SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 7, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (97), Muqdisho (101), Beledweyne (104), Baydhabo (112),  Galkacyo (133),
Sarbeebtii Diinaari

APRIL 7, 2007

  • Sheekh Shariif, Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan oo kusii jeeda Dalka Ingiriiska .
  • Midowga Yurub oo sheegay in Muqdisho ay ka dhaceen dambiyo dagaal
  • Soomaalida ku nool Dibadaha oo wada dacwad ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Itoobiya
  • Duugista Maydadka oo Maalintii saddexaad ka socda Muqdisho…
  • Iska hor imaad ka dhacay Degmada Baardheere
  • Soomaalida ku nool dalka Itoobiya oo uu wal-wal soo wajahay
  • Maxaa ka soo baxay kulankii Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya

Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Phoenix, Arizona

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].


Sheekh Shariif, Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan oo kusii jeeda Dalka Ingiriiska .

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in Magaaladaasi ay gaareen xubno ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Islaamiga, Xuseen Caydiid oo Ra’isul Wasaare Ku xigeen ka ah Dowladda Federaalka KMG iyo Shariif Xasan oo ah gudoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka, waxayna kulan la yeesheen madaxweynaha wadanka Ereteriya Afawarke oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya.

Xubnahan ayaa lagu wadaa in ay maalinta berito ah u ambabaxaan Magaalada London ee dalka UK kadib markii ay martiqaad ka heleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska ku nool, waxaana sidoo kale halkaasi lagu martiqaaday siyaasiyiin kale oo Soomaliyeed oo ka kala imaan doona dalalka Carabta, Yurub iyo Mareykanka.

Xubnahan ayaa qaar ka mid ah wadamada Yurub ka bilaabi doona olole ka dhan ah Dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen in ay qabsatay dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub oo sheegay in Muqdisho ay ka dhaceen dambiyo dagaal

Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in ay soo gaareen warar sheegaya xasuuq iyo dambiyo dagaal oo loo gaystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu Baaritaan ku sameyn doono arintaasi ciddii ay ku caddaatana la horgeyn doono maxkamadda dambiyada dagaalka ee Caalamka.

Ilaa iyo 600 oo qof ayaa Wakaaladaha caalamku sheegeen in ay ku geeryoodeen dagaalkii mudada afarta maalmood ka socday Magaalada Muqdisho, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, kuwaas oo ay warbaahintu sheegtay inay ku dandareysan yihiin goobo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Midowga Yurub waxa uu sheegay in dambiyada dagaalka ee ka dhacay Muqdisho ay gaysteen shaqsiyaad aysan carabaabin, balse lagu hayo Baaritaan dhinacyo badan leh.

Dad Soomaaliyeed oo ku nool dibadaha ayaa qoraalo u kala gudbiyey Hay’adaha Xaquuqda Aadanah iyo kuwa Dambiyada Dagaalka, waxayna sheegeen in Soomaaliya ay ka dhaceen damhiyo waaweyn, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si loo Aabbe dayin loogu xasuuqay dadweyne rayid ah Madaafiic.

Soomaalida ku nool Dibadaha oo wada dacwad ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Itoobiya

Soomaalida dibadaha ku nool ayaa maalmahan dambe waxay wadeen dacwad ka dhan ah qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya, iyagoo dacwadooda ku sheegay in xubnahaasi ay gaysteen xasuuq, kaddib markii madaafiic aan loo Aabbe yeelin ay la dhaceen shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ugu dareen barakac aad u baahsan.

Soomaalidaan oo la sheegay in ay qabsadeen Abuukaatayaal heer Caalami ah ayaa waxaa ka mid ah ragga dacwadaha lagu soo oogayo Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, Wasiirka Arimaha Gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), Ra’isul Wasaara Itoobiya Miles Zenawi iyo Gen. Gabre oo ah Taliyaha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.

Dacwaddaan ayaa la sheegay in ay wadaan waxgarad iyo Siyaasiyiin ku nool dalka Dibaddiisa, waxayna qaarkood ay sheegeen in dacwaddaan ay wadi doonaan ilaa iyo Hay’adaha hoos taga Qaramada Midoobey ee dhinaca Xaquuqda Aadanaha, sidoo kale waxay sheegeen in dacwaddaan ay u gudbin doonaan Hay’ado si gaar ah loo leeyahay oo qaabilsan dhinaca Xaquuqda Aadanaha kuwaas oo horey dacwado ugu soo oogay shaqsiyaad horey dambiyo uga galay dalalkooda.

Isu soo bax ka dhici doona Minneapolis:
Goorma: Sabti, Apr 7. 1:30pm
Xagee: Chicago & Franklin Ave

Sawirka oo weyn... READ

Xubnahan sidoo kale waxay wadaan banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaddib markii afar maalmood ay dagaalo ka socdeen.

Qaar ka mid ah Dowladaha Yurub ayaa iyana waxay soo dhaweeyeen heshiiska xabad joojinta ee ay kala wada galeen saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye, sidoo kale waxa ay Dowladaha Yurub ay ka dalbadeen Dowladda Itoobiya in Ciidamadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo dalka Soomaaliya, kadibna ay shir dib u heshiisiin ah isugu yimaadaan dhinacyada isku haya dalka.

Duugista Maydadka oo Maalintii saddexaad ka socda Muqdisho…

Maalintii saddexaad ayaa Guddiga farsamada ee loo xilsaaray duugista Maydadkii ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale isugu yimid, waxaana guddigaan la socday mutadawiciin ka kala socotay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas.

Maydadka oo mudo tobaad ah yaalay dariiqyada iyo Xaafadaha dhexdooda ayaa marka laga qaado goobaha ay yaalaan waxaa lagu shubaa Nuuriyad, waxaana maydadka lagu qaadaa Gawaari waaweyn, markaas oo lagu aaso Qabuuraha Barakaat, halka Ciidamada Itoobiya maydadkooda ay dib ugu celiyaan dalkooda, iyadoo maalintii shalay ahayd Ciidamada Itoobiya ay soo baxsadeen maydad horey loo aasay kuwaas oo lagu baceeyey bacooyin waaweyn

Maalintii shaley ahayd ayaa waxaa la aasey Meydad kor u dhaafaya 26 kuwaas oo laga soo saarey agagaarka Isbitaalka Xayaad waxaana ku jirey dhowr caruur ah iyo Haween oo qaarkood u ekaa kuwo la soo shiishey.

Maanta ayaa mar kale dib la isugu laabanayaa in laga kala aaso maydadkii haray, waxaana lagu waramay in xaafadaha qaarkood ay dhex yaalaan maydad u badan dad rayid ah oo ay Madaafiicdu ugu tagtay Guryahooda.

Iska hor imaad ka dhacay Degmada Baardheere

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere waxay sheegayaan in shalay degmadaasi uu ka dhacay iska hor imaa socday mudo 20-daqiiqo ah, kaas oo u dhexeeyey labo kooxood oo maleeshiyo ah, waxaana ku geeryooday iska hor imaadkaasi hal qof, waxaana ku dhaawacmay labo kale.

Ilaa iyo hadda lama oga sababihii uu ku bilowday iska hor imaadkaasi, hase yeeshee wara ayaa waxay sheegayaan in labada kooxood ay isku qabsadeen lacago, waxaana markii dambe ku soo baxay Odoyaasha deegaanka, waxayna ku guuleysteen in ay xabadda joojiyaan, waxayna wararka halkaasi naga soo gaaraya sheegayaan in dadka ka qaxay Magaalada Muqdisho oo Baardheere gaaray ay walwal ka muujiyeen iska hor imaadkaasi, waxayna qaarkood ku cataabeen “Xabaddii aan Xamar uga soo tagnay miyaa meeshaana nooga daba timid”.

Wixii dhaliyey iska hor imaadkaasi ayaa maanta la filayaa in ay maanta isaga yimaadaan kooxihii ay dirirtu dhex martay, sidoo kale dadkii ku waxyeeloobay ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho loo soo qaado si loogu dawaayo.

Soomaalida ku nool dalka Itoobiya oo uu wal-wal soo wajahay

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in markii ay dhaceen dagaaladii lagu riiqmay ee ka dhacay Magaalada Muqidsho in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa ay soo wajahday walwal iyo cabsi.

Dadkaan ayaa waxaa hanjbaadyo ka soo gaareen dad kale oo iyana ku sugan Magaalada Adis-Ababa kuwaas oo qaarkood lagu yiri “Ciidmaadeena waxaad ku dileysaan Muqdisho, adigana halkaan ayaad dooneysaan in aad nabadgelyo ku joogtaan”.

Ciidamada Booliiska Itoobiya ayaa lagu waramay in ay xirxireen dhowr qofood oo la sheegay in ay u hanjabeen Soomaalida ku nool dalka Itoobiya gaar ahaan Adis-Ababa.

Dadka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay sheegeen in ay doonayaan in ay dib isaga soo laabtaan dalkooda haddii ay helaan wixii tasiilaad ah oo ay u baahan yihiin.

Dhawaan ayaa labo kooxood oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah waxay ku dirireen Adis-Ababa, waxaana dirirtaasi lala xiriiriyey dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dadka ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya, waxayna Ciidamada Booliiska Qabteen dhowr qofood oo lagu eedeeyey inay ahaayeen kuwii ka dambeeyey gacan ka hadalkaasi.

Maxaa ka soo baxay kulankii Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya

Mar kale ayay kulan isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo SaraakiishaItoobiya ee ku sugan Muqdisho. Kulankaan oo ahaa mid horey loogu ballansanaa ayaa dib u dhac ku yimid kaddib markii ay fogaatay aasida Maydadka ku dhintay dagaalkii socday mudafa afarta maalmood ah.

Kulankaan oo socday mudo saddex saacadood ah ayaa afhayeenka guddiga Farsamada Beelaha Hawiye Xuseen Siyaad Qoorgaab waxa uu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la sii adkeeyo heshiiska xabad joojinta, isla markaana la sii wado sidii loo aasi lahaa maydadka weli ku jira guryaha goobihii ay dagaladu ka dhaceen.

Xuseen Siyaad waxa uu sheegay in maalinta berito ah labada duhurnimo lagu ballamay in la isugu yimaado kulan looga hadli doono sidii loo sii ambaqaadi lahaa waxa ka dhiman heshiiska xabad joojinta sidoo kalana loo kala qaadi lahaa ciidamada is hor fadhiya, kaas oo uu tilmaamay in uu kalsooni weyn ku qabaan shacabka Soomaaliyeed si ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Waxa uu sheegay Xuseen Siyaad in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku kalsoonaadaan heshiiskaasi oo ay joojiyaan wararka kurikuteenta ah.

Maalintii shalay ahayd ayaa 26 mayd waxaa laga soo saaray goobihii uu dagaalku ka dhacay, waxaana ku jiray afar carruur ah iyo shan haween ah, oo ay madaafiicdu guryahooda ugu tagtay, qaarkoodna ay iyaga oo cararaya ay rasaast u haleeshay, waxaana ka qayb-qaatay mutadawiciin ka kala socotay Bisha Cas iyo Laaqeyrta Cas, waxaana la filayaa in maanta halkaasi ka sii socdaan hawlihii mayd aasida.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Tony Blair oo Iiraan fariin u diray: "Iima dooneyno wax dhibaato ah"

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com