SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  WARARKII  FEB 11, 2006

  • Nin Talyaani ah oo shalay ku Islaaamay magaalada Muqdisho

  • C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo kulan ku yeeshay..

  • Cismaan Caato iyo Furux oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

  • Shaar-Guduud oo lagu  qancinayo in uu ka qayb galo shirka..

  • Maamulka Tooratoorow oo soo saaray warqad qoraal ah ku aadan…

  • Sifir iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaarey Baydhabo..


Nin Talyaani ah oo shalay ku Islaaamay magaalada Muqdisho

Waxaa shalay Salaaddii Jimcaha ahayd ka hor Masjidka Shiikh Cali Suufi ee Magaalada Muqdisho ku soo ilsaamay nin Talyaani ah oo balse asal ahaan ka soo jeeda wadanka Austariya ninkaas oo horey loo oran jiray Admore Visa ayaa waxa islaamnimadiisa ka qayb-qaadatay Dad Soomaali ah oo mudo la shaqeynayay gaar ahaan shirkadda Banaadir.

Ninkaan ayaa markii loo qabtay Ashahaadka waxa uu la hadlay dadweynaha waxa uu sheegay in aad ugu faraxsan yahay in maanta uu ku soo biiro Diinta Islaamka oo uu yiri waa diin badbaado iyo naxariis.

Ninkaan oo loo bixiyay C/llaahi Aadan oo marka la fasiro ay tahay Addoonkii Alle ayaa waxa uu u mahadceliyay intii gacanta ku siisay in uu ku sii biiro diinta Islaamka, wuxuu dadka kale ee aan haysan diinta Islaamka ugu baaqay in ay ku soo biiraan Diinta Isaamka oo uu sheegay in ay tahay diin leh liibaan Adduun iyo Mid Aakhiro. Ninkaas ayaa markii uu soo islaamay waxa uu tukuday salaada, waxa ayan da’diisu tahay 85-jir isagoo ku tukunayay kursi.

Soo Islaaminta ninkaani waxay ku soo beegan tahay iyadoo qaar ka mid ah Wargeysyada Qaaradda Yurub ay aflagaadeeyay Nabi Muxumad (NNKH) taasoo ka careysiisay dhamaan ummadaha Islaamak.

C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo Geedi oo kulan ku yeeshay..

Saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda oo ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iy Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa hatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo kaddib markii uu shalay ku biiray Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ka tagay Magaalada Baydhabo oo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa halkaasi. Saddexa mas’uul ayaa markiiba kulan ku yeeshay hotel Taar City, wuxuuna kulankoodu uu ahaa mi ay albaabadu u xinraayeen iyagoo ay isla soo qaadeen sidii looga meel marin lahaa heshiiskii Cadan oo ay ku wada gaareen Madaxeynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka 4-tii Janaayo ee Sanadkan, sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ee dhacaya 26-ka bishan iyo sida iyagoo wadajira ay uga qayb-qaadan lahaayeen kulankaasi oo ah mid muhiimad gaar ah ugu fadhiya Dowladda Federaalka. Inta ay ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo waxay kalloo ka shaqeyn doonaan sidii afjari lahaa dagaalkii dhex maray Beelaha Sacad iyo Suleymaan oo ay ku nafwaayeen dad aad u fara badan ilsa markaaan ay ku barakaceen tiro aad u badan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan siyaasiyiinta labada beelood iyo waxgaradkooda, iyadoo markii labaad ay tahay oo ay Dowladda Federaalka ay dhex gasho heshiisiinta labadaasi beelood, sidoo kale inta ay ku sunga Gaalkacyo waxa ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiint ka socota dalalka deeqda bixiya, Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay isla soo qaadi doonaan sidii ay gacan u siin lahaayeen Dowladda maadaama ay heshiiyeen xubnaha ugu sareeya Dowlada. Sidoo kale waxay wadamada Deeqda bixiya iyo Hay’adamaha samafalka si wadajir ah uga codsan doonaan in gargaar deg deg lala soo gaaro dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen. 

Cismaan Caato iyo Furux oo gaaray Magaalada Gaalkacyo

Cismaan Xasan Cali Caato oo ah Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta iyo Max’ed Jaamac Furux oo  isna ah Wasiiru dowlaha badda iyo dekedaha ayaa shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo iyagoo ka mid ahaa wafdigii Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Cismaan Caato ayaa markiiba u gudbay dhinaca Koonfurta ee Magaalada Gaalkacyo waxa uuna kulamo la yeeshay odoyaal iyo waxgarad ka tirsan beeshiisa oo ay isla soo qaadeen sidii loo fulin lahaa heshiiskii beelaha Sacad iyo Suleymaan ku gaareen Magaalada Muqdisho kal hore.

Max’ed Jaamac Furux iyo xubnihii kale ee la socday Waqooyiga Gaalkacyo waxaana la filayaa in maanta uu isna kulamo la yeesho waxgarad ka tirsan Beeshiisa, kaddibna siyaasiyiinta labada beelood ayaa u dhaqaaqi doona goobihii ay dagaaladu ka dhaceen iyagoo kulamo la yeelan doona dadka ku dhaqan deeganadaasi, gaar ahaan Hobyo, Gelinsoor iyo Goobo kale.

Shaar-Guduud oo lagu  qancinayo in uu ka qayb galo shirka..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo ka ambabaxay xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda oo ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle iyagoo ku sii jeeda Magaalada Waajid ee Gobalka Bakool halkaas oo uu ku sugan yahay Wasiirka Beeraha Xasan   Max’ed Nuur (Shaar-Guduud) iyo xubno kale oo Dowladda ka tirsan oo la sheegay in aysan ku qanacsaneyn in Magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Shaar-Guduud ayaa waxa uu ku andacoonayaa in Baydhabo ay gacanta ugu jirto dad aan u dhalan loona baahan yahay in marka hore dadkaasi laga saaro loona dhiibo dadkii asal ahaan u lahaa Magaaladaasi.

Shaar-Guduud oo la filayay in uu ka qayb-qaato soo dhaweynta Guddoomiyaha ayaa ka baaqsaday sababo la xiriira arrintaasi, maanta ayaana la filayaa in kulan ka fool ka fool ah uu dhex maro xubnaha Dowladda ka soo jeeda Digil iyo Mirifle.

Xasan Max’ed Nuur intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi waxa uu doonayay in Magaalad Wajid ay martigeliso kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka.

Maamulka Tooratoorow oo soo saaray warqad qoraal ah ku aadan…

Magaalada Tooratoorow oo ka mid degmooyinka gobolka Sh/hoose ayaa maamul dhawaan loo sameeyey waxaa uu soo saaray warqad ay ku qoran yihiin xubnaha magaaladaasi.

Guddoomiyaha magaalada Tooratoorow, Duqa magaalada, Taliyaha amniga, Garsooraha maxkamadda, Gudoomiye ku xigeenka degmada, ku xigeenka duqa magaalada, taliye ku xigeenka amniga, xubin guddiga gobolka, xoghayaha dowladda hoose, xubin gobolka iyo guddoomiye ku xigeenka maxkamadda, ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinkii lagu caddeeyey warqaddaasi qoraalka ah.

Guddoomiyaha degmada Cusmaan X. C/llaahi Tukulush, ku xigeen Cabdi X. C/lle Cabdi, duqa magaalada Cumar Cabdi Aadan {Cumarow Fuleyle}, ku xigeenka duqa Cali Cabdi Abow, taliyaha amniga Cali Cusmaan Cali {Cali Kuus} Ku xigeenka Cusmaan Durre, Guddoomiyaha maxkamadda Sh. Madhaay Cali, ku xigeenka maxkamadda Xaaji Axmed Abuukar.

Waxaa sidoo kale la magacaabay labo xoghaye iyo 11-xubnood Cusmaan Sh. Nuurow, Cusmaan Cumarow Jiis, Max’ed Cusmaan Eeney, Cabdi Sh. Daa’uud, Aadan Mukhtaar Xasan, Caliyow Ibraahim Cusmaan, Macallin Soomow, C/llaahi Sh. Xasan, C/llaahi Xasanow Carte, Xuseen Xasan Gurey, C/llaahi Ibraahim C/lle, Cabdi Xasan Max’ed. waxaana saxiixay warqaddaasi Ugaaska Beesha Garre Xaaji Aadan Gaabow, Gaabow Buulle, Xaaqil X. Cabdi, Buulle Kiliye.

Sifir iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaarey Baydhabo..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dowlada Federaalka Maxamuud Jaamac Sifir iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen Magaalada Baydhabo oo la filayo in 26-ka bisan uu ka dhaco kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo xubno ka tirsan Dowladda.

Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka xanaanada Xoolaha Ibraahim Max’ed Ibrow, iyo Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Mukhtaar Max’ed Yuusuf, iyadoo inta ay halkaasi ku sugan yihiin ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan iyo dadweynaha gobalka.

Magaalada Baydhabo haatan waxay u muuqataa mid sii kasbaneysa in ay qaban karto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxaana horey u tagay Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana meesha ka baxay tuhunkii ahaa in nabadgelyad Magaalada Baydhabo aan la isku haleyn karin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2006

Qoraal ka soo baxay Ururka Israaca
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Washington D. C wuxu soo.. Guji... Feb 10

Sannadguuradii 15aad ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali

ISKU SOO BIXII UGU WEYNAA EE MUSLIMIINTA KENYA OO DHACAYA JIMACAHA
»Turkiga:Joojinta Alaabada ka timaada Denmark & Norway
»W/Arrimaha Dibada Sweden oo la kulantay danjiriyaal
»Codsi ka soo baxay Wasiirkii hore Arrimaha Dibada Denmark
»Denmark oo diiday iney la shaqeyso Immaamyada Denmark
Wararka oo dhan ka akhri halkan....