Taliye
Qoor Gooye.
________________________________________
______________________________
________________
“Markii hore ma
aaminsaneyn Taliye Qoor Gooye, laakiin hadda Waan aaminsanahay” Max’ed
Isaaq (I skaabulo)
Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho si
aad ah loo hadal hayey nin Magaciisa lagu sheegay Talye Qoor Gooye oo
waxyeelo u gaysanaya bulshada qaybaheeda kala duwan waxaa ilaa iyo hadda
uu dhaawac xun u geystey ilaa iyo 12 qofood waa nin Cabsi geliyey inta
badan bulshada Soomaaliyeed, waxaana habeenkii arkeysaa iyada oo dadku u
socdaan labo labo iyo saddex saddex, iyagoo iska ilaalinaya Qoor Gooye.
Waxaan maalmahan baadi goob iyo baaritaan ku hayey in qisada taliye Qoor
Gooy inay jirto iyo in kale, kaddib markii ay I soo gaarteen, (Habel
ayaa la dilay, Heblaayaa la dhawaacay, meeshaas ayuu dad ku helay),
waxaan soo xusuustay dhacdo la mid ah tan oo aan goob joog u ahaa taas
oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxayna ahayd sanadihii
Sideetameeyadii mar uu soo baxay nin isna magaciisa lagu sheegay Labo
Qorile, oo dadka u gaysanayey dil, waxaana arrintaani ay cabsi gelisay
bulshadii ku nooleyd Magaalada, iyagoo fiidkii xaroon jiray, hase
yeeshee waqtigaas oo ay Dowladi jirtay markiiba waxaa lagu kiciyey
cidamo isugu jiray Milatari, Booliis iyo Daraawiish, kuwaas oo baadi
goob u galay sidii ay ku heli lahaayeen laba Qorile, iyadoo
baaritaankaas xoogga leh lagu hayo ayaa hadda waxaas oo yeeri jirtay dad
uu dilay iyo dad uu dhaawacay, ciidankii ayaa la sii kordhiyey, hase
yeeshee markii uu ogaaday in uu baaritaankii xoogeystay ayuu damcay in
uu u baxsado dhinaca Itoobiya, hase yeeshee dad reer Guuraa ah ayaa
dusha ka arkay, habeenkii rasaas la daba joogay isagoo halkaasi ku
dhintay, labadii qori iyo maydkiisii ayaa la keenay Magaalada
Dhuusamareeb, waxaana lagu soo bandhigay meel Fagaare ah si ay bulshadu
u daawato.

Maxamed Isaaq (Iskaabulo) |
Haatan qisada ka taagan Muqdisho ee
Taliye Qoor Gooye ayaa waxaa ii suuragashay in aan ka wareysto Wiil
Dhallinyaro ah oo isagu uu dhaawac gaarsiiyey Qoor-Gooyahan magaalada ku
jira, wuxuuna igu soo booqday Xafiiska, sheekaddii iyo siday ay wax ugu
dhaceen ayuu iiga sheekeeyay wuxuuna ku bilaabay Maxamed Isaaq (Iskaabulo).
Waqti habeen ah ayay ahayd, saacadduna waxay ahayd Sagaalkii Fiidnimo,
aniga oo maraya Warshadda Caanaha una socda Gurigeyga ayaan waxaan u
leexday meel luuq ah, waxaana markaas ka soo baxay iftiinkii, luuqii
aniga oo dhex maraya ayaan waxaan gadaasheyda ka dareemay orod,
fiiridaan is lahaaba, Baangad ayuu kala soo baxay guntiga, markiiba
dhabarka ayuu iiga dhuftay, waxaan maagay soo jeeso, mar kale ayuuse
madaxa iiga dhiftay, aniga oo dhiig iga da’ayo ayaan is qabsanay, is
qabsiga aan is qabsanay ayaa waxaa ka dhacay maro aan u qaatay Jalaabiib,
hardankeenii ayaa waxaa ku soo kacay dadka xaafadda isna orod ayuu is
taabtay, meeshii ayan ku dhacay, dadkii ayaa waxay isla dhaafayeen (Alla
waxaa helay Taliye Qoor Gooye), markiiba isbitaalka ayaa la iila cararay,
isbitaalkii ayaa dad fara badani igu soo booqdeen.
Max’ed Isaaq markii ii dhameeyay sheekadii ayaan waxaan weydiiyey dhowr
su’aalood, waxaana ka mid ahaa.
S: Adigu ma aaminsaneyd Taliye Qoor-Gooye?
J: Maya, laakiin habeenkaas ayaan xaqiiqsaday in uu taliye Qoor Gooye
jiro, Illaah ayaa I bixiyey ee wuxuu damacsanaa in uu I dilo ama dhaawac
xun I gaarsiiyo.
S: Xiligii uu dhibaatada ku gaarsiinayey intee ka timid?
J: Waxaan ka imid Magaalada hoose, waxaana u socday Gurigeyga”.
S: Taliye Qoor Gooye, waxaa lagu xantaa in Haweenka keliya uu raadsado,
ma noo sheegi kartaa waxa uu kuu soo bartilmaansaday?.
J: Aniguba sidaa ayaan u maleynayey, laakiin hadda Aamiinow lama dhihi
karo Dumar keliya ayuu raadiyaa, ee waa nin ay isugu mid yihiin Ragga
iyo Dumarka?.
S: Max’ed ma jiraan cid ay dakane idinka dhexeysay?.
J: Maya ma jirto taa.
S: Ma jiraan cid ay xitaa ay ehelkiina dakane ka dhexeysay?.
J: u maleyn mayo in ay jirto iyana.
S: Waxaa dhallinyarada lagu xantaa in ragga kale oo aasooga ah wax isku
qabtaan sida Gabdha aad wada shukaansataan, marka taasi macquul soo maha
in lagu soo weeraray?.
J: Ah….Ah….Ah…Ah.. mudooyinkaanba waxba ma shukaansan, arrintaasina waa
mid aan hubo.
S: Max’ed waxaan ku weydiiyey, haddii aan aragtay ninka Qoor Gooye la
yiraah, wax tilmaan ah ma naga siin kartaa amaba dadka ma u muujin
kartaa?.
S: Haa, oo waa nin dheer oo caato ah, wax hadal ahna kama soo bixin
afkiisa intii aan hardameynay, waxaana kaloo u badin karaa in uu dhar
watay, inkastoo ay meeshu mugdi ahayd, wax intaa ka badan oo aan ka
tilmaami karo ma jirto.
S: Maxaad bulshada u soo jeedineysaa?
J: Bulshada waxaan u soo jeedinayaa in ay ka digtoonaadaan ninkaasi,
gaar ahaan Maxaakiimta waxaan u soo jeedinayaa in ay la socdaan
dhaqdhaqaaqa ninkaasi oo ay u hawlgalaan sidii ay ku qaban lahaayeen,
waxaan aaminsanahay in uu carqalad ku hayey nabadda ka dhacday Muqdisho.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com