Warbixinta
Raashin Qaybinta Sh/Hoose
Waxaa
gobolka Sh/Hoose qaybo ka mid ah Shaqo kaalmo qaybin ah ka
fuliyey Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed oo uu
hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Sh. Axmed Maxmed Suleymaan,
isagoo ay hawshaas u wakiisheen Guddiga Fatahaadaha &
Gargaarka Deg degga ah ee Midowga Maxaakimta Islaamiga ah,
howshaas oo socotay muddo 13 maalmood oo ka bilaabata
30/11/2006 ilaa 12/12/2006, ayaa waxaa laga fuliyey meelaha
fatahaadda webiga Shabeelle iyo daadadka Roobabka aad u
saameeyeen ee gobolka Sh/Hoose ka mid ah , gaar ahaan
Degmooyinka kurtunwaareey , Janaale iyo Tuulooyinka raacsan
oo isu geyntooda gaareyso ilaa 28 degmo iyo tuulo, waxaana
ka mid ah degmooyinkaas Al-Mustaqbal, Duuraay, Buulo warbo,
k/waarey, Afgooye yareey, Banaaney Cadimoole, Malable,
Janaale iyo kuwo kale.
Tirada Raashinka la gaarsiiyey waxay dhan tahay 158.53 tan ,
oo isugu jira galley, Timir, Saliid, Dhar, Maacuun, Maro
kaneecooyin, Baco iyo Raashin kale, waxaana loo qaybiyey dad
tiradooda gaareyso 16,000 qof.
Qaybinta raashinka waxay u dhacday si aysan weligood arag
dadka halkaas ku dhaqan oo caddaalad ku saleysan , waxayna
aad ugu duceeyeen dadka walaalahooda ah ee deeqdaas u
fidiyey.

Deeqdan
waxay isugu jirtay mid ay urursheen shacabka Soomaaliyeed
dibad iyo gudaba iyo mid ay ku deeqday Jimciyadda Al-Xunayn
Al-kheyriyah.
Waxaana
qaybinta musaacadaadkaas gacan ka geystay Maamulada Gobolka
Sh/Hoose iyo Hay'adda C E D oo iyadu Doonyo lagu daabulo
kaalmada ku deeqday meelo ka mid ah dhulkaas .
Xaaladda Goobahaas
Meelaha
ugu daran fatahaadda Webiga iyo Roobabka waa deegaanka
raacsan Degmada k/waarey, iyadoo ay Webiga ka goosteen faro
gaaraya ilaa 5- Farood oo qaarkood si xoog ah u socdaan,
meelihii beeraha ahaan jiray qaarkood ayaa isu bedelay Bad
doonyo loo adeegsado ,Sida aagga Tuulada Al-Mustaqbal iyo
Buulo xaaji aagga janaale iyaga beeraha waxaa gooyey daadad
roobab Sababeen.
Hadaba dhibaatada u daran hadda waa :-
1 -
Faraha webiga ka goostay oo raba in si dhakhso ah loo xiro
2 - Dadka gobolka oo guud ahaan macluul hayso mar hadii
intii badneyd beerahoodii Roob iyo biyo Webi gooyeen.
3 - Waxaa
goobahaas faro baas ku haysa kaneeco aad u tiro badan oo
sababeysa cudurka Mallaariyada , waxaa kaloo jira cuduro
kale ,Sida Shubanka T.B-da, Nafaqo darida Iwm.
4 - Jidadka isgaarsiinta oo aad u liita una baahan dayactir
, hadii aan toos wax laga qaban xitaa kaalmada meelo badan
lama gaarsiin karo.
Baaq
Waxaan
Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay sii laba laabaan
kaalmo ururinta inta xaaladdu taagan tahay, intii horey wax
ka geysatayna waxaan leennahay kheyr Alle ha idinka abaal
mariyo.
La soo xiriir:::- Tel: 854155, 235646, 930773: Mobile:
577471 ,506308 , 987371
Kunasoo hagaaji wixii tabarrucaad ah
Accounada, G.S.H.S
Qaran Express |
117 |
Dahabshiil
Bank: |
2283 |
Amal Bank: |
11073 |
Global Money
Transfer : |
21042 |
Mustaqbal Bank |
22315 |
Tawakal Bank |
309 |
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 19, 2006


|