SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 28, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (87), Muqdisho (91), Beledweyne (94), Baydhabo (102),  Galkacyo (123),
Sarbeebtii Diinaari

WARARKII: March 28, 2007

Ciidamada Itoobiyaaan ah oo soo galay Kulliyaddi Hore ee Jaalle Siyaad..


Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan hub culus ayaa soo galay Kulliyaddii hore ee Jaalle Siyaad kaddib markii ay halkaasi ka saareen ciidamadii Soomaalida ahaa.

Dadka Deegaanka ayaa waxay walwal ka muujiyeen ciidamadaan cusub ee Itoobiya.

Mar aan xiriir la sameenay aagaasi ay ciidamada Itoobiya soo galeen waxay noo sheegay dadka deegaanka in Ciidamada Itoobiya ay doonayaan in ay ka dhabeeyaan heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay la galeen Odoyaasha Beelaha Hawiye. [Shalay waxaa buuxsamey saddex bilood oo Ciidamada Itoobiya ay xoog ku haystaan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho).

Dad fara badan ayaa dib ugu soo laabtay guryahooda magaalada Muqdisho, markii afartii maalmood ee ugu dambeysay aysan wax dagaal ah ka dhicin Magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxay qarixii ka dhacay Xerada Darmooleey..

Ilaa iyo hadda Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xerada Darmooley ayaa waxay weli xayiraad ku hayaan gawaarida isaga kala gooshta wadadaas, iyagoo diiday in gawaaridu halkaasi isticmaalaan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarixii ka dhacay xeradaasi, qaar waxay sheegayaan in Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu galay xeradaasi kadibna uu halkaasi ku qarxay.

Qaraxaasi ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in uu gaystay khasaarooyin isugu jira naf iyo maal, waxaana loo diiday in ay xeradaasi galaan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Qaraxaan ayaa ah kii ugu horeeyey oo loo gaysto Ciidamada Itoobiya tan iyo markii ay heshiiska xabad joojinta ah wada galeen Beelaha Hawiye.

Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo haatan ka hadlin qaraxaasi, waxayna dadka deegaanka ay ka codsanayaan Dowladda in la qaado xayiraada Gaadiidka ee wadada Balcad iyo Muqdisho, waxaana saakay Magaalada aan soo gaarin qudaartii iyo caanihii ka imaan jiray deegaanada ku dhow dhow Magaalada Balcad.

Ciidamada Itoobiya ee ku jira xeradaasi ayaa la sheegay in ay baaritaan ku hayaan qaraxaasi oo ahaa mid aan u weynaa.

Saraakiil ka tirsan Uganda la kulmaya Odayaasha Beelaha Hawiye ..

Saraakiisha Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kulan balaaran la yeeshaan Odoyaasha Beelaha Hawiye, waxaa la sheegayaan in kulankaan la iskula soo qaadi doono xaalada nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa dalbaday saraakiisha Ciidamada Uganda, waxaana la filayaa in ay ka soo baxaan go’aano waxtar u leh nabadgelyada Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayey ahayd markii Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay heshiis xabad joojin ah la saxiixdeeen Odoyaasha Beelaha Hawiye kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii ka socday Magaalada Muqdisho oo gaystay khasaarooyin naf iyo maalba isugu jira iyo waliba barakac aad u xoonga.

Afartii maalmood ee ugu dambeysay Magaalada Muqdisho waxay u muuqatay mid degan, waxaana la arkayey dad dib ugu soo labaanaya Magaalada Muqdisho, oo iyagu ku soo rafaaaday deegaanadii ay u qaxeen, waxayna qaarkood ku dhawaaqayeen “qax waxaan nooga roon Hoobiyaha”.

Maxaa ka soo baxay kulankii C/llaahi Yuusuf iyo Hoggaamiye Kooxeedyada...

Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta Madaxtoonyada ee Villa Somalia kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Hogaamiye kooxeedyada, waxaana kulankaasi looga hadlay Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho, iyo sidii ay Hogaamiye kooxeeyadu uga qayb-qaadan lahaayeen xasilinta Magaalada iyo ka qayb-qaadashada shirka dib u heshiisiinta ee la filayo in lagu qabto Magaalada Muqdisho 17-ka April oo ay ka harsan tahay maalmo aad u yar.

Kulankaan ayaa hogaamiye kooxeeyadii ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Max’ed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cabdi Nuure Siyaad, Cumar Finish. Kulankaan oo qaatay saacado ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, qaar waxay sheegayaan in Hogaamiye kooxeeyada ay Cabdullaahi Yuusuf ka dalbadeen in uu hubeeyo, isla markaana uu u tababaro ciidamo gaaraya ilaa iyo 3-kun sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in ay C/llahi Yuusuf ka dalbadeen kharashka lagu tababarayo ciidamadaasi iyo waliba kharashka lagu gado hubkaasi, warar kale oo aanu ka helnay dhinaca madaxtoonyada ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf ay hogaamiye kooxeeyada u soo jeediyeen in uu la heshiisiiyo ama uu la kulmo odoyaasha Beelaha Hawiye oo iyagu heshiis xabad joojin ah la galay ciidamada Itoobiya.

Muuse Suudi ayaa la sheegay in uu C/llaahi Yuusuf u soo jeediyey in uu la heshiiyo dhamaan dhinacyada Siyaasadda ee isku haya Soomaaliya si loo gaaro dib u heshiisiin dhab ah.

Xuseen Max’ed (Xuub-Sireed) oo ah afhayeenka Madaxweynaha DFKMG oo isna wax laga weydiiyey kulankaasi waxyaabihii la iskula soo qaaday ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi xoogiisu uu ahaa sidii Hogaamiye kooxeeyadu uga qayb-qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalida Magaalada Muqdisho, waxa uuna beeniyey in Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf loo soo jeediyey in uu wada hadal la furo Odoyaasha beelaha Hawiye, hase yeeshee Xuub-Sireed waxa lag asoo xigtey in uu sheegay in mar kasta uu la shirayo Madaxweynuhu Odoyaasha Beesha hawiye.

Wafdi ka socda Midowga Afrika oo ku soo fool Muqdisho..


Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP

Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Dad ka qaxayey Muqdisho, Mar 25, 2007. Sawirka: AFP

Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in wafdi ka socda Midowga Afrika uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, wafdigaasi ayaa u kuurgalaya xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho iyo waliba sidii uu u dhacay heshiiskii xabad joojinta ee ay wada yeesheen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Ciidamada Itoobiya.

Wafdigaan ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay isla soo qaadi doonaan shirka dib u heshiisiinta ah ee la filayo in 16-ka April lagu qabto Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay Madaxweynaha u gudbin doonaan talooyin la xiriira shirkaasi.

Wafdigaan ayaa waxay kulamo la yeelan doonaan sidoo kale Odoyaasha Beelaha oo iyagu suurtageliyey in ay joogsadaan dagaaladii ka socday Magaalada Muqdisho, isla markaana ay dib Magaalada ugu soo laabteen dadkii fara badan badnaa ee ka qaxay Magaalada kuwaas oo gaaray intooda badan.

Ganacsatada oo joojiyey waxyaabihii ay kala soo degi jireeb Dekedda..

Kulan ay shalay isugu yimaadeen ganacsatada Gobalka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay canshuur lagu kordhiyey waxyaabaha laga soo dejiyo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxayna ganacsatudu is tusiyeen in canshuurtaasi ay tahay mid xad dhaaf ah oo aysan xamili Karin.

Ganacsatada waxay sheegeen in shey kasta laba jibaar lagu daray canshuurtiisii, waxayna aaqiritaankii isku raaceen in aysan waxba kala soo degin dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda Dowladda Federaalka ah wax war ah kama soo saarin go’aanka ay qaateen ganacsatadaasi, waxaana maalmahan kor u sii kacayey maciishadda Quutuldaruuriga.

Markii ay Maxaakiimtu joogeen ayaa Tariifada laga qaadi jiray ganacsatada waxay ahayd mid aad u hooseysa waxaana Magaalada Muqdisho si weyn looga dareemay maciishaddii oo hoos u sii socota.

Dekedda weyn waxaa gacanta ku haya ciidamo ka socda dalka Uganda, ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin Joojinta ay ganacsato joojiyeen badeecooyinkii ay kala soo degi jireen halkaasi.

Boqol qof oo isugu jirta Soomaaliya iyo Itoobiyaan oo lagu daadiyey Xeebaha..

Wararka naga soo gaaraya dalka Yemen waxay sheegayaan in xeebaha dalkaasi ay ku geeryoodeen ilaa iyo boqol qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, kadib markii si xoog ah badda loogu daadiyey.

Xeebabaha dalka Yemen waxaa harqiyey mayd badan oo dul sabeynaya Badda dusheeda, qaar ayaa la sheegay in uu cunayey bahalka Libaax Badeedka.

Dadka u tahriibaya dalka Yemen ayaa sii kordhay tan iyo markii ay dagaaladu ka soo cusboonaadeen Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka cararayey xabadaha ay is weydaarasanayeen dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho, waxaana haatan Boosaaso ku sugan dad badan oo u tahriibaya dalka Yemen, iyadoo dhawaan maamulka Puntland uu xirxiray dad gaaraya ilaa iyo 300 oo dhallinyaro ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 28, 2007

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com