SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Gabayga Murugo iyo Gabayga Dhibaabo waxaa tiriyey Cali Aadan Doolaal wuxuna kaga qayb gelayaa silsiladii gabayada ahayd ee laga tiriyey shiikh Maxamed shiikh Ismaaciil... Guji...
Diridhaba Waxaanu La Jecelnahay Wanaag Waxana Aanu Leenahay NABADGELYO... Guji...
Waxa la yidhi maalin baa jirta. Maalin qof waliba uu tiimbanayo mool ka sameysmay dhididkiisa. Ama dabaal joogta xariif ku ahow ama.. Guji..
Gabay: Guutada Hargeysiyo maxaa gaalo nabadeeyay. Gabaygaan waxaa tiriyay abwaan xasan garaad warsame waxaana uu uga hadlay  tacadigii loo geystay xabsiga magaalad... Guji...
GABAY::: HURGUMO: Gabaygan waxaa tiriyey Mursal Siciid Cali Waraabe oo kaga qayb gelaya silsilad suugaaneedka loogu xaq raadinayo xabsiga iyo tacadiga Sh. M Ismaaciil ... Guji.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Ayaa Ku Eedeeyey Wasiirka Daakhliga Inuu Reer Sool U Gaar Yeelay Cajaladda.. Guji...
Waa nasiib darro in uu KULMIYE isagu noqdo ka difaacaaya xukuumada looga bartay been abuur iyo jidhdilba.... Guji.. (Cali Guuleed)
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Cadaaladda SL: Waxaanu Weydiinay: Maxamedow Ma jirtaa in lagu jidh dillay? wuxuu ku jawaabay Haa Waa La I Jidh Dilay.. Guji..
Abwaan Bacadle Oo Gabay Ka Tiriyay Tacadigii Sh. Max’ed Sh. Ismaaciil Ee Tacadiga Loogu Geystay Xabsiga Magaalada Hargeysa.. Guji..
qoraalAFKALAQAAD (Gabay): Awliyadii Ilaahay xabsiga lagu ihaaneeye, Itoobiya maxaad eray u tidhi waa afkalaqaade Guji (Nabadoon)
GABAY::: Ceelkii Hargaysaad::: Gabay ka hadlaya tacadigii Sh. maxamed loo geystey... GUJI... | Dhagaafe
Gabay: Sheikh lagu silac-dilyeeynayo Xabsiga Hargeysa:: heelleeeyda haasaawe gabay   hirarka suugaanta... GUJI.. (Dailaaf)
Gabayga: Hungo ::: Ma huq  iyo murugaan hurdada ciil la heli waayey? : Ma hiqleeyey sidii wiil yaroo oohin la hinraagay? ..Guji.. (Xiirane)
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur?:: Guulaha cusub ee farsamada isgaadhsiinta casriga ah, gaar ahaan mareegta... Guji (Cige)
cabdiwaaxidCulumada Xamar oo la Xurmeeyey; Kuwii Somaliland oo la Xirxiray, iyo Kuwii Puntland oo laga Xanibay Diyaaradday soo Guji.. (C/waxid)
Waraysi lala Yeeshay Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil Walaalkii Faysal Sh Ismaaciil.::: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay ... Guji...
Waa Sidee Aragtida Xisbiga UCID Ee Jidh Dilka Sh.M.Ismaaciil "Xukunka Degdega Ah Ee Lagu Xukamay Dadku Waa Xaaran.." Xasan Suldaan Guji...
Gudoomiyaha  golaha fulinta  maxkamadaha islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay maamulka Somaliland in ay joojiyaan dhibaatada ay ku hayaan culimaa'uddiinka Soomaaliyeed.. Guji..


Afka hilibki Shiikh Max’ed bay weli ku haystaane.

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle).

  1. Haddey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane.
  2. Waxayna ku hadlayaan been cadoon harag la saareyne.
  3. Warba u hayaan shiikhu in uu boqorka hoos joogo.
  4. Iyagoo hunradahayuu Rabbi u hoorsanahayaaye.
  5. Oo uu magacyadiisii hufnaa la hal-haleelaaye.
  6. Oo ay ilmadu hibitiqdaa, oo uu laabta ka hinraagi.
  7. Oo uu Aydhis ku habaarayaa wuu la helayaaye.
  8. Rabbigiisa wuxuu haybsadaa hubanti weeyaane.
  9. Kuwa meesha ku hayaana waa ka hor marayaane.
  10. Cabdi Majiid halkii uu mareey ku hafanaayaane.
  11. Hangashtii iyo sahankii horey haabanahayaane.
  12. Hog madow markii lagu rideey khabar helayaane.
  13. Adduunyada meel hoogtay bay ku hanbasaayaane.
  14. Saddexdii ha’ gaabtaan tirshoo dhaari mey harine.
  15. Indhaba Diinta sharaf uma hayaan hawl wadeenaduye.
  16. Waxaa kala haboon caalamkoo ay horey u raacaane.
  17. Haddey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane.
  18. Waa hoos ka gaal nimey Tigruhu u hambalyeeyaane.
  19. Hubal iyo Cusana madaxa hoos wawgu dhigayaane.
  20. Hadyigiyo waxyigii Nabiga magac un bowga soo haraye.
  21. Mar Soomaaliweyn ka hoos baxbay sharaf u haystaane.
  22. Nabi Muxamad kuwii ka hor yimide diiday hadalkiisa.
  23. Dhibbuu nagu hayaa bay dhaheen kii hanuunsaniye.
  24. Hawaayaddeenu waa inay xornimo haysataa abide.
  25. Ayaguna halkiiyoo kalay u halgamaayaane.
  26. Fircoon, Muuse wuxuu uga hor yimid una hujuumaayey.
  27. Nabadiyo habkaa dowladnimo hayga kala tuurin.
  28. Badbaa lagu haligay dhaxalkiina Muuse waw haraye.
  29. Hargeysana inta hanuunsan bay ka hor tagayaane.
  30. Heesaha Nabiga loo tumiyo hiihah ma oyaane.
  31. Hawaayadleyda iyo Muusaqay u hambalyeeyaane.
  32. Hadyigiyo waxyiga kuwa rabay u cadow u haystaane.
  33. Inay diintu na hogaamisay qadaf u haystaane.
  34. Saqradda iyo hididiilka iyo hoobalkoow taliya.
  35. Haadaan madoow bay yabaal ku hirgisaayaane.
  36. Waxay ka halgameen, waxay heleen, haatan waxa jooga.
  37. Halkay ugu darreyd waa markay Diinta hororeene.
  38. Habkay ula dhaqmeen shiikhii baan marag u haystaaye.
  39. Jirdilkaan shaashaddii ka hubsanaad mayada haysiine.
  40. Intaad hoos u layseen miyaan kun iyo hee gaarin?.
  41. Hilibka Shiikha waad iibiseen waana la hubaaye.
  42. Halkaa ruuxu yuu kaga bixine horey u soo daaya.
  43. Hadalku isma saarnee dagaal huriba meysiine.
  44. Awliyada la hubey dilaan ama hujuumaane.
  45. Oo ay dhiigoodii bay heemiyeen hawl wadeenaduye.
  46. Qabuurana gacmey u hoorsadaan aan waxba u hayne.
  47. Oo Suufi hebel bay muraad u hor fariistaane.
  48. Waxbana kama helaan tii Alley kan u hibeeyaane.
  49. Kuwa Naarti ku haftay Janadii haybsanahayaane.
  50. Hadyigiyo waxyigi foojarigey kaga horeeyaane.
  51. Haddaan Gabeyga nuxurkiisa iyo hadalka soo koobo.
  52. Insha Allaahu idinkaa hor mari shiikhu wuu hariye.
  53. Xabashidu dadkay naga hayaan waa halgamayaane.
  54. Hargeysaa Tikrihii caashaqdoo u hanqaltaageysa.?

W/D: Abwaan Abshir Nuur Faarax
(Abshir Bacadle)

Waxaa soo tebiyey:
AMiin Yuusuf: E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD