- MAXKAMAHDAHA
OO SI RASMI AH U MABNUUCAY IYO QAAD KALE OO MAANTA LAGU GUBAY K.M. 60.
- LIIBIYA OO
BEENISEY INAY MAXKAMADAHA TAAGEERTO.
- ISBITAALKA CARAFAAT
OO GALABTA LAGU SOO GABAGABEEYAY HOWL INDHO FIIQID AH OO SOCOTAY MUDDO
LIX MAALMOOD AH
ISBITAALKA CARAFAAT OO GALABTA
LAGU SOO GABAGABEEYAY HOWL INDHO FIIQID AH OO SOCOTAY MUDDO LIX MAALMOOD AH

Isbitaalka Carafaat ee
magaalada Muqdisho oo sanadkiiba qabta seddax jeer oo dadweynaha indhaha loogu
fiiqo ayaa galabta waxaa lagu soo gabagabeeyay xarunta isbitaal-kaas ee
magaalada Muqdisho howl indho fiiqid ah oo socotay muddo lix maalmood ah.
Howshan indho fiiqista ah oo ay
iska kaashadeen isbitaalka Carafaat iyo isbitaalka Hargeysa ayaa ah tii ugu
horreysay oo dhakhaatiir Soomaaliyeed oo dalka gudihiisa ah ay fuliyaan mudadii
16ka sano aheyd ee dalka ay ka jirtay dowlad la'aanta.
197 ruux ayaa howshan indho
fiiqista ah looga faa'iideeyay oo afar ka mid ah ay ahaayeen caruur halka inta
kalena ay ahaayeen dad waaweyn oo isugu jiray rag iyo dumar.
Xafladan oo gabagabada aheyd si
weynna loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Muuse Xuseen Cumar oo
ah agaasimaha isbitaalka Carafaat, wuxuuna sheegay inay maanta tahay maalin aad
iyo aad ugu weyn maamulka isbitaalka iyo shaqaalahaba kaddib markii dhakhaatiir
Soomaaliyeed oo aanay wehelin wax dhakhaatiir dibadeed ah ay ku guuleystaan
muddo lix maalmood ah inay fuliyaan qorshe ah indho fiiqid oo tiro intaas la eg
ay ugu sameeyaan shacbiga Soomaaliyeed oo muddada 16ka sano ah indho la'aanta la
tiicayay.
Muuse Xuseen Cumar agaasimaha
isbitaalka Carafaat wuxuu yiri "qofka bini'aadamka ah aas-aaskiisu iyo
jiritaankiisa waxa uu ku xiran yahay labada indhood oo ah xubinta ugu fiican
jirka bini'aadamka, haddii aan taas la helinna qofku noloshiisa wax qiimo ah
kuma dhisna, sidaas darteed waxaa maanta farxad ah in 197 ruux ay helaan
araggoodii 16ka sano iyo ka badan ka maqnaa.
Xafladdan oo ay ka qeyb galeen
masuuliyiin ka kala socotay maamulka isbitaalka, Hay'adda sida weyn u caawisa
isbitaalka oo lagu magacaabo Zamzam Foundation iyo dhakhaatiir ka koobneyd 13
xubnood oo ahaa kuwii fuliyay howshaasi waxtar-ka leh ayuu ugu horreyn ham-balyo
iyo bogaadin u jeediyey guud ahaan dhakhaatiirtaasi.
Howshan indho fiiqista ah oo ay
iska kaashadeen labada isbitaal ayaa waxaa kala hoggaaminayay Dr. Max'ud Axmed
Max'ed (Dr. Shiino) iyo xubno kale oo weheliyay iyo Dr. Cali Baashi Rooraaye oo
ah dhakhtar Soomaaliyeed oo ku takhasusay cudurrada indhaha iyo Dr. Max'ed
Saahid oo ah madaxa qeybta dhakhaatiirta ee isbitaalka Carafaat.
Md. Afey oo hadalkiisa sii wata
ayaa yiri "howshan waxaa fuliyay labo gobol oo aad iyo aad iyo u kala fog,
aqoonna ma jirin laakiin waxaan aad ugu faraxsanahay inaan barano dhakhtar
Soomaali oo shaqadii aan muddo ka dheer ka sugeynay dhakhaatiirta Kkunya
Hospital inuu noo fuuliyo, iyadoo howshan isku xirkeeda, qaban-qaabadeeda iyo
fududeynteedaba uu si weyn uga shaqeeyay Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo aan
aad ugu mahadinayno haddii uusan isaga gacan ka geysanna ma suurto gasheen
shaqadan.
Wuxuu sheegay Muuse Afey in
bishii Luulyo la diyaariyay dad bukaan ah oo ka kala socday gobollada dalka
Somalia gaar ahaan gobolka Banaadir iyo gobollada u dhow-dhowba inay sida
caadada aheyd indho u fiiqaan dhakhaatiirta kikunyo Hospital oo aan xiriir ku
lahen mashruuca ka hortagga indho la'aanta oo uu mudo shan jeer ah uu fuliyay
isbitaalka iyagoo kaashanaya Kikunya hospital, indhahana loogu fiiqay labo kun
iyo dhowr boqol balse ay suurtoobi wayday inay mashruu-can maanta la
gabagabeynayo ka soo qeyb galaan, balse iyadoo lala ciir-ciirayo dhibaa-tana ay
jirto oo ah diyaar garow muddadii dheeraad oo shan bilood ka soo wareegatay ayaa
Ilaahay wuxuu inoo keenay dhakhaatiirtan ka socotay dalka, Dr. Cali Baashina uu
sabab ahaa imaanshahooda, waxaana u soo jeedinayaa ammaan iyo hambalyo oo
taariikh weyn u noqon doonta shacbiga Soomaaliyeed, waxaana meesha ka baxday in
dad badan ay aaminsanaayeen in dhakhtar Soomaaliyeed aanu marnaba indho fiiqis
caynkan oo kale ku guuleysan karin ama uu qaban karo shaqada maanta la qabtay,
balse ay barteen inuu Ajnabi kali ah qaban karo.
Dadkan 197-da ruux ka kooban
ayaa waxaa laga qaaday khidmo yar oo u qeybsanta labo qeybood: mid ku saabsaneyd
baarista caafimaadka, sameynta documentiyada iyo nabad gelyada iyo shaqaalihii
ka shaqeynayay, qeybna waxay aheyd tan qalliinka oo ay ku deeqday hay'ad
khayriya ah oo ka socota dalka Qadar, una soo marsiisay Hay'adda Zamzam
Foundation ee kaalmaysa Carafat Hospital, waxaana u rajeynayaa in mustaqbalka
dhow muxsiniin Soomaaliyeed ay gartaan inay dadkooda taakuleeyaan oo iyaguna
garta saddaqada oo ah tan ugu fiican.
"Qofka jiritaankiisa waxaa
saldhig u ah indhaha, haddii uu indhaha waayo wax badan qiimihiisa waa kala
dhiman yahay marka jiritaankaasi qofka oo aad dib u soo celineyso himilo fiican
aad u fureyso, saddaqo ka fiican oo aad laheyd ma jirto, marka waxaan
ganacsatada Soomaaliyeed ka codsanayaa inay ka faa'iideystaan.
Munaasabaddaasi oo aheyd mid si
weyn loo soo agaasimay waxaa kaloo ka hadlay madaxa qeybta dhakhaatiirta ee
caafimaadka isbitaalka Carafat Max'ud Saahid, ku simaha agaasimaha guud ee
Zamzam Foundation Cali Cismaan Muudey iyo madaxa hogaaminaya dhakhaatiirta
howshan fulisay Max'ud Axmed Max'ed (Dr. Shiino) kuwaasoo si weyn uga mahad
celiyay sidii diiraneyd oo loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho gaar ahaanna
xarunta isbitaalkaas iyagoo sheegay in ay taasi aas-aas u tahay nabadda ka
dhalatay magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in qof kastaba uu ku dhiiran karo
inuu si caadi ah ugu noolaado nabaddaas, waxayna ka warbixiyeen howshan ay
qabteen waxtarkeeda iyo sida ay uga go'an tahay inay mar walba howshan oo kale
bulshada u qabtaan ayna tahay tii ay wax ugu soo barteen dalkooda iyo dadkooda,
waxayna xuseen mar uu si gaar ah uga hadlayay Dr. Shiino in muddo labo bilood
kaddib ay howl noocan oo kale ah ka fulin doonaan isbitaalka Carafaat tanina
haatan ay ugu dhamaa-tay sidii loogu talo iyagoo mahad u jeediyey maamulka
isbitaalka, dhakhaatiirta iyo dadkii indhaha sida gaarka ah aragoodii dib loogu
soo celiyay.
MAXKAMAHDAHA
OO SI RASMI AH U MABNUUCAY IYO QAAD KALE OO MAANTA LAGU GUBAY K.M. 60.
 Ciidamada golaha maxakamadaha islaamka ayaa
maanta mar kale ku gubay qaad ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee No.50 ee
gobolka Shabeelada hoose, kadib markii ay halkaasi ka sood egtay diyaarad siday
qaad.
Ciidamada maxkamadaha islaamka soomaaliyeed
ayaa qaadka ku gubay tuulada No, 60 oo aan sidaas uga sii fogeen halka uu ku
yaalo garoonka diyaaradaha ee K.M. 50, waxayna talaabadani ku aaday xili uu
maamulka sare ee maxkamaduhu mabnuucay ka ganacsiga iyo cunista qaadka.
Dhanka kale wararka laga helayo magaalada
Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa muujinaya inay halkaasi ka soo degtay
diyaarada siday qaad aad u fara badan xili ay shalay ciidanka maxkamadaha ee
magaaladasi ay shalay gubeen qaad fara badan, lamana yaqaano sababta ay maanta u
ogolaadeen inuu yimaado qaad magaaladaasi.
Qalalaasaha qaadka uu sababay ayaa laga
dareemayaa inta badan dalka Somalia, iyagoo maxkamadaha shareecada islaamkuna ay
mabnuucen cunista iyo ka ganacsiga qaadka.
LIIBIYA OO
BEENISEY INAY MAXKAMADAHA TAAGEERTO.
Xukumada Tripoli ayaa Jimcadii shaaca ka
qaaday inay been abuur tahay hadalkii ahaa in dalka Liibiya ay ku jirta 10 dal
ee taageerada mileteri siiyo golaha maxkamadaha islaamka soomaaliyeed, isla
markaana ku xad guba cunaqabateyntii hub ee saarnaa Somalia.
Afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee dalka
Liibiya Hassouna Chaouch ayaa ku tilmaamay inay tahay wax lala yaabo in dalka
Liibiya lagu daro liiska 10ka dal ee taageera golaha maxkamadaha islaamka
Somalia, wuxuuna ka waramay doorka dowlada Liibiya ee arimaha Somalia, isagoo
hoosta ka xariiqay in Liibiya ay ka mid tahay dalalka dhex dhexaad ka ah
arimaha Somalia, taageertana sidii la isugu keeni lahaa meel dhexe mar uu la
hadlayay wakaalada wararka ee Reuters.
Afhayeenku wuxuu sheegay in dowlada Liibiya ay
taageertay dadaalka la xiriira in dowlada federaalka ee Somalia ee ku aadan
hubka ka dhigista maleeyshiyooyinka soomaaliyeed iyo in la sii horumariyo
wadahadalada u dhaxeeye kooxaha iska soo horjeeda ee Somalia ayuu hadalkiisii ku
soo afjaray afhayeenka wasaaradaha arimaha dibada ee dalka Liibiya Hassuona
Chaouch oo warqad Fax ah u diray wakaalada wararka ee Reuter.
MAXKAMADAHA ISLAMIGA OO
BEENIYAY
Guddoomiy ku xigeenka 1aad ee
golaha fulinta maxkamadaha islaamiga Sheekh C/raxmaan Max'ud Faarax (Janaqow)
ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixin la sheegay in ay soo diyaariyeen rag
khubaro ah oo u kuur galay wadamada jabiyay cunaqabateyntii hubka ee lagu soo
rogay dalka Soomaaliya.
Khubaro u kuur galay jabinta
xayiraada hubka ee saaran dalka Soomaaliya ayaa sheegay in wadamada Lubnaan,
Suuriya, Iiraan, Masar,Liibiya,Djabouti iyo Eritrea ka tirsan caalamka islaamka
in saanad milatari ay siiyeen golaha maxkamadaha islaamiga Soomaaliyeed, halka
wadamada Ethiopia,Yemen iyo Uganda ay taageeraan dawladda Federalka Somalia.
Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa
ku tilmaamay warbixintaasi mid lagu daboolayo fara gelinta qaawan ee Itoobiya ku
hayso arrimaha Soomaaliya,isagoo xusay in aaney jirin wax saanad milatari ah oo
ay ka heleen dalalkaasi la shaaciyay.
"Waa
wax lala yaabo in la yiraahdo dalal Lubnaan ay ku jirto ayaa maxkamadaha
taageera, way iska caddahay waa wax lagu qarinayo fara gelinta qaawan ee
Itoobiya ay ku hayso arrimaha Somaliya" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Janaqow.
Xeel dheerayaal siyaasadeed
ayaa sidoo kale amakaag ka muujiyay warbixinta khubaradaasi ay diyaariyeen oo ka
koobneyd 80 bog, ayagoo sheegay inteeda badan in aanay xaqiiq ku qotomin, ayagoo
tusaale u soo qaatay ciidamada la sheegay maxkamaduhu in ay u direen dalka
Lubnaan si ay uga qeyb galaan dagaalkii Yahuuda iyo ururka Xisbullaah, taasoo ay
ku tilmaameen mid lagu qoslo oo xaqiiqda ka fog.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
muqdisho somaliya
0025215576666002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2006
|