SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIMISHIQ
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
camuudDUFCADII LIXAAD OO KA QALINJABISAY JAAMACADA CAMUUD
Boorama - 104 arday ayaa.
Akhri


Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Stockholm, Sweden... Akhri...


bananbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida Windsor, Canada...
Akhri...

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida London, UK... Akhri...

bannaanbax
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida dalka Norway....
Akhri...

sweden
Sweden: Xaflad Ciideed si weyn loogu bogay...
Akhri..
::FAALLADA TODDOBAADKA::
ItoobiyaFaallo: Xafladii Qabsashada Soomaaliya
Xafladu waxay u dhacaysaa sidii in Tigree marti looyahay... Akhri
::HADALKII MINGISTE 1978::
Mingiste"dagaalka ma dhamaan waxaana uu hadda ka dib ka socon doonaa gudaha Soomaaliya” Mingiste 1978... Guji...
:::GURBIYE iyo 100 SU'AAL:::
GurbiyeCali Jabiin "Siyaasay: Sayid Cali iyo Sayid Cumar sabankoodi joogtaye,.. Akhri...
::MAQAALKII XASAN CARAB::
carabMa Safaarad Baa Mise Xarunta Gumeeysigga: Guri uu Deganaan Jiray Madaxweyne Ku Xigeenkii Dalka Akhri
:::TACSI:::
Waxaa tacsi loo dirayaa, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Nabadoon Maxamuud Seed Nuur oo Ku Geeriyoodey Bosaso. Tacsi
::TACSI:
Tacsi: Marxuum Cabdi Cismaan Xaaji Rooraaye oo 20kii May ku geeriyooday Gothenburg, wadanka Sweden... Akhri
::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:
dhegaweyneJawaab Laga Bixiyey Qoraalkii Dr. Xasan Duwe iyo Munishiibiyo: Taariikhda Dhabta ah ee Dr. C/Raxmaan Siciid Dhegaweyne.. Akhri..
:::QORMADII: SACIID FURAA:::
saeedArdaydii Jaamacadda Pretoria ee Somaliland Kosoolaabtey oo Seminaar Kuqabtey Pretoria.. Akhri
:WARAYSI: RADIO AUSTRALIA::
dholawaaCiise Dholawaa oo arrimaha Dhagaxa Waraysi kala Yeeshay Salaad Faatax oo ku sugan Dubai.. Guji
:::MAGAALADA BORLANGE:::
shiilBorlänge & Somalitalk: Shan sano kadib waa sidee xaaladda Soomaalida Borlänge Akhri...
:::DUBAI - BOOSAASO:::
dhagaxGanacsato Qoraal ka soo saaray Dhagaxa Laga raray Boosaaso Akhri...
:::SHIDAALKA PUNTLAND:::
Puntland OIL
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri...
:::LAASCAANOOD:::
laascaanood
Ka Qayb Qaado dhismaha Masjidka Ramadaan Ee Laascaanood....
Akhri...
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
awareMaxkamadda Darajada Koowaad ee Boosaaso ma hal beel baa leh?... Akhri
:::QORMADII FAYSAL CALI:::
cadde muuseCadde Muuse ma Aqbali Doonaa Doorasho, Hadii la dooran waayo-se maxuu samayn?... Akhri...
:::QORMADII WARDHEERE:::
Xog muhiim u ah Soomaalida ku nool USA qaarkood: Dadka haysta jinsiyadda maraykanka ee dalbanaya.. Akhri
:::RAADKA GUMEYSIGA:::
kufsi
Gabdhaha Soomaaliyeed ee ay Ciidamada Xabashidu kufsadeen.
:::MAQAALKII HEEBAAN:::
qalinQalin-ku-dirirka Cusub: Dagaal-oogaha Soomaaliga ahi waa nin damac waalan oo... Akhri
:::DOODII ALJAZEERA:::
dood
Doodii Dhexmartay:- Zakari-yaha Masar iyo Azhari-ga Itoobiya Akhri
::KU: MADAXWEYNAHA DGPL::
Xaal iyo Raali galin ku waajib ah Madaxwaynaha Puntland - Dhacdadii Foosha Xumayd ee Lagula Kacay Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la Tarxiilay.. Akhri...
::GABAYGII INJ. NABADDOON::
qoraal NIN WALAALKI DABAY MEEL XILLUU KAGA DANBEEYAAYE Nin sagaal bilood lagu dhaloo, dhogorna kaa liita.. Akhri...
::GABAYGII XASAN GARAAD::
garaadGabay Cusub: Guuley Allahayow: Gowma dhihin hurdada dhawr habeen ciilna waygubaye Akhri
:::BAAQ: C/SHUKRI CALI:::
cshukriJawaab celin iyo Baaq ku socda Kooxda Xiriirka Soomaaliya... Anigoo ku hadlaya magaca SNCP. Akhri..
:::CALI MAHDI:::
mahdiCali Mahdi ma Shalaybuu Qaldnaa, mise Maanta ayuu Saxan yahay?!.. Akhri
:::MAQAALKII C. GUULEED:::
guuleedSomalinimadu maxay la qeyma tahay maanta? ma waxaan ku jirnaa sannadkii 1990 Akhri
:::INNAGA iyo XABASHI:::
tigreeInnaga iyo Xabashi - Qaybta 3aad:  Imaam Axmed Guray (1506– 1542)... Qore: Faisal
:::ABSHIR BACADLE:::
AbshirAbshir Bacadle oo Tiriyey Shirib Cusub: Azhariyo Adooga weyn.. Ayagu ma dhal owliyaa?. Iyagu aarsiyey rabaan.. Akhri
:::MAQAALKII XASAN MIRE:::
hasanKacdoon sameeysee, Kadinka Ku haboon, halagu kaxeeyo: Saddex waa u guul: - Akhri...
:::BATROOLKA (OIL):::
Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad
 

Dr. Raabi Miyuu Helay Daawadii Cudurka Qabyaaladda?..

Waxaa muddooyinkan danbe ku sugnaa magaalada Dimishiq Caasimada Dalka Suuriya Aqoon yahanka Soomaaliyeed ee Dr Cumar Raabi wuxuuna  ugu yaraan ka jeediyey laba muxaadaro oo uu tan hore kaga hadlayey Istiraatiijiyada Itoobiya ee ku wajahan dalka Soomaaliya, Tan labaadna waxa uu u bixiyey Qabiilka iyo Qabyaaladda, labadan muxaadaro oo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suuriya aad uga soo qayb galeen , ayaa waxa uu ku soo bandhigay barnaamij ay dadweynaha badankiisu aad ula dhaceen. 

Dr. Raabi oo 20kii sanno ee u danbeeyey ku Hawlanaa wax ka qorista mashaqada Soomaaliyeed, ayaa waxa uu sanadkii 1989kii qoray buug uu ugu magac daray Soomaalaay Halkee baad ku socotaa?. Buugaas waxa uu ku soo bandhigay Dr. Raabi Soomaali sida lala damacsan yahay, iyo sida ay iyadu isugu jeedo, wuxuuna waliba ku soo bandhgay khariirado uu ku cadaynayey sida Soomaali dhulkeedu noqon doono haddii ay cadowga isu logaan, iyaguna is gumaadaan. 

Waxaana dhacday sida uu Dr.Raabi sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo raggii mas’uuliyiinta ahaa ee uu Dr.Raabi arrimahan u soo bandhigay in ay u arkayeen waxaan dhici Karin, waayo Dr.Raabi waxa uu soo bandhigay sawiro murugo badan oo qofka arkaa xilligaas 1989kii uu marna ka naxayo , marnna is dhaafinayo oo uu odhanayey marnaba ma dhici karto sidani. 

Muxuu haddaba Dr Raabi. Soo bandhigay?. 

Wuxuu 1989kii buugiisaas ku soo bandhigay sawiro qaarkood ka waramayaan xilliyadii aynu ka soo gudubnay oo ay ku xardhan yihiin sida gayiga Soomaaliyeed Gumaysigu u qaybsaday, qaarna waxay ka turjumayeen dhacdooyinka markaasi taagnaa, kuwa aadka xilligaas loola yaabayna waxay sawirayeen xilliyada soo socda sida ay Soomaali ku danbayn doonto, kuwaas oo muujinayey haddii aanay Soomaali is daba qaban in cadowgooda oo aan  kala jeclayn qabsan doono.

Waxaana sida muuqata dhacday in sidii Dr. Raabi 19-sanno ka hor uu Odorosay ay waxyaalo badani u dhaceen, odhan mayno Dr. Raabi Cilmi qaybka ayuu daalacday oo taasi ilaahay SW uun bay ku eegtahay, laakiin ummadaha aduunyadu waxay odorosaad ku sameeyaan marxaladdii ay ka soo gudbeen, iyaga oo dheeganaya Taariikhda ay dadkii ka horeeyey uga tageen ee markaasi la guntay oo buugaag ku xardhan, waxa kale oo ay  Daraasad ku sameeyaan marxalada ay markaas ku sugan yihiin, waxayna diirada saaraan xilliyada soo socda sida xaal noqon karo ,iyaga oo ka shidaal qaadanaya wixii laga soo gudbay iyo marxalada ay markaasi taagnaayeen, waxayna uba sameeyaan Mac-hadyo iyo goobo Khubaradu ku sameeyaan Baadhitaankooda, had iyo jeerna dadka hogaamiyayaaasha ahi waxay ka shiidaal qaataan daraasadaha ay sameeyaan khubaradu, iyaga oo ku dhisaya aayatiin ummadaha ay hogaamiyaan.. 

Dr. Raabi wuxuu daraasad ku sameeyey wixii laga soo gudbay , wuxuu is dultaagay Soomaali siday ahayd todobaatameeyadii iyo sidee- tameeyadii , waxa markaasi u soo baxday haddii soomaali sidan iyo sida ka sii liidatay 1989kii ay ku sii sugnaadaan in dalkooda la dhaxal wareejin doono, waana sababta ku kaliftay in uu qoro Buuga ama daraasada uu ugu magac daray Soomaalaay halkee Baad ku socotaa?. 

Waa Su’aal 19kii sanno ee aynu ka soo gudubnay ay jawaab wanaagsan oo dhamaystiran  ka bixinayaan , oo halka ay Soomaali ku socotay la wada arkay, waxyaalihii uu markaa soo ban dhigay Dr. Raabi-na ay xilligaas 1989kii ahaayeen in Haddii Soomaali sidan qabyaalada indhaha ka riday ugu sii jirto dalkooda oo hore sidaas loo soo galay, oo la kala qaybsaday , marka danbena ay amxaaro oo dabac aan marnaba qarsoonayn uu kaga jiray ay isku balaadhin doonto ,oo ah tan maanta dhacday, bal aynu yara eegno sida uu xilligaas Dr.Raabi u sawiray halka uu dhulka Soomaaliyeed ku danbayn doono.

Waa kan sawirkii oo marxalado kala duwan soo maray(khariirada) 

Muxaadirada labaad oo ah tan aan Cinwaanka uga goleeyahay, waxa uu soo bandhigay sida ay la tahay Dr. Raabi in qabyaalada looga dawoobi karo ,iyada oo qofku aanu qabiilkiisa in kiri Karin, muxaadaradaan waxa uu ku soo qaatay Tusaalooyin badan oo uu ku tilmaamay in Soomaali markasta iyagu boqnaha is gooyaan, kii xil ka qabtaana markasta uu yahay nin canbaaraysan oo qabyaalad lagu miisaamayo,  wadaad ama waran le kuu doonaba ha noqdee, taasina ay noqotay boogta ay cid waliba ka shaqayso sidii ay u sii balaadhin lahayd si aanay waligeedba u bogsoon, waxaana ugu horeeya oo god-daloolooyinkaas sii buun buuniya Amxaarada iyo cadowga Soomaaliyeed ayuu yidhi Dr. Raabi, si aanay Soomali u dawoobin , Amxaarada iyo cadowga garab siiyaana  shaqadooda u qabsadaan

Wuxuu soo bandhigay qorshe uu Dr. Raabi sheegay in xalay dhalay lagu noqon karo haddii lagu dhaqaaqo, wuxuuna yidhi waa in uu qofku dhaar cad ka maraa in aanu waligii gardaro ku raacin qabiilkiisa, qabiil kalena ku dulmiyin, wixii uu galay ee hore uga dhacayn danbi dhaaf weydiisto ilaahay,waxa uu maanta ku jirana ka baxo, cid kasta oo isku dayda in ay iska hortaagtan aanu dhag u jalaq siin., dhaar taas oo uu ku tilmaamay Dr.Raabi in ay la mid tahay sidii Muslimiintii ugu horaysay yeeleen markii ay ashahaadada qireen , oo uu islaamku dumiyey wixii ka horeeyey ee danbiyo ahaa, ama dhaqan ahaa , waxa uu markaa Dr.Raabi goobtii Muxaadarada ku qaybiyey waraaqo qofkii doonayaa in uu ka dhaarto qabyaalada in aanu dib danbe ugu dhaqmin uu saxeexayo isaga oo qoraya magaciisa. 

Runtii dad badan oo goobta ku sugnaa waa ay la yaabeen iyaga oo is weydiinaya ma Soomaali ayaa inta uu goob shirka  ka dhaarto, ku sugnaanaya dhaartiisa?,

oo miyaanay hore u dhaaran kuwo xilal ka soo qabtay soomaaliya? ,

oo miyaanay dhaaran kuwo kale oo burburkii isku dayey in ay wax qabtaan?

oo miyaanay dhamaantood garab marin dhaartii?!. 

Haddana tani waxay kaga duwanayd waxay ahayd shaw markii ugu horaysay ee qof Soomaaliya oo aan xil qabanayn ama hadda hayn xil, la yidhi kaalay oo waxaad ku dhaarataa in aadan waligaa qabyaalad ku dhaqmayn, runtii su’aal la weydiiyey intii goobta fadhiday oo ahayd qabyaalada in aad ka dhaarataan oo aydaan dadka ku dhaqin diyaar ma u tihin, dhamaan gacmaha ayaa lawada taagay, waxaana ka saxeexay wax yar, inta aan saxeexin qaarkoodna waxay –ba yidhaahdeen annagu barri hore ayaanu qabiil ka xorownay. 

Waxaadna moodaa in uu Dr. Raabi si ay noqotayba uu isku dayey in uu qabyaalada daawo looga bogsoon karo , ama wadadda loo marayo daawadaas uu Diiradda Saaray. 

asad caddaaniAsad Caddaani Ibraahim

Dimishiq Suuriya

asadlaska@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Aug 19, 2007  

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com