SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Madaxweyne Aadan : Mas'uul Naadir Ku Ah Mujtamaca Soomaalida

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Soomaali60@yahoo.com 


Maalmihii la soo dhaafay, waxay warbaahinta Soomaalidu hadalhaysay xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii u horreeyay ee Soomaaliya Mudane Aadan Cabdulle Cismaan ( Aadan Cadde), oo ku sugan isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Madaxweynaha oo aan badanaa wararkiisa la maqlin muddooyinkaan dambe intii ay socdeen colaadaha sokeeye, ayay Soomaali badani aad uga walwalsantahay xaaladda caafimaaddarro ee la soo deristay.

Xushmadda uu Mudane Aadan Cadde ka mudanyahay shacbiga Soomaaliyeed daraaddeed ayay ila qumanaatay inaan waxyar ka iftiimiyo shaqsiyaddiisii oo laga yaabo in aysan in badani ku baraarugsaneyn.

Inta aanan gudagalin ubucda qoraalka, waxaan ka sii afeefanayaa in aanan anigu aheyn taariikhyahan dabagalay taariikhda Madaxweynaha, taasoo ay mudnaanteeda leeyihiin aqoonyahannada arrimahaas baaritaannada ku sameeyay. Waxaanse jecleystay inaan si kooban u soo bandhigo qaar ka mid ah dhacdooyinkiisa ka marqaati kacaya tayada mas'uuliyeed ee mudane Aadan Cadde oo la dhihi karo waa mid naadir ku ah mujtamaca Soomaaliyeed. Hubaal, dhacdooyinkaani ma aha kuwii ugu wanaagsanaa amaba xulkii mas’uuliyad wanaaggii Madaxweynaha, laakiin waxaan shaki ku jirin iney yihiin kuwo xiiso badan oo tixgelintooda leh.

Mudane Aadan Cabdulle wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908dii. Wuxuu ka mid ahaa halyeeyadii Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL iyo aabbeyaashii salka u dhigay qaranka Soomaaliyeed. Mudane Aadan , waxaa loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya markii ay midoobeen labadii qaybood ee waqooyiga iyo koofurta, laguna dhawaaqay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee xorowday 1dii luulyo 1960 (Muuqaal Video ah).

Aaden CaddeSanadkii 1967, ayuu mudane Aadan Cadde xilkii ku wareejiyay Madaxweyne C/Rashiid Cali Sharma'arke(AHN), ka dib markii doorasho looga guuleystay. Wuxuu Mudane Aadan Cadde sidaas ku noqday Madaxweynihii ugu horreeyay qaaradda Afrika ee si xor ah loo doorto, si xor ahna xukunka uga dega. Arrinkaasi wuxuu sharaf iyo qaddarinba u soo jiidday guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna Mas’uulka indheergaradka ah. Madaxweyne Aadan cadde waxaa kale oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururka Midowga Afrika. Waxaa aad loo xusuustaa khudbaddii taariikhiga aheyd ee uu ka jeediyay shirkaas, kuna sheegay : in aysan Soomaaliya marnaba aqbaleynin in dhulka Soomaaligalbeed loo aqoonsado Itoobiya, isagoo si aad ahna uga soo horjeestay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigii u calaamadiyay, taasoo uu arkayay arrin lagu duudsiinayo umadda Soomaaliyeed ee dulman.

Dhacdooyinka wanaagga ah ee laga soo tabiyay Madaxweyne Aadan waa kuwo aad u fara badan, waxaanse jecleystay inaan akhristeyaasha u soo gudbiyo labo ka mid ah dhacdooyinkiisii naftiis-hurennimo, oo dhab ahaan laga dheehan karo, kartidii iyo niyadsamaantii uu Madaxweyne Aadan u hayay, uguna adeegayay dalkiisa iyo dadkiisa.

Dhacdada koowaad, waxay muujineysa doorkii uu Mudane Aadan Cadde ku lahaa aasaaskii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo waliba dhiirrigelintii iyo taageeradii uu mar walba la barbar taagnaa. Dhacdadaan xiisaha leh, waxaan in yar ka soo xiganeynaa qoraal dheer ku saabsanaa asaaskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo uu diyaariyay Mudane Axmed Sh. Xasan ( Hareed ) oo ka mid ahaa xubnihii lagu aasaasay ciidankaas. Waxaana qoraalkii Mudane Hareed uu uga hadlayay asaaskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ka mid ahaa:

"...... Waxaa taas ka sii xasuus iyo muhimad weyn, 24/05/63, waqtigii ciidanku qaaday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya mudane Aadan Cabdulle Cismaan iyo wafdi ballaran oo uu hoggaaminayay oo ka qayb galayey furitaanki shirkii lagu aasaasay Ururkii Midowga Afrika 25/05/63dii oo uu mudane Aadan Cadde noqday Madaxweynaha qura ee Afrikada madow oo watay diyaarad khaas ah oo wadatay astaantii dalkiisa oo misna ay duulinayeen ciidankiisu. Taasna waxay dalka iyo Madaxweynahaba u soo hoysay sharaf iyo qaddarin dheeraad ah kolkii ay arkeen wufuuddii soo dhaweyneysay ,dadweynihii iyo suxufiyiinti dunida inay diyaaradda wadeen duuliyeyaal dhuudhuuban oo Soomaali ah. Madaxweynuhu markuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuu saraakiishii diyaaradda ku qaadday mid mid ugu soo diray ammaan qoraal ah halka uu ciidanka u soo diray ammaan guud (solenne encamio)....."

Dhab ahaantii, ma fududa in waddan uu calanka xornimadu ka dulbabannayay muddo ka yar saddex sano uu ku tillaabsado guulo tan oo kale ah. Arrimaha sidaan oo kale taariikhiga ahi waxay u baahanyihiin geesinnimo iyo iskukalsooni lagu jiiro oo looga dultillaabsado caqabadaha ku horgudban guulaha lama illoobaanka ah ee la tiigsanayo.

Mudane Hareed oo ka warramaya go'aankii naftiishurennimada ahaa ee uu Madaxweyne Aadan Cadde qaatay ka dib markii xoogaa shaki ah la geliyay khibraddii duuliyeyaashii dhallinyarada ahaa ee Soomaaliyeed, sidoo kalena la sheegay in diyaaradda loo diyaariyay wafdiga ruuxeedu ay tahay mid gabowday oo aan lasyku halleyn karin, wuxuu qoray:

"....Waagaas xog lagu kalsoonaan karay ayaan ka ogaannay in rag ka tirsanaa wafdiga Madaxweynahu ay u soo jeediyeen inay nabad gelyadiisu ku jirto inuu Talyaaniga waydiisto diyaarad, intii uu raaci lahaa diyaaradda gaboowday oo ay duulinayaan rag khibraddoodu ku siman tahay saddex sano. Soo jeedintaas madaxweynuhu wuxuu uga jawaabay, “Oo yaa annaga ka wanaagsan oo ay ku barbaran lahaayeen.”."

Cajiib !! Madaxweynihii Qaranka ayaa naftiisii u hibeeyey in ay wax ku bartaan dhallinyaro uu u diyaarinayo in mustaqbalka ay difaacaan dalka, dadka iyo diinta. Wuxuu diiddanyahay inuu niyadjebiyo dhallinyaradii u dhaaratay badbaadinta qarankooda, kana doorbido duuliye shisheeye. Diyaarad gabowday oo shaki la geliyay iney masaafo dheer duuli karo ayuu ka doorbidayaa inuu dalbado diyaarad shisheeye oo loogu deeqo amaba uu doollar badan oo ay danyartu u baahneyd ku bixiyo. Maalinba waa maalinteedee, meesha uu maanta xaal marayana Soomaaliyey ishaa macallin ah!! Malaayiin ayaa la sheegayaa iney ku baxday, safarro loo galay magaalooyin Soomaaliyeed oo isku Muuqda. Raqba waa ku raggeed !!

Waxaa haddaba in la is weydiiyo mudan, saameyn intee la eg ayuu go'aankaas geesinnimada leh ee Madaxweynuhu ku yeeshay dhallinyaradii uu maalintaas naftiisa ku aaminay iyo guud ahaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed? Waa kan mar kale, Mudane Axmed Sh. Xasan ( Hareed) oo arrinkaas wax ka qoray:

"Geesinimadii Madaxweynuhu aad bay noo dhiiri gelisay, waxayna nagu abuurtay farxad, isku kalsoonaan iyo isxilqaamid dheeraad ah, maantana Rabbi wuxuu idmay inuu asagii weli noolyahay, halka saraakiishii maalintaas diyaaradda ku wadday iyo kuwii ra’yiga u soo jeediyayba aan waqtigaan midna ka nooleyn. Diyaaraddiina waxaa hawlgab laga dhigay Juun 1972dii iyadoo weli hawl gal ah, laguna beddelay diyaaradihii AN 24 ee ku caanka baxay “Shabeelleeyda."

Rabbi (swt), ayaa qofkuu doono dila, kuu doonana daaya. Dabaabbaad lagu dhuunto iyo ciidan laysku deyro midna geerida loogama gabbado, waxayna dadnimadu ku jirtaa in qofka mas’uuliyaddu ay saarantahay intii uu geeri ka baqi lahaa, uu ka baqo guullihii uumay. Aakhiro waa lama huraan.

Dhacdada labaad, ee aan rabo inaan qoraalkaan ku xuso waa mid dhacday biloowgii sanadkii 1991dii, oo ka mid ahaa xilliyadii ay dagaallada sokeeye ee Soomaalidu ugu ba'naayeen. Waxay aheyd xilli boob iyo bililiqo baahday ay jirtay, haba ugu sii darnaato hantidii guud een qarankuye. Waxaa waliba la yaab iyo amakaag sii lahaa in kuwa ugu darnaa ee boobka geysanayay ay ugu horreeyeen dad mas’uuliyiin ku magacownaa iyo ciidamadoodu. Kuwaas oo ku qamaamayay meelihii ay hantida qaranku ku keydsaneyd sida bangiyada. Runtii wuxuu ahaa waqti culus oo ay adkeyd inuu qofna ku fekero badbaadin hanti qaran, xaalna wuxuu taagnaa, i bixiyow i bixi !! .

Bal aan qiyaasno, qofka maalintaas inta bangi hor istaaga yiraahda " Waa hanti qaran ee ha la badbaadiyo ". Haddiise uu qofi sidaas ku dhiirrado oo uu naftiisaba quuro, ma dhici kartaa in dadka qamaamaya ee boobka u soo xaydxaydtay ay u dhago nuglaadaan oo ay dhawaaqiisa maqlaan? Haddey jawaabtaadu tahay maya , fadlan ha degdegin !!

Febraayo 16, sanadkii1991dii, labaatan maalmood ka dib burburkii maamulkii kacaanka, waxaa Muqdisho kulan isugu yimid mas'uuliyiin ka socda maamulkii kumeelgaarka ahaa ee xilligaas la dhisay oo uu horkacayay Ra'iisulwasaarihii maamulkaas Mudane Cumar Carte Qaalib iyo guddi ay iska soo xuleen ardaydii Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Machadyada la siman. Ujeeddada kulanku waxay aheyd in laga doodo qorshaha ammaanka caasimadda oo ay nabadgalyadeedu faraha ka sii baxaysay. Waxay ardaydu soo jeediyeen in gebi ahaanba ciidamada beelaha laga saaro caasimadda oo ay dhac,dilal iyo kufsi fara badanba ka geysteen, laguna aruuriyo xerooyin magaalada bannaankeeda ku yaallay. Taas baddalkeedana caasimadda ay si iskaa-wax-u-qabso ah uga howlgalaan kumannaan ardaydii gurmadka qaranka soo martay ah, oo xilligaas tiro badan oo ka mid ahi ay muddo todobaad gudihiis ah isku soo diiwaangeliyeen.

Dood dheer ka dib, Mudane Cumar Carte ayaa gabagabdii shirka ka sheegay In uu si aad ah ugu qanacsanyahay abaabulka ay sameeyeen ardaydu, uusanna fileynin iney jiraan dhallinyaro xilligaas ciriiriga ahaa ka fekereysa badbaadin qaran. Isagoo muujinaya taageeradii uu arrinkaas u hayay ayuuna sii raaciyay:

" Haddaan runta idiin sheego maanta hanti qaran Soomaaliyeed waxaa ka badbaadday oo dhaqaale laga hayaa, 90 Milayan oo Shilin Soomaali ah, oo uu madaxweyne Aadan Cadde ku badbaadiyay bangiga Qoryooley. Dhaqaalahaas isaga ah ayaanan ku taageeri doonnaa qorshaha nabadgelyada caasimadda ee aad soo jeediseen. Waayo Muqdisho oo hagaagtaa waa waddanka oo hagaagay".

Nasiibdarro, Qorshahaas nabadgelyo oo ahaa mid wax badan lagu badbaadin karay, waxaa si aan gabbasho laheyn u hor istaagay xooggagii loollamayay ee ururkii USC oo u arkay mashruuc aan waafaqsaneyn danahoodii gaarka ahaa ee dahsoonaa. Hantidii qaran ee uu Madaxweyne Aadan Cadde badbaadiyayna Alle iyo intii ay gacanta u gashay ayaa meeshii u dambeysay og.

Sida kor ku xusan, waxaa noo cad in mar kale mudane Aadan isagoo ay da' diisu kor u dhaaftay 80 sano uu u tukubay bangigii Qoryooley una u bareeray halista noo wada muuqata si uu u badbaadiyo hanti qaran. Isxilqaankaas Alle weyne wuu ku garabgalay, wuuna ku xiltiray! Geesi Alle ma xilo !! Isaga iyo intii arrintaan taariikhiga ah kala shaqeysayba Rabbi ha ka abaalmariyo wanaaggii ay dadkooda u faleen.

Madaxweyne Aadan, xilliyadii dagaallada sokeeye marna kama qaxin dalkiisa, wuxuuna si kalsooni leh ugu noolaa beertiisa ku taalla Jannaale, gobolka SH/Hoose. Aaminnimadii iyo adeegiisii hufnaa ee umaddiisa ku maamulayna wuxuu ku muteytay qaddarin heer qaran ah iyo waliba mid heer caalami ah. Dagaalladii sokeeye, qabiilooyinkii dagaallamayay ee beertiisa marba dhan iskula dhaafay dhibkoodii Rabbi waa dhinac mariyay. Magaciisa la xushmeeyo iyo maamuuska uu ku dhexleeyahay mujtamaca Soomaaliyeed ayaana u noqday madfac cabbeysan oo ay cid walbaaba ka gabbato.

Taariikhda Madaxweyne Aadan ma aha mid hal qoraal wax looga iftiimin karo, waana mid mudan in la qoro oo la keydiyo si ay duruus ugu noqoto jiilka soo koraya ee mustaqbalka. Taariikhda halyeeyadii Soomaaliyeed iyo waxqabadkoodii oo la qoraa waxay qayb ka noqon kartaa soo nooleynta niyadda sii dhimaneysa ee dadka Soomaaliyeed. Jiilasha mustaqbalkuna waxay yeelan doonaan kalsooni iyo ku dayasho wanaagsan oo ay asaaggood wax kula qaybsadaan.

Gabagabadii, mid ka mid ah maahmaahyada Soomaaliyeed ee xikmadda badan ayaa leh "Nin xilqaaday eed qaad". Macnuhu waa ninkii xil qaadaa waa eedeysane. Eeddaasi ha ahaato mid jirta ama yeysanba jirine. Marka taas la qiimeeyo waxaa hubaal ah in ay jiraan gefaf iyo eedo laga tirsanayo intii maamulka uu hayay Madaxweyne Aadan Cadde. Waxayse ila tahay in caddaaladdu ay tahay in qof walba la miisaamo oo la is barbardhigo wixii uu sameeyay iyo wixii uu halleeyay, natiijada halkaas ka soo baxdana wax lagu xukmiyo oo wax lagu qiimeeyo.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Aadan, wuxuu isagoo waayeel ah da’siisuna ay 100 sano sii cagacageyneyso ( Alle ha u barakeeyee) ku xanuunsanayaa dal shisheeye. Waxaa haddaba ila habboon inaan u duceyno , una rajeyno caafimaad degdeg ah. Intii uu maamulka waddanka hayay iyo wixii ka dambeeyayba, waxaa la sheegaa inuu Mudane Aadan goor walba u duceyn jiray dadkiisa. “ Ilaahayow Soomaalida dad ka dhig !! “ ayaana ka mid ahayd ducooyinkii ay ka soo wariyeen taariikhyahannadu.

Waxaan Madaxweynaha Alle weyne uga rajeynayaa caafimaad degdeg ah. Sidoo kalena, waxaan Rabbi ka baryayaa inuu degdeg umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan umadda Islaamka ah ee dulmanba uga dulqaado culeyka uu cadowgoodu ku hayo, kuna hanuuniyo jidkii ay aakhiro iyo adduunba ku badbaadi lahaayeen.

----------------------------------------

Muuqaal Video ah : 1dii luulyo 1960

--------------------------------------

Gabay: Go’aan Qaran: Gabaygu wuxuu jawaab u yahay gabaygii M. Xirsi.. Akhri ama
NEWSDhegeyso


Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com 

Jun 7, 2007

Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri

Bannaanbaxii London iyo sawiradii halkan ka daawo

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com