Somali dad iyo dalba waa ayaan daran.
shan iyo toban sano in ka badan ayay ku jiraan bur-bur, hoog, baaba'i, col
iyo abaaro aan waxba reebaynin. Waxaa intaa u weheliyaa markii rajao-yar soo
iftiintAba nin baa lugta ku dhufanaya.
Sannakii hore waqtigaan oo kale ayaa
Nairobi lagu dhisay Barlamaan, madax-wayne iyo Xukuumadd lagu macaabay in ay
tahay ku meel gaar. Ummadda oo dhaan waxaa gashay rajo cusubb, oo ah in
qaranimaddii soo muuqato, jidkii lagu gaari lahaana cagta la saaray.
Markii la yiri waddankii baa loo guurayaa
ayaa waxaa bilaabatay khilaafaad fara baddan oo uu ugu wayna xaggee baa la
degayaa ? Taas oo keentay in loo kala jabo qaybood: Mid Jawhar fariisatay
iyo qayb Xamar fariisatay. Halkaana waxaa ku curyaamay wax-qabadkii laga
sugayay dawladdii lagu soo dhisay Nairobi.
Muddadaa sannadka ku dhaw ee la kala
fidhiyay laba magaalo ee deriska ah iskuna dadka ah, waxaa socday Dadaallo
aan xad layn oo ay wadeen Dawladaha deriska ah iyo beesha caalamka oo ku
wajahan sidii loo midayn lahaa loona heshiisiin la haa labada qaybood ee
Dawladda. Isku-dayo dhawr ah oo laga sameeyay gudaha iyo dibadda ayaa lagu
fashalay oo noqday kuwo aan mira dhalin.
Mar kale ayaa waxaa soo iftiimay rajo cusub,
markii Madax-waynaha ( Jawhar) iyo Guddoomiyaha Barlamaaku ( Xamar) ay
bishii hore afarteedii Magaalada Cadan ku gaareen heshiis lagu soo af-jarayo
khilaafaadkii ragaadiyay wax-qabadkii dawladda laguna midaynayo mar kale
Barlamaankii iyo dawladdii.
Heshiiskaa waxaa ugu muhimsanaa qodabadiisa
in Barlamaanka la isgu keeno fadhi loo dhanyahay muddo bil gudaheed ah.
Xubnihii barlamaanka iyo wasiiradii labadii dhinacba way soo dhoweeyeen
heshiiska. Waxaa iyana doo dhoweeyay Dadka Somaalida ee musiibooyinku hoyga
ka dhigteen iyo besha caalmka oo caddeyay taageeradooda.
Si loo hirgeliyo heshiiskii Cadan ayaa
waxaa Nairobi isugu yimid toddobaadkii hore saddexda mas'uul ee ugu sareeya
Dawladda, oo iayagu kala watay labada qaybood ee Xamar iyo jawhar, dhawr
casho oo xiriir ah ayay halkaa ku jireen wada-tashi aan loo kala kicin,
waxaana ka soo baxayay warar sheegaya in wax-walba la isku af-gartay.
Xafladdii lagu iclaaminayay goobta shirka
ugu horeeya ee Barlamaanka noqon doonto, oo loo qorsheeyay in ay soo
xaadiraan iyaga oo heshiis ah oo gacmaha is-haysta saddexda mas'uul ee ugu
saraysa Dawladda, ayaa laga waayay Ra'iiska Xukuumadda MD. Cali Geedi.
In alla intii danaynhaysay arimaha Somalida
iyo Intii ay danqaysay dhibaatadeedo ayaa mar kali ah Afka gacanta saartay,
markii la ogaaday in uu ra'iiskii xukuumado ka carooday in fadhiga
Barlamaanka lagu qabto magaalada BAYDHABO, ka dibna isaga oo xanaaqsan si
qarsoodi ah ugu safray Jawhar, isaga oon cidna kala tashan, cidnana
ogaysiin.
Tasarufkaas Mr.Geedi ee laga wada
anfariiray ee rajadii dib-u-heshiisiinta Dawladda docda ka faruuray, iyada
oo ay weli sugayso dib-u-heshiisiintii dadka Somalyedd ee 15sano
is-qalanayay, iyo arimihii toddobaadkan iska soo daba-dhacayay ayaa igu
dhalisay in aan wax yar ka iraaho Geedi iyo sida uu iigu muuqdo. Waxyaalaha
toddobaadkan dhacayay waxay ahaayeen kuwo la yaab leh oo si Daramatico ah
isaga soo dabo imaanayay. Waa Dhacdooyin cajiibka ah oo wada deggdegg ah oo
adiga oon tii hore liqin ayay mid ka ddarani kugu imaanayso..
Dhammaantoodna dhacdooyinkaa Dr. Geedi ayaa
ATOORE ka ahaa. Waxay ila tahay in yihiin kuwo aan layska indha-tiri karin
lagana Aamusi karin. Waxaayna ila noqotay in wax ka iraaho aniga oo weliba
waxyaalo badan xeerinaya mawduucana ku talax-tegaynin Waana tan iyad oo
kooban :
1- Toddobaakii hore markii lagu dhawaaqay
ku qabasha kulanka Barlamaanka magaalada BAYDHABO kuma haboonayn Geedi in uu
ka caroodo Xafladda iyo in uu ka soo horjeedsado heshsiiskaa, maa daama uu
wada tashiyadii Nairobi ka qayb-galay. Haddiise Labadii isaga ka sareeyay
protocol ahaan ay isku raaceen fikrad nooc kastaba ha ahaato eh, in uu ku
gacan-sayraa uma bannaana. saa labaduba isaga madax bay u yihiin eh.
Geedi Fikraddisa wuu soo bandhigi karaa,
laakiin hadday labada ODAY isla gartaan arin Geedi waxaa u furan laba waddo
oo qur ah oon midd saddexaad la hayn
A- in uu yiraaho samcan wa daacan. Oo ah
tan saxda ah.
B- In uu ku qanci waayo arinta markaana uu
ISTIQAALADDIISA miiska u saaro. Inkasta oo aysan tani ku jirin Qaamuuska
siyaasiyiinta Somaalida..
3- Intii Kenya la joogay ayaa labada gole
waxuu mid waliba gooni ahaantiisa aqlabiyadd buuxda ku meel mariyay sharci
ah : In Dawladdu ku sii shaqayso fariisinna ka dhigato Baydhabo iyo Jawhar-
inta xaaladda Muqdisho laga hagaajinayo. Sharcigaa waxaa qaban-qabadiisa iyo
meel marintiisa Hoggaaminayay Mr. Geedi iyo intii raacsanayd
Haddaba In Baydhabo lagu qabto shirarka
Barlamaanka iyo kuwa Xukuumadda isla markaana ay dagaan Hay'adaha Dawladdu
waa mid sharci ah, oo cid kale ha joogto eh aanoo ka hadli karin Geedi iyo
qaybtii la jirtay ee reer jawhar. Jawhar iyo Baydhabo waa isku midd sharci
ahaan haddaan Baydhabo xoogaa ka sidan, maa daama akhriska shaciga iyado ku
horaysay.
3 - Waxa shirayaa waa Barlamaan, Shirarka
golahaasna waxaa iska leh sharci ahaan Guddoomiyaha Golaha. Qaybtii Muqdisho
waxay siiyeen Shariifka Awood buuxda, oo ah in ay tegayaan meel kasta uu
isaga ugu yeero. Mar hadduu Shariifku soo jeediyay Baydhabo qaybtii
muqdishuna ogolaatay, waxaa sanadka dhan la baadi-goobayayna ay tahay
MIDAYNTA golayaasha, waxay u ahayd Geedi fursad fardo kula carar ah.
Arintaan oo loo qaadan karo tanaasul ka yimid dhinaca Muqdisho oo awal
diidanayd Baydhabo iyo Jawharba oo ku dhegganayd Xamar oo kaliya.
Waxaa la wada ogyahay in Jawhar ay ku
suganyihiin xubno barlamaan oo buuxin kara KOORAMKA iyo labadii
Guddoomiye-ku xigeen, taas oo suura-gal ka dhigi kartay in Barlamaanku
kulamo sharci ah ku yeesho Jawhar, laakiin la guma tallaabsan iyada oo la
xeerinayo in aan la sii kala fogaanin. oo waxaa taas beddelkeedii lagu
dadaalay in la helo dib-u-heshiisiin loo dhan yahay haba caddilmeen hawlaha
goloho eh. Waana mid lagu qaddariyo qaybta dawladda ee Jawhar.
4 - Hadduu Geedi ka fiiriyay Baydhabo
dhinaca Maliisiyada gacanta ku haysa oo ah kuwii qaybta Muqdisho
is-bahaysiga ay wadaageen, waxaan u arkaa in ay tahay mid meesha ku jirta oo
lagana hadli karo. Mase aha mid diidmo caddaan ah looga hortago. Waana arin
Reer Jawhar u geli karta khaanadda tanaasulka oo ah mid dhinacyada oo dhan
looga baahanyahay, waxaana taas looga hadli kara marka la falan-qaynayo
arimaha amniga ee goobta shirka.
Hadduuse Dr.Geedi qabo in qaybta Jawhar ay
haysato aqlabiyadda Barlamaanka iyo Magacii Dawladda oo qolada Muqdisho ay
waajib ku tahay in ay isu-dhiibaan Jawhar shuruud laäaan, Haddu sidaa iyo
wax ku dhaw rumaysanyahay- waana tan ka muuqata tasarufaadkiisa- waxaan oran
karaa waa Ra'i qallooocan oo ka maran Xikadd iyo dad-wadidba, Xataa hadday
kooxda Jawhar Aqlabiyadda hatsato, haddana waxaan ognahay in ay dawladdu
tahay mid dib-u-heshiisiinayd. Ninka aad la heshiin-haysana MADAXA CARADA
WAA LOOGA ILAALIYAA!!.
5- Habkii uu Geedi uga dhoofay Nairoobi
wuxuu ahaa mid aad u foolxun oo aan ku habboonayn Qof jagadiisa oo kale
haya. Wuxuu ahaa mid ka maran mas'uuliyadd, habmaamuus dawladeed, kala
danbeen, dicipline iyo is-qaddarin intaba. Haddii uu wax diido Geedi waa in
uu ka sheego kulamada looga tashanayay arinta. Laakiin in uu iska-dhuunto
sidii qof aan xilba saareen waxay noqotay mid laga wada naxay, oo isagana si
gaar ah loogu naxay meesha uu is-dhigay. Sidee buu uga dhuuman karaa labadii
mas'uul ee hawsha uu qaranka u hayo madaxda ugu ahaa??
Waxaad moodaa Dotoorka nin is-cajabiyay,
cudurkaas oo ka indha-tira qofka uu ku dhaco dawga xaqa ah. kaddibna uu ka
habaabo jidka mustaqiimka ah.
Dadku waxay sheegayaan Guddomiyaha Gobolka
Sh. hoose in uu dhigta ugu sheegay ama FARTA ugu midaaray in Geedi sidaa
sameeyo. Warkaasi ama run ha ahaado ama yuusan ahaanin waxaan shaki ku jirin
in tasarufkaasi Ra'iiska xukuumadda uu dhaawac wayne u gaystay somcaddiisa
muddana uu u dhotin doono..
6 - Warkii uu Geedi ka sii-daayay Jawhar oo
uu ku fasirayay, sababaha uu Xafladdi uga soo xanaaqay iyo kuwa uu kuu
diididayo Baydhabo, waxay ahaayeen kuwo aan sagaaro ka beersan oo aan cidna
qancin karin. Wuxuuna u hadlay sidii madax tuule ( Head-tuulo).wuxuu ka
dhigay arintii oo idil Qado hotel iyo Magaalo magaalo ka masayrsan, Taasina
meel sare ayay ka soo dilin-dilaysay ilaa salka hoose.
7 - Waxaa ayaan daro ah in nin xukuumadd
madax u ah - oo ka soo carooday Madax-waynihiisii iyo Guddoomiyihiisii
barlmaanka- in maanlintii xigtay markii ay Jawhar ugu yimaadeen Ergayga UNka
iyo laba Danjire oo saaxiib ah, uu Geedi warbaahinta u sheego in uu yahay: (
Ra'iiso-wasaarihii 18ka Gobollada ee Soomaaliya, oo uusan ahayn
Raäiiso-waraare hal gobol ) . Wuxuu ahaa hadal laga naxo iyada oo Geedi loo
naxayo. Waxaa la is-waydiiyay: oo Geedi miyuunsan awal is-ogayn waxa uu
yahay intaan safiiradu u sheegin waxa uu yahay?.
8 - Maalintii ku xigtay Geedi iyo
Capo-hiisa dhabta ahaa( Maxamed-dheere) ayaa u duulay Addiis-Ababa munasabo
la'aan. Laba cisho kaddibna waxuu ku soo naqday Jawhar. Wuxuuna war-baahinta
u sheegay in muggddigii soo dhex-galay saddexda Mas'uul ee ugu sare Dawladda
uu dhamaaday, Baydhana la wada tegi
Waa fajacaad kale oo saddexaad. Waxaa la
iswaydiinayaa Daawada Geedi uu ku liqay Addiis oo ay Guddoomiyaha
Barlamaanka iyo Madax-waynaha oo wada jiraa ay ku liqsiin kari waayeen
Nairobi. Daawadaas oo Dr.Geedi kaga caafimaaday maalin kaliya cudurkii ku
soo booday ee khilaafka siyaasadeed.
9- Dawladda Ethiopia madaxdeeda waxaan u
celinayaa Mahadd gaar ah, oo ku wajan sidaa dhakhsa ah ee ay u daaweeyeen
Dotoorka, waxaana rajaynayaa inay daawadaasi ku fara adaygaan. maa-daama loo
baahan karo mustaqbalka. Waa arin wanaagsan in Datoorka la helay daawadiisa.
Waxaa la hayaa siyaasiyiin cudurkooda daawo loo waayay.
Midda tobnaad Dr. Geedi ugu dari maayo oo
waan uga turaya maanta waxaana la sugi doonaa munaasabadd tan ka sii
foolxun, taas oon rajaynayo in aan Allewayne innagu keenin.
Waxaanse jeclahay in aan Dotoorka dhigta
ugu sheegayaa dhawr arimood oon doonayo in uu mar-walba maanka ku hayo.
Waana ku-waan:
1- Dib-uheshiisiinta qaybaha dawladdu waxay
uddub-dhexaad u tahay in Xukuumadda aad madaxa ka tahay ay gudato hawlaheeda
asaasig ah. ee ah soo noolaynta qarankii Somaaliyeed waxayna dusha ka saaran
tahay gulahaaaga wariirada, oo ah hay'adda fulinta ee Dawladda Dhexe.
Ra'iiska barlamaanku iyo gulaha uu madaxda
u yahay, waxay ku caawinayaan qawaaniinta aad u baahan-tahay si aad u qabato
waajibaadka culus ee badan ee ku sugayaa. Madax-waynu wuxuu kugu caawinayaa
iskaashiga aad uga bahan tahay hay'adaha qaranka ee kale sida Garsoorka iyo
sharci-dajinta iyo xiriirka dibadda wixii heer madax-dawladeed ah, iyo ka
odayaynta mashaakilka gudaha wixii aad ugu baahato.
Marka ninka lagu filayo in uu la yimaaddo
wax-qabadd MUCJISO ah waa Mr. Geedi. Dib-u-heshiisiintuna waa furihii
macjisadaas.
2 - Intii laguu dhaariyay jagada waxaa ka
soo wareegtay sannad iyo dheeraad. Waxaadna taagan tahay bartii aad ka
billawday. Hadaad noqoto Dr. Cali Khaliif kale waxaad maraysaa halkii uu
maray. Waxaa ku lacnadi taariikhda iyo Umadda. markaana ehelka dad kuugu
xiga ayaa ku nici oo sanka-kaa-qabsan. Sannad baa kaaga haray muddadii Dr.
Cali Umadda lu'gooyada ku hayay.
3 - Inkasta oo ay Mansubka aad haysa ugu
sareeyo qaybta fulinta ee qaranka- Haddana waa jago laguu magacaabay ee ma
ahaa mid laguu doortay. Nimanka dhinacyada kaa taagan (
Madax-waynaha-Guddoomiyaha Barlamaanka) waa niman jagooyinka ay hayaan loo
soo doortay oo waxaa ka dhaqaajin kara jagada cod ka badan kii ay ku heleen
markii hore.
Hadaad isku dhereriiso nimankaas waad ku
lumi. Kaddibna laba CALI iskaa-waydiin mayso. Ha noqon BAQAL FARDU LA
MIRATAA LA MID BAY IS-MOODAA !!.
4- Habkaaga shaqo wuxuu u muuqdaa kii NGOs
ka, ee aad awal ka shaqayn jirtay. oo wuxuu ku dul meeraa hay'adaha
gargaarka iyo deeq-bixiyeriasha. Wasiiradana waxaad ka xulataa kan
is-kaashiga Dibadda. Uma jeeda NGOsyada ha la macaamilia, ee waxaan u jeedaa
waajibka qaran ee ku saaran wuu ka ballaaran yahay waana ka culusyahay
ubucdiiduna waa gudaha Dalka. Waxaan u jeedaa shaqadaadii hore yaysan ku
jiidanin.
5 - Xukuumadaada waxaa loo yaqaanaa AF-LA'.
Waan ogahay in loo kala dhasho af-tahamada oo waxay ka mid tahay abuurista
Eebbe. Laakiin waxaa kuu jooga wasiiro iyo madax badan oo kaa dabooli kara
dhinacaas. Maalintii xilka laguu magacaabay ilaa maanta marka aan dhagaysto
khudbadahaaga waxaan is-dhahaa Alle yaa ninka cudka u fura!! Waxaad soo
tuurtaa afar eray oo la moodo in ay ka soo baxayaan nin XANAAQSAN OO WELIBA
XIIQSAN.
Hadaad u barataty xanaanayta Xoolo aan lala
hadlayn daku waxay kaa sugayaan in aad ka dhergiso waxa kuu qabsoomay, waxa
aan qabsoomin iyo waxa aad damacsan-tahay in aad qabato.
6- Qawlkaaga iyo ficilkaaguba waxay sii
fogeeyaan kuwa macaaradka kuggu ah. Hadaad sutida u qabato kuwa aad ku
tirinhayso cadawgaaga, iyaguna gaashaanka ayay kuu daruuri, welibana
mindidooda bay sii afaysan, Waxaana raadin in ay mar uun kula helaan-sidii
dhacday labadii jeer aad Muqdisho tagtay. Kuwa xabadda kula gaadaya waa
fulayaal. Geesinimadii aad kaga guulaysan lahayd waa: in aad tiraahaa
walaalo, oo aad gacanta qabsataa madaxana ka taabataa. Waxaan u jeedaa
dhinaca dad-wadidda ( leadership ) iska taari Dadkana ha iska didinin.
7- Xiriirka Adiga iyo Ninka aad Ehelka
tihiin Md. maxamed dheere ( Abti-Adeer) Wuxuu leeyahay laba dhinac. Mid
Ehelnimo, Odaynimo, siyaasinimo, Isku-degaan iyo marti-gelin xukuumaddaada.
Dhinacaasi waa in uu noqdaa mid caafimaad-qaba oo dhinacyadaas oo idil
tix-geliyaa, kana ilaaliyaa inay xagtin yari soo gaarto.
Dhinaca kalana waa mid la xiriira
Mas'uuliyaddaada Dawladda dhexe ee qaranka. Tani waa mid qarabo iyo
saaxibnimo soo geli karin. Waa xil adiga shakhsi ahaan kuu saaran, mana ah
mid aad Adeerkaa qayb ka siin karto, waa xil aan qaybsami karin oo adiga
gaar kuu ah, adigaana Xisaabtiisa Aakharo iyo tan addunba u qoolan.
8 . Waxaa la ogyahay in Md. Maxamed kaaga
degay kursigiisii Barlamaanka si jagadan la guugu sharciyeeyo. Runtii aniga
ilama qumanayn xaajadaasi markii horaba. Oo waxaan Aaminsanahay in Md.
Maxamed kaga habboonaa Jagada Dhakhtarka laga soo waday xeradaii xoolaha
lagu xanaanayn hayay isaga oo maamul dawladeed waayo-aragnimo u lahayn. Md.
Maxamed Dheere wuxuu ku soo jiray Siyaasadda Muddadii Burburka oo dhan.
Waa nin waaqica Somalia kusugantahay
dhuuxay. Oo misana Waaqicaana meeshii uu joogay Nabadd iyo Maamul ka abuuray.
Waxaan qabaa in uu tan qarankana haddi loo
xil-saari lahaa ay heerka ay maanta ku sugan tahay mid dhaama gaari lahayd.
Siyaasaddu ma ahaa aqoonta AF-QALAAD oo
taas rag badan baa loo heli kara, balse waa aragti sax ah oo duruufta taagan
lagu fahmo iyo karti dheeraad ah oo lagu xalliyo mashaakilka taagan. Si
kastaba ha ku timaaddo eh, Jagada iyo Kursiga uu kaaga tanaasulay Md.
Maxamr-Dheere macnaheedo ma aha in isagu isk-kaa-leeyahay, ama aad jeebka
ugu jirto ama uu u dhaqmo nin aan waxba ka tanaasulin oo kursigii iyo
jagadiiba ku fadhiya Datoorkana magac hafaryo LOO HADOODILAY.
Inta aan ka gaarayno: ALLA YAA U SHEEGA....MAXAMED-DHEERE
haddii Alle yiri Geediyaw Nabadgelo iyo Nabaadiino.
Waa : Dr. Abdi Dhaan-Wade. SWEDEN.
dhaan_wade@hotmail.com
QORAALADII HORE EE
DHAANWADE