Gabay Xirkii Nabadoon lama Garan
Waxay noqotay Arinta gabadha yar ee Samsam
Axmed Ducaale mid taariikhida gashay, oo ku qorantay maskax farabadan oo
caalamka meelo kale duwan joogta, sababtuna waxay tahay waxaa u hiiliyey
xaqa oo dhan ka noqday Maamulka Hargaysa, hagar daamooyinka uu gaystay
daraadeed, xaqana hadii afka laqabto feeruhuu ka dilaacaa, waxaan laqabaa
dad farabadan oo murugo ka muujiyey xaalada gabadhaas yar ee biri magaydada
ah, ilaa hadana aduunku uu dhabanada lahaysto amakaa geedii, Soomaalidii
horena aan dhaqan u ahaan jirin in dumarka noocaas loola dhaqmo, garse waa
loo Islaam arintaan waxaa gaystay ilaa hadana ay kaga qorantahay wajiga
iyadoo boog cambaar ah Maamulka Riyaale iyo cidii kaloo la qabta dulmigaas.
Xaashaa lilaahi Dhamaan qaybaha kala duwan
ee bulshada reer Hargaysa eed kuma lahan lamana qabaan dhibaataynta
gabadhaas yar Riyaale, inkastoo dad badan is leeyihiin -waxaa ka hadlay
Isimadii (Boqor Buurmadow), Xuquuq Insaankii (Raaqiya iyo Colkeedii),
qareenadii (laguba xirxiray) iyo saxaafada qaarkeed iyo qaybakale oo
shacabka ah- aaway Culimadii?! oo ilaa hada aan laga hayn wadaad qura oo ka
hadlay si caama waa laga yaabaa inay uga hadleen si khaasa oo Maxali ah,
hadaba taasi miyaysan dhaliil ku ahayn Culimada reer Hargaysa?, jawaabta
Culimadaan u daynaynaa.
Waxaa socday qoraalo farabadan oo ku socday
xawaare xoog badan, dhana ka wada ah falka ay gaysteen Inta ku bahowday
dhibaataynta gabadhaas, waxaase howshii marqura isu badashay gabay, kadib
markuu gabay soo tiriyey Abwaanka caanka ah ee
Abshir Bacadle,
intaa ka dib waxaa socday dhafan dhaaf gabay isogoo nin walba garaadkiis
wadaantiisa u ritay, waxaase aad iisoo jiitay gabaygii
Nabadoon oo
igu kalifay qormadaan kadib markaan dheegay dhurtiisana labaxay, gabyaa ma
ihi waanse akhriyaa, waxaan qirayaa xikmadii Soomaaliyeed ee oranaysay "nin
iyo magacii isleh" allaylahe inuu ka nabadooneeyey baan marag ka ahay,
gabaygiina uu ku xiray si garsoor leh uuna waafaqay magaca uu'u dooray
gabaygiisa ee Garsoor, ninkii gartay iyo nikuu uu garab marayba gabaygaas
waa xiraa.
Dhegeyso Gabaygii
Abshir Bacadle Samsam
Waxaan islahaa gabayga waxaa dib ufuridoona
jawaabta kasoo yeerta Riyaale, masa dhicine waxaan arkay laba nin oo soo
gabayday oo nina u jawaabayo Cige halka ninka kalana u jawaabayo Nabadoon,
waxaan qabaa in Nabadoon gartaas horay u naqay Abwaanka Bacadlena
xasuusiyey laba meelood oo gabaygu la leexday Cigana sidoo kale isna
xasuusiyey laba meelood oo isna gabaygu lagalay, Sida marka uu Bacadle lahaa
"Beel yahay gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay
-iyo markii uu lahaa -Amay gabadhu ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede ** Oo
odaygu garan waayay waxa gubaya xaaskiisa". Labadaas meelooda Abwaanka waa
looga garjoogaa Nabadoona waa isagii lahaa "Gobta Habar-magaadlood ma oran,
gabadha aafeeya -wuxuuna ugu danbayntii yiri- Guurtina dadaal kuma yaree,
gacalle aashaada".
Maxamed
Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta
gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir
iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha... Dhakhtarka
waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma
ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa
abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waa waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad
Oct 22,
2004
"Dabcan,
kolley xukuumad ahaan waan iska arki doonaa, waxaa lagayaabaa
xukuumad ahaan in aan inan yar u xidhnaan, oo arrinka la soo
afjaari doonaa.." Axmed Yuusuf Yaasiin
Dec
19, 2004
"Dee
17 jirna Maxkamadu maalintii dhowayd way sheegtay, dowlada dad
ka mid ihina in badan waxay ku doodayeen gabadhani tahay gabadh
wayn oo dhowr iyo labaatan jir ah oo lana qabo, oo caruurna
dhashay, markaa dowlada lafteedii ayaa kolba wax sheegaysa,
Amnesty International waxay tidhi inanta card-keeda ay
haysato waxa ku qoran 16-jir, laakiinse inantani ama waa 16-jir
ama 17-jir waad arkaysaa in ay ilmo yar tahay." Raaqiya Oomaar
Dec 21, 2004
"boqolaalbaa
xidhan muwaadiniin ah wax u doodaya ama daba socda maan arag..."...
Axmed Yuusuf Yaasiin, M/ku xigeenka...
Guji...
"Dee
horta taasi waa shaqo dowlada iyada u taala, haddii jeelalka
Somaliland buuxan Dee waa in ay dowladu ka jawaabto waxay u
buuxan, haddii ay dadku qareenno la'yihiin Dee dawladu haka
jawaabto..." Raaqiya Oomaar...
Guji...
RIYAALE
(Jan 4, 05):
Horta gabadhaasi aad baa loo
buun buuniyey runtii, wax badan oo been ahna waa laga sheegay
ayaan anigu qabaa, maalmahan u dambeeyay waxaad arkayseen iyada
iyo gabdho kale oo Unifoomka ciidamada huwan oo wixii laga
sheegayaba in ay beenoobeen baad moodaa, waa inan yar oo "under
age" iyo
waxyaabihii la sheegayay horta way isa soo beeninayaan baad
moodaa, idinkuba waad aragteen.. Daahir
Riyaale... Guji.
|
Abwaan
Cigana isagoo ku halqab sanaya dhibaatadii Dowladii dhacday u
gaysatay reer Waqooyiga wuxuu yiri "Gooddiga Wajaaliyo, Burciyo Go’o
nawaaxeeda* Guudka Ceerigaabiyo Berbera Godanka Shiikh yaallo *
Gabaahiir Hargeysaa la baday Maalin gelinkeede"- iyo markii uu lahaa
Cige-" *Garyaqaanno loo soo xuloo Geydhka wada taagan * Guddiyada
xuquuqdoon marqudha Goynin hadalhaynta * Gadhcas iyo aqoonyahan shiriyo
Ururro guuxaaya * Miyaanaan gob lama caasiyee Gabadha taageerin?" isagoo
labadaa meelood ku halqabsanaya Nabadoona waa isagii lahaa "Gummaadkaa
kuwii gaystay ee, gaabshay ehelkeena*Gurigaaga
qaar baa fadhiya, iyo gadaashayda *Inaan goobno
soo wada xirroo, xeer u wada goyno *Ama aan
cafinno gabi ahaan, wa ay gudboonayde *Mid
gardaadso midna guluf ku kici waa gurracan taase * kala guurka
meeshaas ha gelin, waa gar waanaduye".
Markale abwaanku isla hadalkaas waa isagii lahaa " Intay Koonfur geed
ugu shirtoo, hiil isugu geysay * Hargeysaan gubaynaa ma oran godanki
kheyraade-wuxuu kusoo xiray -Waxa godobta loo saarayaa, waa i gali
wayday!.
Meesha labaad ee oo Cige kula hadlay waxay
ahayd "Gabar yara haddii ay intaas, jeelka gudihiisa *Gardaduub u xirantoo
dulmigu, guudka sare dhaafay *Go’aankaasna uu yahay miduu, gaaray
madaxweyne-wuxuu kusoo xiray tixdaasna-Gobonnimo inaan kaa maqlaa, waa i
gali wayday!".
Waxaa jirta Meel sadaxaad oo uu ku
tilmaamayo Nabadoon goosashada iyo inaan midnimo waxba lasiisan, iyo inaan
gabayga laga tuurin meelo dalow ah sida raga qaar ku halqabsaday guba oo
baal madow ku qoran oo ka bilaabatay hal biyo loodiiday, hadaba gabayga
nuxurkiisu waa yaan qabiil iyo qurun loo badalin arinta gabadha ee ha lagu
koobo cidii gayda, inta kale akhristow adaan kuu daynayaa inaad ka bogatid
oo dhamaan gabaya isha maris kadibna xaasika heshid.
Ugu danbayntii Waxaa xusid mudan meesha
laba nin oo gudbaanaa shalay oo kawada tirsanaa ciidankii Siyaad barre mudo
dheer lagana hayo midkasta taariikh iyo faro, midna ku noqday Somalilander
midna Koonfurlander ma shalay baa maanta noqotay maxaase intaan shalay
maanta isku daro bari ugu qaybin waynay, hadaan tusaale ka bixino Riyaale
sow shalay ma'ahany madaxdii ciidankii Nabadsugida oo aan taariikhdeeda wada
hayno, hadaba waxaa iga su'aala mashalay buu ahaa Somalilander mise maanta!?.
Tusaale labaad inta maanta joogta Nairobi
badan koodu shalay waxay ahaa yeen sidaan soo sheegay Ciidankii Siyaad Barre
badankooda waan haynaa shaqooyinkoodii iyo taariikhdoodii hadaba waxaa
su'aal labaad ah ma shalay bay ahaayeen koonfurlander mise maanta oo sartii
kala baxeen?!.
Hadaba akhristow miyey inala gudboon tahay
-iyadoo Yurubna midowday oo halacag samaysatay si Maraykan dollar kiisa ula
tartanto hadana kaba dheeraysay,iyo afrika oo leh Ururka Midowga Africa oo
kama daraha ah,iyo Carab oo aan si caadiga u ah wax isku raacin hada u
shiraysa waxaan samaysanaynaa Baarlamaan carabi leedahay, iyadoo marhore
khilaafkoodii soo ifbaxayo ayna kamuuqato hadalkii uu yiri Shiikhii Masriga
ahaa ee Kashka alle ha u naxariistee"waxaa heshiisay carab,oo maxay carabi
ku heshiisay?,waxay carabi ku heshiisay inaysan waligood heshiin" -inaan
iyadoo awalba Istimaarkii ina kala gooyey aan hada usii durbaan tumo sii
kala googo?,waxay ila tahay inay iska cadahay jawaabtu, isku soo xooriyoo
aan ka dhursugno waxa Maamulka Riyaale kasoo yeera inta ka horaysana
qolyahayaga wax xariiqa waa u furantahay, laakiin cidii ka gabayda waxay
aniga iigu muuqataa gabay xirkii Nabdoon lama garan Wabilaahi towfiiq.
Xasan dhooye (abu xafso)
dhooye@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|