SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliil iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaarada Waxbarashada DGPL...
Ku: Golaha Xukuumada DGPL
Ku: Saxaafada Madaxa Banaan Ee Somalia
Ogaysin: Shacab Waynaha Puntland..
Akhri

ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Warar: Oct 28, 2006

  • Boqolaal dhallinyaro ah oo isku diiwaangeliyey..
  • Ergo loo diray Aadan Saransoor oo soo laabtay iyagoo…
  • Wiil ka mid ah dhallinyarada iibisa joornaalada oo lagu dilay..
  • Sheekh Shariif “Wixii saacaddaan ka Bilowda Ciidamada Maxaakiimta wey u fasaxan yihiin…”
  • Dowladdda Federaalka oo magacowday xubnihii uga qaygali lahaa shirka…

Boqolaal dhallinyaro ah oo isku diiwaangeliyey..

Mar aynu xiriir la sameynay Gobalada Mudug, Galguduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Banaadir, Sh/hoose, J/hoose iyo J/dhexe iyo waliba qaybo ka tirsan Goablka Bay ayaa waxaa na loo sheegay in dhamaan goabladaasi ay shalay iska diiwaangeliyeen dhallinyaro lagu qiyaasay kumaan (tiradaas oo la gaarsiiyey laba boqol oo kun) kuwaas oo sheegay in si mutadawactinimo ah uga qayb-qaadan doonaan sidii loola jihaadi lahaa Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dalka Soomaaliya.

Gobalka Banaadir ayaa waxaa iska diiwaangeliyey ilaa iyo Boqol Kun oo dhallinyaro, kuwaas oo ay ka muuqatay xamaasad ku aadan sidii ay uga hortagi lahaayeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Dalka Soomaaliya. Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay ku dhawaaqay ama uu ku celiyay in lala jihaado Ciidamada Itoobiya ee ku sugna gobalo ka tirsan Dalka Soomaaliya.

Ergo loo diray Aadan Saransoor oo soo laabtay iyagoo…

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in Ergo loo diray Aadan Max’ed Nuur (Aadan Saransoor) si ay dib ugu soo celiyaan Magaalada Baydhabo ay ku soo guuldareysteen, kaddib markii Aadan Saransoor uu sheeegay in uusan wadaxaajood ka galeen deegaankiisa waxa uuna sheegay in inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cali Madoobe uusan marnaba Magaalada Baydhabo dib ugu soo laaban doonin wuxuuna Aadan Sararnsoor ku hanjabay in uu xoog uga saari doono Magaalada Baydhabo Cali Madoobe asagoo sheegay in Cali Madoobe uu Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ka geystay fal xasuuq ah asagoo sheegay in uu lahaa amrkii lagu xasuuqay Dhalinyaradaasi, Aadan Saransoor oo haatan ku sugan Tuulo ku dhow Degamada Xudur ayaa waxa la sheegay in halkaasi ku heysto xoogaa Maleeshiyo ah iyo 3-gaari oo Tikniko ah ayaa waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ku soo biiray kooxo kale oo maleeshiyo ah oo ayagana wata dhowr Tikniko ah, bixitaanka Aadan Saransoor ayaa waxa ay dhabar jab ku noqotay Dowladda Federaalka ah oo iyadu ku mashquulsaneyd sidii ay isaga difaaci lahayd Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu ku sii siqaya Magaalada Baydhabo, waxayna tani u muuqataa aak cusub oo ku furmay Dowladda Federaalka, sidoo kale Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa iyagu ku qanacsaneyn qaabka ay dowladdu u maareysay wixii ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee Bayahdabo, iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood ballanqaadyo ay horey u sameeyeen aysan waxba ka soo bixin, sidoo kale Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo maleeshiyooyin kale ayaa laga cabsi qabaa in ay ku biiraan kuwa Aadan Saransoo`

Wiil ka mid ah dhallinyarada iibisa joornaalada oo lagu dilay..

Waxaa habeenkii jimcuhu soo galayey Isbitaalka Dikfeer ee Magaalada Muqdisho lagu dilay wiil ka mid ah Dhallinyarada iibisa Joornaalada oo lagu magacaabi jiray Aadan Cali Kamiin.

Wiilkaan oo caan ka ahaa Baar-Ubax, Balaaksii, Shiirkole iyo Al-Baraka ayaa waxaa dilkiisa gaystay nin magiciisa lagu sheegay Bashiir Madaxeey, waxa uuna dilkiisa u adeegsaday Toorey oo uu ku dhuftay 15 jeer.

Ninka dilka gaystay ayaa isagoo weli ku sugan Isbitaalka Dikfeer ayaa waxaa Taleefan loogu wacay Maxaakiimta iyagoo halkaasi si deg deg ah ku soo gaaray kuna qabtay gacan ku dhiiglihii oo geeyay saldhiga Degmada Hodan, waxaana halkaan Tacsi uga diraya dhamaan mas’

Sheekh Shariif “Wixii saacaddaan ka Bilowda Ciidamada Maxaakiimta wey u fasaxan yihiin…”
(Abshir Bacadle:Allow Qaan horey Qabeene ,Qabashiyo Qatiilyo Shaarid)

Waxaa maalintii shalay ahayd dhamaan goobaha ay ka taliyaan Maxaakiimta Islaamiga ah ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana banaan-baxaani ku lamaansanaa diiwaangelinta dhallinyarada dooneysa inay la jihaadaan Ciidamada Itoobiya.

Banaanbixii ugu balaarnaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaan aka qaybgalay boqolaal kun oo dadweyne oo isugu jira qaybaha kala duwan ee Dadweynaha, waxaana hadalo gaaban u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta oo sheegay in ciidamada Maxaakiimta wixii xiligaan ka dambeeya ay la jihaadaan Ciidamada Itoobiya ee ku so xadgudbay wadanka Soomaaliya.

Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ah Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo isna sheegay in dadweynaha Gobalada Bay iyo Bakool ay diyaar u yihiin in ay la jihaadaan ciidamada Itoobiya.

Waxaa kalloo ka hadlay Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde) oo isna sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in Dowladda Itoobiya wixii ay doonto ka sameyso Gudaha dalka Soomaaliya. Golaha Maxaakiimta waxay sheegeen in maanta Magaalada Khartuum ay u diri doonaan wafdi balaaran oo ka qaybgalaya Shirka Khartuum.

Dowladdda Federaalka oo magacowday xubnihii uga qaygali lahaa shirka…

Dowladda Federaalka ayaa magacowday toban xubnood oo u matalaya ka qaybgalka shirka Khartuum ee 30-ka bishan ka furmaya Magaalada Khartuum, waxaana hogaamin doona Shariif Xasan oo aan la ogeyn in uu ogolaan doono, waxaana la sheegay in haddii uu doodo Shariif Xasan in wafdigaasi hogaamin doono ku xigeenka Ra’isul Wasaaraha ahna Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Max’ed Caydiid ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale Dowlada ay magacowday toban xubnood oo matalaya Haweenka Soomaaliyeed, waxaana hogaamin doona Aamino Mursal oo ah Wasiirka Arrimaaha Qosyka waxa uuna u soo jeediyey Maxaakiimta in xubnahooda ay ku soo daraan haween door ku yeesha ka qaybgalka shirka Khartuum.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2006


Bosaso: Kulan ay soo qaban qaabiyeen NGO Hadma oo ka mid ah shabakada WAWA ee Puntland  ayaa waxaa isugu yimid 19 ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Puntland...

Kulan balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen 19 ka mid ah gudoomiyayaasha golayaasha deegaanada puntland ayaa waxa uu si rasmi ah uga furmay magaalada xeebta ah ee xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

kulankan oo ay soo qaban qaabisay NGO-ga Hadma oo ka mid ah shabakada u heelanayaasha danaha haweenka Puntland   ayaa si rasmi ah maanta daaha looga furay waxaana u jeedada kulankan lagu macneeyay is araga iyo isbarashada gudoomiyayaasha deegaanada Puntland.

Mahado Sheikh Axmed oo  gudoomiye ka ah NGO-ga Hodman oo isagu shirkan soo qaban qaabiyay ayaa ugu horreyntii halkaasi ka hadashay waxana ay ka warbixisey ujeedada kulankan iyo waxa ay uga gol-leeyihiin.

Waxana ay sheegtay inay iyagu NGO ahaan garteen wax ay garan waayeen raggan hada meesha ku kulansan waayo baytiri u jeedadayadu maahan in aan lacag ku helno ama aan ku kasbano ee waa in aan ku baraarujino raganshaqada ay u hayaan mushtamaca oo ay sii laban laabaan ayna ogaadaan in mushtamucu diyaar u yahay in ay wax la qabtaan oo aan kaligood shaqada loogu eeganayn.

Duqa degmada Boosaaso Khaddar Cabdi Xaaji Mire ayaa waxa uu sheegey inay farxad weyn u tahay isaga khaddar ahaan maadaama buuyiri ay halkaan ku sugan yihiin in badan oo saaxiibaday ah oo qaargood ay maanta kow tahay inaan hor fariisto ama aan is aragno anaga oo ah wada mas'uuliyiin. 

Waxaa Guddoomiye walba lasiiyey 5 daqiiqo oo uu kaga warbixiyo degmadii uu kasoo boqoolay ama uu duqa ka ahaa.

Godoomiyaha degmada Burtinle Md.Xuseen Guuleed Xanaf oo ka mid ahaa ragii hadalka qaatay ayaa ku halqabsaday halku dhigii tallaalka teetanada ee 2006-da kaasoo ay hay'adaha caalamiga ugu magacdareen (Closing the Grave), ama soo xiritaanka qabriga, waxana uu yiri gudoomiyuhu anagga reer Buurtinle ahaan wali qabriga yagu wa mid furan isaga oo ula jeedey inay magaalada ka jirto xaalad caafimaad xumo oo aad u adag.

Maayarada ka soo qaybgalay kulankan ayaa ka kala yimid 19 degmo oo kuyaalla gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug waxana lagu wadaa inay shirar kala duwan ku yeeshaan magaalada Boosaaso oo ay haatan kusugan yihiin.

Sikastaba waa markii ugu horaysay ee ay halmeel kuwada kulmaan godoomiyayaal sidan u badan kana kala socda dhaw degmo oo kawada tirsan DGPL kuwaasoo dhawaan loo doortay gudoomiye nimada  degmooyinka  oo ku dhacday si dimuquraadi ah oo aan madaxwayne soo dooransidii awal dhici jirtay  waxaana laga wada sugayaa dhamaan isbedel  muuqda kana duwan waxqabadkii ay samyn jireen gudoomiye shaqsi so doorto oo shaqsiga soo doortay kalia qadarin jiray shacabkana aan waxba u qaban jirin.

Sidii hore xaalku waa ka badalanyaha oo gudoomiyahan waxaa soo doortay waa shacabka waxaana laga sugayaa sidii uu shacabka isaga dhisilahaa si uu u noqdo xubin firfircoon jagada uu hada hayana  uga sii talaabi lahaa waa hadba sida uu u dadaalee. 

A/rizak koronto
Garowe Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 27, 2006


Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad
Nairobi: Habeenimadii xalay ahayd ayaa culumada Soomaaliyeed ee xaafada islii ay joojiyen bandhig-faneed Guji...

Sababihii ay Ciidamada DFKMG uga Baxeen Magaalada Buurhakaba...
»
Roobab isdaba jooga oo si wayn uga curtay Garowe..
»Maxaakiimtaoo looga digay inay weeraraan Baydhabo…
»Meles Zenawi “Saraakiisha ay qabteen Maxaakiimtu waa..
»Dagaallo cadowga lagu jabiyay iyo dad la laayay...
»JWXO oo bayaan ka soo saartay hadalkii Zenawi...
Wararka oo dhan ka akhri halkan...

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Suuriya Sidee u Ciideen....



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD