SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DC

Mudaaharaad looga soo horjeedo xasuuqii Xamar & joogitaanka Ciidamada Ethiopia oo ka dhacay Washingto, DC.

 
Mudaaharaadka oo ka dhacay albaabka Xafiiska xoghayaha arimaha dibada ee Maraykanka iyo ku xigeenkeeda, Condoleezza Rice iyo Jendayi Frazer, ayaa waxaa isugu soo baxay dad gaaraya 300 oo qofood. Mudaaharaadka ayaa looga kala yimid gobolada Maraykanka sida Gobolka Minnesota, North Colarina, Varginia, iwm. Dadka halkaa isugu soo baxay ayaa ka cabanayey xasuuqa ba'an ee aan kala sooca lahayn ay ciidamada Ethiopia ugu geesteen ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada. Waxay sidaas oo kale ka careysnaayeen taageerada dowlada Maraykanku u fidisey dowlada Ethiopia oo ay tilmaameen in ay xadgudub ku joogto Soomaaliya.
 
Dadka mudaaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey hadalo ay ka mid ahaayeen "Waxaanu u baahanahay nabad galyo, waxaana rabnaa hada", "Ameerika ha joojiso taageerada ay sii soo dhibaata Ethiopia u geeysanayso ummada Soomaaliyeed", "Jendayi Frazer waxay ka qayb qaadatay xadgudubyada bini-aadamka" iyo kuwa kale oo faro badan. Waxaa intaa dheeraa in ay qaadayeen heeso wadani oo ay ka mid ahaayeen " Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsada, hadba kiina taagdaran taageera waligiin", "nafaqaadu waa guul, neeftaadu waa calan, natiijadaadu waa gobonimo lagu nastoo lagu nagaadee ha noogina, ha noogina" iwm.

 
Nusi saaco markii uu soconayey mudaaharaadka ayaa waxaa dibada ugu soo baxay dadkii mudaaharaadayey gabadha qaabilsan miiska arimaha Soomaaliya. Gabadha ayaa la hadashey qaban qaabiyayaashii mudaaharaadka. Waxay ku war galisay in aad ugu mashquulsanyihiin arimaha Soomaaliya ayna aad ugu faraxsantahay inay aragto dad Soomaali Maraykan ah oo muujinay dareenkooda ku aadan wadankii ay ka soo jeedeen. Gabadha ayaa sheegtey inay kala hadleen dowlada Ethiopia qaladaadkii ay ku keceen ayna u muujiyee sida ay ugu xunyihiin waxa dhacey. Gabadha ayaa u balan qaaday inay soo diyaarinayso kulan dhaxmara qabanqaabiyayaasha iyo Ms. Frazer oo dhaca wiigan gudihiisa.
 
Ugu danbeyn, qabanqaabiyayaasha mudaaharaadka ayaa halkaa ku qaybinayey warqado ay ku soo daabaceen xaqiiqada waxyaabihii ka dhacay Soomaaliya intii dowlada Ethiopia haysatey. Warqadahan ayaa loo qaybinayay shaqaalaha wasaarada arrimaha dibada oo markaas iyagu ama qadayn u socdey ama ka soo laabanayey.

Sawirada mudaharaadka hoos ka eeg...

Gudbaaye
Email: gudbaaye@gmail.com
 

Faafin: April 17, 2007

Senator Coleman oo warqad dacwo ah
oo ku saabsan tacadiga iyo barakaca loo geystay shacabka Muqdisho gaarsiiyey Jendayi Frazer... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com