XABASHI
IYO DAMEERABA OODDA U DHOW BAY
CUNAAN !!
Mohamed-Deeq
Abadi-madar ”Haldhaa”
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Dec
9, 2006
Markii uu dhacay shirqoolkii Gurdumi
ee la rabay in Sayid Maxamed lagu
dilo ayuu isagiina ka aarsaday oo ku
sameeyay dhacdadii ”Gondo-gooye”.
Gonda-gooyena wuxuu keenay inay
colaadii Sayidka iyo Ogaadeenka sii
korodho, oo ay gaadho meel aad iyo
aad u fog. Odayaashii Maxamed Subeyr
waxay go'aan ku gaadheen inay
Sayidka u raadsadaan cid ka celisa
oo dawlad ah, maaddaama oo aysan
iyagu iskacelin karin. Waxayna u
tageen xabshi oo dameero saaran oo
xittaa aan heli karin Baqalo iska
daayee Fardo, oo markaa joogtay meel
Adari “Harar“ wax yar ka sokaysay.
Xabashidii markii loo tagay,
arrintaas aad ayay u soo dhowaysay,
sababtoo ah waaba waxay rabtay inay
sii durugto oo dhulka Soomaaliyeed
ee muddada laga hortagnaa ay gasho.
Waxayna shuruud uga dhigtay inay
bixiyaan Gibir(Canshuur) ah xoolo ay
ciidamada Xabshida ee difaacaya
cunaan, taasna Ogaadeenkii way la
ogolaadeen. Caqliga Alle idinka qaad!
Maalintaas ayaa ugu horraysay
Xabashi hoos u soo dhaafta magaalada
Jigjiga. Sidii bayna illaa iyo hadda
u joogaan.
Haddaba
nimankii Xabashida u yeertay ee kula
heshiiyay inay canshuur siiyaan
ciidamada Xabashida, waxay
xabashidii kala kulmeen wax aad iyo
aad u fool xun iyo gumaysi kan ugu
xun adduunka. Waliba waxay la
kulmeen markii uu Sayid Maxamed
dhintay ee ay Daraawiishtiina
burburtay.
Waxayna shacabkii ku billaabeen inay
xidhxidhaan oo iska laayaan, hubka
iyo xoolahana ka dhacaan, iyagoo
degmo kastaa u sameeyay nin madax ah
oo iyaga raacsan. Waa caadadeed oo
kama guurtee waxay dhibki iyo
rafaadkii kula kacday oo uguba
horraysiisay raggii madaxda ahaa ee
iyada markii horeba keensaday.
Waxaa magaalada Qabridahar ka
dhacday arrin taariikhda gashay oo
aan marnaba la illaawin, waxayna
waliba ku biirtay diiwaanka murtida.
Arrintaasu waxay ahayd;- Nin ka mida
raggii odayaasha ahaa ee Xabashida
keensaday ayay maalin waxay ku
qoonsattayba, suuqa Qabridahare
badhtankiisa ku garaacday, iyadoo
waliba aad iyo aad suuqa loo buuxo.
Markii ay ushii ku billaabeen ayaa
afka ma uu yaqaanee, wuxuu mid ka
mida dhalin-yaradii magaalada oo
iyagu afka dhaqso u bartay siday u
dhex galayeen Xabashida, ku yiri war
igala hadal... War igala hadal......
War igala hadal... adigaa afka
yaqaanee. Wiilkii oo ahaa mid aad
iyo aad u maskax badan kana xumaa
gumaysiga ay odayaashu keeneen ayaa
ku yiri;-“Afkaad Harar kaga keentay
kula hadal!!“.
Allaylahay abaalkooda ayaa helay.
Iyaga kaligoodna ma ahaynee cid
kastoo Xabashi soo wadata aakhirkii
iyada uun bay dishaa. Taasna waxaa
inoo caddaynaya, markii ururka SSDF
ay soo kaxaysteen Xabashida si ay
xukunka Siyaad Barre uga tuuraan,
waxay u diideen awooddii jabahadnimo,
is faham xumi weynna uu ka dhex
abuurmay. Sababtoo SSDF waxay rabtay
inay xukunka Siyaad burburiso,
Xabashidana ay arrintaas u kaashato.
Xabashiduna waxaya rabtay iya
waddanka Soomaaliyeed inta ka maqan
qabsato iyadoo SSDF ugu dhuumanaysa.
Taasna waxay aad u muuqattay
markii ay SSDF-tu magaalo qabsataba
oo ay rabto inay calankooda ka
taagtaan ayay Xabashiduna intay kan
SSDF ka siibto keeda ka taagi
jirtay. Waxay kaloo u diidday inay
iyagu maamulaan, magaalooyinkii la
qabday sida, “Gol-dogob iyo
Balanbal“. Khilaafkaasuna wuxuu
markii danbe ku danbeeyay in
guddoomiyihii SSDF C/Laahi Yuusuf
lagu tuuro Xabsiga Xabashida, kaasoo
ahaana ninkii ugu horreeyay ee
Xabashi inta u galay la soo safray.
Waxaa kaloonu ognahay in jabhadda
SNF ee uu guddoomiye u ahaa Cumar
Xaaji ay u yeerteen 1996kii iyagoo
kula dagaalamayay ururka Al-itixaad
ee gobolka Gedo. Hadaba maxay
iyaguna ku danbeeyeen?!. Waxay ku
danbeeyeen fool-xumo nooca ugu
daran, waxayna gaareen saraakiishii
iyo jananadii ururka SNF inay
suuqaqa gobolka Gedo dhexdiisa ku
garaacaan wiilal yar yar oo injir
leh.
Waliba waxaa taas kaba sii
darraa in maamulkii iyo hawlihii
socdayna waxba aan looga ogolaan,
illaa markii danbe uu Cumar Xaaji
intuu cararay uu Baar-dheere kaga
khudbeeyay:-
“Cadaw aan Xabashi ahayn ma lihin“,
Shalayna wuxuu lahaa:-
“Cadaw aan Itixaad ahayn ma lihin“.
Waxaa kaloonnu ognahay in xilligan
hadda lagu jiro ay wali sidii u
haysto iyadoo ururkii SNF laba
garab ay u kala jabeen, waxayna ka
dhistay maamul raacsan dawladda
Xabashida.
Waxaa kaloo iyadana jirta in
jabhadihii Bay iyo bakool raggii
xukumay oo uu ka mid ahaa Shaati
Guuduud iyo Xaabsade iyo Sheekh
Aadan Madoobe aysan maanta faraha ku
hayn degaankii ay ka dhasheen ee ay
iyagu ku amarku-taaglayn jireen.
Maantana meel kastoo muhiim ah ay
xabishidii ku maamulayso.
Maanshe Soomaalidu tiri:-
“Xabashi iyo dameeraba oodda u dhow
bay cunaan”!
Wallee waa run, saa ruux aan u
dhowayn ama aan soo dhowaysan waxba
ma yeeshee. Horaase loo yiri,:-
“Sooaamlidi been way sheegtaa,
laakiin been ma maahmaahdo“.
Waxay
kaloo Soomaali horay u dhaneen,
iyagoo hees ku sheegayay,
Nin Abeeso koriyoow
Adigaa u aayiyee
Axdi malahan Xabashida
Lagu aaminaayee.
Mohamed-Deeq Abadi-madar ”Haldhaa”
Chairman of
The Somali Social Democrats’ Party
(SSDP)
Borlänge, Sweden
haldhaa35@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006