SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaaliyeed:
  • Gaalkacyo: Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran yahay - 25/05/2007, Jimce.
  • Maxaabiis lagu qabtay Dhahar oo lasiidaayey
  • Safiirka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Masar oo xoriyadiisii loo celiye...

  • Humanitarian Situation Report on Somalia 25 May 07 - OCHA

Garoowe: Dhibka uu Qaadku ku hayo Bulsho-Weynta Soomaaliyeed:

24/05/2007: Hal ruux ayaa ku geeriyooday, laba qof oo kalena waa ku dhaawacmeen gaari Qaad-wale ah oo gadoomay tuulada 22-aad oo dhinac Bariga ka xigta Garoowe.

24/05/2007: waxaa ku dhintay magaalada Garoowe nin ka tirsan ciidanka Madaxtooyada oo siduu u qayilayey uu wadnuhu istaagay.

24/05/2007: waxaa Garoowe isku diley labo nin oo dhalinyaro ah, oo ka wada tirsanaa maqaasinka Qaadka ee Garoowe, waxaana geeriyooday mid ka mid ah.

Muddo aan fogeyn waxaa dhaawac culus ka soo gaarey nin oday ah oo dhexdhexaadinayey dhalinyaro Qaad isku haysatay tuulada Kala-Bayr ee Gobolka Nugaal.

Waxaa sidoo kale dhowaan isku sigtay Garoowe, dhalinyaro Qaad-walayaal ah oo ay soo kala dhexgaleen odayaasha iyo Waxgaradka.

Mar aan sidaas u sii fogeyn waxaa lagu diley nin dhalinyaro ah oo qaad-wale ahaa tuulada Kala-Bayr ka dib muran qaad, isla mar ahaantaasna waxaa loo qisaasay ninkii dilka gesytay.

Haddaba, Qaadku wuxuu dhib-weyn ku hayaa:

  • 1. Diinta
  • 2. Dadka
  • 3. Dalka

1. dhinaca Diinta: qaad-waluhu waxay caadaysteen in ay caayaan diinta markasta oo ay iscaayayaan dhexdooda , iyagoo aflagaadheeya Diinta iyo Rasuulka(SCW).

2. Dhinaca Dadka: Qaadku wuxuu ku hayaa caafimaad-daro, nadaafad-xumo iyo dhimasho iyo dhaawac joogto ah.

3. Dhinaca Dalka: Qaadku wuxuu hoos u dhigay dhaqaalihii dalka ee guud iyo kii qoyska.

Qaadka waxaa ku guuldaraystay in ay joojiso dowladdii hore ee Soomaaliya , taasna waxaa loo anaynayaa iyadoo ay cuni jiteen qaar ka mid ah madaxdii sar-sare ee dowlada, waxaana loo soo gelin jirey dalka si kootara-baan ah.

Midowgii Maxaakiimta Islaamka oo ka talinayey gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya mudada lixda bilood ahayd ayaa waxaay ku guuleysteen in ay joojiyaan Qaadka, waxaana yaraaday khasaarihiisii , dadkii cuni jireyna waa ka raysteen.

Nin kasta oo Qaadka cuni jirey wuxuu ku bedelay lacagtii Qaadka in uu qoyska siiyo, waloow ay jiraan kuwa kale oo u haajirey goobo ay ka helaan iyo kuwo ka mudaharaaday, ayna ka xanaaqeen ganacsatadii Qaadka ee Kenya iyo Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee, Qaadku wuxuu ka mid yahay afartii dhib-wade ee uu sheegay Abwaan, Abshir Bacadle, oo kala ah: Qaad, Qori, Qab-yaalad iyo Qab-qablayaal.

Wararka kale ee DGPL.

Waxaa Jimacadii May 25 la siidaayey 2 nin oo maxaabiis ah oo lagu soo qab-qabtay dagaalkii ku dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Puntland Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag Bari, Labada nin ee lagu soo qabqabtay dagaalkii Dhahar ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi Maxamed Bile (Cabdi Gurey) iyo Maxamed Cabdullaahi Ismaaciil (Alloore).

Dhanka kalena waxaa jira warar sheegaya in xoriyadiisii loo soo ceshay safiirka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan dalka Masaarida Saciid Maxed Mursi oo loo haystay lacag lagu sheegay in laga sugayey in loo bixiyo madax furahso ahaan.  Laakiin DGPL waxay soo saartay way ay ku sheegtay in wararkaasi in safiirka la xiray ay yihiin been abuur oo aan waxba ka jirin.

Gaalkacyo: Maalintii 2-aad oo ganacsigu xiran yahay - 25/05/2007, Jimce.

Gaalkacyo:Waxaa xiran maalintii 2-aad goobaha ganacsiga waa-weyn sida Farmashiyaasha, Bakhaarada Raashinka iyo kuwa Qalabka, ka dib markii muran xagga canshuuraha ah soo kala dhex galay ganacsatada iyo maamulka Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, C/rashiid Cali Xaashi(Dhuubane) ayaa ku eedeeyey in arintaan ay ka dameeyaan koox ganacsatada ka tirsan oo gacan la leh dad kale, arintaas oo ay beeniyeen ganacsatadu, kuna sheegeen in arintu aysan dhaafsiisanaayn oo kaliya is-fahan la'aanta ka taagan dhinaca canshuuraha oo ay sheegeen in lagu kordhiyey iyo wax ay ganacsatadu ugu yeereen (macayshul-macaash ) ama in ay wax ka siiyaan maamulka faa'iidada ay ka helaan ganacsigooda.

Maxamuud Cumar Bille
Garoowe
mbille@gmail.com

Maxamuud Cumar Bille
Garoowe
mcbille
mcbille@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com