SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Soomaaliyeey Hadda iyo Dan 

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni Muxammed ayey korkiis ahaatay. 

Soomaaliyeey marxaladda aynu hadda ku suganahay, waxba  tarimeyso, in leys eedeeyo iyo in mindi mindi lagu taago. Waxaan uga gol leeyahay khalad walboo dhacay, hadda wuu dhacay, oo wax tegay tiigsimaad malaha. Ee waxa muhiim ah in leys weydiiyo hadda maxaa inoo dan ah. 

Waxa runti nasoo maray fursad Dahabi ah, oo arimihi Soomaaliya ee murugeysnaa 16ka sano, ay kusoo urureen gacanta labada dhinac oo kala ahaa, Midowga Maxaakiimta islaamiga ah iyo  Dowladda Federaalka oo fadhigoodu ahaa Beydhabo. Taladu bacda Allaah waxey ku xireyd isafgarasho ka dhex dhacda mas’uuliyiinta labada dhinac, oo Soomaaliya waxey u horseedi lahaayeen waddo wanaagsan. Nasiib darro ma dhicin, oo waxaad moodaa in labada dhinac ay u kala dab qaadayeen dad aan raali ka aheyn inuu heshiis dhaco. Khaladaadku labada dhinac ba wuu ka jiray, oo hadda ma doonayo inaad cid gaar ah ku ifiyo torchka. 

Su’aasha imminka isweydiinta muddan waxey tahay, sidee dalkeena looga saaraa Ciidamada Itoobiya, oo kusoo galay dalkeena inay taageerayaan Dowladda Federaalka ah. Su’aashan jawaabteedu waxey u taalaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee caqliga u saaxiibka ah, iyagoo laga doonayo inay ku eegaan ama saaraan miisaan waddaninimo iyo mid islaamnimo, iyagoo mar walba ka eegaya dhinac kasta waxa uu faa’iido keeni karo,  muxuuse khasaaro keeni karaa. 

Anigu shaqsiyan, anigoo ku cabiraya fikradeydan yar, oo runti khaladna noqon karta, saxna noqon karta ayaa waxaan usoo gudbinayaa dadweynaha ra’yigeygan si loo gaaro xal: - 

  1. In Dowladda federaalka kumeel gaarka ah, lagu adkeeyo inay waddanka ka saarto ciidamadan ay horey uga dalbatay inay taageeraan.
  2. In labdi dhinacba ( Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamiga) aysoo celiyaan wadahadlki oo ay miiska wadahadalka dib ugu soo noqdaan, waa sida aan mar walba qabay. Run ahaanti mar walboo miis lawada fariisto oo lawada hadlo, waxaan aaminsanahay inay wax hagaagaan mooyee, aanay waxba xumaanayn. Ee arintaasi waa muhiim oo waa in labada dhinacba fikirkaas ay taageeraan.
  3. In Dowladda federaalka ay ka fiirsato in ay  Hogaamiyayaashi dagaalka  dib ugu soo celiso boosaskoodi, oo waxaan ka codsaneynaa in  ay dadka hor keento wajiyo cusub oo aan  horey wax looga tirsaneyn, laguna kalsoon yahay aqoontooda iyo kartidoodaba.
  4. In halka ay nabad ilaalinta u joogaan ciidamada Itoobiyo, lagu badalo Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Afrikada kale oo dhan iyo Carabta. Ujeedadeydu maaha inaan taageerayo in Ciidamo shisheeye dalka la keeno, ee waa iga (Labo daran kala dooro).
  1. In dadka aqoonyahanada ah, ay arimahan ku baraarujiyaan bulshada, iyagoo weliba baaqyo wadajir ah u diraya dowladda Federaalka iyo Beesha caalamkaba.
  1. In Dowladda Itoobiya ruuxeeda laga dhaadhiciyo inay ilaaliso rabitaanka Bulshada iyo deris wanaagaba.
  2. In laga abaabulo Mudaharaadyo ka dhan ah Ciidamada itoobiya, dalka gudihiisa iyo dibaddaba, oo si nabad ah loo soo abaabulay, oo aan Violence aheyn.
  3. Soomaliyeey dagaal wax lagu keenayo ma jiraan ee waa in marka hore xal walba lagu raadiyaa si nabad ah.
  4. In Waxgaradka, Aqoonyahanada, Culimada, ururada Bulshada rayidka iyo dhammaan dadka caqliga ehelka u ah oo dhan ay si wadajir ah iyo si gaar gaar ahba  ay Dowladda federaalka  uga dhaadhiciyaan  fekerkooda ku aadan arimahan ku soo kordhay Soomaaliya.
  5. In Mas’uuliyiinta Dowladdu ay ka taxadaraan hadlada aan laga fiirsan ee saxaafada loo sheegayo sida kii mas’uulka Xuseen Ceydiid uu ka dhawaajiyay oo runti ahayd arin ay dadka Soomaaliyeed fajaciso iyo amakaag ku riday. Waxa haboon mas’uulku inay u diyaarsan tahay waxa uu ka hadlayo.
  6. In mar walba laga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo oo ay noqdaan kuwo laga taxadaray, oo laga eegay dhanka san iyo dhanka xunba.

Haddaba anigoo hadalkeyga soo gunaanadaya, ayaa waxaan leeyahay Soomaaliyeey wax walboo nagu dhacay waa wax innaga aynu isu keenay, oo haddii aynu ilaalin laheyn kala danbeynti, isqadarinta, midnimada, oo aynu qurunka Qabyaaladda iska deyn laheyn, waxa dhici laheyd inuu Allaah inoo naxariisto, oo ay musiibooyinkan ay na hareero mari lahaayeen. Hadda iyo dan aynu usoo jeesano sidi dalkeena looga saari lahaa ciidamadan Itoobiya innagoo isku duuban annaga iyo Dowladda federaalka ahba. 

Dowladda federaalka ah waxaan leeyahay, maanta wixi dhacay wey dhaceen, ee waa inaad eegtaan rabitaanka shacabka aad mataleysaan. Ogaada talaabo walboo aad u qaadaan xagga wanaaga waxey horseedeysaa in ay sumcadiini ay kor u kacdo, sidoo kale mid walboo aad u qaadaan dhanka xumaanta, waa mid magac xumo idiin horseedeysa, baal mugdi ahna idiin fureysa. Mar kale waxaan ku celinayaa iyadoo ayan faa’ido laheyn in waddankeena la keeno ciidamo ajnabi ah, haddii laga fursan waayo waxa aad u qurxoon in la keeno sidaan kor kusoo xusay Ciidamo isku dhaf ah, oo noo badala kuwan hadda jooga ee itoobiyaanka ah.

Soomaaliyeey waddanka haloo duceeyo in uu Allaah inaga qaado dhibaatooyinkan nagu habsaday, oo uu Allaah quluubteena isku soo duwo. Soomaaliyeey aynu iscafino, oo wixi dhacay wey dhaceen ee hadda aynu usoo jeesano sidi wax loo sixi lahaa. Soomaliyeey aynu taageerno mar walba wixi wanaag iyo kheyrka uu ku jiro, aynu si wadjir ah ugasoo wada jeesano dadka xumaanta ehelka u ah, ee aan dooneyn inaynu qaadno tallaabooyinka horumarka 

Hadalkeygi waa iga intaas, wixi wanaag ah aan sheegay, waxey ka sugnaatay Allaah, wixii xumaan ahna waa nafteyda iyo sheydaan. ( January 04/07 ) 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH