Taariikhdii Innaga iyo Xabashi -
Qaybta 1aad
Qore : Faisal Salah,
E-mail:
fisalsh@hotmail.com
Qaybtii: 1aad |
2aad |
HORDHAC:
Awalan Waxaan Salaan
Islaamka kusalaamayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed
ee Islaamka ah .Bacada Sallaan: Waxaan rabaa
inaan halkan kusoo bandhigo taariikhda dhabta ah
ee inaga iyo xabashi si aay ufahmaan taariikhda
jiilka yar yar ama soo koraya sida umadwaliba
dadkeeda ugadhaxasho taariikhda dalkeeda ama
dadkeeda .
Waxaan kasoo guuriyay
taariikhdan iyadoo ku qoran buwaag rag hore
qoreen ,ilaahaay ha xafidee weliba Buuga
magiiciisu yahay (Innaga iyo Xabashi)oo ah buug
aad uqiimo badan,waxaan iskudayayaa inaanan
waxbana kudarin qoraalka qoraaga laakiin dadku
fursadaas ka faaiidaystaan maanta oo baahideedu
muuqato .Maadaama aanan halmar soo wada qorikarin
waxaan marba soo gudbin doonaa qay qayb.
GOGOLDHIG TAARIIKHEED:
Waxaan soomaalidu wada
ogsoontahay yar iyo weyn in xabashidu shacbiga
soomaaliyeed cadow utahay. Cadaawadaasi waxay
salku kuhaysay diin,waana mid soojireen ah oo
quruumo badan soo taxnayd.
Xabashida gaalada ahi
waxay kamid yihiin kiristaanka kuwa
ugu macangagsan ee looyaqaano (ORTHODOX), waxay
iskumeel kawada cabaan SERBIYIINTA.
Waxaa kaloo xaqiiqa ah in
xabashida aay cadaawad uhayso muslimiinta kunool
itoobiya iyo inta deriska la ah iyo muslimiinya
oo dhanba.
Iyadoo qofwalboo soomaali
ah uu ogsoonyahay xaqiiqdaas ,oo naaska
hooyadiis uu kanuugay,ayaa hadana soomaalidu mar
mar badan arintaas hilmaansanyihiin,xabashiduse
marnaba mahilmaamsana mana ilowdo.
Waxaa is xusuusin mudan
maxay kaqabtaa xabishidu soomaaliya ,dad iyo
dalba?
Waxaa haboon in tariikhda
dib loo eego.In latixraaco dagaaladii qotada
dheeraa ,ee taxanaha ahaa ee soomaalida iyo
xabashida dhexyaalay quruun badan,hadbana mar
laba kacleeynayay,maantana marxalad cusub
galay/kujira.
Dagaalkii dhex maray
muslimiinta iyo gaalada itoobiya ilaa
dhamaadkii qarnigii 19aad.
Waxay itoobiya keli
latahay in kaniisadeeda ORTHODOX –ka ahi aay
tahay tan nasaarada Africa ugu qadiimsan marka
laga reebo kaniisada hooyo ee qibdiga ah ee
masar.
Waxaa kaloo itoobiya
,gaar ahaan qowmiyada tigreedu ,leedahay
caqiidada kudhisan boqoro iskala dhaxla oo aay
rumaysanyihiin inaay farac kayihiin nebi
suleymaan iyo boqoradii bilqiis.Sidaas ayaa
cilaaqo weyni ugadhaxaysaa kaniisada itoobiya
iyo boqoradeeda ama madaxdeeda,waxayna ku
shaqeeyaan casabiyad diineed oo aay isuhaystaan
inaay shucuubta kale ee la nool kasareeyaan.
Taasi waxay dhalisay in
maadaama ay dawlado islaami ah
kuhareeraysanyihiin iney dhulbalaarsi
galaan.Iyadoo ku xiran boqortooyinkii
yurubta,waxay taageero ufidisay nasaaradii yaman
,sanadihii 523 – 525 miilaadiga boqorkii
Eksuum(kaalb),Laakiin itoobiyaanku uyaqaaniin
(Asbaxa),wuxuu qaaday dagaal bada ah oo uu ugu
aarayay nasaaradii yaman.
Boqorkii kale ee
eksuum(Qabra Maskaal) waxuu Abraha udiray 570kii
inuu kacbada soo dumiyo ,waa tii ilaahaay
quraanka kaga sheekeeyey jabkii ku dhacay,waana
sanadkii nebigu dhashay nabad iyo naxariisi
korkiisa ha ahaatee .
Waxaana kuxigtay in
eksuumiyiintii Seyf bin dii yazan oo faaris
kaashanaaya uu kasaaray yaman
Markii islaamku soo shaac
baxayna waxuu ku faafay hareeraha itoobiya oo
dhan ilaa aay kadhasheen dawlado islaamiya oo
todoba laga sheego loona yaqaanay (Dawladihii
diraaska islaamiga.Taasina mudo dheer waxay
dhalisay dagaalo isdaba jooga ee quruun badan
socday inaay muslimiinta iyo gaalada xabashida
dhexmaraan ,guushuna hadba dhinac ayay ahayd
.Xoogeeduna waxay bilaabantay markii boqorkii
(YEKUNO AMALAK) xukunka qabtay 1270 – 1285m.
Waxaa dhinaca muslimiinta
aad ugua qayb qaatay (XAQUDDIN)waa suldaankii
(UFAT),iyo suldaankii (DAWAARO) Inkastoo
itoobiya ka adkaatay oo masaajidadii gubtay dad
badana gumaysatay ,waxaa jihiidkii sii waday
(XAQUDDIN 2) iyo walaalkiis (SACADUDDIN) iyagana
waxay kudhamaatay in laga adkaaday oo itoobiya
saldhigoodii (Zaylac qabsatay 1402m.
Laakiin muslimintii weey
soo rogaalceliyeen oo (HARAR)ayaan markaan
saldhig kadhigteen ,waxayna dhiseen imaaardii la
oranjiray (CADL),taasoo hiil iyoo hooba unoqotay
muslimiintii itoobiya.Waxayna isku biirsatay
shucuubtii dagaalka qaraarayd ee soomaalida iyo
cafarta .Dgaaladii dhexmaray iyaga
itoobiyaankana ilaa labo boqor aya aku nafwaayay
1412 – 1430m.Laakiin muslimiintana waxaa gaaray
khasaarooyin iyo jabab badan oo aay kudhinteen
dhawr suldaan ilaa 1445m.
Mudadii udhaxaysay (1434
– 1468m) waxay ahayd waqtigii aay ugu
xoogweynayd dawlada itoobiya xaga dagaalka iyo
siyaasada maxaa yeelay intii kadanbaysay
boqorada itoobiya waxay kujireen difaacid
dulaamada isaba jooga ahaa ee muslimiinta.
Isbedelkaa xaga itoobiya
waxaa lasocday isbedel xagga muslimiinta ah ,ee
suldadii nimanka madaxda ee itoobiya
heshiiskeeda waday ku daciiftay,kuana weynaatay
awoodii nimankii ducaada iyo culimada ahaa
eshacabka badidiisa ixtiraam iyo kalsooni ka
haystay .
Taasina mudo kadib waxay
dhalisay iney soo baxaan rag madaxa oo mid
walbaa labaxo (IMAAM) umadana ugu yeeraya in
gaalada xabashida jihaadka aan laga joojin.
Akhri qaybta 2aad ee
jihaadkii Imaam Axmed Guray (1506 – 1542m).
Qore : Faisal Salah,
E-mail:
fisalsh@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 4, 2007
::Murtida Maanta iyo Hadalkii Xuseen Caydiid...
Guji..
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...
Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka
Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal
dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka
Soomaaliya & Itoobiya...
Akhri..


|