SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MAQAAL - GABAY
Daabaco Boggan | Print
 
Gabayga Murugo iyo Gabayga Dhibaabo waxaa tiriyey Cali Aadan Doolaal wuxuna kaga qayb gelayaa silsiladii gabayada ahayd ee laga tiriyey shiikh Maxamed shiikh Ismaaciil... Guji...
Diridhaba Waxaanu La Jecelnahay Wanaag Waxana Aanu Leenahay NABADGELYO... Guji...
Waxa la yidhi maalin baa jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal joogta xariif ku ahow ama.. Guji..
Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay. Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad... Guji...
GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..

  • Hadaaqa wasiirka Maaliyaddu ma aha fitno abuur keliya!
  • Waa xaq darro xadhigga Suldaan Cismaan iyo Xoghayntiisu
  • Baaqiinii Habarayooniseey waaba loo bogaye...

Hadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya!

maxamedbaashe

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan

mohamedbashe@hotmail.com

Dec 7, 2006


Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa uu ka mid ahaa wefigii xukuumadda ee Burco safarka ku tegey dhowaan markii Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar gurigiisa laga afduubay ee la dhigay xabsiga Mandheera oo ilaa hadda uu ku xidhan yahay. Wasiirka waxa laga soo weriyey hadallo aflagaado ah oo uu kula dul turunturrooday Tol weynaha Burco barigeeda ee Habar Jeclo. Laye meel fagaare ah ayuu wasiirku ka yidhi weedho u dhigma“ belaayo aan Bariga Burco laga soo hoggaamini arlada kama dhicin ilaa xilligii Ina Maxamed Cabdille Xasan ilaa yowmunaa maanta!”  

La yaab ma leh weedhahaas xilkasnimo darrada ah ee ka soo yeedhay wasiirka aan mas’uuliyaddu la cuslayn, ha yeeshee waxa yaab leh sida doqoni ma garatada ah ee uu boodhka isugu qaraniyo, una doonayo in uu indhaha dadka ka sii jeediyo fashilaadda iyo foolxumada dalbajuuqihiisa. Waa la og yahay oo Bari belo kama imane, waxaan la ogayn in belaayadu tahay isaga iyo inta kula hawllan kala fogaynta isku duubnida tolalka walaalaha ah ee is feedh dega. 

Waxa laga damqanayaa isku soo dhowaanta fekerka iyo in-araggooda, waxana laga il-gabxayaa iskaashigooda minjaha soo laalaadinaya ee u kobcaya dhinaca tognaanta maangalka ah. Waxa la doonayaa in weedhahaas nuxurka daran ee gedaanka saarani  ay hadheeyaan arrinta muhiimka ah ee ku taxmaysa xadhigga xaq darrada ah ee Suldaanka iyo wehelkiisa, waxana la doonayaa in la kala jebiyo oo la iska horkeeno intii isu wada taagi lahayd hiilka Suldaanka iyo ka hor tagga tallaabooyinka meel ka dhaca ku ah sharafta iyo milgaha waddanigu xaqa u leeyahay, dastuurka dalkuna u oggol yahay ee uu siiyey. 

Bal eega xasaradda iyo xadhka goysnimada intaas le’eg iyo foolxumaanteeda. Dab bay dab cunsiinayaan! Wasiirka sharka badan ee maaliyaddeenu ma meteli karo tol weynaha uu ku abtirsado, waa u wasiir aan xilkas ahayn tolalka oo dhan, waxanu metelaa oo ku hadlay afkii dawladda Somaliland. Weedhaha wasiirku ma aha fitno laga dhex abuurayo dadka walaalaha ah oo keliya ee sheeko lagu danbabasayo oo dadka lagaga jeedinayo fashilaadda iyo xilkasnimo la’aanta nimanka mindada daabkeeda haya. 

  • Aboorkuba allaylkuu dhisaa aqallo waaweyne
  • Markuu ururay daartuu abyeybaa la ashqaraaraaye
  • Ilkuhu wada jirkooday hilbaha adag ku gooyaane
  • Haddii iniba meel taagan tahay adhax ma feenteene
  • Itifaaq la’aan laguma helo lib iyo iimaane
  • Indhaha aad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega
  • Ha ordina’e  xaajada sidii aydinta u raaca
  • Ha ekaannina’e talo ninkii odhan karaw dhiibta
  • Abtirsiimo reer hebela’ iyo oday ku faan tuura
  • Indho fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene.
  • Xaaji Aadan Axmed Xasan “Afqallooc!

Qore: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com


Waa xaq darro xadhigga Suldaan Cismaan iyo Xoghayntiisu
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland: “Waxaannu dhisnay Distoor Calmaani ah”- British Broadcasting Corporation World, The World Today, 19th Aug. 2006
  • Madaxweynaha Somaliland: “Waxaannu hirgelinney Dimoqraaddiyad calmaani ah”, The Daily Telegraph, Friday 27th Oct. 2006. 

maxamedbaasheQalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com | Dec 5, 2006

01/12/06 ayaa suldaanka laga afduubay gurigiisa magaalada Burco oo loo taxaabay xabsi ku yaalla Mandheera. Suldaan Cismaan Suldaan Cali waxa lala qabtay oo isna xidhan Maxamed Faarax Aadan oo ka mid ahaa shir guddoonkii kulan Burco ka dhacay 30/11/06, shirkaas oo lagu guddoomiyey in Habar Yoonis ku maaraynayso arrimaha gudaheeda degaan ahaan ku dhaqanka shareecada islaamka, waxana shirku dawladda Somaliland iyo tolalka kale ee ay walaalaha yihiinba ugu baaqay ku dhaqanka shareecada islaamka. 

Aan idhaahdo Somaliland halis bay daaqaysaa. Waxa cagta lagu hayaa waddaddii burburka. Jarkii hoogga ayaa maalinba maalinta ka dambaysa lagu sii durkayaa. Kelitalisnimadu waa hooyada halaagga. Car juuq dheh iyo ku tumashada xuquuqda, milgaha iyo haybadda waddanigu waa astaantii ifafaalayaasha baaba’a qanuunka iyo kala dambaynta. Haddii distoorka iyo xeerarkiisu ay ka dul kici waayaan oo ku dul abaarsadaan waraaqaha ay ku qoran yihiin, haddii madaxda qaranka iyo hay’adaha dawladdu u dhaqamaan sidii ay doonaan oo lagu gabbood falo xilkasnimo oo dhan iyo mas’uuliyaddiiba, waxa lunta kalsooni oo dhan, waxana si fudud u suula sifooyinkii dawladnimo oo dhan. 

Dawladda maantu waxqabad la’aanteeda, curyaannimadeeda, indha la’aanteeda iyo musuqeeda, waxa ay ku darsatay dad cunnimadan ay la soo baxday iyo foolxumooyinkan ku xidhiidhsan caqiidada iyo diinta ummadda ee si kasta cagta hoosteeda loo gelinayo ee loogu tumanayo. 

Sannad in ka badan ayaa laga joogaa markii lixda culimada ah ee argagixisada lagu eedeeyey loo taxaabay xabsiga Hargeysa, culimadaas oo aan ilaa haddeerto wax xukun ahi aanu ku dhicin oo lagu soo caddayn kari waayey wax dembi ah oo ay ka galeen dalka iyo dadka Somaliland. Sida laga warqabana culimadaas waxa lagula kacay jidh dil fool xun oo qaarkood la caddaynayo in dhaawacyo ka soo gaadheen. Culimadaas Hargeysa ku xidhan waxa ka mid Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Sh. Xasan oo beri dhoweyd la faafiyey muuqaallo fool xun (Jidh dil ah) oo lagaga duubay sheekha cajalad video ah, arrintaas oo dawladda Somaliland ku guuldarraysatay iska dulqaadkeeda, ka dib markii ay u saari kari waydey guddi madax bannaan oo ammuurtaas meel cayiman ku tiirisa! Culimada xidh xidhani waxa ay kala yihiin: 

  • Sheekh Maxamed Sheekh ismaaciil
  • Sheekh Axmed-kayse Cali Xuseen
  • Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur
  • Sheekh Muuse Cali yuusuf
  • Sheekh C/laahi Maxamed Axmed
  • Sheekh Maxamed Ibraahim Axmed

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar iyo Maxamed Faarax Aadan ayaa iyana maanta u godobaysan diinta islaamka. Dembiga lagu haystaa ee xabsiga loogu garbaduubayaa wax kale ma aha ee waa keliya in ay ku baaqeen in lagu dhaqmo shareecada islaamka, ka dib markii ay go’aansadeen in ay degaanka qoyskooda ka hirgelinayaan shareecada islaamka iyo ku dhaqankeeda. 

Waa ayaan darro in arrintaas oo kale cidba loo xidhaa, waana ayaan darro kale in madax dhaqameed, weliba suldaan beel dhan lagaga xayuubiyaa sharaftii iyo haybaddii uu lahaa. Runtii waa gef iyo xumo xurmo la’aaneed oo loo gaystey Somaliland oo dhan madax dhaqameedyadeeda, salaadiinteeda, ehlul sharafkeeda iyo shacabkeeda. Waa xaq darro ay tahay in laga wada oogsado oo la diido fulinteeda iyo sii socoshadeeda, waana mash-qac la ruubay dadnimadeenna oo haddii aynu haddeer ka diiri wayno, hadhowto inagu noqon doona waran afdhuuban oo fallaadho sumaysan jiidanaya!  

In dawladdeennu diinta iyo damiirkeenna islaamiga ah la dagaallantaa la yaab ma leh, ha yeeshee waxa yaab leh in aynu hoos u hoganno oo ugu dul qaadanno qorshayaasha lagu fogaynayo soo dhowaynta hirgelinta iyo ku shaqanka shareecada islaamka oo dastuurkeennu oggol yahay. Dawladdeennu ma aha xilkas,  mas’uuliyiinteeduna waxa ay la ambadeen xilkaas. Sinaba macquul uma aha in arrintan Suldaan Cismaan Suldaan Cali loo xidhaa. Haddii ay dawladda Somaliland xilkas tahay waxa loo yeedhi lahaa suldaanka oo lagu qancin lahaa ilaalinta iyo kala xadaynta awoodda fulinta ama xukunka dawladda iyo maamulka hoose ee tolalku gudahooda kaga dhaqmaan. Ha yeeshee xadhiggu waa xilkasnimo darro iyo meel-ka-dhac weyn.

Dawladdeenna iyo ku dhaqanka shareecada islaamku waxa ay kala fadhiyaan “cirka iyo dhulka”, taas baana keenaysa in ay ka didaan sidii adhi weere arkay dareen kasta oo dhadhan diimeed leh. Shareecada islaamku ma burburinayso Somaliland ee waxa duminaysa siyaasadda dawladda maanta ee xaalad abuurka ah, dawladdan ku faanta diin laawennimada; diin la’aanta ama calmaannimada.

Madaxweynaha iyo wasiirkeenna arrimaha dibaddu waxay labaduba dunida u caddeeyeen in ay ku naalloonayaan hirgelinta dawlad calmaani ah; dawlad aan diin wax shuqul ah ku lahayn; dawlad diinlaawennimo ku dhaqanta! 19/08/2006 ayaa wasiirka arrimaha dibaddu arrintaas u xaqiijiyey barnaamijka afka ingriiska ku baxa ee British Broadcasting Corporation ee loo yaqaan The World Today. Madaxweynaheennuna waxa uu arrintaas mid la mid ah ku sheegay wargeyska The Daily Telegraph cadadkiisii soo baxay Jimcihii, 27-kii bisha Okt. 2006.

Xadhiga Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo xoghayntiisu waa baaddil xaq darro ah, waana in xukuumadda cadaadis lagu wada saaraa sii dayntooda, waana in dawladdeenna la baraa in xadhigga xaq darrada ahi ka mid yahay waxyaalihii ummaddani ka dagaallantay ee kumannaanku ku naf waayeen, kumannaanka kale ku naafoobeen, kumannaankuna ku maal beeleen ee ku burbureen. Somaliland ma aha quraarad daleel saaran oo dhagaxna hoos yaallo oo iska soo dhacaysa, iskana burburaysa. Suldaan Cismaan Suldaan Cali iyo beeshiisuba waxa ay ka mid yihiin hormuudkii u halgan iyo hawlba galay Somaliland iyo dib u yagleelkeeda, maantana ma ay samayn wax hagardaamo ah iyo waxyeellayn ku qumman qarannimada Somaliland wax sii hagaajinaya mooyaane. 

Waa in la sii daayaa Suldaanka iyo inta xaq darrada ugu hoyata ee ku xidhan jeelasha waddankeenna dhammaantood, iyada oo maskaxkamad deg deg ahna la horkeenayo dadka dembiyada lagu eedaynayo, gaar ahaan culimada lagu silic dilyeynayo xabsiyadeenna.

Qalinkii Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com


Baaqiinii Habarayooniseey waaba loo bogaye...

Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed, waxaana lagu taageerayaa dhaqan gelinta shareecada islaamka ee beesha Habaryoonis kaga dhawaaqday magaalada Burco. 1dii december 2006 ayey soo saareen waxgarad kor u dhaafay 200 oo ruux oo uu hogaaminayey Suldaan Cismaan Suldaan Cali in ay beesha habaryoonis qaadatay ku dhaqanka shareecada islaamka. Haddaba waxa gabaygan lagu taageerayaa ma aha habka loogu dhawaaqay  ee waa fikradda lagu dhiirraday Wuxuu soo baxay 03 dec 2006. Wuxu yidhi:  

  1. Baaqiinii Habaryooniseey waaba loo bogaye
  2. Waa lagu bikaacsaday indhaha sida buluuglaydhe
  3. Burco inad dhankiinii shiddeen  balaf naloo keenye 
     
  4. Barigaanu sii eegaynee waad ka badiseene
  5. Iyagana baxnaanada ilaa dhowr beraan sugiye
  6. Waxse basaasta naga reebilayd taasoon been noqone 
     
  7. Budhka CiiseMuusaan rabaa inay la boodaane
  8. Ciisuhu billaawaha ha lulo waa bilbilo khayre
  9. Booramiyo Gadabuursi waa baro islaameede
  10. Ha u beernuglaadeen sharciga boodhka tumiddiise
  11. Beelaha Hargeysoow walle beeniraad malehe
  12. Xeer baaniyaal idinka qaad biligi fiicnaaye
  13. Waa waxay biyii uga gudheen beerihii herere
  14. Culimadan buruudka leh kuwaa jooga baladkiina
  15. U banneeya haydiin fureen baabka daalacane 
     
  16. Waxa beretan loo geli xaqqii layska baalmaraye
  17. Beegsiga kitaab iyo sunnaa buur la soo dhigaye
  18. Billad sharafta khayrka ah ninkaan baaqsanbaa heliye
  19. Ha la boobo buunki u dhawaaq orod bilowgiiye 

Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com
Axad 03-12-2006   

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 5, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD