SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  WARAR
Daabaco Boggan | Print
MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


Hay’adda DBG oo soo Bandhigtay Khatarta 15 Haamood oo ku soo
Caariyey Xeebaha Soomaaliya


Warbixin iyo sawiro laga soo qaaday ninka reer Thailand ee ay gacanta ku hayaan Puntland Tigers
Waxana ay dalbanayaan in shuruud la'aan lagu siidaayo 3da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand...
Guji...


 

ciidQaabkii looga Ciiday Suuriya, Badhan, Garoowe, Nairobi iyo Minneapolis St.Paul..
Kenya: Maxaakiimta Islaamiga ee Soomaaliyeed oo goob fagaare ah laga taageeray iyo Somaliland oo loogu baaqay in ay degdeg u siideyso Sheekha ku jira xabsiga Hargeysa Guji...


markabNin reer Thailand ah oo Bosaso lagu Afduubay...
Nin u dhashay dalka Thailand ayaa waxaa loo afduubay 3-da dhallinyarada ah ee ku xiran Thailand sida ay.... Guji...


Ciise Dholawaa oo Waraysi dheer la yeeshay Maxamed Yaasiin Ismaaciil:.. Qaybtii koowaad ee Waraysiga... Guji...
Ugaaska Beesha Mareexaan oo Barre Hiiraale ugu Baaqay in uu Qaato Nabadda..: Sidaas waxaa yiri Ugaaska beesha Mareexaan ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood.. Guji....

Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay.
http://www.somalitalk.com/sun/

Culumada Masaajidka Abuubakar ee islii oo Baajiyay Riwaayad lagu dhigi lahaa Kaniisad

Shariif Xasan: "Geeddi wuxuu Caqabad ku yahay Dib u heshiisiinta Soomaaliya"

Sheekh Qorane “’iyadoo uusan dhiig ku daadan ayaa  Maxkamado Islaami ah ka hirgeli doonaan Puntland..

Sh. Maxamed Ismaaciil ma beenin Jiritaanka Cajalada Video-ga...

:::SIR FAKATAY:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

Maxkamadaha oo ka mamnuucay Jubooyinka in lagu dhex qaato hubka

Golaha maxaakiimta islaamka ee gobolada Jubbooyinka ayaa maanta shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Kismaayo ku soo saaray wareegto lagu Jubbooyinka.mamnuucayo in wax hub ah aan lala dhex mari karin gobolada

Gudoomiye K/xigeenka Gobolada Jubooyinka ee Maxkamadaha islaamka Somalia C/fitaax Max'ed Cali ayaa shirkiisa Jaraa'id waxa uu ku faahfaahiyay arimo dhowr ah oo ku aadan manuucis maxkamadaha islaamka ay ku soo rogeen in hub lagu dhex wato magaalada Kismaayo iyo waliba deegaanada hoos-yimaada.

" Ma jirto maanta waxii ka dambeeya hub si sharci darro ah loogu wadan doono magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee jubooyinka" ayuu yiri C/fitaax oo sheegay in hub aan aheyn kan maxkamadaha aan lagu qaadan karin gudaha gobolada Jubooyinka.

Waxa uu sheegay in ay fureen xafiis hubka dhigis ah, deetana dadka laga doonayo in hubka ay keenaan si qarashaad loogu badalo, waxaana hub lacag ku badalashada ay bilaabaneysaa 1da bisha december sida uu sheegay Mas'uulkaasi.

Waxa uu intaasi raaciyay in Maxkamadaha islaamka ay dhowaan soo saari doonaan go'aano ku aadan in hubka loo dhaafo meelaha lagama maarmaanka ay tahay in lagu ilaaliyo, iyadoo la siinayo rasaas lagu koontaroolayo tiradeeda.

Waxa uu sheegay in arinkaan ay ku xaqiijinayaan amaanka gobolada Jubooyinka, isagoo tilmaamay in wareegtadaan ay dhamaaan gobolada Jubbooyinka ay ka hirgali doonto.

Waa markii ugu horeysay ee gobolada Jubbooyinka lagu soo rogo mamnuucis lagu sameynayo in hub lagu dhex qaato tan iyo markii maxkamadaha islaamka ay la wareegeen gacan ku heynta gobolada Jubbooyinka.

Bandoowgii saarnaa Muqdisho oo ay maxkamaduhu qaadeen galabta ka dib markii ay yaraadeen rabshadihii ka socday Muqdisho.

Madaxa warfaafinta iyo dacwada golaha maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh C/raxiim Muudeey ayaa galabta cadeeyey in maxkamadaha islaamigu ay qaadeen bandoowgii ay hore ugu soo rogeen caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ka dib markii ay dhaceen rabshado ay abuureen dadkii laga gubay qaadkii laga mamnuucay Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in bandoowgan uu ahaa hal maalin isla markaana ay hadda sugeen rabshadihii uu watay isagoo dusha uga tuuray eedeeynta bandoowga Raiisulwasaare Geedi iyo madaxweyne C/laahi Yuusf.

Maxkamaha islaamiga ayaa hore bandowgan ku soo rogay Muqdisho iyadoo ay cayimeen in laga bilaabo 9- fiidnmo ilaa salaadda subax qofkii lagu helaa isagoo socda dibadda loo aqoonsanayo danbiile taasoo ay aad uga qeeyliyeen ganacsatada ku dhaqan Muqdisho oo sida ay sheegeen dhibaato ku qaba xilliga uu bilaabayo oo ay ku dhexjiraan howla maalmeedkooda

Ciidanka ethoipiya oo nin shacab ah ka kaxaystay magaalada Boorame.

Nov 19, 2006: Ciidanka Itoobiya, ayaa habeen hore gurigiisa magaalada Boorama ku hor qabtay nin magaciisa la yidhaahdo Xaaji Yuusuf Cismaan oo ka mid ahaa dadkii qandaraaska lagu siiyay daadguraynta qaxootiga reer Somaliland ee ku sugnaa dalka, isla markaana degannaa magaalada Jigjigga balse dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanka Boorama.

Ninkaas ayaa sida wararku sheegayaan lagu eedeeyay inuu lug ku lahaa dil loo geystay nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay dhowaan meel koonfur ka xigta magaalada Jig-jigga kililka shanaad ee Itoobiya.

Sida warku sheegayo dilkaas ayaa lagu tuhunsan yahay in loo adeegsaday gaadhi uu lahaa Xaaji Yuusuf Cismaan, gaadhigaas oo la sheegay inuu dilkaas kadib magaalada Jig-jigga ka soo baxay, iyadoo gaadhigaas oo lambarka Itoobiyaanka leh aan lagu joojin kantaroolada u dhexeeya Jigjigga iyo Boorama, kadibna waxaa soo caydhsaday ciidanka amaanka ee Itoobiya kuwaas oo isla markiiba kala soo gudbay xuduudda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa, waxaanay isla soo galeen magaalada Boorama iyagoo sidii isku caydhsanay, hase yeeshee markii uu gaadhigii Xaaji Yuusuf uu isa soo hortaagay gurigiisa uu ku leeyahay Boorama, ayaa waxa isla markiiba soo gaadhay gaadhigii ay ciidanka Itoobiyaanku saarnaayeen oo ahaa nooca qoriguna ku rakiban yahay, kadibna waxay Xaaji Yuusuf iyo gaadhigiisiiba dib ugu celiyeen dhinaca Itoobiya.

Sideedaba waxa jira heshiis dhinaca nabadgelyada ah oo u dhexeeya gobolka Awdal iyo Gobolka Jigjigga ee Itoobiya, iyadoo ay magaalada Boorama dhawr jeer sannadihii aynu soo dhaafnay booqasho ku yimaadaan saraakiisha amniga ee gobolka Jigjigga kuwaas oo shirar kala duwan la qaatay maamulka iyo amniga gobolka Awdal, wada-hadaladaas oo inta badan la tuhunsanaa inay ku saabsanaayeen sidii loo hirgelin lahaa hehiiskaas dhinaca amniga ah ee labada gobol hore u wada gaadheen.

Dhinaca kalena, waxaa magaalada Boorama xalay laga maqlayay rasaas goos-goos ah oo muddo badan socotay, iyadoo rasaastaas aan la ogeyn cidda riddaysay iyo ujeedada ka dambaysay toona, tacshiiradaas oo beryahan dambe dhegaha dadka reer Boorama ka nasteen oo aanay inta badan maqal, ayaan la ogeyn sababta ay u dhacaysay, iyadoo dad badanna cabsi gelisay.

Waxaa baryahkan ku soo badnayeey somaliland in ay Xabashidu sidee doonto ka yeesho maaulka somaliland mar ay tiraado wadaada xir xira iyo mar ay iskeed ciday doonto soo qabsato.

Arrintaastoo ah mid ay ka xumadeen wax garadka Dagaamada W/G somalia


yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com

002521.5580916
 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2006


Madaxwaynaha DGPL oo soo saaray wareegto
Wareegto lagu siinayo xaq askarigii ku geeriyooda hawlgal ama ku dhaawacma difaaca Puntland, warkaas iyo Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG::: Ka akhri halkan.....




Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD