SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BURUC

Deegaanka tuulada Buruc

  • KU: Gudoomiyaha degmada Qandala     Qandala
  • Og: Gudoomiyaha gobolka Bari             Boosaaso                             
  • Og: Suldaanka beesha Jambeel            Boosaaso                                       
  • Og: Jaaliyada dibada ee deegaanka Buruc    Rugtooda

Ujeedo: Dhisme gudiga ku meel gaarka ee Degaanka tuulada Buruc.

Shir weyne lagu qabtay tuulada Buruc 17 kii ilaa 20 kii bishii Maarso 2007 oo ay ka qayb galeen Suldaanka beesha, odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culuma-udiinka iyo dhalinyarada beelaha degan degaanka tuulada Buruc.

Dood, wacyi galin iyo falanqayn howlaha sugaya dadweynaha ku nool tuulada.

Ka dib markii la arkay dhibaatooyinka biyo la’aanta, waxbarasho la’aanta, caafimaad la’aanta iyo wax walba oo ay bini’aadanku u baahan yihiin.

Markii la ogaaday in DGPL iyo Hayadaha samafalka ee ka howgala Puntland midna wax gargaar ah haba yaraatee dadka tuulada iyo degaankeeda ku nool ayan u qabanin.

Ka dib markaan ogaanay baahida loo qabo dhisme guddi degaanka tuulada si loo xaliyo qaladaadka bulshada dhexdeeda loona gaaro kala danbeyn iyo isku duubnaan, kulamo gooni gooni ah iyo wadatashi ka dib waxaa la go’aansaday in gudiga hoos ku qoran ee ku meel gaarka ah oo ka kooban beelaha degaanka tuulada Buruc degan loo magacaabo.

 Howlaha loo idmay gudiga waxaa ka mid ah. 

  1. In dadka tuulada iyo deegaankeeda dega u horseedaan nabad ku wada noolaansho iyo horumarinta bulshada.
  2. Wax ka qabadka qaladaadka dadka dhexdiisa.
  3. Anshaxa iyo dhaqan toosinta dhalinyarada.
  4. Horumarinta waxbarashada iyo barbaarinta ubadka wixii ay kari karaan.
  5. Ururrin iyo qaybinta qaaraamaadka horumarineed ee tuulada iyo degaankeeda.
  6. Diyaarinta warbixinada degaanka tuulada markii loo baahdo.
  7. La xiriirinta wixii talooyin ah dadka deegaanka ee degan Boosaaso iyo dibad jooga si ay gacan uga geystaan baahida gudiga tuulada.

Magacyada gudiga ku meel gaarka ee tuulada Buruc. 

  1. Maxamed Xasan Amed.   Gudoomiye
  2. Bootaan Maxamed Nuur  Gudoomiye ku xigeenka 1aad 
  3. Cali Cismaan Weyrax      Gudoomiye ku xigeenka 2aad
  4. Maxamed Cali Guureeye   Xubin
  5. C/qaadir Axmed Cali                                                 
  6. Siciid Faarax Axmed
  7. Nuur Xasan Maxamed
  8. Cabdi Axmed Yuusuf
  9. Maxamed Hurun Ciise
  10. Bashiir Maxamed Yaasiin
  11. Maxamed Yaasiin Cismaan
  12. Axmed Yuusuf Aadan
  13. Maxamuud Maxamed Maxamuud
  14. Ismaaciil Siciid Yuusuf
  15. Aadan Cali Yuusuf
  16. Bootaan Gaacshe Yuusuf
  17. Faarax Axmed Guure
  18. Maxamed Barre Cismaan
  19. Axmed Maxamed daahir
  20. Xaaliyo Aw-Cumar
  21. Nuuro Ciise Cali


EHELKAAGA LACAG MA U XAWILEYSAA::: ADEEGSO XAWAALADDA DAHABSHIIL

Gudiga ansaxinta 

Suldaan Maxamed Cali Maxamed
Nabadoon Jaamac Muumin
Caaqil Ciise Maxamuud Wayrax
Caaqil Cumar Bayr
Caaqil Yaasiin Waaberi  

Culamaaudiin
Xuseen Saciid Xasan
Mustafa Salaad Cali  Sokor

Waxaa lagala xiriiri karaa:
botanbare@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com