SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...
markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...


Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Wararkii: Oct 30, 2006
  • Sheikh Shariif Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib markii uu booqasho ku tegey Buurhakaba
  • GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHUURADA.....
  • JAAMACADDA CARABTA OO SHEEGTAY IN....

GUDDOOMIYAHA GUDIGA FULINTA MAXKAMADAHA

Gudoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay weheliyaan xubno ka tirsan labada gole ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii muddo 24 saacadood ah uu la joogay ciidamada jiidda hore ee dagaalka ee deegaanka Buur-hakaba iyo inta u dhexeysa Baydhaba.

Guddoomiyaha ayaa kulamo kula yeeshay magaalada Buurhakaba iyo nawaaxigeeda dadka deegaanka oo uu kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka lagu qaadayo ciidamada Itoobiya ee jooga magaalada Baydhabo.

Safarka Sheekh Shariif uu ku tagay magaalada Buur-hakaba ayaa ahaa socdaal aan horey loo sii qorsheyn, iyadoo ujeedkiisa uu ahaa qaabkii uu ugu dhiirigalin lahaa dadka magaalada Buur-hakaba sidii naf iyo maalba ay ugu biirin lahaayeen xoogagga Maxkamadaha ee ku sugan magaalada Buur-hakaba.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu soo booqday jiida hore ee ciidamada Maxkamadaha, isagoo halkaasi kulamo kula soo qaatay saraakiisha hogaamineysa ciidamada Maxkamadaha islaamka iyo kuwa mutadawiciinta ah ee u diyaar garoobaya ka qeyb qaadashada jihaadka muqaddaska ah.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ayaa meel fagaare ah kala hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Buurhakaba si uu uga dhaadhiciyo taageero ay siiyaan Maxkamadaha islaamka.

Sheekh Shariif ayaa saraakiisha hoggaamineysa xoogagga midowga maxkamadaha ee jiidda hore waxa uu kula dar-daarmay in haddii ay soo qabtaan maxaabiis nool-nool oo Itoobiyaan ah ay si deg-deg ah u soo gaarsiiyaan gacanta madaxda sar-sare ee maxkamadaha, wuxuuna kula dar-daarmay in kuwa nolosha lagu qabto ee Itoobiyaanka ah loola dhaqmo sida maxaabiis dagaal.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHUURADA

Gudoomiyaha Golaha Shuurada Maxaakimta Islaamka Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa maanta gaarauy Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Sheekh Xasan Daahir safarka uu ku tagay Qaahira ayay ka soo baxayaan warar kala duwan, warar ku dhow dhow Sheekh Xasan ayay ayaa sheegaya in magaalada Qaahira uu u aaday arrimo gaar ah oo la xiriira dhinaca caafimaadka.

Guddoomiyaha golaha shuurada Maxkamadaha oo bishan horaanteedii Isbitaal ku yaal Dalka Sacuudi ku jiray ayaa todobaadyo kadib waxa uu ku soo laabtay Magaalada Muqdisho,isagoo qudbad dheer uu ka jeediyay Salaadii Ciida ayaa waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la jihaadaan Ciidamada Itoobiya ee soo galay Gudaha Somaliya.


JAAMACADDA CARABTA OO SHEEGTAY IN....

Jaamacada carabta ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday in wareegi saddexad ee wada hadalada Somalida uu si rasmi ah u bilaaban wadoono waqtigii horay loo shaaciyay oo ah maanta oo ku beegan 30ka bisha October 2006.

Warbaxintan ay sahalay Jaamacadda carabtu ka soo saartay magaalada Qahira ee xarunta Jaamacadda carabta ayaa waxaa lagu sheegay in wax is bedel ah uu san ku iman waqtigii hore loogu balamay in wareega saddexad ee wada xaajooka Somaliga lagu qabto magaalada Khartoum ee 30 bishan aynu ku jirno.

Warbaxintan ayaa waxay ka dambeysay saacado kadib markii ra'isal wasaaraha Dowladda Federalka Somaliya Cali Max'ed Geedi uu sheegay in dowladda Federalka ay ka qayb qaadan doono wareega saddexaad ee wada hadalada Somalida, isagoo sheegay in dawladu ay Magaalada Khartoum uu diri doonto wafdi heer sare ah.

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
MuqdsishoSomalia
002521576666/002521653623


Wararkii: Oct 29, 2006

  • Sheikh Shariif Axmed oo Xalay Gaarey Buurhakaba...
  • C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo walwal weyn ka muujiyey markii ay soo gaartay in ciidamada Itoobiya...
  • Wafdi ka socda Q/Midoobey oo xaqiiqo raadis ah oo ku soo fool leh...
  • Dowladda Suudaan oo rajo wanaagsan ka muujisay wajiga 3-aad ee shirka...
  • Geeddi “Inkastoo la jabiyey heshiiskii hore haddana waxaan diyaar u nahay...
  • Maleeshiyooyinkii Barre Hiirale ee ku sugnaa Beer-Xaano oo isku soo dhiibay...
  •  NIN SI WEYN UGU EG MADAXWEYNE BUSH OO TAXI KU WADA NEW YORK!!!...
  • Michael Schumacher oo sagootiyey Tartanka formula (1)...

Sheikh Shariif Axmed oo Xalay Gaarey Buurhakaba

Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Axmed , Sh. Yuusuf Indhacadde, Aadan Xaashi Ceyrow, Sh. Muqtaar Roobow Abuu Mansuur Iyo Saraakiil Kale Oo Golaha Maxaakimta Katirsan Oo kusugan Jiida Hore Ee Difaaca Maxkamadaha ee Degmada Buurhakaba....

Wararka Naga Soo Gaaraya Dhinaca Buur Hakaba Ayaa Waxay Sheegayaan In Guddoomiyaha Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Xalay  Gaaray Degmada Buurhakaba  Halkaasi Oo Ay Gacanta Ku Hayaan Ciidamo Katirsan Golaha Maxaakimta Oo Dhowaan Halkaasi Gaaray.  

Sheekh Shariif Ayaa Galabnimadii Shaly Ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho Waxaana Safakiisa Ku Wehliya Sheekh Nuur Macallin C/Raxmaan Oo Kamid Ah Culumaa'udiinka Soomaaliyeed. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa Xalay  Markii Uu Gaaray Degmada Buurhakaba Durba Bilaabay Hawlo Kormeer Oo Uu Ku Sameynayo Raca Hore Ee Ciidamada Ku Wajahan Magaalada Baydhabo Iyadoo Sidoo Kale Lafilayo In Sheekh Nuur Macallin C/Raxmaan Uu Muxaadaro Ka Hadleysa Fadliga Jihaadka uu ka jeediyo Degmada Buurhakaba.  

Sheekh Shariif Waxa Uu Sidoo Kale Kulamo Layeeshay Isla Xalay Mas'uuliyiinta Ugu Sareysa Dhinaca Ammaanka Ee Kusugan Buurhabaka Oo Ay Kamid Yihiin Sheekh Yuusuf Indhacadde, Aadan Xaashi Ceyrow. Sh: Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur Iyo Saraakiil Kale Oo Golaha Maxaakimta Katirsan.  

Guddoomiye Sheekh Shariif Oo Aan La Ogeyn Safarkiisa Muddada Ay Qaadan Doonto Ayaa Lafilayaa Inta Uu Hawlihiisa Shaqo Ku Guda Jiro Uu Booqashooyin Ku tegidoono Dhammaan Goobaha Ay Ciidamada Fadhiyaan Si Ciidamada Loo Tuso In Ay Yihiin Kuwa Laga Warhayo Oo Mas'uuliyiintoodii Ugu Sareysay Xittaa Ay Ugu Imaanayaan Goobaha Ugu Dhaadheer Oo Ay Kusugan Yihiin. 

Arintaan ayaa ku soo beegantay xili la isu diyaarinayo ka qeybgalka wejiga sadaxaad ee lagu balansan yahay in laga qeyb galo shirka kharduum lagu balansanyahay iyo dagaal laga cabsi qabo in Baydhabo uu ku dhaxmaro ciidamo in mudo ah isu hor fadhiyey, maxkamaduhu waxey sheegeen in dowlada fadaraalka KMG ah uusan dagaal kala dhaxeyn laakiin ay la dagaalami doonaan dowlada Ethiopia oo iyadu ciidamo soo dhoobtey halkaasi

 Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623


C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi oo walwal weyn ka muujiyey markii ay soo gaartay in ciidamada Itoobiya...

   Warar rasmi ah oo aan ka helnay madaxtoonyada Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynex C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’isul Wasaare Geeddi ay walwal weyn ka muujiyeen markii ay soo baxeen in Dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda kala laabaneyso goobaha ay haatan kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, kaddib markii Dowladda Itoobiya lagu cadaadiyey in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Cadaadiska ugu xoogani waxa uu Dowladda Itoobiya kaga yimid kooxaha mucaaradka ah ee ku sugan gudaha Dalkaasi Itoobiya, oo sheegay in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ugu sugan yihiin gardaro, iyagoo sheegay in difaacidda Dowladda Federaalka ay u taalo wadamada IGAD oo iyagu horey u soo dhisay dowladdasi, waxay kaloo sheegeen kooxahaasi in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya tagi karaan oo keliya, markii ay isku raacaan wadamada IGAD, isla markaana Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

C/llahi  Yuusuf iyo Geeddi oo iyagu si aad ah isugu haleynayey Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa lagu wadaa in haddii ay ciidamadaasi ka baxaan Magaalada Bayahdbo ay si fudud u gali karaan Ciidamada Maxaakiimta. C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi ayaa waxaa la sheegay inay warqad qoraal ah u direen Dowladda Itoobiya oo ay kaga codsanayaan in ay Ciidamada Itoobiya ku sii sugnaadaan gudaha dalka Soomaaliya inta ay xalaaddu iska bedeleyso. Ciidamada Itoobiya oo iyagu haatan ku sugan safka hore oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Maxaakiimta ayaa horey waxaa safka hore looga qaaday Ciidamada Dowladda, kaddib markii la sheegay in looga shakiyey in uu xiriir dhex maro iyaga iyo Maxaakiimta.

Wafdi ka socda Q/Midoobey oo xaqiiqo raadis ah oo ku soo fool leh...

      Q/Midoobey ayaa walaac ka muujiysay xaaladda Soomaaliya kaddib markii ay sheegtay inay dareysan tahay in laga yaabo in uu dagaal dhex maro Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ah oo gacan ka heleysa Dowladda Itoobiya, waxayna labada dhinac ka codsatay inay xaaladda dejiyaan.

      Waxaa la filayaa in wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo xaqiiqo raadis ay soo eegaan wararka sheegaya in ay ciidamado shisheeye ku sugan yihiin gudaha  Dalka Soomaaliya, waxaa la sheegay in ay ku horeyn doonaan Magaalada Baydhabo soona eegi doonaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, waxaa xigi doona inay yimaadaan Muqdisho si ay kulamo ula yeeshaan Maxaakiimta Islaamiga ah si ay iyana u eegaan wararka sheegaya inay Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo Ereteriyaan ah.

      Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa horey waxay u beeniyeen inay dhinacooda ku sugan yihiin ciidamo ka socda Wadanka Ereteriya, sidoo kale waxay beeniyeen in ay hub ka heleen dowladda ereteriya, hase yeeshee Dowladda Itoobiya waxay qiratay inay Soomaaliya ka joogaan ciidamo kuweeda ah, oo ay sheegtay in ay u joogaan dhinaca tababarida maleeshiyada

Dowladda Suudaan oo rajo wanaagsan ka muujisay wajiga 3-aad ee shirka...

      Dowladda Suudaan oo martigelisay labadii wareeg ee hore heshiiskii dhex maray Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, ayaa waxay rajo wanaagsan ka muujisay dhan-galka wajiga saddexaad ee dib-u-heshiisiinta u dhexeysa Dowladda Federaalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah.

      Qodobada ugu muhiimsan ee hor yaala labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah loo qaybsan lahaa awooda dalka, sidii aysan dalka Soomaaliya u imaan laheyn ciidamo Shisheeye ha noqdeen kuwa safka hore iyo kuwa safka dambe, iyo dib u eegida wixii ka dhaqangalay wajigii labaad ee heshiiskii horey loo gaaray.

      Dowladda Federaalka ayaa waxay Golaha Maxaakiimta ku eedeysay inay jabiyeen heshiiskii dhex maray, iyagoo ku eedeeyay inay dhulal hor leh duulaan ku qaadeen, balse Maxaakiimta Islaamiga  ah ayaa iyana sheegay inay dhinacooda jabiyeen heshiiska kaddib markii ay dalka soo geliyeen ciidamo ka tirsan Dowladda Itoobiya, hase yeeshee Dowladda Suudaan ayaa la filayaa in wajiga saddexaad uu noqdo mid baajiya dagaal dhex mara Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta. 

Geeddi “Inkastoo la jabiyey heshiiskii hore haddana waxaan diyaar u nahay...

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu caddeeyay inay Dowladda Federaalka ay si buuxda uga qaybgali doonto kulanka ka furmaya magaalada Khartuum ee ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo golaha Maxaakiimta, waxa uu sheegay in wafdiga Dowladda uu hogaamin doono Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan, hase yeeshee lama oga in Shariif Xasan uu aqbali doono in uu hogaamiyo wafdiga Dowladda, kaddib markii uu dhawaan iska casilay guddigii dowladdu u xilsaartay wadaxaajoodka Dowladda Federaalka kaddib markii uu Dowladda ku eedeeyey inay caqabad ku tahay geedi socodaka dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed,

   “inkastoo ay Maxaakiimtu jabiyeen heshiiska, haddana diyaar ayaan u nahay in aan ka qaybgalno kulankaas” ayuu yiri Geeddi oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay daabagelinta miraha ka soo baxa kulanka magaalada khartuum ee dalka Suudaan.

Maleeshiyooyinkii Barre Hiirale ee ku sugnaa Beer-Xaano oo isku soo dhiibay... 


GAROOWE::: Waxaan ugu baaqaynaa in uu madaxwaynuhu soo saaro miiska dhamaan dhaqaalihii uu ka soohelay wadamadii uu tagay iyo shirkadihii wixii uu kula soo heshiiyay oo uusan dhulka iska fagan isaga oo aan soo bandhigin ansixinta heshiisyadaasi, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in heshiisyadii hore dib u sixid lagu sameeyo maadaama ay maanta wax walba is badaleen, waxaan kaloo ugu baaqaynaa in kharashkii ay qoondaysay Range Resource miiska la soo saaro gacanta uu ku dhacay....
.....
Waxaan talo ku soo jeedinaynaa in dhammaan madaxda Puntland dhaqaalahooda la xisaabiyo si loo ogaado xubin kasta dhaqaalaha ay leedahay si loo yareeyo Musuq-maasuqa jira ee xooga badan... Daahir Ciiro... Akhri...


Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maleeshiyadii daacadda u ahaa Barre Hiiraale kuna sugnaa deegaanka Beer-Xaano ee magaalada Kismaayo ay shalay isku dhiibeen ciidamada Maxaakiimta ee ku sugan Kismaayo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan oo ku faraxsanaa baaqashada dagaal dhex mara Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Maleeshiyadaasi.

   Ugaas Max’ed Wali oo ka mid ahaa raggii horseedka u ahaa dhameynta xiisaddaasi oo u waramayey saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in arrintaani dhameynteeda uu sabab u lahaa taliyihiin ciidamada ee deegaankasi ee magaciisu yahay  Mudan Galery.

   NIN SI WEYN UGU EG MADAXWEYNE BUSH OO TAXI KU WADA NEW YORK!!!.... 

In badan ayaa la yaaban sida Ninkani Taxi wadaha ah uu ugu eg yahay Madaxweynaha dalka Mareykanka George Bush, iyadoo dadka Taxi-giisa soo raacana ay fiiro labaad oo qoto dheer u celiyaan marka ay hal mar indhahooda uu ku soo dhaco. Darawalkan 76-jirka ah ayaa lagu magacaabaa Samuel Vazquez, wuxuuna si weyn oo aan shaki ku jirin uu muuqaalkiisu ugu eg yahay Madaxweynaha dalka Mareykanka George Walker Bush, waxa uu ku nool yahay halka lagu magacaabo Bronx.

Halkan ka daawo warbixin laga diiyaariyey...

      Samuel waxa uu muddo 40-sano ah Darawal Taxi ka ahaa Magaallada New York, waxaana mar uu wareysi la yeeshay Channel-ka "CBS" "Haa waa dhab in aan si weyn isugu eg nahay Madaxweyne Bush, waayo taasi aniga iyo dadka oo dhan way noo wada muuqataa", waxaana Samuel uu intaa ku daray  "Waxaan kale oo ka war qabaa in Booliska Magaalladani xitaa ay og yihiin in aan si weyn ugu ekahay Bush".

         Waxaa kale oo darawalkani uu xusay in mararka qaar uu la kulmo aflagaaddo, ammaan iyo hadallo qallafsan oo kaga timaadda shacabka, "Dadka qaar waxay iga codsadaan in ay sawirro ila galaan, halka kuwo kalena ay ii aflagaaddeeyaan sababo la xiriira qaabka uu Madaxweynaha aan isku eg nahay u wado siyaasaddiisa", Dadka qaar ayaa igu wareeriyay iyagoo I leh "Madaxweyne si qaldan ayaad u waddaa SIyaasadda dalka Ciraaq!!!!".

Michael Schumacher oo sagootiyey Tartanka formula (1)...

Kaddib tartankii weynaa ee Gawaarida Formula (I) ee dorraad lagu soo geba-gebeeyey dalka Brazil ayuu Darawalka weyn ee Shirkadda Ferrari Michael Schumacher ee u dhashay waddanka Jarmalka uu ku dhawaaqay in uu muddo dheer kaddib ka fariistay oo uu iska casilay tartankan.

      Dhab ahaantii Michael Schumacher waa Horyaalka tartankan Gawaarida Formula One, waayo waxa uu tartankan u dhigay Records cidi gaari la'dahay, isagoo ku guuleystay Horyaalnimada 7-jeer, sidoo kalena Schumacher waxa uu ka qayb galay 250-Tartan, isagoo ku guuleystay 93 ka mid ah, waxaana Abaalmarintiisii ugu horreysay ee uu ku guuleysto ay ahayd tartankii lagu qabtay Belgium 1992-kii. Schumacher waxa uu si weyn u soo caan baxay 1994-kii markii uu geeriyooday Darawalkii weynaa ee Reer Brazil Erton Senna oo ku geeriyooday Shil baabuur tartan ka dhacay Talyaaniga, halkaas oo uu kaalinta ugu horreysa ku guuleystay Schumcher, kaddibna Schumacher oo u cudur-daaranaya taageerayaasha Reer Brazil uu booqday Qabrigii Senna ee magaallada Sao Paolo ee dalka Brazil, waayo taageerayaashu waxay ku tilmaameen in uu yahay "Xaasid" ku kor dabaal degay Meydkii Senna.

      Schumacher qudhiisu uma malaynayn in isagoo 22-jir ah uu noqonayo Horyaalka tartanka gawaarida Formula One, isla markaana sanadaha xiga uu noqon doono Darawalka ugu sarreeya taariikhda tartanka Formula One. Michael Schumacher oo 37-jir ah ayaa sidoo kale ah ciyaaryahan weyn oo mararka qaar ciyaara K/Cagta ayaa waxa uu Tartankan Formula One bilaabay 1991-kii, waxaana naadigiisii ugu horreeyay ee uu u safta yuu ahaa Jordan Ford, inkastoo sanad kaddib uu ka tegay, kuna biiray shirkadda Benton ee Talyaaniga, halkaas oo uu si weyn ugu soo caan baxay, isla markaana la soo saftay raggii khibradda u lahaa tartankan sida Senna oo waqtigaasi heystay 3-Horyaal.

         Michael Schumacher, waxa uu tartankaan intii uu ku jiray ka helay malaayiin Doolar, waxaana haatan lagu tilmaamaa dadka ugu lacagta badan dunida marka la eego dhinaca Isboortiga, intii uu ku jiray tartankaana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo, dhowr jeerna waxa uu galay Isbitaal, isaga oo ka haray tartankaasi oo ah mid uu aad u xiiseeyo. 

   W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
   E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2006


Dowladdda Federaalka oo magacowday xubnihii uga qaygali lahaa shirka
»Boqolaal dhallinyaro ah oo isku diiwaangeliyey..
»Ergo loo diray Aadan Saransoor oo soo laabtay iyagoo…
»Wiil ka mid ah dhallinyarada iibisa joornaalada oo lagu dilay..
»Sheekh Shariif “Wixii saacaddaan ka Bilowda Ciidamada...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...

Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD