Somaliland maamul baali ah
iyo shacab beerka dhigay
A. Osman |
a.osman@home.nl
safarkaygii dalka soomaaliya
gaar ahaan gobollada waqooyi, wuxuu ahaa safar gaaban oo maskaxda ku soo celiyey
xusuus badan iyo muuqaal mudo hore maskaxda ka masaxamay waxaa is khilaafay
aragtida cusub iyo qashin badan oo maskaxdu si khaldan u kaydsatay sidoo kalana
waxa is bedel ku yimi wanaag badan oo maskaxdu urursatay, waxaa is wajahay
xaqiiqada dhabta ah iyo maskax aad moodid in ay maydhantay oo qashinkii daadisay
waxaan safarkayga ka bilaabay magaalada burco oo iyadu ahayd meeshii ugu
horaysay ee aan diyaarada kaga degay, magaalada burco waxaa iigu danbaysay mudo
ku dhow 20 sano.
Xiligu waa diraac ama
jiilaal aan kululayn,dhirtu malaha muqaal wanaagsan oo aad ku raaxaysatid, geed
waliba waxa uu lebisan yahay kiilooyin baco ah oo ay dabayshu dul saartay
magaalada dhexdeeda waxaa buux dhaafiyey qashin aan la qiyaasi karin, wadooyinka
waxaa qariyey ciid weynta biyaha iyo dabayshu ku soo rogeen maamulka goblku waa
mid ka seexday nadaafadda magaalada,khatarta soo socota haddii aan laga
hortegin waa mid aan qofna ugu simayn waxa uu jecel yahay iyo halka uu
hiigsanaayo,alnadaafatul nusful iimaan nadaafadu waa iimaanka badhkiis hadaan
nadaafadda la hagaajin imaanka wax baa ka si ah .
Haddii roob da,o khatarta ka
iman kartaa waa mid aan sahlanayn oo waxaa ka dilaaci kara xanuunada wax laaya
kuwooda ugu khatarsan,dadku malaha feker midaysan oo ay nadaafada magaalada wax
kaga qabtaan,shacabku waa mid ka daalay wax ka qabashada qashinka, magaaladu
wakhtigii iigu danbaysay waxay ahayd magaalo aad u kooban hase yeeshe hada waxay
noqotay magaalo aad u balaadhatay oo dhan kastaba u fiday, dhis mayaasha
qaarkood weli waxaa ka sii muuqda xabaddii dagaaladii sokeeye ee wakhtiyadii la
soo dhaafay .
Magaalada burco waxaa ka
muuqatay nabad gelyo iyo xasilooni aad u wanaagsan, hase ahaate magaalada waxaa
haysatay dhaqaalo xumo iyo dhaq dhaqaaq yaraan xaga baayac mushtarka ku saabsan,
dadka inta badan waxaa ka muuqatay sabool nimo, waxayse ahaayeen dad iimaan
wanaagsani ka muuqdo oo aadan arkay cid wax boobaysa,lacagta waxaa lagu sitaa
kiishash ama baco ma arkaysid cid waardiye laga hayo ma arkaysid cid ka
baqanaysa in la boobo mase garan karo nabad gelyada jirtay iyo baahida badan ee
jirtay sida ay isula jaan qaadi karaan, waayo waxaa dhici karta haddii rabshad
yari bilaabato in kuwa baahani ay boobaan kuwa wax haysta, hubka magaalada lagu
dhex sito ma badnayn ilaa iyo intii aan joogay waxaan arkay ilaa labo goor oo
aan ku arkay xaafadaha geeska xiga ee aanu dadku ku badnayn, dhawaaqa rasaasta
hal mar ayaan maqlay oo wax yar ka danbaysa wakhtiga salaada subax la tukado
cida ridaysay iyo waxa lagu ridayey midna ma sheegi karo.
Isla safarkaas gaaban waxaan
kaloo booqasho ku tegey degmada buuhoodle iyo tuulooyin badan oo ka sokeeya
waxaan sii maray laamiga dheer ee isku xidha koonfurta iyo waqooyiga soomaaliya,
waxaan laamiga kaga baydhay tuulada Wadaamogoo, inta u dhaxaysa magaalada burco
ilaa tuulada wadaamo goo, waxaa wadada daadsan isbaarooyin ama kaantaroolo 5
ilaa 6 isbaaro ma kala garaynsid midda sharciga ah iyo tan aan sharciga ahayn
mana aha kuwo loo dhigay amaan daro,oo dhulku waa amaan baabuurka ma soo
korayaan mana waydiinayaan waxa saaran, baaqu waa joogso nalka demi soo
deg,kaalay,jeebka gacanta geli ama is baadh baadh, haddii aad diidid waa baarkin
garayn xanibaad iyo wakhti badan oo kaa luma.
Degmada b/le waa magaalo aad
u balaadhatay sida magaalooyinka kaleba u koreen ee dhismayaashoodu u fideen
inkasta oo si xun loo dhisay oo aad moodid in dariiqyada magaalada lagu habsaday
hadana b/le wuxuu noqday magaalo aad u kortay waxa kale buuhoodle ka jirtay
nabad gelyo iyo xasilooni aad u wanaagsan oo aan horay loo arag magaalada
buuhoodle waxay xidhiidh ganacsi la leedahay magaalooyinka bariga soomaaliya iyo
kuwa waqooyiga soomaaliyaba, buuhoodle iyo burco waxaa ka wada dhaxeeya xidhiidh
aad u wanaagsan iyo ganacsi baahsan odayaashu waxay ahaayeen kuwo xaga nabad
gelyada iyo wada hadalka iskaga xidhan xaga nadaafada buuhoodle wuxuu ahaa mid
magaalada burco ka sii liita bacda lagu adeegtaa waxay qayb weyn ka qaadatay
nadaafad xumida dalka ka taagan dhakhaatiirtu waxay ii sheegeen in ay dalka ku
soo badanayaan oo lagu arkay xanuuno la garan waayey oo aan horay dadka iyo
dalka soomaaliyaba midma loogu arag.
Mudo yar ka bacdi, waxaa soo
geba geboobay safarkaygii oo waxaa igu soo dhawaaday wakhtigii aan soo noqon
lahaa waxaanna dib ugu soo laabtay jidkii dheeraa ee aan markii hore siimaray
iyo magaalada burco oo ahayd meeshii ugu horaysay ee aan safarkayga ka bilaabay
waxaan helay fursad ii sahashay in aan hargeysa ka dhoofi karo inkasta oo tigidh
kaygu ahaa mid furan oo aan markii hore ku sii talo galay in aan meelkasta kaga
dhoofi karo hadana jaaniskaan helay wuxuu ii fududeeyey in aan magaalada
hargeysa iyo magaalooyin kale oo badan soo arko waxaan goor gaaban ka baxay
magaalada burco socodku ma kala laha habeen iyo maalin oo dhulka dhib badani
kama jirto, baabuurtu wakhti kasta way socotaa, b/le ilaa hargeysa waxay u
socdaan si isku mid ah, hase yeeshe hadana wakhtiyada qaarkood waxay xaaladu
isku bedeshaa in ka yar saacad gudaheed,waayo isgaadhsiinta ayaa aad u
fududaysay marka meel dhib yari ka dhaco in markiiba la helo war bixin deg deg
ah taas oo sababta mar marka qaarkood in socodku hakado inta laga ogaanayo
xaqiiqada dhabta ah.
Wadada burco berbera iyo
hargeysa isku xidhaa waa mid aan darawalka u saamaxay inuu u socdo sida uu rabo
waa wado bur bursan oo dayac badani ka muuqdo waa mid u baahan wax ka qabasho
iyo dayac tir badan,qoraxdu intaanay naga dhicin ayaanu soo gaadhay tuulada
sheekh magaalada sheekh uma muuqan magaalo wax weyni ku kordheen marka loo eego
sida magaalooyinka kale u fideen ee u dhismeen magaalada dhexdeeda waxaa iiga
muuqday dhowr guri oo saqafka kore ka maqan yihiin, kuwaas oo la iigu sheegay in
ay yihiin iskuulkii hore ee tuulada sheekh inkasta oo laygu yidhi mid cusub ayaa
meel kale laga dhisay oo kan waa laga guuray hadana waxa uu ahaa hoygii
tacliinta gobollada waqooyi oo qaawan.
Leex leexasho iyo socod
gaaban ayaanu buurta sheekh kaga soo degnay waxaa noo dhacay gabalkii ama
qoraxdii, magaalada berbera waxaanu soo gaadhnay goor habeyn ah kumanaan baydhin
oo markiiba waxaanu la baydhnay laamiga dheer ee isku xidha berbera iyo
hargeysa kaantaroolada ama isbaarooyinku waa kuwo aan kala dheerayn baaqu waa
joogso gaadhiga xaga danbe fur soo deg shandada fur iyo marka ugu danbaysa oo ay
ku yidhaahdaan war wax noo dhiib markasta oo lagu joojiyo wakhtiga waxaa kaa
lumaya in ku dhow 20 daqiiqo .
mudo ku dhow sadex saacadood
ka dib ayaanu soo gaadhnay magaaladda hargeysa waxay ahayd markii iigu horaysay
ee aan arko magaaladda hargeysa waxay ii ahayd barasho horteed ha i nicin,
hargeysa waa magaalo weyn oo maanta u dhiganta qaar ka mid ah caasimadaha afrika,
waa magaalo aad u balaadhatay, oo aad ku arkaysid dhismayaal badan oo cusub iyo
kuwo hada gacanta lagu hayo oo u badan dhulka koona yaasha ah naqshada dhismuhu
waa mid isku dhow waa fiilooyin gaagaaban iyo kuwo labo dabaq ah wareega guri
kastaa dayrkiisu, wuxuu ku fadhiyaa in ka badan boqolaal mitir jawiga magaaladu
waa mid degen.
Nadaafadda magaalada hargeysa
waa mid ka daran tii aan ku soo arkay burco iyo b/le baali nimadu waa cudur la
is qaadsiyo haddii maamulku baali noqdo wuxuu qaad siiyaa shacabka uu xukumo iyo
magaalada uu marka degen yahay hooyadu haday baali noqoto waxaa ka dhaxla oo
laga yabaa in ay firsadaan ilmaheeda iyo inanteeda, in aan beerka u seexanaa
barbaarinteeni ma aha weli waynu nool nahay ee aan is bad baadino la soco
asbuuca danbe ama qoraalada dabe iyo sawirka hoose oo aan ka dheeray badh tamaha
magaalada hargeysa

halkani waa jidka wad naha
A. Osman |
a.osman@home.nl
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006
»Duq
Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka
loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu.. »Denmark
oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa.. »Fikirkiisa
Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!! »OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»HADDII NABIGII ALLE
LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON? |