SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
 
Daabaco Boggan | Print

Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Madacweyne kuxigeenka DGPL Maxamed cali Yuusuf Gaagab
Madaxweyne kuxigeenka DGPL oo socdaal ku soo gaaray Boosaaso oo shirbalaran ka qayb galay

SAWIRADA HALKAN KA EEG.. GUJI

Waxaa Taariikhdu markay ahayd 27 October 2004 lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha G/Bari ee DGPL shir aad u balaaran oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne Kuxigeenka DGPL Mamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Wasiirada qaarkood kusugan Boosaaso Taliya Xigeenada Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska DGPL Maamulka Gobolka Bari iyo Degmada Boosaaso Agaasimayaasha Wasaaradaha Qaarkood iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Maamulka DGPL, ulajeeda shirkaa ayay ahayd in warbixin laga siiyo Madaxweyne ku xigeenka DGPL hab maamulka G/Bari Guud ahaan,

Madaxweyne kuxigeenka oo shalay Duhurnimadii soo gaaray magaalada Boosaaso ugu horeentii ayaa waxaa ka hadlay shirkaa Gudoomiyaha G/Bari Yusuf wacays Dhado oo ka warbixiyay Guud ahaan G/Bari Xag Caafimaad, Waxbarasho, Dhaqaale, Nabadgalyo, iyo Maamul Gudoomiyaha ayaa aad ugu dheeraaday Maamul xumada ay ku hayso Hay,ada WFP oo ah hay,ada u qaabilsiisan UN Qaybta Cuntada oo abaarihii si qaldan u isticmaashay cuntadii ay bixinaysan oo aysan maamulka heer Gobol iyo Degmo aan kala tashanay oo maamulka ay iyaga wateen oo meelo gaajo loogu dhintay iyo haraad aan waxba siin waa sida uu u yiri Gudoomiyahu, isaga oo hadalka sii wata ayuu Gudoomiyahu ka hadlay Qaxootiga ku soo ururaya Magaalada Boosaaso oo isugu jira kuwo Soomaaliyeed iyo ajnabi ka kooban Oroma, Xabashi, Kenyan, iyo kuwo kale oo badan oo Nabadgalyo iyo Caafimaad ahaan dhib ku haya Deagaanka, gudoomiyaha ayaa ka hadlay Maamul xumada Dhaqaale ee ka jirta Dowlada Hoose Boosaaso oo inta badan ay eegayaan Dadweynihii Canshuuraadka bixiyay D/Hoose oo wax kale aan qaban lakiin khashinka magaalada ka Ururisa hadii aan eegnayna aad u garaabayso Culayska Dhaqaale ee saran D/Hoose Bosaaso ayuu yiri Gudoomiyuhu, asaga oo hadalka sii wata ayuu sheegay Gudoomiyuhu in ay jiraan Degmooyin ka mid ah G/Bari hadana aan wax qabad ka helin Maamulka Guud ahaan Puntland kuwaa ah kuwa wadada ka leexsan Gudoomiyaha ayaa aad uga warbixiyay Guud ahaan G/Bari Gudoomiyaha oo hadalaka soo koobaya ayaa ka hadlay in ay ula muuqato in al qiimeeyo Ciidamada Booliiska ka howlagala Magaalada Boosaaso Maadaama ay Boosaaso tahay Ilaha Dhaqaale ee Puntland.

Waxaa isagana halkaa hadal kooban oo ku saabsan Dhaqaale Xumada D/Hoose waxa keenay Duqa Magaalada Boosaaso Cabdi Yaasiin Xirsi oo aad u qeexay sida ay u soo Wajahday Dhaqaale Xumada Dowlada Hoose.

Waxaa isgana ka hadlay Wasiirka Cadaalada Diinta iyo Awqaafta Barqad Cali Saalax oo si kooban uga hadlay Hay,adaha Guud ahaan uu ka fushada hawlahooda Gobolda Puntland iyagoon lasoo socodsiin Maamulka Noocuu doonaba hanoqdee iyo qaxootiga faraha badan oo ku soo Ururya Gobolda guud.

Waxaa  ugu dambeeyntii ka hadlay kulankaa Madaxweyne Kuxigeenka DGPL Mr: Gaagaab oo ugu horeentii ka warbixiyay Dawlada u Dhalatay Soomaaliya ee Federaalaka ah oo isagu kamid ahaa Ergadii Puntland ee shirka dib,uheshiisiinta ka qayb galay iyo sida Puntland ay uga faa,iidaysanayso oo ah in ay Puntland ay diyaar u tahay, Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ulajeedada Safarkooda ee Boosaaso uu ahaa marka ugu horeysa ka qayb galida Duugista Beeldaajaha Xaaji cabdulaahi oo la filaayo in bari la keeno, mada kale oo ah u kuurgalida xaalada Dhaqaale ee Dekada iyo Canshuuraha mida kale oo ha Dekada Boosaaso Xanaaneynteeda Dhisme Madaxweyne kuxigeenka ayaa halkaa tacsi uga Diray Reer Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi iyo Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo Hooyadii ay ku geeriyootay Magaalada Boosaaso iyo intay ka tagtay.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa soo booqday Dekada Boosaaso oo uu warbixin ka siiyay wasiirka Dekadaha iyo Kaluumaysiga Ismaaciil Buraale Madaxweynaha ayaa dekada ku hagaagay xili ay shaqo joojin ka sameeyeen Wiishashka alaabaha dejiya oo ka cabanaaya Lacagta looga qaado Qidmada Dekeda Madaxweynaha ayaa waxa uu amray in ay shaqada joogsan oo la wado arintaa la hordhigo Golaha xukuumada si ay Go,aan uga soo saaraan.  

Baaq ay soo saareen Shabakada u Heelanayaasha danaha Haweenka (WAWA)

Waxaa Taariikhdu markay ahayd 26 Otober 2004 Baaq uu soo saaray Xafiiska Xuquuqu Aadanaha ee Shabakada u Heelanayaasha Danaha Haweenka (WAWA) xafiiskaa oo la dhisan shirweynihii ay yeesheen Ururada shabakada taariikhdu markay ahayd 15 September 2004 Baaqaa ayaa waxa uu ka hadlaayay Gabadha lagu fool xumeeyay Magaalada Hargaysa gabadhaa oo lagu magacaabo Samsam Axmed Ducaale Baaqa ayaa waxa uu u qornaa Sidaan.  

SHBAKADA U HEELANAYAASHA DANAHA HAWEENKA (WAWA) Xafiika Xuquuqul Insaanka Bosaaso  

Ujeedo: Baaq

Baaqaan oo ku saabsan Dhaqan xumada iyo xadgudubka loo geestay Samsam Axmed Ducaale kasoo ah kufsi, jirdil intaas oo dhan oo loogu geestay Xabsiga hargeysa.

1- Nasiibdaro waxaa ah in Gabar yar oo Soomaaliyeed 16 jir ah ay waxaas oo dhibaato ah u geestaan Mas,uuliyiin Soomaaliyeed oo Diin, Dhaqana iyo Soomaalinimo kula sheeganaya iyo waliba derisnimo .

2- Anagoo ah 34 Urur oo ku bahoobay Shabakada WAWA waxaanu ogaysiinaynaa Caalamka iyo Ururada u Dooda Xuquuqul Insaanka in aysan ka qarsan Indhaha ficilka waxshi nimada ah oo ay geesteen Mas,uuliyiintaa ka tirsan Maamulka Somaliland gabadhaas yar oo lagu been abuurtay in ay shirqool ka shaqeynaysay arintaa lagu eedeeyana aan wax lug ah ku lahayn aana cadaynayno inay tahay Ardayad u tagtay meesha qaraabo Salaan

3- Waxaan aduun weynaha ka codsanaynaa in xoriyadeedii loo soo celiyo Gabadhaa danbigii laga galeyna lagu qaado cidii mas,uul ka ahayd  

Mahadsanidiin

Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Shabakada WAWA

c/fatax jaamac
Boosaaso

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2004

»SAMSAM AXMED DUCAALE vs HARGEYSA

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar oo qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Xaflad lagu soo Dhawaynayey Dawlada Cusub ee Soomaaliya
iyo dareenka jaaliyada Som. Denmark Guji...
Ururka SIMA oo Dhambaal u Diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaliga ee Soomaaliya
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD