SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
XABSIGA - HARGEYSA
Daabaco Boggan | Print

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

»Culimada Hargeysa ku Xidhan
»
Hubso: Ma jidhdil wadaad mise fidno abuur? | Cige

BAAQA CAALAMIGA EE XUQUUQDA AADANAHA OO AFSOOMAALI AH GUJI....

XABSIGA THAILAND:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 |

PUNTLAND vs TERRY:::
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 |

SAMSAM & XABSIGII HAREYSA:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 | 85 | 86 | 87 | 88 | 89 | 90 | 91 | 92 | 93 | 94 | 95 | 96 | 97 | 98 | 99 | 100 | 101 | 102 | 103 | 104 | 105 | 106 | 107 | 108 | 109 | 110 | 111 | 112 | 113 | 114 | 115 | 116 | 117 | 118 | 119 | 120 |

JAWAABO:: HADALKII GEEDDI
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 |

IIBSIGII XAAFUUN EE 99 SANO:
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA
00 | 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17


Gabayo iyo Qoraallo ku socda Abshir Bacadle:


Gabay ku socda Abshir Bacadle

Axad: Oct 8, 2006

  1. Hargeysaay anaa kaa huredee mooryaan kuma soo haliileene.

  2. Hagardamada kuwii ku baday  hanjabaad kuuguma soo heeseene.

  3. Halboowlaha kuwii ku jaray hagoog kale kuuma soo qaateene

  4. Hangash cumaamadani hor Ilaahay kuuguma soo gabateene.

  5. Hoostiisa isagoon eegin hadba laaca kulama soo higsadeene

  6. Hadal meel waayay iyo cay kulama soo huluusheene

  7. Hanti badan haddii loogu sheegay reer Alloore hungurigooda

  8. Hadal yaraanta Rayaale haddii la arkoo lagu soo haliilayo.

  9. Heeryadaad tuurtay hadduu raggi haatan kula goobayo.

  10. Harta sheekhaan ku gayn hadduu maanta hadalku joogo

  11. Hanadaddii S-taa la ismoodsiin inay ciidda hoos mareene

  12. Heegan inaad leedahay iyo gaadh kuu holinaaya

  13. Halyeeyo dab qaadi inay kuu kaceen heedhe maad sheegtid.

  14. Haddaanan anigu kaa hurdin hadba doc lagaagama soo galeene

  15. Hohe kuma rabo ninkaad tidhi kuma daba hadaafeene

  16. Hanyaraantayduu moodi inaan ilko beelay haatane

  17. Halkii dacawo macal uga baraty ku habsaanta maalin kale e.

  18. Maantan hindisihoogu waa Hargaysaan galayaaye.

  19. Hohe yaa noo kala turjuma garan maayo kuwan hadalkooge.

  20. Hohe yaa digniin wayn u holiya dadnimo seegooda

  21. Hohe yaa ku yidhaa eebow ha lug-gu’ina oo ku aada hawshiina.

  22. Hadal-maluuq Abshiroow hadaad heeryaddii tuurtay

  23. Shalay uun hadaad hambaaburtayood halaqyaddii iska saartay

  24. Hagardaamaddii lagugu hayay haddii hibo ALLE kaa siiyay

  25. Alxamdu halkaad ka odhan lahayd hadaad kibir caasha taagtay

  26. Hargaysaan galayaa iyo hadduu xaalku noqday hurin colaadeed

  27. Hilinkii Alle inaad seegtay hagoog igama saare

  28. Hortaa intii ku lug go’aday kibirka maad hoos u eegtid

  29. Huri colaad iyo ciidan heersare ah sayidkii hoobalayn jiray

  30. Hayeeshee isba wakii kibirkiyo hagardaamadii eersadaye

  31. Halyayadii kacaanka loo wada raxlee heerna gaadhe e

  32. Na hogaami Siyaad la yidhi oo lagu wada raac hiile

  33. Hargaysadaad u holinaysaa watay horay u eedeene

  34. Soo mushaax hogay ku dhaceen hadaad wali soo higsanayso

  35. Hal fudaydku Abshiroow waa hayb lagugu yaqaane

  36. Hubsiimo li’ibaad waligaa afuuftaa uun hollace

  37. Hadaad hurgumooyinkii jiray maata dib u soo hurinayso

  38. Hal Alle kaama arko intaad dhiig islaam u soo haliilayso

  39. Hiil ALLE inaad filataa waa habeen xalayoo tagaye.

  40. Huuralayaashaad saartiyo adigu dhagar uma kala sokaysaane

  41. Himbiriirsiga aragtidaaga gaaban ee kibirku haleeyay

  42. Ku tidhi Hargaysaan galayaa oo hareertaan kaga dhufan hadeere

  43. Hadalkiisa colaad islaam kii ku hurinaaya janadii seegye

  44. Ha moogaan fidmadu dhagar islam kama hoosyasee

  45. Hiil Allana kuma filan kartid oo waa la hubaaye.

  46. Hayb dhan lama hadlayo ku  hal qarso is tidhiye

  47. Hawl wadeendaan doortay iyo kala saartay heegan koogiiye

  48. Hargaysoo dhan lama hadlayo igu hoosasi is tidhiye

  49. Haduu Rayaale khaldamo waa hawl anuun ii taale

  50. Hoostaadoo ololi baad waligaa igu soo haliishaaye

  51. Gondahaaga hoos uma eegtid waanad hagrataaye

  52. Hoygooda kuwaad ku jirtid hiil kaama helaane

  53. Haybsooc-baad ku riixdeen qabaa’il dhan ood halbowlaha jartaane

  54. Habqankoogu wakaa meel walba yaalee gaalada hoosgalaye

  55. Hal Alle hadaad ku socotid ood hilinkii raacaysid

  56. Hiil  maanay kaaga baahnayn inta badda ku heermi? 

  57. Hadalkaygiyo wax sheega hadaad ku hakan waydo

  58. Haday kaa gaayn waydooy hamuumtu ku soo qaado

  59. Ha soo hilmaamin Turki iyo Morgankii Hilblaha ahaaye

  60. Hareertadana ka soo kaxayso guutooyinkii Horee jabaye

  61. Hub waxaad haysatana soo qabadsii hilinka dheeraa

  62. Hoobaan waxaad ka heshid aan aragno haatan

  63. Hilinkii janadu inuu Hargaysa ku yaal aan aragno haatan

  64. Hilbaha islaam waxaad ka heshid aan aragno haatan

  65. Hurimii Siyaad inaad hogoodii ku dhacdid aan aragno haatan.

Abdirahman J. Adan



Gabay Ku Socda Bacadle: Hawaawigu Dhabmaahee Miyaad Heesta Naga Daysid (Cabdale faarax sigad )

Sabti Oct 7, 2006

Tixdani waxay ku socotaa ninka la yidhaa Abshir Nuur Faarax (Bacadle) oo ah dadka ku taama amaba ku riyooda in ay jabhadaha xamar Somaliland qabsadaan. Waxana layidhaa tixda magaceeda-à Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid 

  1. Waana tani tixduye akhris wanaagsan 

  2. Abshiroow hataataca iyo hadal xumaantiisa

  3. Hadaad diinta hiil u tahay uma hiloowdeene. 

  4. Hamigaagu waakaa kuyidhi hawdaka soo qabo e’

  5. Hubsanwaagu waa tii hawiye heertay waa horee

  6. Hawraarta maansada adoon hubin maxaa hadalka kaa keenay.

  7. Hinyi kaca iyo hamaahsiga waxbaa ku  horsocdood

  8. Haabo leedahaye 

  9. Hargeysiyo barbaraa lagu horkeenaaye, adigoo

  10. hurduunbaad hawd xoraysaaye. 

  11. Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid. 

  12. Afartaa hadaan hakiyo oon hoos u daadago 

  13. Hirdankiyo dagaalkaad wadaa Abshiroow Haybsi weeyaane  

  14. Haday xamar hagaag diiday ooy diintu kaHadaaftay 

  15. Oo aad hanoonini kufriga adi ku hoosjooga

  16. Hiilbaaban soo diri lahaa iyo culimi heeryaysan  

  17. Ee hiilkiyo xumaantaad wadaan hiifay waahoree

  18. Hawiyaa higaadini quraan waa hadal macaankaaye

  19. Hashayduun baad rabtaa inaad haanta goysee 

  20. Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid. 

  21. Habeenadan khayrka badan ee ibliis

  22. Haanta laga buuxshat, aduunbaa dijaal

  23. Nagu hadhoo Abshiroow soo hagoogane

  24. Hadaad diin hawaysani bishani maba Habaaqdeene  

  25. Hido uma aad lahayn ee anaa diinta kuu

  26. Huraye, halkaan kuugu joojaad wali ku haysaaye 

  27. Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid 

  28. Halgankii hawaas iyo markaan herar xoraynaayay

  29. Haylihii sayidku sheegaybaa malaha kugu hagoognaaye 

  30. Hada diinta lama soo dajine yaad  hanoonini

  31. Habeen baad gudaysaa dayuxu hoyday waa hora e’

  32. Hulac iyo rasaas baan kuhelin oon timaha kaa hoolin 

  33. Hawlyraan kismaayaad gashee way ku hodintaayi 

  34. Ee hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid. 

  35. Hadii uu majeerteen hawiye soo horkaco manta

  36. Oo ay hamiga soo gashaan hawdka bari gaadha 

  37. Hawaas ciise joogiyo tolkaybaan soo Horkacayaaye. 

  38. Hadii aad hawaawiga isaaq heer istidhi maanta

  39. Anigaa hogaanshoo soo horaynaaya. 

  40. Hubka niman hindisaan Awdal ku hayaaye

  41. Heegan bay yihiin hadaad nabada 

  42. heertaan inay xamar Hujuumaane. 

  43. Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid 

  44. Haybadaha ilaahay hibada noo siiyay sunahaa

  45. uhoreeyo anagu kama habaabayno. 

  46. Ee hadaad hooriyoow wiil hawiye Hilib dad ruugayso  

  47. Oo  aad hanoon mooday dhiiga hawdhabani

  48. Hargeysa inaad hantidi waa habeentagaye 

  49. Hawaawigu dhabmaahee miyaad heesta naga daysid  

Cabdale faarax sigad
Isha: Halganews


Abshir Bacadle: Munaafiq Shaadh Diimeed Gashaday!

Guud ahaan dadweynaha Islaamka ah iyo qof kasta oo damiir lehba waxaa farxad galiyay oo ay ku damaashaadayeen Farajkii Rabbi ee uu Allaha Naxariista badani kaga feyday shacbiga muqdisho ku nool Ciqaabtii, Fidnadii, Colaadii iyo Gumaysigii ay qabqablayaashii naxariista darnaa ay sanadaha badan ku hayeen dadweynahaasi.

Waxa amaan iyo ducuba mudnaa dhalinta iyo culimada is abaabushay ee dagaalka qadhaadh la gashay dhagarqabayaashii xoogga iyo xaaraanta ku haystay dadweynaha reer Muqdisho ee u ciilanaa inay mar uun nabad gelyo helaan kana nastaan argagaxii siyaasiyiinta faasiqa ahi ku hayeen sanadahaas murugada badan ee lasoo dhaafay.

Iyada oo hadaba ay amaan mudan yihiin culimada halgankaas soo celinta xorriyada hormuudka ka noqday, isla markaasina ay hubaal tahay in ku dhaqanka Shareecada Islaamku ay tahay mabda'a kaliya ee horumar, nabadgelyo, iyo barwaaqo adduun iyo mid aakhiraba u horseedi kara umadda Soomaalidu meel kasta oo ay ku nool yihiin, ayaa hadana waxaa soo muuqanaya askhaas tiro yar oo ka tirsan maxkamadaha balse u muuqda inay yihiin qaar munaafiqiin ah oo tashuush ku abuuraya halganka xalaasha ah Golaha Maxaakiimta.

Xubnahaas Munaafiqiinta ah oo uu Hormuud ka yahay Gabayaaga Abshir Bacadle waxaa muuqata in ninkaasi uu halis ku yahay sharafta iyo karaamada halgamayaasha shareecada Islaamka, waxaana sida ka muuqata ficilada Abshir Bacadle uu u muuqdaa Munaafiq Shaadh Diimeed gashaday oo raba inuu waji qabiil u yeelo halganka maxkamadaha isaga oo adeegsanaya ereyada iyo gabayada naxliga huwan ee kasoo burqanaya afkiisa aan daahirka ahayn.

Abshir Bacadle oo hore u tiriyay gabayo uu ugu calaacalyo kaligii taliyihii haligmay ee Siyaad Barre oo dalbanayay in dib loo soo nooleeyo derejana lagu talo, ayaa imikana waxa uu tiriyay gabay aflagaado iyo naxli huwan oo uu dadweynaha reer Somaliland ugu hanjabayo inuu qax ku ridi doono oo Dulcad iyo Harta Sheekh uu u qaxin doono.

Isaga oo Abshir sheeganaya in Muqdishona ay tahay Magaalo Islaam Hargeysana magaalo Gaalo, isaga oo hilmaamay in Hargeysa ay tahay mid dadkeedu ay nabad iyo caano ay ku nool yhiin Calan Tawxiidku ku yaalaana uu ka dul babanayay 16kii sanadood ee tagay, halka ay muqdisho ka tahay meel dadka lagu qalanayay oo dhac, kufi iyo boob uu ka socday 16kii sanadood ee lasoo dhaafay.

Iyada oo ay haboon tahay inaynu maanka ku hayno in Abshir Bacadle uu yahay Shakhsi kali ah, oo aanuu metelin Maxaakiimta Islaamka iyo xataa beesha Sharafta badan ee uu ka dhashay toona, beeshaas oo ah beel Geesiyaal ah oo la walaalo ah Beelaha Somaliland ee uu Abshir gabayaga cayda ah u tiriyay, ayaa hadana waxaa lagama maarmaan ah in Maxaakiimta Islaamku ninkaas hadalkiisa dhan isaga leexiyaan oo ay cambaareeyaan si aanuu wasakhda afkiiska ka soo burqanaysa aanuu ugu nashuushadayn halganka shariifka ah ee ay golaha maxaakiimtu kula jiraan cadawga Islaamka.

Dhinaca kale hadaan yara Jalleeco Jirdilka la sheegay in lagu sameeyay Sheekh Maxamed Ismaaciil, hadii uu jiro oo uu dhab yahay Jirdilkaasi waxaa waajib ah in Maxkamad la horkeeno askarta jirdilka samaysay iyo kuwa amarka jirdilka bixiyayba, sidoo kale waa in degdeg loo sii daayo sheekha lana hakiyo dacwada loo haysto maadaama jir dil dhacay, hadiise jirdilkaasi uu yahay mid aan jirin oo la dhoob-dhoobay waa in talaabo adag laga qaadaa askarta jeelka joogta iyo madaxada jeelka Hargeysa ee ogolaaday in filimkaas la duubo.

Xukunka Shareecada Islaamka iyo Somaliland:

Waan Jeclaan lahaa in Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil ay iigu fadhiistaan labada kursi ee ay maanta iigu fadhiyaan Daahir Rayaale iyo Axmed Yaasiin, waan jeclaan lahaa Gudoomiyaha Maxkamada Hargeysa saaxiibkay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan inuu Kitaabka Alle iyo shareecada Islaamka oo kaliya ku kala xukumayo ummada, halka uu maanta ka adeegsanayo Xeerarka baaniyaalka iyo qawaaniinta faasidka ah.

Waan Jeclaan lahaa inaan arko Sheekh Xasan Cabdisalaan Sheekh Cali, Sheekh Maxamed Cali Geedi, Cabdilaahi Askar iyo dhalinyarada nadiifta ah ee Ilaahay ka cabsanaysa oo hoggaanka talada dalka qabta.

Waan Jeclaan lahaa inaan arko Madaxda faasidka ah iyo siyaasiyiinta faasiqiinta ah oo ummada laga qabto, lana helo madax Ilaahay ka cabsanaysa oo Kitaabka Alle ummada ku xukunta.

Haseyeeshee waxaa arrintani ay u taalaa shacbiga Somaliland oo qudha oo iyagu hadii ay sidan rabaan u mari kara waddo kasta oo sharciga waafaqsan oo ay ku gaadhi karaan inay dhistaan madax daacad ah oo cadaalad iyo kitaabka alle ku xukunta.

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com

Isha: jamhuriya


Tacadiga Sh.Maxamed Cismanciil loogu gaystay Xabsiga Hargeysa oo Noqday Hadal Haynta ugu Badan ee Soomaalida Maraykanka ku Nool

Oct 7, 2006

Ilaa iyo markii ay ku soo bexeen shabakadaha internetka muuqaalada naxdinta leh ee muujinaya Sh. Maxamed Cismanciil loogu gaystay xabsiga Hargaysa ayaa waxaa hal mar is badalay fikradihii ay Soomaalida Maraykanka ku nooli  ka aaminsanaayeen maamulka Somaliland. Mashaa’ikhda diinta oo ah kuwa loogu xurmada badan yahay  Soomaalida dhexdeeda ayay dad badani rumaysan waayeen in Sh.Maxamed haraati  madadaxa lagala dhaco iyada oo waxa kali ah ee loo ciqaabayaana ay yihiin aayado ka mid ah qur’aanka kariimka oo uu u fasiray sidii uu ALLE u soo dajiyay. Inta badan meelaha ay Soomaalidu ku kulanto ee dalka maraykanka sida goobaha shaqada, xarumaha waxbarshada, goobaha ganacsiga iyo masaajida ayaa waxaa markasta dhegtaada ku dhacaya magaca Sh.Maxamed Cismaanciil oo ay dadku siyaabo kala duwan uga hadlayaan.

      Arinka ugu weyn ee lahadal hayo ayaa ah sida ay xukuumada Soomaaliland ugu bareertay in ay been abuur ku tilmaanto cajalada sida cad u muujinaysa muuqaalka sheekha oo ay lugaha silsiladi uga xiran tahay isla markaana karbaash iyo haraati lala dhacayo. Mid ka mid ah odayaasha Soomaalida ee degan maalada Rochester ee gobolka Minnesota ayaa yiri “Hadii ay cajaladaasi been abuur tahay ma jirto cajalad danbe oo la rumaysan karo, waxa sheekha lagula kacay waxay u muudaan sida qoraxda oo kale” 

     Qodobka labaad ee ay dadku is waydiinayaan ayaa ah bal waxa uu yahay danbiga sheekha loo haysto. Labada nin ee doonaya in ay sheekha hadalka ka dhaliyaan ayaa waxay ku doodayaan labo arimood oo kala ah 1) Sababta uu sheekhu wax uga sheegay dawladaha Maraykanka iyo Itoobiya oo ay ku sheegeen saaxiibada Somaliland iyo 2) In uu sheego meesha uu jiro nin la yiraahdo Maxamed Cali Geedi oo shirkadii Al-Barakaat xisaabiye u ahaan jiray. Arintaasi ayaa fajiciso ku noqotay dadkii cajalada fiirsaday iyaga oo ku dooday in iyada oo uu tobaadkasta Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo hortiisa ka dhoco banaabaxyo lagu canbaaraynayo siyaasadaha dowlada Maraykanka in wadaad jooga geeska Afrika loo ciqaabo hadal uu ka sheegay Maraykanka. Boodigoobka ay Somaliland ugu jirto shaqaalihii Al-Barakaat ayaa iyaduna noqotay mid ay ku jaahwareereen Somalida Ameerika ku nool iyada oo ay Al- Barkaat dhowaan rajaynayso in loo fasoxo hantidii ay wadamo badani ka xayireen kadib markii ay cadaatay in aanay wax xiriir ah la lahayn waxa argagixisada loogu yeero. 

     Si kastaba ha ahaatee walaaca ay Soomaalida Maraykanka ku nooli ka muujiyeen tacadiga Sh.Maxamed Cismanciil loogu gaystay xabsiga Hargeysa ayaa ah mid uu la wadaago qof kasta oo Soomaalia ah oo leh damiir islaanimo iyo mid wadaninimo waxaana ay arintani meesha ka saaraysaa beer laxawsigii ay Somaliland dunida ugu sheegi jirtay in ay tahay jamhuuriyad uu ka jiro nidaam dowladeed oo ilaaliya sharafta muwaadiniinta ee aasaasiga ah.

Jirdilka Xabsiga Hargeysa loogu Geystey Sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil...

Abdirizaq Ahmed
Rochester, Minnesota USA
Email: abdirizaq88@hotmail.com
Isha: Hobyonet

AFeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2006




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD