyaasadana aan laga tegin. Si loo arko in qeybaha bulshadu u dhantihiin.

10. Waa inaan dhulkaaga cadow shiisheeye loo gacan gelin, waa in odagu ku waaniso qaataa falstiin, oo aabayaashood Israel gacanta u geliyeen, dhulkiina ka gateen, ka dibna manta ilmahoodii u dhimanayaa oo inta naftoodii naceen ay bombooyin isku xireer, maalin kastana guryahooda cagaf lagu hormariyaa. Yaan colaada maanta jirta darted wax shalaay berito keeni kara na loo horseedin. Yaan Caruurteena iyo caruurtooda dhib iyo habaar loo reebin.

Gebagebo

Soomaaliyey anagoo dhan madax ma wada noqon karno, ee haddii aan madaxweyne kasta diidno oo aan qaabiil kasta diidno meesha kama kaceyno, dulli iyo dowlad la'aana waan ku jireynaa, ilmaheenuna waxey dhax layaan dowlad la'aan is naceyb.Dad ayaa ornayaa Dahabo waa is dhiibtay haddiiba oo waa naag olow naagay, mise jaga ayey raadineysaa, wax kale ma ahinee anigu waxaan aaminay hal heyskii ahaa "ninkii hooyadey guursadba waa ii adeerkey". Ninkii wadankaas nabad ka dhiga oo inoo aslaaxiyo sidii aan ugu soo noqon laheyn ayaa wax ii ah, (national interest), kana shaqeeya danta ummada soomaaliyeed ileen USC meesha ay inna dhigtay waan aragnaaye

Dadkii dhibsada qoraalkaan ama u arka meel ka dhac ha iga raali noqdaan, haddey rabaan iney wax ka sheegaan fikradeydana waa u furantahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inuu qofkaasi sawirkiisa soo bandhiga si aan u ogaado qofka ila doodaya inuu jiro inuu magic iyo email been ah isticmaalayo. Websiteyadan waxaan ka codsanyaan iney qofka wax caaridaya iney weydiiyaan inuu ku lifaaqo sawirkiisa si qof la yaqaan ama la aqoon karo, loola doodi karo.

Mahadsanidin

Wa bilaahi towfiq

Dahabo Haji Isse
MA Diplomacy
London UK
Dahabodowlo@aol.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2004


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD