SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gabay Cusub: Guuley Allahayow....

garaadHassan Garaad |
Email: abwangaraad@hotmail.com

GABAYGAN waxaa tiriyey abwaan xasan garaad warsame waxa uu uga hadlayaa go`aan ka taariiqiga ah oo ay qaateen halgama yaasha soomaaliyeed oo markii gadowgu ku magacaabay argagixiso la baxay magac siyaasadeed ay cagawga kula dagaalamayaan maadaama wadani yaashi soomaaliyeed lagu magacaabay al qaacida xaqna ay u leeyihiin in ay dal kooda difaacaan ayey la bexeen magaca hawiye oo aan ahayn maanta mid qabiil laakiin ah mid maanta laysaga celinayo magacyadda xun ee reer galbeed ku ku macaabo islaamka laguna gumaado hadaba abwaan ku waxuu ugu magac daray[ gabayan ] Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye

  1. Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye
  2. Sidii good nimuu laacay oo micida gaarsiiyay
  3. Oo gibin dhacyeeyoo idhaha galac ka siinaaya
  4. Gedgedoomayeey meel miyeey gocatay laabteydu
  5. Inuu go`i rabaan moodayaa gabal jirkeygaaye
  6. Qaniinyadaan is giijiyay ilkaha gowsahay jabaye
  7. Kumaad kuu cadaawuhu wodoo shacabka loogeystay
  8. Garneylkiyo shilkaha maatadaa lagu garaacaayo
  9. Gaboodkiyo gumeysiga socdiyo gaalka kibirkiisa
  10. Waa guni waxay haa tiraa gobise diidaaye
  11. Geesiyada gantaalada watoo gumaca seyraaya
  12. Oo sharafta nadi gubatay iyo magaci goobaaya
  13. Waxkastoon ku guubaabin karo wow gudbinayaaye
  14. Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye
  15.  
  16. Soomaaliyu markey kala go`dee gabalba meel aaday
  17. Dhalyo kalama geysee markuu guufku kala qaaday
  18. Ooy is garabsan waayeen ayuu gaaday cadawgiiye
  19. Waa kaa hunguribaa ka galay goboladeeniiye
  20. Waa kaa guryaha duminayoo guutayaal diraye
  21. Waa kaa guntiga dhuuqsadoo ganafka tuuraahe
  22. Gacan bira ku qabo buu lahaa gebiba soomaale
  23. Gedkastuu asagu damacsanaa waa la gaasiraye
  24. Gumac iyo ragbaa kala hortegay gana risaaseede
  25. Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye
  26. Inkastoo dadbadan naga go`oo gododka looqaaday
  27. Ama geesiyaal naga dhinteen guushu waa imane
  28. Go`aankaa hawiye waa midey garatay soomaale
  29. Waa midey ku garabtaagantahay gebi ahaanteede
  30. Waa mid gobanimadi hoos gashoo geedi looyahaye
  31. Waa mid galaya taariikhahoon laga ganbooheyne
  32. Waa mid calanka loogaga gurmaday ciifihii galaye
  33. Gob kacdoontay soomali waa garab istaagtaaye
  34. Geesiyaal naf huray baa xoriyad goob ku heyn karaye
  35. Guuley allahayow hawiye waa garleeyahaye
  36.  
  37. Dowladdaan gumeystuhu watoo guudka kore saartay
  38. Dowladdaan dalkii lagu gatee laga dul goodaayo
  39. Waa mid uu kumeel gaar si yiri gaal dhulkaan rabaye
  40. In ay gacanta cadaw ugu jirtaan idin garwaaqsiine
  41. Nin gedood ku maqan oo casmara garabshay mooyaane
  42. Golayaashi waa laga la.yahay ruux garaad wacane
  43. Genku nimuu xanuunoo lawaa gaartay qiiraduye
  44. Nin gumaadka diidoo lawaa hadal gareedlaahe
  45. Waa rag galowga qori laga gelshoo guri ku hoosnoole
  46. Waa rag gudaha jeel uga jiroon gees cadceed arage
  47. Waxba yaanan geyliga socidiyo go`a ka sheekeyne
  48. Gobta dirirtay soomaaliyey garabka aan siino
  49. Gaal iyo nin raacaba ilaah guushi lama siine
  50. Adduunyada gargaar kuma leh oo garanti weeyaane
  51. Aakhirana gandoob naar ah baa laga dhexgeeyaaye
  52. Gabbal dhacey u tahay maalintey god u huleelaane
  53. Islaamkana galado bey u tahay labada geesoode
  54. Gaarimaayo meeshuu jeclaa gaal na weeraraye
  55. Ama geeri ama guul xoriyad gaartabaan heliye
  56. Goolad dheer anoon marin haddaan hadalka soo gaabsho
  57. Guurtida hawiye baa metela galabta soomaale

SHIRIB LA SOCDA GABAGAYGA

SEDEED WALXAAD OO GOYNKU TAAL IN AAN GARWAAQNO WAA GUMOW

  1. Gaasaskii gumeysi doon ahaay in aan garwaaqno waa gumow
  2. Kitaabka gube gaala raac in aan garwaaqno waa gumow
  3. Islaan gumaadka reer galbeed in aan garwaaqno waa gumow
  4. Gantaal tigree gargaarku sheeg in aan garwaaqno waa gumow
  5. Gacmaha taagoo gowracyeel in aan garwaaqno waa gumow
  6. Go`aanki geysh itoobiyoon gudoon ku raacno waa gumow
  7. Gobaanehee gabood falkaan in aan garwaaqno waa gumow
  8. Dekeda goobka gaaladaa in aan garwaaqno waa gumow

Hassan Garaad | Email: abwangaraad@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 9, 2007

ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com