SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 2, 2006

 SOOMAALI WADA JIRTA

iyo

Socdaalkayga Nolosha!  (1) 

Noloshu waa socdaal.. Waxaan soo bilawnay markaan adduunka indhaha ku kala qaadnay, welina waan wadnaa intaan ka dhimano. 

Socdaalkaygii gaabnaa ee adduunkan, qayb ka mida oo ku saabsan intaan dhex maraayey Ummadda aan ku dhex bar baaray, ayaan jeclahay iney ila wadaagaan, walaalaha afka soomaaliga akhriya kuna hadla. Weliba qaybta ku saabsan, side lagu heli karaa, SOOMAALI WADA JIRTA oo WAX WADA QABSATA? Khibradayda yar ayaan jeclahay inaan idin la wadaago. 

Maah maahyaha soomaalida ee xikmadda wada jirka iyo nafaciisa tilmaama waxaa ka mida: Gacma wadajir bey wax ku Gooyaan. Kala socodka wax tar la’aantiisan waxaa ka mida maah maahyohooda: Far Keliyii Fool Ma Dhaqdo! 

Waxaan filayaa arrinkaas oo salka ku haya xikmadda bani aadamku ka kasbaday khibradda iyo taariikhda ummaduhu soo maraan, ayaa islaamku xoojiyey, waxyiguna taageeray. 

Wuxuu Rabbi Subxaanahu watacaala amray muslimiinta iney midoobaan, hadeey is qab qabsadaan oo kala tagaanna, in tabartoodu tegeyso. 

Anigu inta yar oo aan ka arkay, da’dayda iyo tajribadayda, waxaan si buuxda u dhihi karaa, uguna qanacsanahay, Ummadda soomaaliyeed iney tahay, dad wax wada qabsan kara, midoobi kara, wada shaqayn kara, horumar deg degana samayn kara.!! Waxaan aamin sanahay iney ka mid yihiin, ummadaha ugu diin jecel, ugu karti badan, ugu deeqsisan, ugu FAHMAD badan waxa loo yaqaan (IQ) ama (dakaaga الذكاء) carabtu tiraahdo. Ummadaha ugu xamaasad badan, ugu dhiig kulul, bulsha ahaanna isu gargaarta. Ceeba kale oo badanna wey leedahay oo aan marar badan wax ka sheegay, laakiin hadda aaney maqaamkeedi ahayn. 

Arrimahaas aan ka aaminsanahay Soomaalida, maaha mid aan, ficilo isaga iri – inkastoo aanan inkiri Karin – caadifada gaarka ah ee aan u hayo, dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Laakiin waa mid  daliilkeedu badanyahay. 

Waxaase shardiya – si loo gaaro – wada jirkaas iyo wax wada qabsigaas: 

1)            In la helo hoggaan amaana leh oo isku duba rida, kiciya, abaabula oo ujeedada wanaagsan ugu gacan haatiya, kalsoonidoodana hanan kara.

2)            Qadiyad saxa oo ay ku qanci karaan, tageera buuxdana siin karaan.

3)            In la helo dad hamigooda ka sara marin kara meelaha hoose ee qabyaaladda iyo gobolaysiga, iwm, oo ku hagaajin kara, kuna qancin kara, camal iyo ujeedooyin wanaagsan oo adduun iyo aakhiraba ay meel fiican ku gaari karaan.

4)            In caadifadooda diiniga ah iyo iimaanka qalbigooda ku duugan la nooleeyo oo matoorada loo kiciyo, si ay janno iyo nolol wanaagsan adduun iyo aakhiro u tiigsadaan. 

Haddii intaas la helo, waxaan is leeyahay – Soomaalidu – waa ummad buuraha jebin karta, badahana jiiri karta, AFRIKA oo dhanna diinta islaamka gaarsiin karta. 

Waxaan halkaan ku soo gudbinayaa, XUSUUS QORKAYGA , gaarka ah, inta yar ee socdaalka aan ku dhex jirey SHAQADA GUUD ee dacwada iyo adeegyadeeda, dadka soomaalidaa dhexdooda. (Memoirs) ama (ذكريات) kan aan soo gudbinayo, waxaan is iri, maxamadow noloshu inteey jirto , Ilaahay baa oge,  bal dadka khibraddaas, wax wada qabsiga, intaad ka aragtay, wax uga sheeg, waxaa dhici karta in wuxuun laga faa’iido, kaney khibrad ay qaataan tahay dadka doonaya iney bulshadaas Soomaaliyeed wax ka qabtaan, ama xagga khayrka iyo wanaagga u adeejiyaan. 

QAybta 2aadd >>>

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3

 

 


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD