SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Golaha maxaakiimta oo Beeniyey Qabsashada Diinsoor ee uu sheegay col. c/risaaq afguduud.
  • Raii'sal wasaare Geedi ma Itoobiyaanbaa mise waa Soomaali ?

Raii'sal wasaare Geedi ma Itoobiyaanbaa mise waa Soomaali ?

  • Raysal wasaare Geedi oo mar kale ku celiyey inay lama huraan tahay in soomaaliya dagaalo sokeeye ka dhacaan.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa si rasmi ah afkiisa warbaahinta uga sheegay inaan Soomaaliya aysan huri doonin inay cagaha la gasho dagaal sokeeye,isagoo ku sugan magaalada addis ababa ee xarunta itoobiya maadaama uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ku sugan yihiin kooxo calooshood u shaqeystayaal ah oo laga keenay Carabta.

Sidoo kale geedi ayaa intaas ku daray ''''Dagaal waa lagama maarmaan laakiin Dowladda Federaalka waxay sii wadi doontaa inay ka qeyb qaadato dadaal kasta oo nabadeed" ayuu yidhi prof. Geeddi oo intaasi sii raaciyey in dowladiisu diyaarineyso sidii ay isku difaaci lahayd isla markaana ay isaga caabin lahayd wax uu ugu yeedhay midowga argagixisada Islaamiga Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Geeddi ayaa sheegay inaanay dhinacooda weerari doonin Maxkamadaha Islaamiga ah balse ay is difaaci doonaan mar kasta, wuxuuna sheegay in halista xilligan ka jirta Soomaaliya ay tahay kooxo xag-jir ah oo maalin kasta oo ku soo qulqulaya dalka, wuxuu sheegay in 3000 dagaalyahano shisheeye ah ay ku sugan yihiin Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Si kastaba ha ahaatee raysal wasaare Geedi ku celcelinaya inay dalka joogaan niman ajnabi ah si uu taageero uga helo itoobiyaanka iyo dowlada maraykanka islamarkaana miciin biday magaalada xarunta u ah itoobiya ee adiis.

Sh. Yuusuf Indha Cadde oo jawaab kulul ka Bixiyey Hadalkii shalay kasoo yeedhay dawlada Ethiopia

Madaxa amniga golaha maxaakiimta islaamka Soomaaliyeed Sh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa gaashaanka u daruuray war shalay kasoo baxay dawlda Ethiopia kaasi oo ah in maxkamadaha ay yihiin khatarta ugu ballaadhan ee iminka shacabka Ethiopianka ah kusoo maqan.

Indha Cadde waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aanay wax khatar ah ku ahayn shucuubta ku dhaqan gobolka geeska Africa iyo guud ahaan caalamka waxa uuna ku tilmaamay warka Ethiopia kasoo yeedhay mid marmarsiyo looga soo dhiganayo duulaanka ay Ethiopia ay ku doonayso inay kusoo qaado dalka Soomaaliya.

Yuusuf Indha Cadde waxa uu tilmaamay in maxkamadaha islaamka aanay doonay in wax dhibaato ah ay u geysteen shucuubka gobolka kula nool waxa uuna sheegay in waxa haatan fara gelinaya ay tahay dawlada Ethiopia , maxkamadaha islaamkuna aanay mar qudha fara gelin ku samaynin gudaha dalka Ethiopia.

Indha Cadde waxa uu ugu baaqay ciidamada Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka isaga baxaan waxaana uu carabka ku dhuftay maxkamadaha in ay isdifaacayaan haddii dalkooda lagu soo duulo.

Si kastaba ha ahaatee Hadalka IndhaCadde ayaa jawaab u ah hadal shalay kasoo yeedhay la taliyaha ra’isalwasaaraha dalka Ethiopia Barakaad Simon kaasi oo sheegay in dawlada Ethiopia ay khatar xoogani kaga soo wajahan tahay dhinaca islaamiyiinta ku sugan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

Golaha maxaakiimta oo Beeniyey Qabsashada Diinsoor ee uu sheegay col. c/risaaq afguduud.

Golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa beeniyey Hadalka kasoo yeedhay Sarkaalka guutada koowaad ee dfkmg ah col.c/risaaq afguduud oo sheegay inay saaka qabsadeen degmada diinsoor ee gobolka baay kadib markii uu halkaasi dagaal ku dhex maray dowlada fkg ah iyo golaha maxaakiimta soomaaliyeed waa siduu sheegaye islamarkaana madaxa dacwada iyo warfaafinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed sh,Abdaraxiin cali mudeey ayaa ku tilmaamay wax alle kaga fogaansho ah oo aan sal iyo raad toona lahayn wax dagaal ahina uusan ka dhicin deegaankaas islamarkaana ay gacanta ku hayaan golaha maxaakiimta soomaaliyeed.

SHeikha ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadlkan mana jiraan wax dagaalo ah oo dhex maray maxaakiimta islaamka soomaaliyeed iyo dowlada waxaanuna cadaynaynaa inay deegaankaas ku xeeran iyo degmada diinsoorba ay gacanta ku hayaan golaha maxaakiimta soomaaliyeed .

DHanka kale taliyaha guutada koowaad ee ciidanka dfkmg ah C/risaaq Af-guduud mar uu xalay wareysi dheer siiyay mid kamida warbaahinada muqdisho ayuu sheegay , inay dagaal ku qabsadeen degmada diinsoor welibana waxuu intaas ku daray inuu dagaalkaasi dhacay shalay gelinkii dambe waa siduu hadalka u dhigaye.

"Waxaa dhacay dagaal, waxaanan kaga dilnay Maxakamdaha rag badan sidoo kalena waxaan kaga qabsannay hub aad u fara badan oo ah nooca gawaarida saaran" ayuu yidhi C/risaaq Af-guduud oo sheegay inay haatan iyagu gacanta ku hayaan Magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay .

Col. C/risaaq Af-guduud ayaa sidoo kale sheegay inay dagaallo yaryar oo goos goos ah ka socdaan weli duleedka Magaalada Diinsoor, balse ay iyagu haatan gacanta ku hayaan Magaaladaas.

Si kastaba ha ahaatee Madaxa dacwada iyo warfaafinta golaha maxaakiimta soomaaliyeed ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada ay dowladu sheegaynayso Qabsashada diinsoor islamarkaana ay gacanta ku hayaan degmadaasi diinsoor weeyee golaha maxaakiimta soomaaliyeed .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 7, 2006
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD