SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...

bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

WARARKII: Aug 15, 2007

  • Mas’uuliyiin ka tirsan Maxakiimta Islaamiga iyo Baarlamaanka xorta oo soo gaaray Bu’aale…

  • Diyaarad ku sii jeeday Boosaaso oo ku burburtay Barbara

  • Cali Geedi “Dowladdu waxay sameyneysaa khad cagaaran”

  • Buubaa “Waxaa la gaaray xiligii ciidmada Itoobiya isaga bixi lahaayeen Soomaaliya”

  • Iska hor imaadyo iyo weeraro weli ka jira Magaalada Muqdisho..

  • Qaramada Midoobey oo ka codsatay Itoobiya in ay Ciidamadeedu sii joogaan Soomaaliya


Mas’uuliyiin ka tirsan Maxakiimta Islaamiga iyo Baarlamaanka xorta oo soo gaaray Bu’aale…

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bu’aale ee Gobalka J/dhexe, waxay sheegayan in maalintii shalay ahyd magaaladaasi soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islamiga ah iyo kooxaha Baarlamaanka Xorta ee fadhigoodu yahay magaalad Asmara ee dalka Ereteriya.

Mas’uuliyiintaasi ayaa waxa la sheegay in ay halkaasi keentay diyaar, waxayna markiiba kulan la yeesheen Odoyaasha iyo Waxgaradka deegaankaasi, waxayna uga warameen sababaha ay u joogaan dalka Ereteriya, waxaana wafdigaani hogaaminayey C/qaadir Xaaji Max’ed Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ee la magacbaxay Baarla-maanka xorta ah, waxa uuna Odoyaasha iyo Waxgaradka  Bu’aale u sheegay in 1-da September la isugu imaan doono shir ay ka qaybgali doonaan Odoyaal, Waxgarad, Siyaasiyiin kuwaas oo uu sheegay in ay ka kala imaan doonaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, isagoo sheegay in looga arrinsan doono sidii ciidamada Itoobiya dalka looga saari lahaa, isla markaan loo waji lahaa sidii loo dhisi lahaa dowlad Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay oo kooxo mucaarad ah ay soo gaaraan Koonfurta Soomaaliya, waxaan la filaya in sidoo kale gobalad dalka ay gaaraan wufuud ka tirsan Maxakiimta Islaamig a ah iyo Baarlamaanka xorta ah, kuwaas oo ka dhaadhicin doona Bulshad sidii ay uga qayb-qaadan lahaa sidii dalka looga xoreyn lahaa wax ay ugu yeereen Guemysiga Itoobiya. 

Diyaarad ku sii jeeday Boosaaso oo ku burburtay Barbara

Shalay galabnimadii ayaa diyaarad laga leeyahay shirkad reer Kenya oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso ayaa waxaa la sheegay in diyaaraddaasi ay ku degi weysay garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, waxayna shaqaalihii saarnaa diyaaraddaasi ay isku dayeen in Diyaaradda ay ku dejiyaan Garoonka balse ay awoodi kari waayeen, waxayna markiiba dambe u dhaqaaqeen dhinaca garoonka Diyaaradaha ee Barbara, markii ay dhowr jeer dul heehaabtay ayay si qasab ah ku degtay garoonka, waxaana markiiba ka booday lix qof oo ahaa shaqaalihii diyaaraddaasi.

Diyaaraddaasi oo iyadu ahayd mid xamuul ah oo u rarneyd Magaalada Bosaso ayaa meeshii ku burburtay, balse shaqaalihii ayaa ka badbaaday waxayna haatan ku sugan yihiin Hoteel ku yaal Magaalada Barbara. Diyaaraddaan oo nooceedu yahay Antanov ayaa lagu sameeyey dalka Ruushka , waxayna ka mid tahay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya.

Buubaa “Waxaa la gaaray xiligii ciidmada Itoobiya isaga bixi lahaayeen Soomaaliya”

Wasiirka waxbarashada ee Dowladda Federaalka Ismaacil Hurre Buubaa oo khudbad ka jeediyey Baarla-maanka fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo, isagoo ka hadlayey waxqabadka wasaaradda Waxbarashada ayaa waxa uu sheegay in wasaaraddiisu wax badan ka qabatay dhinaca waxbarashada, isla markaana ay xoojisay xiriirka Waxbarasho u dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladaha Shisheeye.

Buubaa waxa uu sheegay in la gaaray xiligii ciidamada Itoobiya ka bixi lahaayeen wadanka Soomaaliya, waxa uuna uga mahadceliyey hawshii ay siiyeen Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in aysan marnab ilaabi doonin.

Buubaa waxa uu sheeg ay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda loo baahan yahay in ay ka soo qaybgalan shirka qaranka Soomaaliya, si ummadda Soomaaliyeed ay dibaatada uga baxdo, isla markaana carruurta Soomaaliyeed u helaan waxbarasho ay mustaqbalka u aayan.

Cali Geedi “Dowladdu waxay sameyneysaa khad cagaaran”

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa waxa uu shalay ka dhawaajiyey in Dowladda Federaalka ay sameyn doonto qad cagaaran oo la mid ah midka Ciraaq uu Mareykanku ka sameeyey, kaas oo lagu ilaaliyo dhamaan madaxda Dowladda Ciraaq iyo Saraakiisha Mareykanka.

Geedi waxa uu sheegay in Dowladdu u baahan tahay goob ammaan ah oo ay ku shaqeyso, hase yeeshee marka la is barbardhigo wadanka Ciraaq iyo Soomaaliya waa kuwo aad u kala duwan, waayo  dalka Ciraaq dal balaaran oo ay ka jiraan kooxo dhowr ah, isla markaana waxaa shaqeynaya nidaamkii Dowladnimo iyo waliba adeegyadii Bulshada, hase yeeshee Soomaaliya ma jiraan adeegyadii Bulshada iyo awoodii dowladnimo, waxaana Dowladda gacan siiya ciidamada Itoobiya oo qudhooda lagu hayo weeraro joogto ah.

Qadka cagaaran ee ka jira dalka Ciraaq, waxaa maalin walba lagu weeraraa hoobiyayaal, waxaan dhacday kulan uu Baarlamaanku lahaa uu ka dhacay qarax aad u weyn, iyadoo Mareykanku uu meeshaasi si aad ah u waardiyeeyo.

Iska hor imaadyo iyo weeraro weli ka jira Magaalada Muqdisho..

Waxaa Magaalada Muqdisho weli ka sii socda dagaalada iyo iska hor imaadyada u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda oo dhinac iyo kooxaha ka soo horjeeda waxayna weeraradii ugu dambeeyey ka dhaceen Suuqa Xoolaha, Wadada Warshadaha, Suuqa Bakaaraha iyo Jidka Wadnaha.

Weeraradii ka dhacay Suuqa Xoolaha aya waxaa lala beegsady kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda, waxaana l sheegay in weerarkaasi ku dhaawacmeen dhowr askari, hase yeeshee rasaastii ay rideen waxay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, sidoo kale Bam lagu weeraray ciidamada Dowladda ee ku sugan Suuqa Bakaaraha, waxa uuna weerarkaasi waxyeelo ka soo gaartay dad ka adeeganayey suuqa.

Dhinaca kale waxaa sii kordhay gaari ku sii jeeday Degmada Cabudwaaq ee gobalka Galguduud oo maalintii doraad ahyd rasaas ku fureen ciidamada Itoobiya  iyo kuwa Dowladda, waxaa ilaa iyo haatan ku geeriyooday 16 qofood, iyadoo dadka intooda badan ku dhinteen isbitaalada kal duwan ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna weerarkaasi ku soo beegmay xili Hay’adda Xaquuqda Aadanaha Human Rights Watch soo saartay warbixin ku aadan in soomaaliya ka dhaceen xadgudubyo ay gaysteen ciidamada Itoobiya kuwa Dowladda Federaalka iyo waliba kooxaha ka soo horjeeda.   

Qaramada Midoobey oo ka codsatay Itoobiya in ay Ciidamadeedu sii joogaan Soomaaliya

Waxaa maalmahan sii xoogeysanayey warar sheegayey in Ciidamada Itoobiya ka baxayaan guud ahaan dalka Soomaaliya, hase yeeshee warar laga helay Qaramad Midoobey ayaa waxay sheegayaan in Qaramada Midoobey ay Dowladda Itoobiya ka codsatay in Ciidamadeeda sii joogaan ilaa iyo horaanta sanadka cusub, xiligaas oo ay Qaramada  Midoobey sheegtay in ay Soomaaliya ka hawlgali doonaan ciidamo hoos imaanaya Qaramada Midoobey.

Codisga ka yimid Qaramada Midoobey ayaa waxa la sheegay in ay diiday Dowladda Itoobiya, waxayna ku adkeysaneysaa in ay ciidamadeeda kala baxeyso gudaha dalka Soomaaliya, hawshana ay ku wareejineyso Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika, hase yeeshee Dowladda Mareykanka ayaa lagu waramay in ay Dowladda Itoobiya ku cadaadineyso in ciidamadeeda sii joogaan dalka Soomaaliya tan iyo inta ay Qaramada Midoobey ciidamo ka keeneyso. Dhawaan ayay Qaramada Midoobey isku raacday in Soomaliya loo diro ciidamo hoos yimaada dalladda Qaramada Midoobey. Hubkii badnaa ee ciidamada Itoobiya Soomaaliya ka yiilay ayaa la sheegay in dib loogu celiyey dalka Itoobiya, isla markaana waxaa la arkayaa ciidamo fara badan oo dib ugu labanaya gudaha dalka Itoobiya.   

Xaaskii uu ka geeriyoo-day Yaasir Carafaat oo Dowladda Tunisa kala noqotay dhalashadii

Dowladda Tunisia ayaa dhalashadii kala noqotay xaaskii uu ka geeriyooday Hogaamiyihii wadanka falastiin oo lagu magacaabo Saaha Carafaat, inkastoo Dowladda Tunisia aysan wax faahfaahin ka bixin kala laabashada dhalashadaasi, haddana warar soo baxaya waxay sheegayaan in Saha Carafaat uu khilaaf soo kala dhex galay iyada iyo Dowladda wadankaasi, waxayna markii dambe taasi keentay in dhalashada lagala laabto.

Saha oo guri weyn ku lahayd Magaalada Tunis ayaa shalay u soo ambabaxday jasiiradda Malta oo ay haatan ku sugan tahay, waxaana lagu wada in ay u dhaqaaqdo dhanka wadanka Masar oo ay guri kale ku leedahay.

Saha Carafaat waxay dhalashada Tunisia qaadatay sanadkii hore, waxaana loo siiyey maadaama ninkeedii geeriyooday in si nabadgelyo ah ugu noolaato dalkaasi.

Amiin Yuusuf Khasaaro

amiinkhasaaro@hotmail.com

DFKMG oo Baabi'ineysa Heshiisyadii Batroolka ee ka dambeeyey 30kii Disember 1990...
iyo Shirkadda Chevron oo Sheegtay in aysan Dhaqso ugu laaban doonin Soomaaliya.... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 15, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com