SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DR. GEEDI....WAA..LALA    XISAABTAMAYAA !!!!
 
 

Somali dad iyo dalba waa ayaan daran. shan iyo toban sano in ka badan ayay ku jiraan bur-bur, hoog, baaba'i, col iyo abaaro aan waxba reebaynin. Waxaa intaa u weheliyaa markii rajao-yar soo iftiintAba nin baa lugta ku dhufanaya.

Sannakii hore waqtigaan oo kale ayaa Nairobi lagu dhisay Barlamaan, madax-wayne iyo Xukuumadd lagu macaabay in ay tahay ku meel gaar. Ummadda oo dhaan waxaa gashay rajo cusubb, oo ah in qaranimaddii soo muuqato, jidkii lagu gaari lahaana cagta la saaray.

Markii la yiri waddankii baa loo guurayaa ayaa waxaa bilaabatay khilaafaad fara baddan oo uu ugu wayna xaggee baa la degayaa ? Taas oo keentay in loo kala jabo qaybood: Mid Jawhar fariisatay iyo qayb Xamar fariisatay. Halkaana waxaa ku curyaamay wax-qabadkii laga sugayay dawladdii lagu soo dhisay Nairobi.

Muddadaa sannadka ku dhaw ee la kala fidhiyay laba magaalo ee deriska ah iskuna dadka ah, waxaa socday Dadaallo aan xad layn oo ay wadeen Dawladaha deriska ah iyo beesha caalamka oo ku wajahan sidii loo midayn lahaa loona heshiisiin la haa labada qaybood ee Dawladda. Isku-dayo dhawr ah oo laga sameeyay gudaha iyo dibadda ayaa lagu fashalay oo noqday kuwo aan mira dhalin.

Mar kale ayaa waxaa soo iftiimay rajo cusub, markii Madax-waynaha ( Jawhar) iyo Guddoomiyaha Barlamaaku ( Xamar) ay bishii hore afarteedii Magaalada Cadan ku gaareen heshiis lagu soo af-jarayo khilaafaadkii ragaadiyay wax-qabadkii dawladda laguna midaynayo mar kale Barlamaankii iyo dawladdii.

Heshiiskaa waxaa ugu muhimsanaa qodabadiisa in Barlamaanka la isgu keeno fadhi loo dhanyahay muddo bil gudaheed ah. Xubnihii barlamaanka iyo wasiiradii labadii dhinacba way soo dhoweeyeen heshiiska. Waxaa iyana doo dhoweeyay Dadka Somaalida ee musiibooyinku hoyga ka dhigteen iyo besha caalmka oo caddeyay taageeradooda.

 

Si loo hirgeliyo heshiiskii Cadan ayaa waxaa Nairobi isugu yimid toddobaadkii hore saddexda mas'uul ee ugu sareeya Dawladda, oo iayagu kala watay labada qaybood ee Xamar iyo jawhar, dhawr casho oo xiriir ah ayay halkaa ku jireen wada-tashi aan loo kala kicin, waxaana ka soo baxayay warar sheegaya in wax-walba la isku af-gartay.

Xafladdii lagu iclaaminayay goobta shirka ugu horeeya ee Barlamaanka noqon doonto, oo loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan iyaga oo heshiis ah oo gacmaha is-haysta saddexda mas'uul ee ugu saraysa Dawladda, ayaa laga waayay Ra'iiska Xukuumadda MD. Cali Geedi.

In alla intii danaynhaysay arimaha Somalida iyo Intii ay danqaysay dhibaatadeedo ayaa mar kali ah Afka gacanta saartay, markii la ogaaday in uu ra'iiskii xukuumado ka carooday in fadhiga Barlamaanka lagu qabto magaalada BAYDHABO, ka dibna isaga oo xanaaqsan si qarsoodi ah ugu safray Jawhar, isaga oon cidna kala tashan, cidnana ogaysiin.

Tasarufkaas Mr.Geedi ee laga wada anfariiray ee rajadii dib-u-heshiisiinta Dawladda docda ka faruuray, iyada oo ay weli sugayso dib-u-heshiisiintii dadka Somalyedd ee 15sano is-qalanayay, iyo arimihii toddobaadkan iska soo daba-dhacayay ayaa igu dhalisay in aan wax yar ka iraaho Geedi iyo sida uu iigu muuqdo. Waxyaalaha toddobaadkan dhacayay waxay ahaayeen kuwo la yaab leh oo si Daramatico ah isaga soo dabo imaanayay. Waa Dhacdooyin cajiibka ah oo wada deggdegg ah oo adiga oon tii hore liqin ayay mid ka ddarani kugu imaanayso..

Dhammaantoodna dhacdooyinkaa Dr. Geedi ayaa ATOORE ka ahaa. Waxay ila tahay in yihiin kuwo aan layska indha-tiri karin lagana Aamusi karin. Waxaayna ila noqotay in wax ka iraaho aniga oo weliba waxyaalo badan xeerinaya mawduucana ku talax-tegaynin Waana tan iyad oo kooban :

 

1- Toddobaakii hore markii lagu dhawaaqay ku qabasha kulanka Barlamaanka magaalada BAYDHABO kuma haboonayn Geedi in uu ka caroodo Xafladda iyo in uu ka soo horjeedsado heshsiiskaa, maa daama uu wada tashiyadii Nairobi ka qayb-galay. Haddiise Labadii isaga ka sareeyay protocol ahaan ay isku raaceen fikrad nooc kastaba ha ahaato eh, in uu ku gacan-sayraa uma bannaana. saa labaduba isaga madax bay u yihiin eh.

Geedi Fikraddisa wuu soo bandhigi karaa, laakiin hadday labada ODAY isla gartaan arin Geedi waxaa u furan laba waddo oo qur ah oon midd saddexaad la hayn

A- in uu yiraaho samcan wa daacan. Oo ah tan saxda ah.

B- In uu ku qanci waayo arinta markaana uu ISTIQAALADDIISA miiska u saaro. Inkasta oo aysan tani ku jirin Qaamuuska siyaasiyiinta Somaalida..

3- Intii Kenya la joogay ayaa labada gole waxuu mid waliba gooni ahaantiisa aqlabiyadd buuxda ku meel mariyay sharci ah : In Dawladdu ku sii shaqayso fariisinna ka dhigato Baydhabo iyo Jawhar- inta xaaladda Muqdisho laga hagaajinayo. Sharcigaa waxaa qaban-qabadiisa iyo meel marintiisa Hoggaaminayay Mr. Geedi iyo intii raacsanayd

Haddaba In Baydhabo lagu qabto shirarka Barlamaanka iyo kuwa Xukuumadda isla markaana ay dagaan Hay'adaha Dawladdu waa mid sharci ah, oo cid kale ha joogto eh aanoo ka hadli karin Geedi iyo qaybtii la jirtay ee reer jawhar. Jawhar iyo Baydhabo waa isku midd sharci ahaan haddaan Baydhabo xoogaa ka sidan, maa daama akhriska shaciga iyado ku horaysay.

3 - Waxa shirayaa waa Barlamaan, Shirarka golahaasna waxaa iska leh sharci ahaan Guddoomiyaha Golaha. Qaybtii Muqdisho waxay siiyeen Shariifka Awood buuxda, oo ah in ay tegayaan meel kasta uu isaga ugu yeero. Mar hadduu Shariifku soo jeediyay Baydhabo qaybtii muqdishuna ogolaatay, waxaa sanadka dhan la baadi-goobayayna ay tahay MIDAYNTA golayaasha, waxay u ahayd Geedi fursad fardo kula carar ah. Arintaan oo loo qaadan karo tanaasul ka yimid dhinaca Muqdisho oo awal diidanayd Baydhabo iyo Jawharba oo ku dhegganayd Xamar oo kaliya.

Waxaa la wada ogyahay in Jawhar ay ku suganyihiin xubno barlamaan oo buuxin kara KOORAMKA iyo labadii Guddoomiye-ku xigeen, taas oo suura-gal ka dhigi kartay in Barlamaanku kulamo sharci ah ku yeesho Jawhar, laakiin la guma tallaabsan iyada oo la xeerinayo in aan la sii kala fogaanin. oo waxaa taas beddelkeedii lagu dadaalay in la helo dib-u-heshiisiin loo dhan yahay haba caddilmeen hawlaha goloho eh. Waana mid lagu qaddariyo qaybta dawladda ee Jawhar.

4 - Hadduu Geedi ka fiiriyay Baydhabo dhinaca Maliisiyada gacanta ku haysa oo ah kuwii qaybta Muqdisho is-bahaysiga ay wadaageen, waxaan u arkaa in ay tahay mid meesha ku jirta oo lagana hadli karo. Mase aha mid diidmo caddaan ah looga hortago. Waana arin Reer Jawhar u geli karta khaanadda tanaasulka oo ah mid dhinacyada oo dhan looga baahanyahay, waxaana taas looga hadli kara marka la falan-qaynayo arimaha amniga ee goobta shirka.

Hadduuse Dr.Geedi qabo in qaybta Jawhar ay haysato aqlabiyadda Barlamaanka iyo Magacii Dawladda oo qolada Muqdisho ay waajib ku tahay in ay isu-dhiibaan Jawhar shuruud laäaan, Haddu sidaa iyo wax ku dhaw rumaysanyahay- waana tan ka muuqata tasarufaadkiisa- waxaan oran karaa waa Ra'i qallooocan oo ka maran Xikadd iyo dad-wadidba, Xataa hadday kooxda Jawhar Aqlabiyadda hatsato, haddana waxaan ognahay in ay dawladdu tahay mid dib-u-heshiisiinayd. Ninka aad la heshiin-haysana MADAXA CARADA WAA LOOGA ILAALIYAA!!.

5- Habkii uu Geedi uga dhoofay Nairoobi wuxuu ahaa mid aad u foolxun oo aan ku habboonayn Qof jagadiisa oo kale haya. Wuxuu ahaa mid ka maran mas'uuliyadd, habmaamuus dawladeed, kala danbeen, dicipline iyo is-qaddarin intaba. Haddii uu wax diido Geedi waa in uu ka sheego kulamada looga tashanayay arinta. Laakiin in uu iska-dhuunto sidii qof aan xilba saareen waxay noqotay mid laga wada naxay, oo isagana si gaar ah loogu naxay meesha uu is-dhigay. Sidee buu uga dhuuman karaa labadii mas'uul ee hawsha uu qaranka u hayo madaxda ugu ahaa??

Waxaad moodaa Dotoorka nin is-cajabiyay, cudurkaas oo ka indha-tira qofka uu ku dhaco dawga xaqa ah. kaddibna uu ka habaabo jidka mustaqiimka ah.

Dadku waxay sheegayaan Guddomiyaha Gobolka Sh. hoose in uu dhigta ugu sheegay ama FARTA ugu midaaray in Geedi sidaa sameeyo. Warkaasi ama run ha ahaado ama yuusan ahaanin waxaan shaki ku jirin in tasarufkaasi Ra'iiska xukuumadda uu dhaawac wayne u gaystay somcaddiisa muddana uu u dhotin doono..

6 - Warkii uu Geedi ka sii-daayay Jawhar oo uu ku fasirayay, sababaha uu Xafladdi uga soo xanaaqay iyo kuwa uu kuu diididayo Baydhabo, waxay ahaayeen kuwo aan sagaaro ka beersan oo aan cidna qancin karin. Wuxuuna u hadlay sidii madax tuule ( Head-tuulo).wuxuu ka dhigay arintii oo idil Qado hotel iyo Magaalo magaalo ka masayrsan, Taasina meel sare ayay ka soo dilin-dilaysay ilaa salka hoose.

7 - Waxaa ayaan daro ah in nin xukuumadd madax u ah - oo ka soo carooday Madax-waynihiisii iyo Guddoomiyihiisii barlmaanka- in maanlintii xigtay markii ay Jawhar ugu yimaadeen Ergayga UNka iyo laba Danjire oo saaxiib ah, uu Geedi warbaahinta u sheego in uu yahay: ( Ra'iiso-wasaarihii 18ka Gobollada ee Soomaaliya, oo uusan ahayn Raäiiso-waraare hal gobol ) . Wuxuu ahaa hadal laga naxo iyada oo Geedi loo naxayo. Waxaa la is-waydiiyay: oo Geedi miyuunsan awal is-ogayn waxa uu yahay intaan safiiradu u sheegin waxa uu yahay?.

8 - Maalintii ku xigtay Geedi iyo Capo-hiisa dhabta ahaa( Maxamed-dheere) ayaa u duulay Addiis-Ababa munasabo la'aan. Laba cisho kaddibna waxuu ku soo naqday Jawhar. Wuxuuna war-baahinta u sheegay in muggddigii soo dhex-galay saddexda Mas'uul ee ugu sare Dawladda uu dhamaaday, Baydhana la wada tegi

Waa fajacaad kale oo saddexaad. Waxaa la iswaydiinayaa Daawada Geedi uu ku liqay Addiis oo ay Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Madax-waynaha oo wada jiraa ay ku liqsiin kari waayeen Nairobi. Daawadaas oo Dr.Geedi kaga caafimaaday maalin kaliya cudurkii ku soo booday ee khilaafka siyaasadeed.

9- Dawladda Ethiopia madaxdeeda waxaan u celinayaa Mahadd gaar ah, oo ku wajan sidaa dhakhsa ah ee ay u daaweeyeen Dotoorka, waxaana rajaynayaa inay daawadaasi ku fara adaygaan. maa-daama loo baahan karo mustaqbalka. Waa arin wanaagsan in Datoorka la helay daawadiisa. Waxaa la hayaa siyaasiyiin cudurkooda daawo loo waayay.

Midda tobnaad Dr. Geedi ugu dari maayo oo waan uga turaya maanta waxaana la sugi doonaa munaasabadd tan ka sii foolxun, taas oon rajaynayo in aan Allewayne innagu keenin.

Waxaanse jeclahay in aan Dotoorka dhigta ugu sheegayaa dhawr arimood oon doonayo in uu mar-walba maanka ku hayo. Waana ku-waan:

1- Dib-uheshiisiinta qaybaha dawladdu waxay uddub-dhexaad u tahay in Xukuumadda aad madaxa ka tahay ay gudato hawlaheeda asaasig ah. ee ah soo noolaynta qarankii Somaaliyeed waxayna dusha ka saaran tahay gulahaaaga wariirada, oo ah hay'adda fulinta ee Dawladda Dhexe.

Ra'iiska barlamaanku iyo gulaha uu madaxda u yahay, waxay ku caawinayaan qawaaniinta aad u baahan-tahay si aad u qabato waajibaadka culus ee badan ee ku sugayaa. Madax-waynu wuxuu kugu caawinayaa iskaashiga aad uga bahan tahay hay'adaha qaranka ee kale sida Garsoorka iyo sharci-dajinta iyo xiriirka dibadda wixii heer madax-dawladeed ah, iyo ka odayaynta mashaakilka gudaha wixii aad ugu baahato.

Marka ninka lagu filayo in uu la yimaaddo wax-qabadd MUCJISO ah waa Mr. Geedi. Dib-u-heshiisiintuna waa furihii macjisadaas.

2 - Intii laguu dhaariyay jagada waxaa ka soo wareegtay sannad iyo dheeraad. Waxaadna taagan tahay bartii aad ka billawday. Hadaad noqoto Dr. Cali Khaliif kale waxaad maraysaa halkii uu maray. Waxaa ku lacnadi taariikhda iyo Umadda. markaana ehelka dad kuugu xiga ayaa ku nici oo sanka-kaa-qabsan. Sannad baa kaaga haray muddadii Dr. Cali Umadda lu'gooyada ku hayay.

3 - Inkasta oo ay Mansubka aad haysa ugu sareeyo qaybta fulinta ee qaranka- Haddana waa jago laguu magacaabay ee ma ahaa mid laguu doortay. Nimanka dhinacyada kaa taagan ( Madax-waynaha-Guddoomiyaha Barlamaanka) waa niman jagooyinka ay hayaan loo soo doortay oo waxaa ka dhaqaajin kara jagada cod ka badan kii ay ku heleen markii hore.

Hadaad isku dhereriiso nimankaas waad ku lumi. Kaddibna laba CALI iskaa-waydiin mayso. Ha noqon BAQAL FARDU LA MIRATAA LA MID BAY IS-MOODAA !!.

4- Habkaaga shaqo wuxuu u muuqdaa kii NGOs ka, ee aad awal ka shaqayn jirtay. oo wuxuu ku dul meeraa hay'adaha gargaarka iyo deeq-bixiyeriasha. Wasiiradana waxaad ka xulataa kan is-kaashiga Dibadda. Uma jeeda NGOsyada ha la macaamilia, ee waxaan u jeedaa waajibka qaran ee ku saaran wuu ka ballaaran yahay waana ka culusyahay ubucdiiduna waa gudaha Dalka. Waxaan u jeedaa shaqadaadii hore yaysan ku jiidanin.

5 - Xukuumadaada waxaa loo yaqaanaa AF-LA'. Waan ogahay in loo kala dhasho af-tahamada oo waxay ka mid tahay abuurista Eebbe. Laakiin waxaa kuu jooga wasiiro iyo madax badan oo kaa dabooli kara dhinacaas. Maalintii xilka laguu magacaabay ilaa maanta marka aan dhagaysto khudbadahaaga waxaan is-dhahaa Alle yaa ninka cudka u fura!! Waxaad soo tuurtaa afar eray oo la moodo in ay ka soo baxayaan nin XANAAQSAN OO WELIBA XIIQSAN.

Hadaad u barataty xanaanayta Xoolo aan lala hadlayn daku waxay kaa sugayaan in aad ka dhergiso waxa kuu qabsoomay, waxa aan qabsoomin iyo waxa aad damacsan-tahay in aad qabato.

6- Qawlkaaga iyo ficilkaaguba waxay sii fogeeyaan kuwa macaaradka kuggu ah. Hadaad sutida u qabato kuwa aad ku tirinhayso cadawgaaga, iyaguna gaashaanka ayay kuu daruuri, welibana mindidooda bay sii afaysan, Waxaana raadin in ay mar uun kula helaan-sidii dhacday labadii jeer aad Muqdisho tagtay. Kuwa xabadda kula gaadaya waa fulayaal. Geesinimadii aad kaga guulaysan lahayd waa: in aad tiraahaa walaalo, oo aad gacanta qabsataa madaxana ka taabataa. Waxaan u jeedaa dhinaca dad-wadidda ( leadership ) iska taari Dadkana ha iska didinin.

7- Xiriirka Adiga iyo Ninka aad Ehelka tihiin Md. maxamed dheere ( Abti-Adeer) Wuxuu leeyahay laba dhinac. Mid Ehelnimo, Odaynimo, siyaasinimo, Isku-degaan iyo marti-gelin xukuumaddaada. Dhinacaasi waa in uu noqdaa mid caafimaad-qaba oo dhinacyadaas oo idil tix-geliyaa, kana ilaaliyaa inay xagtin yari soo gaarto.

Dhinaca kalana waa mid la xiriira Mas'uuliyaddaada Dawladda dhexe ee qaranka. Tani waa mid qarabo iyo saaxibnimo soo geli karin. Waa xil adiga shakhsi ahaan kuu saaran, mana ah mid aad Adeerkaa qayb ka siin karto, waa xil aan qaybsami karin oo adiga gaar kuu ah, adigaana Xisaabtiisa Aakharo iyo tan addunba u qoolan.

8 . Waxaa la ogyahay in Md. Maxamed kaaga degay kursigiisii Barlamaanka si jagadan la guugu sharciyeeyo. Runtii aniga ilama qumanayn xaajadaasi markii horaba. Oo waxaan Aaminsanahay in Md. Maxamed kaga habboonaa Jagada Dhakhtarka laga soo waday xeradaii xoolaha lagu xanaanayn hayay isaga oo maamul dawladeed waayo-aragnimo u lahayn. Md. Maxamed Dheere wuxuu ku soo jiray Siyaasadda Muddadii Burburka oo dhan.

Waa nin waaqica Somalia kusugantahay dhuuxay. Oo misana Waaqicaana meeshii uu joogay Nabadd iyo Maamul ka abuuray.

Waxaan qabaa in uu tan qarankana haddi loo xil-saari lahaa ay heerka ay maanta ku sugan tahay mid dhaama gaari lahayd.

Siyaasaddu ma ahaa aqoonta AF-QALAAD oo taas rag badan baa loo heli kara, balse waa aragti sax ah oo duruufta taagan lagu fahmo iyo karti dheeraad ah oo lagu xalliyo mashaakilka taagan. Si kastaba ha ku timaaddo eh, Jagada iyo Kursiga uu kaaga tanaasulay Md. Maxamr-Dheere macnaheedo ma aha in isagu isk-kaa-leeyahay, ama aad jeebka ugu jirto ama uu u dhaqmo nin aan waxba ka tanaasulin oo kursigii iyo jagadiiba ku fadhiya Datoorkana magac hafaryo LOO HADOODILAY.

Inta aan ka gaarayno: ALLA YAA U SHEEGA....MAXAMED-DHEERE haddii Alle yiri Geediyaw Nabadgelo iyo Nabaadiino.

Waa : Dr. Abdi Dhaan-Wade. SWEDEN.
dhaan_wade@hotmail.com

QORAALADII HORE EE DHAANWADE

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2006


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?