SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wax ka baro maalinta Jaceylka Adduunka!(Valentine’s day)

W/D: Faarax Max’ed Cali {Blue}
E-Mail: farahblue_545@hotmail.com

Maanta oo kale waxaa cirka isku shareera qiimaha lagu kala iibsado waxyaabaha haddiyadaha la isugu guddoonsiiyo sida Ubaxa, Shumaca, Nacnaca, Xanjada, kaararka salaamaha Iwm, waayo waxey ku beegan tahay, maalinta loo dabaaldago Jaceylka Adduunka oo ah 14-ka February ee sannad kasta, iyadoo dhammaan haddiyadahaasi ay intooda badani ay dusha uga qoran yihiin magaca Saint Valentine oo ahaa wadaad diinta kirishtaanka madax ka ahaa oo xilli magac dheer ku dhex lahaa waddanka Talyaaniga.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta ay ku timid, Maalinta Jaceylka Adduunka iyo macnaha loola jeedo, hase ahaatee, aan wax ka barano maalinta loogu magac daray Jaceylka Adduunka, waxaase jirta sheeko arrintaasi qeexaysa.

Boqorkii la oran jiray Claudius II oo ahaa nin dadka ay u yaqaaneen Kuluudiyihii qabiidka ahaa, iyadoo ay boqorkaasi caado u aheyd inuu oogo dagaallo, taasoo sababtay in dhallinyaro badan ay ku soo biiri waayeen Milatarigiisa dhibaatooyinka dagaalada aawadood kuwaas oo ka doorbidayey xaasaskooda iyo saaxiibadood, waxaana dhalinyarada u muuqatay in xaasaskooda aysan suuragal aheyn iney ciidamada kusoo biiraan haddii ay dhalinyarada ciidan noqdaan, wuxuuna boqorku dhab ahaan u ogaaday kuwa wax jecel iyo kuwa xaasaska lehba in ay ka tira badan yihiin doobabka aanan waxba jeclaan.

Ciidanka badan si uu u helo boqor Kaluudiyihii qabiidka ahaa, wuxuu hor joogsaday lamaanaha is caashaqa si aanu wax jeceyl ah u dhex marin dhallinyarada labka iyo dhediga, isagoo xilligaa amarkiida ku daray in ciddii lagu arka arrimahaasi jaceylka ah ay dil toogasho ah tahay, isagoo sidoo kalena xayiray in la is guursado, laakiin iyadoo dad badani ay diiddan yihiin awaamiirta boqorka ay aakhirkii hir gashay ujeeddadii Boqorka maadaama uu lahaa awood badan iyo ciidamo xoog leh, waxaana uu amarkaasi ka fulay guud ahaan meelihii uu Boqorku ka tallinayey iyadoo ninkaasi uu boqor ka ahaa Roman Empire oo ka mid ahayd Boqortooyinkii xiligaasi Yurub ugu awoodda badnaa.

Saint Valentine oo ahaa wadaad awood ku lahaa diinta Kirishtaanka oo kaashanayey wadaad kale oo ay saaxiibo ahaayeen lana oran jiray Saint Marius ayaa arrintaasi ka dhiidhiyey, iyagoo wadahadal ay yeesheen kaddib is tusay, in marnaba aan la aqbali karin go’aannada ad adag ee ka soo baxay Boqor Claudius, waxeyna wadahadaladooda ku saleeyeen in amaradaa aan loo dulqaadan karin sidaas daraadeed waxey si qarsoodi ah ku suurta galiyeen in labadii qofee is rabtaba ay isku mehriyaan, iyadoo arrinaasi si dhaqsa leh uga dhaqan gashay magaalooyin ka mid ah meelihii uu boqorka ka talinayey.

Hadalku waa kaa dheereeyaa, hadduu rabo si ha ahaadee, waxaana dhacdaym in Boqor Claudius oo arrintaasi diidanaa uu helo sheekada dhalinyarada loo sahlayo in uu jaceylkooda hirgalo, dibna loo cusbooneysiiyo jaceyl kii hore ka harumarsan ayna isku guursadaan si qarsoodi ah oo dar dar leh, wuxuuna boqorku ka war helay in waddaadka Saint Valentine uu hoos ka wado uuna isu fududeeyo wixii jaceyl iyo meher ah.

Intaa kaddib waxaa lasoo xiray u fududeeyihii lammaanaha is jecel, ee Valentine’s waxaana Boqorku ku xukumay in sida loo garaacayo nafta laaga qaado, markii uu dhintana madax laga jaro, hase yeeshee, intii uu xabsiga ku jiray Valentine’s ayuu jeclaaday gabar uu dhalay ninka xabsiga ku xukumay oo ku soo booqatay qolkii uu xabsiga kaga xirnaa Valentine’s waxaana la xaqiijiyey inuu warqad u qoray gabadhii uu jeclaaday isagoo warqaddaasina ugu saxiixay, (From your Valentine’s) waxeyna ku beegneyd sannadku markuu ahaa 496 CD, waxaana xukunkii dilka ahaa lagu fuliyey 14-kii February maalinkaas oo loo aqoonsaday maalinta Jaceylka Adduunka, laguna xuso wadaadkaas, Saint Valentine’s.

Warbixin kale ayaa waxey sheegeysaa in maalinta Jaceylka Adduunka ay ka bilaabatay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, laguna xasuusto Boqorad la oran jiray, Juno oo aheyd Boqorad xiligaas Roomaanka ka talineysay, waxaana mararka qaar, la sheegi jiray inay tahay Boqoraddii guurka iyo jaceylka oo ixtiraam loo haayo, sidaana maalinta 14-ka February loogu asteeyey maalinta Jaceylka Adduunkaa.

Maalintan oo kale waxaa la is dhaafsadaa inta badan xirmooyin ubaxyo ah, iyadoo goobaha lagu gadaa ay yihiin xiliyadaas oo kale ciriiri, iyadoo sidoo kale ay jiraan in munaasabado gaar ah ay dhigtaan lammaanayaasha is jecel, kuwaas oo isugu hambalyeeya sannadguuradaasi, waxaana loo yaqaanaa xafladahaasi, (Face to Face) iyadoo wiilasha iyo gabdhaha jaceylku ka dhexeeyo ee meelaha fog kala jooga ay isku diraan Kaarar iyo Ubaxyo ay dusha uga qoran yihiin, hal ku dhigyo tilmaamaya qiimaha ay jaceylka u hayaan, maalmahaas oo dadka laga fasaxo shaqooyinka waxaana dhacda in dad magac ku leh dunida ay maalintaa is guursadaan iyagoo ku xusaya maalinta jaceylka

Sida badan maalintan waxaa u dabaaldega dadka aaminsan diinta Kirishtaanka walow ay soo raacaaan dadyow kale oo ku wehliya dabaaldagaasi, iyadoo sannadkii lasoo dhaafay dalka Kuwait ay uu noqday dalkii dadkiisu ugu dabaal dagga badnaayeen, Soomaaliya sidoo kale sannadkii hore waa laga dabaaldegay iyadoo ururo arrimaha jaceylka la shaqeeya ay dhigeen xaflado ay ku soo beegeen maalintaas.

Maalintan oo kale, lammaanayaashan xurgufta ku kala maqan waxey u tahay fursad qaali ah, iyadoo xuska maalintan ayagoo ka faa’ideysanaya ay isku soo dhawaasho sameeyaan, ayna iska cafiyaan wixii hore u dhex maray si cishqigoodu horumar u sii sameeyo.

W/D: Faarax Max’ed Cali {Blue}

E-Mail: farahblue_545@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 14, 2006


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?