SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 9, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (99), Muqdisho (103), Beledweyne (106), Baydhabo (114),  Galkacyo (135),
Sarbeebtii Diinaari

Soomaalidda  Minneapolis oo ka mudaaharaaday Xasuuqa Muqdisho.

Qore: Shaacir Mataan
abaadir2002@yahoo.com
Minneapolis, MN, April 7, 2007
 In badan oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa ka qayb qaatay banaanbax looga soo horjeedo xasuuqii naxariis darradda lahaa ee loo geystay dadweynaha  reer Muqdishu ee aan waxba galabsan.  

Tiro lagu qiyaasay Kun iyo in ka badan ayaa gumaad aan loo aaba yeelin  ugu geeysteen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ciidamadda Itoobiya ee duulaanka iyo gardaradda ku qabsaday Soomaaliya.
Xasuuqan xaqdaradda ah  ayaa ku abuuray murugo iyo naxdin dad badan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee  Minnesota. Dadka mudhaaraadka isugu soo baxay oo  kun tiradoodu ku dhaweeyd ayaa waxeey ka kala socdeen qaybaha kala gedisan ee jaaliyadda
Banaanbaxan waxuu ku bilaabmay Salaada duhur oo lagu tuktay goobta uu ka dhacayay oo ah isgoyska Franklin Street iyo Chicago Avenue waxuuna ku dhamaaday Salaadda Casar. Muddo lagu qiyaasay ilaa iyo saddax saacad iyo bar ayeey  dadka soo banaanbaxay  u adkeeysanayayeen Jawiga oo aad u qaboob una dhaxan badnaa.
Waxa halkaa laga aqriyay aayaddo quraan ah, qudbaddo wadani ah, gabayo , geeraaro iyo baraanburo dhamaan ka turjamayay dareenka guud ee Soomaalidii soo banaanbaxday.  Waxaa kaloo samaacaddaha cododkooda dheer yahay saarnaa heesihii dagaalkii Sanadkii 1977 loo qaaday xoreeynta Soomaali Galbeed , kuwaasoo dadku ka daba qaadayeen iyagoo qaarkood indhahoodu ilmo ka qubaneeysay. Dadka ayaa watay boorar eey ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo eey ku muujinayeen dareenkooda Soomaalinimo iyo Islaanimo.: Maya xasuuqa Muqdishu, Maya gardarradda Itoobiya, Meles waa argagixiye, Soomaaliya Soomaali baa nabadeeyn karta, qaa’inul wadan iyo qabqable waa lagula xisaabtami, maxkamad ha la soo taago Meles iyo macangagyadda uu adeegsaddo.
SHALAY:  JANUARY 2007 FEB/MARCH 2007 MAANTA: APRIL 2007
aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso
aidid
DHEGEYSO: XUSEEN  CAYDIID OO SHEEGAY IN ITOOBIYA AY KA BAXDO DALKA SOOMAALIYA
Waxaa kaloo laga codsaday dawladda Mareeykanka ineeysan taageerin xasuuqa iyo gardarradda ee wadaan Itoobiyaanka soo duulay ee dalka qabsaday iyo qabqablayaasha dagaalka ee dalka qaribay.Soomaalidda Minneapolis iyo St. Paul ayaa ku balamay ineey joogteeyaan banaanbaxyadda inta ciidamadda cadowga Itoobiyaanka dalka ka baxayaan iyo inta dawladda Mareeykanku eey ka joojineeyso taageeradda dadban eey siineeyso duulaanka Itoobiya iyo dumiga dagaal oogayaasha.
Banaanbaxan waxaa soo qabanqabiyay machadka Nabadda iyo Cadaaladda Soomaaliyeed- Somali Institute for Peace and Justice.

Qore: Shaacir Mataan
abaadir2002@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 8, 2007


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan
 



mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com