Ilmadii
Dagaalka Sokeeye
A. M. Yusuf
Copyright© u dhowrsan qoraaga
|
wayeel@operamail.com
Ibraahim Faarax Cabdi (Shaarib)
ayaa yiri:
Isin beena urur aan wax
qaban uunka maqashiiya
Labadii is aamini jirt'aad kala irdheyseen'e…
Wax'aad tihiin Amxaara nala jirta oo na aynabay'e
Aqligaad kawada foorartaan sida Ibleyskii'e
Utun raagtay aaqiro dad baa eed la yuurara’e
Aduunyada dusheeda na dad baa eersigiin qaba’e
Ifk'aad nagu kadeedeen shar b'aad urursanaysaan'e…
Odoyaashu aafiyo dhexgale' ururso xaaraan'e
Wax'aan aragnay waxa aasan baa tiro ka eel dheer'e …[1]
Soomaaliya waa lamadegaankii
jaxarka, jawrka iyo xakaarka. Dhulkii aanooyinka. Geyigii colaadda. Carradii
gacandhiiglaha. Ciiddii mooryaanta. Hooygii hoogga, kufsiga iyo karaamadarrida.
Xabsigii saboolka iyo silica maanmaalka iyo wadaadada Ilaahay. Dalkii goblanka,
madiga, agoonka, rajayga, armalka, asayda, abtirsiimo-laawaha, looma-ooyaanka
iyo oohinta. "Waddankeennu waa wadnihii jidhkeenna[2]"
ee nacayb iyo dhiig sokeeye fatahay!
Dagaalladu ma laha
gacaltooyo ama ba guhaad loogu kala xilan karo. Si dhif ah ay’ay nacabtooyada
dagaalka sokeeye u kala duwan tahay. Mid shalay ahayd iyo mid maanta joogta ba,
mid mid dhaanto ma jirto. Colaaddu, weli isla sideedii hore ay’ay wax u dishaa
wax na u dumisaa. Isla sidaas oo kale ay’ay weli na waxyeello u geysan doontaa —
sidii shalay ama ba maanta. Si kasta ba, “dhibbanaha ugu horreeya oo ay colaadda
disho waa runta.” Walaal iyo wadaaygiis — ee midkood ba kan kale, rogaal
iyo col ba ruuga u dhigay — ayaa eedda isku kala dadbi doona. Midkood na ma
qaadan doono in uu noqdo eedeysanaha nabaddii aasay. Mid kasta na isaga ayaa
isla gar lahaan doono. Isaga ayaa isku tilmaami doono in uu yahay runlowga
keli ah ee runta sheegahaya. Dhibbanayaal, bartamaha dagaalka ku go’doomay, ayaa
jiray ee ku dhex saxariiray dhiillooyinka waalnaa iyo gadoodkii xumaa ee ka dhex
dhacay beelihii ridamayay iyo isreebkoodii qubay dhiiggii qaranka — ilmadii
dagaalka sokeeye.
Dhibbanayaasha, sida
la caadaystay, waxa la soo hadalqaadi doonaa waayo dambe dabadood. Ama
shibteeday ayaa laga wada geli doonaa, si aan cawrooyin muuqda loo qaawin. Ama
kaagadaranta, waa ba lagu faani doonaa halkii looga murugoon lahaa tiryooyinkii
sokeeyihii dhintay — see waa iska xaal dagaal’e. Arrinta ugu wada fooshaxun na,
waa midda iman doonta gabaabsiga dagaalka: Waa ba la illoobi doonaa. Cid
doonaysa in wax ogaato ba ma jiri doonto. Qof kasta na waxa uu doorbidi doonaa
in uu noolaado noloshiisa; dantiisa na aan uu u seegin dhacdooyin dhacay
tagtohore — "tagto daa ee timaaddo qabo," miy'ay rumaysan yihiin? 'Yaa og?
Si ayan, hadda ba
taas oo kale u dhicin, ay’aa jeclaan lahaa in aan Soomaalida ku baraarujiyo
qoraalkaygan. Dhibbanayaashii "iilka lagu gaabshay" waa in hogga hiilka loogu
geeyaa.
Beriga maanta ah,
waxa aan doonahayaa in aan xusuusto hooyaday, aabbahay, awowgay, ayeyday,
abbaayday, abboowgay, xigaaladaydii, deriskaygii, saxiibaday — dadkaygii — sida
kaska iyo bareerka ahayd loogu riqday. Xigtadaydii, sida turriino la’aanta
lahayd, loogu rigaaxay reemida madaafiicda. Gacalkaygii hoobtay ee aan ruux na
laga caymin. Saaxiibaday iyo deriskaygii ay laayeen 'Koofiyad Castii',
jabhado-ku-sheeggii, bombooyinkii, Teknikadii, Mooryaantii, dagaaloogihii,
siyaasigii, reer magaalkii iyo reer miyigii — qawleysatadii badda iyo berriga.
"Giddigiis naflaa'iga wixii gobolba meel aaday.[3]"
Colaaddii, xasuuqii iyo duqyentii aan loo aabayeeli jirin awgii, dad ayaa ku
kala irdhoobay. Dadkii uu aabigu qixiyay, baylahda na uga dhigay arradka,
asqada, oonka iyo gaajada iyo hawkarka iyo dhaxanta iyo dheelka arooyaad iyo
dhibbanayaashii ka soo noolaan kari waayay. Dadkaas ayaa maanta mudan in aan
xusuusto. Cid aan taa na ku habaaro ama ba ugu duceeyo, garan an maayo.
Lixaadkaygii ayaa socod iyo gudub[4]
u diriray, socod iyo gudub na isu dabargooyay. Midigtaydii iyo bidixdaydii ayaa
isjaray. Haddii se maanta, halka wax oo aan diidan ahay uu laabtayda geli lahaa,
waa hubanti, in aan sheegga Soomaalida oo idil wada nici lahaa. Ma ogi si aan
hadda na u nici karo lafahayga iyo dhiiggayga. I ma ogid ee Soomaali ay’aan
ahay. Soomaali xumaan tirsanaya, xummaan na aan cid na la doonayn; bal se ay
xumeeyeen Soomaali walaalihiis ah ee xun. Mid xun iyo mid san na, Ilaaha Weyn,
ayaa og. Anigu na, qaar xumaa, ogi.
Reer kasta waxa laga
tebaa dadkii aan ka soo samatabixin colaaddii qaranka. Sidaas darteed na,
baroordiiqda qaranka ee taah-beeshay ka qeylo dheer wax aan la maqli karayn.
Murugooyinka shibban ee ooyaya. Anigu se indhuhu baroor awgeed ay'ay i la
basaaseen. Dadyow badan ee aan adduunka ba joogin ayaa i hor imaanaya. Dadka —
dhimashadoodii, naflacaarigoodii, galangalcowgoodii, sakaraadkoodii iyo
goohoodii — geeridoodii xanuunka badnayd ay igu reebtay uurkutaallooyinka
raagaya. Geeridii qaranakayga gunnimada badday; cadowgii dadkayga na guushii
siisay.
Gardarradii iyo
maaggii ay'aan welidan hiban. Ciilka iigu xanuunka weynaa waxa uu ahaa, goortii
rayid aan hubaysnayn dagaalkii lagu galaaftay, weerarkii na lagu dayeysiiyey.
'Ha kala reebin, wax na ha hambayn' ay ka dhacday! Carruur, haween, wayeel iyo
bukaan ba la wada xasuuqay. Ma gaalleeftii ayaa loo qaaday gaabiskii iyo
dhaawacii na! Degmooyin iyo beelo dhan miyaa damug laga siiyay! Dadku w'uu ka
sheekayn doonaa teeryo Qiyaamaha. Geeridoodii waxa ay i dhaxalsiisay dhaawacyo
culus, kuwaas oo si ay u bogsadaan u baahnaan doono waaritaan dheer — cimriga oo
idil, malaha.
Marka dagaalka la
ebyo, wax iisha, runta ayaa ugu horreyn doonto. Waa qaan innaga oo dhan
la inoo haysto, haddii dhibbanihii colaaddu noqdo tiro lagu qoray sadar ama ba
uu noqdo tirsi la qatifay ama ba qalfoof iil iska dhextaal uun. Runtii na wax
aan qeexnayn, ama la qasay ama ba ay noqoto wax raqdii lagu aasay maydadkii la
raaciyay. Dhibbanihii la halmaamo na, "waa sidii isagii oo mar labaad la dilay"
oo kale. Runta waa in la soo ifbixiyaa.
Arrin weeye aan si
aad ah ugu bogi lahaa, haddii jiilaalka aan igu kufka ahayn iyo faca iga
dambeeyo oo idil, in ay u arkaan sokeeyihii la dilay, la qixiyay, la barkiciyay,
la na bililiqeystay: in ay ahayd gef weyn; si runtii na ay u noqoto mid la taray
hiil weyn. Mid loo wada dooday, mid qareen loo wada noqday — mid la wada
qaayibay. In aan wada sheegno runta wadnaha iyo caloosha ba aan la siin kari
doonin. Tani na waa wax barbarsocda irkashada dakanaha colaadaha: Hal
gardarri waxa loogu aargudayaa gardarrooyin kale ee la buunbuuniyay. Qaantii si
loo mago, waxa loo bahan yahay ma ahan fulaynimo ee waa — in aan laga dhuuman ee
lagu dhiirrado — diracnimo, karti iyo halyaaynimo. Waxa loo baahan yahay
jacayl iyo hilow walaaltinimo si boogihii qaranka loo dhayo: Si
runtii na loogu helo garsoor dabagala iyo gar lagu joojiyo.
Yididiilo aad u
wanaagsan ay’ay ahaan lahayd, haddii aan soohdimaha colaadda iyo nacaybka iskaga
soo maaxi lahayn si aan runta isugu wada sheegno, isu na maqalno. Haddii ay reer
Awdal ama reer Jubbada Hoose ahaan lahayd ama Benaadir, Saanaag, Shabeelle Dhexe,
Gedo, Hiiraan, Sool, Bari, Nugaal, Mudug, Waqooyi Galbeed, Shabeelle Hoose,
Togdheer, Galguduud, Bay, Bakool iyo Jubbada Dhexe — waa in aan jebinnaa
xuduudaha beenta ah ee na kala xereystay. Si qarankeennu isugu yimaaddo na, waa
in aan odda goosannaa. Waa in aan is aaminnaa. Isku kalsoonaannaa. Waa in aan
qolo goonni ah na loo takoormin! Beel ha sheegan, gobol ha sheegan, degmo ha
sheegan, tuulo ha sheegan — qabiil na ha sheegan. Dalka Soomaaliya sheego,
Soomaalinnimo sheego, Islaannimo sheego — qarannimo sheego! Weynaanta adiga oo
arkaya, maxaad walaalkayow fushay, weydnimada. Ha la dhaqaaqo. Qoladii salaanta
bilowda, ayaa na ugu khayr badan! Ummaddii Nebi Maxmmad waa in ay isu
xanuunsataa. Waa in ay walaalowdaa. Ha la dhaqaaqo. Waa in la is jeclaadaa!
Madasha aan ku kulmayno iyo goorta aan kulmi doono, labadu ba, waxa ay digniin
iyo waanooyin iyo qeylodhaan u noqon doonaan, innaga oo idil; si aan ay colaad
dambe u helin dabayl hurisa iyo shidaal dambe oo ay quudato ba. Madashaas waa
goob aan kowda hore ku wada ooyi doonno; ka dib na, eedihii iyo eexdii ba aan
cafin doonno. Ilaahay na ha ina wada cafiyo. Walaalahay na Eebbe uurkooda ha
isu dumo — ha u na dembi dhaafo idilkood. Aamiin! Aamiin! Aamiin!
Laga bilaabo
berigaas — hadd’uu Allah igu simo — iyo teeryo beriga kale ee aan anigu na ku
biiri doono halkii loo batay, waxa aan laabta ku hayn doonaa, ku na heesi doonaa,
Somaaliyey toos’oo
toos’oo isku tiirsada ee
Had ba kiin na
taagdaran taageera weligiin!
*****
QORAALADII HORE EE QORAAGA GUJI...
·
Dhamaad
La soco qeybaha soo socda …
[1]
Ibraahim Faarax Cabdi, "Ilaahiin ka Baqa Wax'aad Qabtaan
Ehelediinnii'e".
Eeg halkan …
[2]
Maxamed Ibraahim Hadraawi, "Waanada Macallinka". Hees, Radio
Mogadishu. Luuqdii Maxamed Mooge Liiban.
Inta aan ka xusuusto, waa sida hoose:
[4]
socod iyo gudub: [WAALO] ciyaar laga
ciyaaro gobolka Mudug. Labo nin oo iska soo horjeedda ayaa gacmahooda ku
tuuraya inta iyaga u dhaxaysa. Saddex jeer (tarta) oo isku xigta ninka
gacmihii hela ayaa raynaya. Socod waa markii ay gacmahooda midig ama
bidx (gur) badda wada galaan. Gudub na waa markii ay si isdhaaf ah bedka
u galaan. Koodii raayay sacab iyo or ayaa loo garacayaa: " A tuba a tuba
tuba tuba, qabax dheh!". Macnaha aan halkaan uga gol leeyahay waa: gacan
bidix iyo gacan midig uun.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006
»Duq
Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka
loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu.. »Denmark
oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa.. »Fikirkiisa
Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!! »OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»HADDII NABIGII ALLE
LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON? |