SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARAR FEB 16, 2006

  • Kismaayo: Maleeshiyo si Nabad ah looga saaray Xaafadda Guulwade

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geedi oo soo dhaweyn ka duwan tii hore kala kulmey..

  • Cumar Filish oo shalay ka warbixiyay Arrimihii Xajka ..

  • Xaflad sagootin ah oo berito loo sameynayo Xubnaha labad Gole..

  • Cali Max’ed Geedi oo la filayo in uu gaaro Adis –Ababa inta aan..

  • Sanad guuradii 49-aad ee ciidanka cirka shalay la...

  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo dib ugu soo laabtay...

  • 3-Qof oo xamaali ah oo ku geeryooday xeebaha....

  • Ibraahim Shookaali “Shirka Baydhabo waxan ku tagi karnaa marka..


Abaarta: Xitaa Cayayaankii!!

Iyadoo dalka ay haatan ka jirto abaar  aad u xoogan, ayaa waxaan dhihi karaa abaartaa (Abaartii Dubato), waayo wax ay dhaaftay ma jiraan dad iyo duunyo, xitaa cayayaankii, iyadoo meelaha qaarkood ay haatan ka bilaabatay in dadku ay u dhintaan gaajo, iyo biyo la’aan, waxayna dadka saadaaliya arrimaha abaaraha ay sheegeen in ay abaartaani ay tahay mid aad u daran oo ka duwan kuwii hore.

Abaartii Daba-Dheer, waxaa dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay u gurmaday dowladdii markaas jirtay, sidoo kale tii caga bararka waxaa u soo gurmaday ciidamo uu horkacayay Mareykanku, haddaba dadka Soomaaliyeed oo waayo arag u ahaa arrimahaasi ayaa haatan waxay bilaabeen in iyagu is caawinaan waxaan shalay arkayay Booyadu iyo Gawaari siday raashin oo ku sii jeeday Gobalada ay abaaruhu ka jiraan kana baxay Magaalada Muqdisho.

Abaartaan ayaa waxaan dhihi karnaa xitaa waxay saameysay cayaankii, waxaa shalay duhurnimadii ku weyseestay caag xoogaa biyo ah ku jireen, markii aan weysadii dhameystay wax xoogaa biyo ahna ay caagii ku hareen ayaan qotomiyay meeshii uu horey u yiil, waxaan damcay mar ay xiliga casirka ahayd in gaacii aan dib ugu weyseesto waxaana ugu imid caagii gudihiisii iyo korkiisii oo ay buux dhaafiyeen Quraanjo, markaasi guureysay, iyadoo quraanjadaasi ay wadatay xoogaa raashin ah oo ay dooneysay in ay kaga baxdo jiilaalka, waxaana meesha iiga soo baxday in Quraanjadu iyada oo meesha mareysa ay la kulantay biyahan, wixii raashin ahaa meesha ayay dhigatay waxa ay u dhaqaaqday in ay biyihii u dhaadhacdo, kama aan waalin waan u sugay ilaa xoogaagii biyaha ahaa ay ka idleysato, markii ay dhameysatay ayay bilowday inay guurto iyadoo aruursatay wixii ay watay.

Inkastoo aan dareensanaa in dalka ay ka jirto abaar xoogan haddana shalay ayaan ogaaday xaqiiqdu waxay tahay, oo isma aan oraneyn Muqdisho gudaheeda ayaa Quraanjo sidaan haraad uga qabanayaa, waxaase meeshaas kaaga muuqaneysaa in abaartaani ay tahay mid aad u daran oo saameysay dad iyo duunyo xitaa cayayaankii, mararka qaarkood waxaan iraahdaa dadku maxay ugu dayan waayeen Quraanjada oo ay keyd u dhigan waayeen, xiligii aan arkayay Quraanjada mid kasta oo ka mid ah waxa uu afkiisa ku waday raashin ay horey u uruurisay, sidaa darteed waxaa mar kasta loo baahan yahay in aad digtoonaato oo aad dareen yeelato sida Quraanjadaas oo kale.

Nin Odey ah ayaa waxaan weydiiyay sida uu u arko abaarta, waxa uuna yiri “Abaarta waxaa nooga daran ganacsata Soomaaliyeed oo fahmi la’ba xiliga lagu jiro waayo intii ay waxyaabaha daruuriga ah hoos u dhigi lahaayeen baysan dhegba jalaq u siin, iyadoo aan ka warqabno in Doolarku hoos u dhacay waxa uuna iiga sheekeeyay sheeko uu ku leeyahay Ganacsatadu waa Abeeso taas oo u dhigneyd sida.

Beri baa Abeeso intay meel dariiq ah istaagtay ayaa waxay tiri “Ha la ii kaalmeeyo”, waxaa markaas ku soo baxay nin  dhallinyaro ah waxa uu ku yiri “Abeesay haddii aan kuu kaalmeeyo armaad dhibaato I gaarsiisaa” “maya” bay ku tiri, ninkii baa dhulka ka haabtay si uu ugu naxariisto, waxayse ugu abaal guday in ay isku duubto Tin iyo Cirib, waxayna afka ku soo beegatay madaxiisa, waxayna ku tiri “Maanta ayaan meeshii la rabay joogaa”, waxa uuna ku yiri “sidee wax u jiraan Abeesow” markaas ayay waxay ku tiri “waxaan kuu ogolahay in aan gardhigano oo aan u dhigano dad, duunyo iyo Dugaag”. waxay u tageen dad waxayna ku yiraahdeen noo garnaqa, dadkii waxay yiraahdeen “Abeesow bini’aadam asxaan ma lahan ee madaxa ka qaniin”, waxay u tageen dugaag isna waxa uu ku yiri “Bini’aadam asxaan ma lahan ee ha u jixijixin ee madaxa ka gooso”, waxayna markii ugu dambeysa u tageen Dawaco wayna u gar dhigteen waxayna ku tiri “wax isku duuban uma garnaqi karee marka hore kala baxa, kalana fogaada” markii ay kala degteen ayay Dawacadii ku tiri ninkii “ orodoo haatan iska bax, Abeesow adiguna waxaad tahay mid aan mudneyn in loo gargaaro ee orodoo oonka iyo gaajada ku haysa duurka la gal”, wuxuuna ninkii Odeyga ahaa yiri Ganacsatadu waxay la mid yihiin Abeesadasi waxayna doonayaan in  ay dhiig miirtaan mar kasta bulshada Soomaaliyeed, waxaanse rajeynaa in sida Abeesadaas waqti ay ahaataba ka degi doonaan Daka rayidka ah ee ay madaxa ka saaran yihiin shacabkuna uu ka bixi doono dhibaatada iyo rafaadka ay abaaruhu ku keeneen.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro   
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


------------------------------------------------------------------------

    Xiriiryaha Kaalmada Bani’aadninimada ee Somaaliya, wuxuu codsanayaa

     fududeynta furitaanka waddooyinka shacbiga abaaruhu tabaaleeyeen

                lagu gaarsiinayo gargaarka bani’aadninimada 

Nairobi  (14  Febraayo  2006)  –  Xiriiriyaha  Kaalamda Bani’aadninimada ee Soomaliya,  Mr.  Maxwell  Gaylard,  wuxuu ka codsanayaa beelaha deegaanada, hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo bulshada ganacsatada ah inay abaabulaaan la dagaallanaka  dhibaatda aan weli ala araga ee xumeysay abaartii ugu darneyd oo  muddo  tobaaneeyo sannadood laga joogo. Hoggaamiyayaasha bulshada waxaa lagu  adkeynayaa  inay  xaqiijiyaan  fudueynta  waddooyinka loo marin lahaa kaalmada  bani’aadninimo  ee  la siinayo shacbigan baahan. Sidoo kalena waa inay  xaqiijiyaan  badbaadinta  dhammaaan  shaqaalaha  ku  hawlan gargaarka bani’aadninimo ee Soomaaliya. 

“Waxaa  lagama maarmaan ah odyaasha bulshada, culimada iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda,  ganacsatada iyo maleeshiyada inay abuuraan marxalad ku wajahan ama waafaqsan howlgal bani’aadninimo oo gacanfuran. “Waxaan dooneynaa inaan wada  shaqeyn  dhow  la  yeelanno  Xukuumadda  Federaalka ah ee Soomaaliya, Madaxda  gobollada  iyo  hoggaamiyayaasha  bulshada si gargar degdeg ah loo

gaarsiiyo   shacbiga  u  baahan  kaalmada  iyo  baadbaadada  nololeed  inta

karaankeenna  ah”, sidaa waxaa yiri Mr. Maxwell Gaylard. “Waxaahaddaba nagu wajahan  marxalad  adag  xagga  saadka  ee  gobollada  dhexe  iyo koonfurta Soomaaliya, ayadoo la filayo roob-yari, xaaladduna  degdg beey u sii xumaan kartaa.  Waxaan  u baahannahay inaan dhammaan gacan ka geysanno qof walbana uu  iska  xil-saaro  xaqiijinta  gaariisiinta iyo badbaadada si loo yareeyo dhibtaada uu la ildaran yahay shacbiga Soomaaliyeed. Ma sameyn karno haddii cunnda, daawada iyo wixii kale ee loo baahan yahay ay noqdaan bartilmaameed daneystayaal iyo miliishiya aan kontrool lahayn” 

Qiyaastii  dad  dhan  1.7  malyan  ayaa  u  baahan  gargaar degdgeg bah iyo badbaadao, taas oo ay keentay abaarta ka dhalatay roob laa’anta ilaa saddex xilli,  dhulka  oo  nabaad-guuray  iyo  dagaallo sokeeye. Xaladda waxaa sii xumeeyay   400,000  oo  ah  dadka  dalka  ku  dhex  barakacay oo u jilicsan khatarta. 

Jamciyadda   Qaruumaha  ka  Dhaxeysa  iyo  ururro  kale  ee  bixiya  kaalmo

bani’aadninimo  ayaa siiya gaargaar qaybo kala dwwan ah (Cunto, Xoolaha iyo Beeraha,  Caafimaadka,  Nafaqada,  Biyaha  iyo  Fayodhowrka) gobollda ay ka suurto-gashay  inay  helaan  meel loo mariyo taasoo mahaddeedu ay leeyihiin bulshada qaarkeed oo wada shaqeyn wanaagsan kala dhexeyso. 

Wixii war inta ka badan, fadlan kala xiriir:
Amanda Di Lorenzo
OCHA Somalia
Tel: +254 20 3754150-5


OGEYSIIS:: Minnesota: Shir lagu taageerayo dib u heshiisiinta iyo wada jirka Soomaalida

Goobta:        Brian Coyle (Ceder)

                    420 15th Ave South
                     Minneapolis  MN 
 
Goorta:          February 19, 2006    
                    Axadda 05:30 Galabnimo
 
 
Waxaa kale oo laga wada hadlayaa waxa loo qaban karo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku tabaaloobay
 
Kulligiin soo dhowaada
mnwardere@yahoo.com
Daabaco Boggan | Print


Kawaanka Cusub ee Xoolo Qalka ee Muqdisho ... Guji..



C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan oo Kala Saxiixday Heshiis

Heshiisku waxa uu dhigayaa in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey... Guji...


 
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan dalka Yemen.. Guji


SHIRWEYNIHII OSLO OO AY SOOMAALIDA NORWEY SI WEYN UGU DIIRSADEEN... Guji...


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

Kismaayo: Maleeshiyo si Nabad ah looga saaray Xaafadda Guulwade

Kadib markii 24kii saac ee la soo dhaafay ay magaalada Kismaayo ahayd mid xaaladdeedu ay kacsanayd oo laga dareemayay saansaan colaadeed, isla markaasna ciidammada ammaanka ee IDJ ay wacad ku mareen in ay sugayaan ammaanka ayaa waxaa waanwaan waday odayaal iyo wax garad ku cadaadinayay maamulka ciidammada ammaanka ee IDJ in aanay qaadin tallaabo dhiig ku daato, waxaana waanwaantaasi ay ugu dambeyntii dhalisay in galabnimadii Arbacada lagu guuleystay in xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo maleeshiyooyinkii ka gadoodsanaa IDJ laga kaxeeyay.

Sidoo kalena waxaa lagu guuleystay in hubkii laga dhigay oo laga xereeyay maleeshiyooyinkaas gadoodsanaa ee ku sugnaa xaafadda Guulwade ee magaalada Kismaayo, waxana shalay galab la arkayay iyaga oo aan qoryo wadannin oo meelaha lagu shaaho kula kaftamaya isla markaasna kula sheekeysanaya saaxiibbadoodii ay ka gadoodeen.

Waxaa la filayaa in arrimihii dhacay ee dilalka iyo dagaallada ahaa ee dhacay maalmihii la soo dhaafayna in laga hadlo wixii maalinta berri ah ka billowda, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha IDJ oo ku sugan magaalada Kismaayo. Xaafadda Guulwade ayaa waxaa ka soo qaxay dadweyne aad u badan oo degganaa xaafaddaas, galabtana waxa ay dadkaasi dib ugu noqdeen guryahoodii, waxaana ilaa iyo hadda la dareemayaa xasillooni dhaanta tii shalay.

cabdi khadar Nuur
cabdiqadar84@hotmail.com



C/llaahi Yuusuf iyo Geedi oo soo dhaweyn ka duwan tii hore kala kulmey..

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro   
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay Magaaladaasi soo gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi. Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo la filayay in ay si wadajir ah uga soo degaan Garoonka Jowhar ayaa waxaa markii hore yimid Ra’isul Wasaaraha, saacado kaddibna waxaa yimid Mudane C/laahi Yuusuf Axmed. Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha markii imaanayaan Magaalada Jowhar oo la kulmi jiray soo dhaweyn aad u balaaran ayaa shalay waxay la kumeen soo dhaweyn ka duwan middii hore, waxaana garoonka kaga hortagay dhowr xubnood oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana arrintaan loo badiyay diidmada Max’ed Dheere uu weli diidan yahay kulanka ka dhacaya Magaalada Baydhabo. Mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay Wasiirka War-faafinta Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa waxa uu sheegay in diyaaraddii ay si wadajir ah u soo raaci lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu ay ahayd mid ay buuxiyeen wafdigii Ra’isul Wasaaraha waxaana Madaxweynaha iyo wafdigiisa loo sheegay in diyaaraddu u soo laaban saacad kaddib, waxa kalloo uu meesha ka saaray in wax khilaaf uu ka dhex jiro mas’uuliyiinta Dowladda, gaar haan Guddoomiyaha maamulka Gobalka Sh/hoose Max’ed Dheere, Waxaa kalloo Maareeye uu sheegay in maanta Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu ay la kulmayaan xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar. 

Cumar Filish oo shalay ka warbixiyay Arrimihii Xajka ..

Cumar Maxamuud Max’ed (Cumar Filish) oo ah Wasiirka Ow-Qaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shalay qado u sameeyay mas’uuliyiinta shirkadaha Diyaaradaha, Saxaafadda iyo martisharaf kale, wuxuuna Wasiirku xubnaha shirkadaha uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaateen daad-gureyntii xujeyda Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Dowladda Sucuudiga oo uu sheegay in ay xujeyda Soomaaliyeed u fidisay sanadkaan tasiilaad aysan horey u heli jirin.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay mar kasta la socotay xaaladda xujeyda Soomaaliyeed waxa uuna si gaar ah u xusay shirka ka dhacay Mina oo uu sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo tadobo ruux oo Soomaaliya ah.

Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Xajka ee Sucuudiga ay gudoonsiisay shahaado ay ku muteysteen in xujeyda Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee soo gaara dalka Sucuudiga Carabiya, sidoo kale Madaxdii shirkadaha Diyaaradaha oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay u mahadceliyeen Wasaaradda Ow-Qaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliyeed  oo sheegay in sanadkaan ay wax weyn ku soo kordhiyeen xajka ha noqoto dhinaca Culumada, han noqoto dhinaca iska war qabka Xujeyda Soomaaliyeed. 

Xaflad sagootin ah oo berito loo sameynayo Xubnaha labad Gole..

Iyadoo maalitii doraad ahayd xaflad sagootin ah loo sameeyay xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalinta berito ah xaflad sagootin ah loo sameyn doonaa Xubnaha labada Gole ee ku sunga Magaalada Jowhar, waxaana u sameyn doona Madaxweynaha iyo RA’isul Wasaaraha.

Xafladdaas ayaa la filayaa in Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaruhu ka jeediyaan khudbado la xiriira sidii xildhibaanadu u muujin lahaayeen dadaal dheeri ah isla markaana ay uga mira dhalin lahaayeen shirkaasi.

Guud ahaan Xidhibaanada Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 275 ayaa lagu wargeliyay in ay Magaaladan Baydhabo ku soo xaroodaan ilaa iyo 20-ka bishan.

            Waxaa Magaalada Baydhabo haatan ku sii qulqulaya Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka kuwaasoo isku diyaarinaya in ay ka qaybgalaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.     

Cali Max’ed Geedi oo la filayo in uu gaaro Adis –Ababa inta aan..

Warar aanu ka helnay rag ku dhow dhow Ra’isul Wasaare Geedi ayaa waxay sheegeen in Ra’isul Wasaaruhu uu dhawaan gaari doono dalka Itoobiya inta uusan qabsoomin kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ee Baydhabo.

Ra’isul Wasaaraha ayaa la filayaa in halkaasi uu kulamo kula yeesho Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya isagoo warbixin ka siin doona arrimaha Dowladda iyo sidii  ay Dowladda Itoobiya ka qayb-qaadan lahayd kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, balse warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu ka codsan doono in ay gacan ka gaysto sidii ay uga qayb-qaadan lahayd nabadgelyada Kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Xubnaha Dowladda ee ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxay horey u sheegeen in ay ku filnaan doonaan nabadgelyada kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, waxaana haatan tababar u socdaa ilaa iyo 60 askari oo sugaya ammaanka. 

Sanad guuradii 49-aad ee ciidanka cirka shalay la...

Munaasabad lagu xusayey sanad Guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa shalay lagu qabtay xarunta Ciidanka Cirka ee Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabadaas ka soo qayb galay Saraakiil, Saraakiil Xigeeno, Alifley iyo Dabley ka tirsan Ciidanka Difaaca Cirka Soomaaliyeed.

Ciidamada ayaa socod gaardis ah ku maray halkaas waxana salaan ka qaatay ku simaha Taaliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xuseen Cali Faarax (Xagaafo) iyo Saraakiil ka kale oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Cirka Soomaaliyeed, Munaasabadaas ayaa waxaa ka hadlay Saraakiil ay kim ahaayeen Gaashaanle Sare Duuliye Xasan Daahir, Gaashaanle Sare Duuliye Javaliin, Gaashaanle Sare Maxamuud Sheikh Cali (Dable Bayloote) iyo Saraakiil kale waxaayna dhamaantood ka war bixiyeen xaaladihii uu soo maray Ciidanka Difaaca Cirka Soomaaliyeed.

Saraakiishaasi waxay sheegeen in Ciidanka Cirka la aasaasay 15-kii Febaraayo 1957-dii, laguna aas aasaay 146-Askari, 6-Duuliye tahay,28-na Saraakiil Xigeeno iyo 112 Alifley iyo Dabley, waxana xiligaas Taliye loogu magacaabay Dhamme Duuliye Axmed Sh.Macow oo laga soo badelay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxay sheegeen in xiligaas ay dusha ka ilalinayeen Xeeldheerayaal Talyaani ah.

waxay sheegeen Saraakiishii shalay xuskaas ka qayb gashay in Ciidanka Soomaaliya uu bari ahaan jiray Ciidankii ugu sareyey Qaaradda Africa maantana uu yahay midka ugu hooseeya waxay xuseen inay taas ugu wacan tahay Dowlad la’aanta iyo iska war qab la’aan Ciidanka iyo saraakisha somaliya.     

C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo dib ugu soo laabtay...

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo dhawr maalmood ku maqnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda oo ku sugan magaalada Jowhar.

Madaxweynaha iyo Geeddi ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kulan yeesheen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyagoo markii dambana si wadajir ah u soo saaray war murtiyeed ay ku sheegeen iney si wadajir ah uga qeyb gali doonaan kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka oo ka dhacaya magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa waxey kulan la yeealan doonaan Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Max’ed Dheere isagoo ka biyo diidsan kulanka Baarlamaanka ee ka dhacaya magaalada Baydhabo, waxeyna doonayaan iney ku qanciyaan Max’ed Dheere in kulankaasi uu soo dhaweeyo, sidoo kale waxay maanta la kulmi doonaan xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Jowhar iyagoo warbixin ka siin doona kulamadii ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo iyo wixii ka soo baxay.  

3-Qof oo xamaali ah oo ku geeryooday xeebaha....

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka waxay sheegayaan in Dooni ay saarnaayeen boqol  Xamaali ah kuna sii jeeday Markab ku xirnaa xeebta Magaalada Marka ayaa Doontii ay saarnaayeen la qalibmatay, waxaana halkaasi ku geeryooday Saddex qof iyadoo intii kalana la badbaadiyay.

Saddexda qof ee ku geeryootay shilkaasi ayaa laga soo saaray biyaha waxaana shalay lagu aasay Magaalada Marka, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Sh/hoose iyo dadweynaha ku nool Marka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad soomaaliyeed ku geeryoodaan xeebaha ay ku yaalanaa Dekedaha Macmalka ah, waxaana taas ugu wacan iyadoo Dekeddii weyneyd ee ku tiil Magaalada Muqdisho ay xiran tahay, isla markaana aysan jirn Dowlad Soomaaliyeed oo ka shaqeysa sidii loo furi lahaa dekeddaasi.

Markii uu dhacay shilkaani ayaa waxaa is taagay gebi ahaan howlihii laga waday markab ay lahayd Hay’adda WFP oo dejinayay raashin mucaawino ah oo loo waday dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha. 

Ibraahim Shookaali “Shirka Baydhabo waxan ku tagi karnaa marka..

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Gudoomiyaha Isbahaysiga Beelaha Dulman ee Soomaaliyeed (Somali Communities Victim Alleance) Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaali) ayaa waxa uu kaga hadlay in ay nabadgelyo xumo ay saameysay dhamaan dalka gaar ahaan Beelaha aan hubeysneyn ee ku abtirsada isbahaysigaan.

“Waxaa la hor joogsatay xaquuqdeenii cadaaladeed iyo karaamadii bini’aadannimo ee ilaaheehay na siiyay oo lagu beedelay in aan nus nahay” ayaa lagu yiri qoraalkaas oo sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin cid guul siyaasadeed ku gaari karta dulmi iyo kala sareyn, iyo sidoo kale in lagu xad gudbay xeerarka caalamka ee xaquuqda aadanaha  meelna looga dhacay sharaftooda.

Dhanka kale waxay Isbahaysiga Beelaha Dulman ee Soomaaliyeed qoraalkoodaa ku soo dhaweeyeen shirka Baarlamaanka Fedeeraalka ee lagu wado in Baydhabo isugu tagaan 26-ka bishan. “Weynu ka qaybgaleynaa shirkaasi haddii Beesha Caalamka iyo UN-ku nagu casuumaan, laakiin si kale uga qaybgali doono”, ayaa lagu yiri Qoraalkaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 16, 2006

 


»Duq Ibliis Copenhagen bay Daash ku leedahaye
»Gefka loo geystey Nabiga (NNKH) waa Xaniinya taabadkii ugu..
»
Denmark oo muslimiinta ku dhex nool ku eedeyneysa..
»
Fikirkiisa Guracan baa dunida dab ka dhaliyey!!
»OGAAN IYO ULAKAC | Inj. Nabaddoon
»
HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?