SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 7, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (97), Muqdisho (101), Beledweyne (104), Baydhabo (112),  Galkacyo (133),
Sarbeebtii Diinaari

APRIL 7, 2007

C/Laahi Yuusuf iyo Geeddi oo Wafti Maraykan ah Kula Kulmay Baydhabo


Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Abdullaahi Yuusuf iyo R/Wasaare Prof Ali M Geedi oo Booqdey Magaalada Baydhabo

Qore: Abdimalik Askar 


Baydhabo, Apr 7, 2007

Waxa saaka subixii ka dhoofey gegida dayuuradaha magaalada Mugadishu wafti uu hogaaminaayo madaxweynaha DFKMG. Waftigaas ayaa waxa ka mid ahaa R/Wasaaraha DFK Prof Ali Maxamed Geedi iyo masuuliyiin kale. Waftigaas uu hoogaaminayo madaweynaha ayaa  u kici timey xaruntii hore ee DFKMG ee magaalada Baydhabo.

Ujeedada waftigaas ayaa ahayd in ay la kulmaan gabadha u xilsaaran wasaarada arimaha dibada ee mareykanaka dhinaca Africa, Jendayi Frazer, ninka u xilsaaran arimaha Soomaliya mareykanka iyo safiirka u fadhiya mareykanka wadanka Kenya. Intii aysan la kulmin Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha waftiga mareykanka ayaa waxey kulan gaar ah la qaaten madaxda DFKMG oo isugu jirey wasiiro, xildhibaano, gudoomiyaha gobalka, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka mudane Sheekh Aadan Madoobe. 

Gebagabadii ayaa waxa Madaxweynaha iyo R/Wsaaruhu qaabileen waftigii ka yimid mareykanka, halkaas oo lagu lafa gurey arimo muhiim ah oo ku saabsanaa sidii dowlada dhidibada loogu adkeyn lahaa, tageero caalima ahna loogu raadin lahaa. Waftiga ayaa qado heer sare ah loogu sameeyey qolka martida ee ku dhexyaal madaxtooyada magaalada Baydhabo. Iyagoo ugu dambeyntii waftiga la Hadley saxaafada oo siiyey warbixin dheer oo ku saabsanaa safarkooda. 

 

Waxaa soo tebiyey: Abdimalik Askar | Baydhabo | April 7, 2007




Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Phoenix, Arizona

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com