SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dugsi malahan  Qabyaaladi wax ay Dumiso mooyaane!

           Maxayse kala yihiin Qabiil & Qabyaalad? 

Muxammad  Bashir Salaad 
malfighi@hotmail.com

     Mahad iyo kaamil ahaansho idilkeed waxa iska leh oo ay u sugnaatay Eebbe nabadgelyo iyo naxariistii Rabbina u ahaato Nabbigeena Muxammad scw ehelkii asxaabtii iyo intii wanaaga ku raacda illa Qiyaami saacah. 

     Intaa ka dib, waxan jeclaystay in aan wax ka tilmaamo Qabyaalada oo aan hubo in uu yahay cudurka kaliya ee sida aadka ah inoo dilooday gheyrkeena inaga reebay waxa in badan wanaag Eebbe ha ku abaalmariye inooga digay culimadena, waxa ay sidoo kale inoo bayaansheen sida cudurkaa looga gaashaanto iyo daawadiisaba.  Waxa sidoo uga hadlay oo aan wax la hadhin abwaanada, indheergaradka iyo aqoonyahanada nadiifka ah, waxaa iyana xusid mudan qawlkii C/llahi Suldaan Timacadde janna firdawsa Eebbe ha ku abaalmariyee kolkuu lahaa, Dugsi male qabyaaladi wax ay dumiso mooyaanee!

     Marka waxaa cad shakina uusan ku jirin in cudurkani yahay dilaayaasha midkooda ugu qatarsan, waayo cudurada kale ruuxa ayey asiibeen duunyaduna waa ay ka nabadgashaa halka kani dadkii iyo duunyadiiba uu ka salafsan. Waa maxay calaamadaha lagu garto ruuxa sida viruska cudurkaan?  Calaamadaha lagu garto waa ay fara badan yihiin, wuxuuse ruuxa qaba hivga Aidska kala mid yahay u gudbinta inta u nugul qaadistiisa, waxaase u dheer calaamadahan dhawrka ah Anaaniyo, Xiqdi iyo Xaasidnimo, Cadaawad  iyo Coleytan, Walwal iyo Walbahaar Qab iyo Islaweyni, Jahli, Naceyb, Been, Maalgubis, Qaraabogoys, Safiihnimo iwm.  Haddaba cudurkaan dilaaga ah daawo ma leeyahay?  Jawaabta oo sahlani waa Haa laakiin daawadiisu ma ahan in loo isticmaalo anti bayootik ama in qalbiga qaliin la isaga sameeyo si cudurkan loo suulsho, ha yeeshee daawadiisa dhabta ah lana hubo waa Diinkeena xaniifka ah ee wanaagu ku idil yahay. 

     Qabiil iyo Qabyaalad ! waa ay haboon tahay in la is weydiiyo waxa ay kala yihiin amaba ay ku kala duwan yihiin qabiilka iyo qabyaaladu?  Runtii waa ay dhici karta in qayb bulshada ka mid ahi ay labadan isku khaldaan ama ay qabiilka qabyaalada ku khaldaan!  Haddaba waa maxay Qabiil?  Qabiilku waa astaan ama magac ay ku bahoobaan dad wada dhalasho  dhiig iyo abtirsiinyo ay ka dhaxeyso, mushkilladna malahan waana arin wanaagsan haddii loo adeegsado lana raaco wadiiqada toosaan ee Diinkeena xaniifka ah ku sugan, kaasoo ah in la isku aqoonsado wanaaga iyo kheyrkana la isugu kaalmeeyo xumahana la isaga digo.  Qabyaalad!  Qabyaaladu waa ficil lagala yimaado af iyo adin kaasoo dad abtirsiinyo ka dhaxeyso ay dhinaca xumaha reer hebelnimo isugu bahaystaan, waana ficilkaan midka kharibay dalkenii hooyo kalana geeyay dadkii.  Cudurkaan qabyaaladi ku dhisani waa ficil xun kana soo askumay Ibleys waayo isaga ayuu ahaa kan jideeyay sunnadaan anaaniyada ku dhisan, kolkuu lahaa aniga ayaa ka kheyr badan  nabbi Adam cs.  Waayo nabbi Adam cs turaab ayaa laga ahaysiiyay, ibleysna dab.  Marka waxa inoo cadaaneysa in sanadka  sunnadani ay meel xun ka soo jeedo, aakhirkiina ay meel xun iyo baas ku dambeyn doonto.  Eebbe ha inaga koriyee. 

     Waxyeelada ugu weyn ee ay qabyaaladu geysato inta dunida la dul joogo waxa weeye iyada oo kharibta fasaahidisana dadkii iyo duunyadiiba, ruuxiise u dhinta waabaayadan meel xun ayuu masiirkiisu noqon, waana mid adilada ku cad in haddi dad muslimiin ah, ay dagaalamaan kii la dilay iyo kan wax dilayba ay ehlu naar yihiin.  Marka waa ay haboon tahay in dadka jidbadu hayso oo u xadreyn amaba u heelan cudurkaan dilaaga ah, in ay isaga waantoobaan kana toobad keenaan inta ay goori goor tahay oo aan ruuxda loo imaan, waayo waxa laga yaaba ruuxii suntaa u dhinta in odaygii uu dartiis nafsadiisa u soo waayey uu ku gacan seyro barina uu ka noqdo sida Nabbi Ciise cs uu bari uga noqon doono nasaaradaan kuu tiir iyo tacab beeshay, Malaa’igtuna ay uga bari noqon doonaan kuwa iyaga caabuda, sidoo kale ayuu sheydaanku caleyhi naclatuLlaahi illaa yawmiddiin uu isaga bari yeeli doonaa kuwii uu u baalo haatin jiray unana yaboohi jiray waxaan jirin oo dhalanteed ah wuxuuna maalinta dambe ku dhihi doona kuwii ku kadsoomay, sida Qur’aanka kariimka ah ku sugan “ Wax xujo ah dushiina kuma lahayn oo aan ka ahayn in aan idiin yeedhay oo aad i ajiibteen, ee ha i dagaalinee nafsadiina la dagaalama anigu wax idiima tari karo idina wax iima tari kartaan, waana idinku diiday waxaad horay iila wadaajiseen ” Haatan iyo dan! walaalayaal aynu camalka wanaagsan ku dadaalno kaas ayaa insha Allah ina anfaci doona , maalinta dambe ee la oday iyo habar la’yahay ee ay naf waliba teeda la mashquulsan tahay, dad kuwii isugu xigayna ay kala cararayaan, waana  maalin sida Qur’aanka ku cad uu ruuxa “Mujrimka ahi jeclaan doono in uu cathaabka maalinta isaga furto ubadkiisa, xaaskiisa, walaalkii, qaraabadii soo dumi jidhtay iyo waliba inta dhulka ku sugan oo dhan deetana uu isaga kaligii badbaado” Ogsoonow oo laabtaada gali in Nabbigeena scw uu inoo sheegay “ In qofkii uu camalkiisu dib u dhigaa aysan heybtiisu hormarineyn ”  oo aan la lahayn kani wuxuu ka soo jeedaa reer fulaan binu fulaan binu laandheere.  Dadku waa ilmo Nabbi Aadam cs, Aadamna cs camuud ayaa laga ahaysiiyay wixii ka soo haray oo tafiirtiisii ahna biyo liita oo marinada qashin saarka soo maray ayaa laga abuuray, marka waxa uu ruuxi ruuxa kale ugu digto amaba uu ugu faano meesha maba taal, sideedaba dadku waxa ay ku kala qiimi iyo sharaf badan yihiin hadba heerka uu gaadhsiisan yahay Rabbi ka yaabkooda, marka qab ab iyo oday laga soo gaadh ah yeysan na Aakhiro seejin. 

Muxammad  Bashir Salaad 

malfighi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?