Baaq Ku Aadan Soomaalida oo dhan: Ka
Qeybqaadashada Dagaalka Maalmahan ka Aloosan Muqdisho iyo Difaacida
Dalkooda iyo Dadkooda Guud Ahaan.
Abdallah
Moallim Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Waxaan annaga oo ka hal qaadayno Danta guud ee ummadda Soomaaliyeed,
halkan baaq guud uga soo jeedinaynaa Soomaaliweyn, baaqaas oo ah In ay
Sooomaaliweyn dib u dhigato xal u helida Khilaafaadka Siyaasadeed ee u
dhexeeyo, muddana Soo jiitamayay welina u dhexeeyo ,kaasoo halakeeyay
ummadda Soomaliyeed meel walbo oo ay joogto, kaasoo sabab u ahaa
abuuritaanka in ay ciidamada Xabashida hawoodaan ku soo duulida dalkeena
iyo imaantinka Caasumada Soomaaliyeed ,halbowlihi waddankeena Muqdisho .
Soomalida meel walbo oo ay joogto, waxaan ugu baaqayna ka qeybqaadashada
dagaalkan lagula jiro Tigreeda kaashanayso shaqsiyaad Soomaaliyeed oo
hamigooda koowaad yahay gaarista hadaf ku salaysan riya run la mooday
iyo Xabashi in ay wado dantooda iyo danta ummaddeena.
Somaaliyeey, Xabashi uma Imaan jeceyl ay u qabto Col Cabdulaahi Yusuf
iyo dowladiisa iyo toona nac ay u qabto kooxaha Ay DFKM ku tilmaanto in
ay yihiin Dowlad diid . balsa run ahaanti Xabashi waxay dalkeena u soo
weerartay, in uu gacantooda si buuxdo ugu dhaco ka arriminta maamul ay
yeelato Ummadda Soomaliyeed mustaqbalka dhow iyo mid fogba..
Somaaliyeey waa inaan isu sheegno, dagaalka ay Xabashi ka bilowday
Muqdisho ,ayna ku gumaadayso si ula kac ah dadweynaha Soomaaliyeed ee ku
nool magaalada Muqdisho in uu yahay mid salka ku haayo in Soomaliya la
geliyo Isticmaar ay horkacayaan Masiixiiyiin ay ku fogaatay xagjirnimo
iyo neceyb ay u qabaan koritaanka iyo kobaca diinta Islaamka, kuwaasoo
ah Tigreeda horkacayso Itoobiya iyo madaxda Cusub ee Dalka Maraykanka
Somaaliyeey maanta waa Taariikh qalinka lagu qorayo uu yahay mid kala
saarayo in aan nahay ummad ka dhiidhinayso ,kana dagaalayso aqbalaada in
uu dalkooda galo istimaar madow oo ay dadkiisa yihiin kuwa ugu qaajaysan
aduunweynaha maamul xumo awgeed iyo in aan nahay kuwa hoos u jeesanayo,
iskuna mashquulinayo hebel waa xun yahay iyo hebel baa ka daran,
dagaalna garabkiisa ka geli maayo, oo ay dhamaadkeeda noqonayso in
dhamaantiinba aad gashaan gacanta tigree injireey ah ,qolafti ay
hooyadood ku dhashana ay weli ku taal iyo sidiisaba dullinimada uu
leeyahay isticmaar
Somaliyeey Dibiga gaduudan iyo kan cad haddii la dilo, kan madowna waxaa
sugayo waa masiirka halki ay mareen dibiyadi hore.
Soomaliyeey wadnaha gufaysta ,xabashida iyo wixi la socdana dhinac ha
laga noqdo si Ilaahey guusha ka dhalato uu nooga yeelo mid aan isku
cafino iyo mid abuurto in aan yeelano dowllad noo wada adeegto oo aan
heshiis ku nahay.
Soomaliyeey ogaado in ay maanta tahay kala reebtada inta xun iyo inta
san.
Somaliyeey, Allah ha idin waafajiyo towfiiqda iyo wixi uu raali ka yahay
qowl iyo camalba,amen.
Baaqan wauxuu ka tarjumayaa aragtida iyo rabitaanka dhamaan
indheergaradka Soomaaliyeed gudaha iyo dibada dalkeenaba.30/03/2007
Waxaa diyaariyay Abdallah Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Soomaaliya,
Muqadisho Iyo Dagaalka Wejiyada Badan... Akhri...