 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaalo kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Oct 8, 2006 |
CASHAR & CIBRO
SOOMAALIYA 2006 - Qaybta 1aad
Maxaa laga faaiidaysan karaa oo duruus ah, is bedelada ka dhacaya Soomaaliya, oo
runtii, dadka muslimka ah meel kastoo ay joogaan, iyo inta caqliga lihiba ku
farxayaan, una noqotay arrin lagu cibra qaato.
Maqaaladaan wexey isku deyayaan, iney wax yar ka iftiimiyaan, duruusta iyo
cibrooyinka ku sugan, is bedelada soomaaliya ka dhacaya, iyadoo lagu
iftiinsanayo Kitaabka iyo Sunnada Nebiga Calayhi salatu wasalaam.
Casharka 1aad: Wuxuu dhigayaa wax walba inuu Ilaahay u qadaray waqti aaney
dhaafi Karin. Waqtigoodu markuu yimaadana ay noqonayaan waxaan jiri Karin. Is
bedelada Soomaaliya wexey muujiyeen (WARLORD) waqtigiisi inuu Soomaaliya ka
dhamaaday Ilaahay idanki. Shalay wuxuu ahaa, arrin suuq ka leh ummad indhala’,
oo ciqaaban!! Waxaa shalay dhici jirtey, ardaal kasta, oo dhawr qori iyo xayn
mooryaana isku duwada, oo xaafad qabsada, in loo aqoonsado (Qabqable) dabadeedna
shirarka iyo golayaasha lagu soo dhoweeyo. Arrimaha Ummadda Soomaaliyeedna la
yiraahdo ka tali!! Ilaahow hana cadaabin!! Waa jaahil booskiisu ahaa xabsiga si
ummadda sharkiisa looga badbaadsho. Hase yeeshe, Ummadda miyirku ka maqanyahay
iskuma raacin iney iska qabato. Waqtigii Qadarta Ilaahay ayaase wax ka
dhimanaayeen, oo qadarta lama loodin karo. Kuwii is yiraahda bahalka ummadda ka
qabtana iyagaaba lagu qamaamayey. Waa dersi weyn, iimaanka qadartuna waa rukni.
Ilaahay subxaanahu watacaalaa wuu u seta dheereeyey, qabqablayaashii dagaalka
soomaaliya ka hurinayey, ee dadka iyo dalka iyo diintaba iibsanayey. Markii
Waqtigoodii dhamaadayna, Ilaahay gacan adag ayuu ku qabtay.
((وكلك أخذ ربك إذا أخذ القرى إن
أخذه أليم شديد))
qaarka weli baxsadka ah, ama meelaha ku dhuumaalaysanaya, ama dadka isku dhex
daraya sidii aaney waxba falin, ama u malaynaya iney is bedelka cusubna la
jaanqaadi karaan iyagoo belaayadoodi kilkilada ku wata, waa riyoonayaan. Waayo
khabiithku wuxuu leeyahay wixii khabiith ah, dayibkuna wixii dayiba, mana is
dhexgalaan. Qabqable wuxuu ku dhex noolaankaraa, ama yaqaan, oo keliya, ummad la
laayo, khiyaamo, dhac iyo boob, qaad iyo daroogo, inta xun in la adeegsado ama
lala shaqaysto inta fiicanna laga fogaado, gaala loo adeego, muslinkana lala
colaytamo, taasina nolosha wanaagsan ee ummaddu manta dooneyso iney bilawdo lama
soconkarto. Kuwa isku deyaya, haraagii (Warlords)ka iney boos uga helaan nolosha
cusub ee soomaalidu dooneyso, ee ku dhisan, diin iyo amaano, waa kuwo isku
deyaya iney qadarta loodiyaan, mana suurta geleyso ilaahay idankii, haddii xitaa
dadku si kasta u jeclaystaan oo nafci bidaan, qadartaa ka hiilineysa, sida aynu
ka akhrisaneyno sunnada Ilaahay. Dadka soomaaliyeed, waa iney fahmaan, ilaahay
khabiithka inaanu jeclayn, saacaddiisu Markey dhamaatana cidi ma baajin karto.
Qaar badan ayaa meelaha ku dhuumaalaysanaya , magacya cusubna qaadanaya,
jariimooyinkii soomaaliya ka dhacayeyna 20 sano in ka badan ka ahaa tiirarka ugu
daran. Khamradu in loo baxsho biyaha macaan, kuma xalaalowdo, Ribaduna, faiido
in loo baxsho kuma daahirto, Sidoo kale (Warlordku) magac kasta oo loo baxsho
kuma xalaaloobo, ilaa uu toobad dhaba la yimaado.
Is
bedelka cusub ee soomaaliya manta ka socdaa, wuxuu u baahan yahay, dadka
nadiifka ah, ummadda iyo dalka iyo diinta aan dembiga ka gelin, diin iyo ammaano
leh, aqoon shaqada ay qabanayaan u leh, damiir islaanimo, ama xitaa wadani nimo
ay ku jirto, oo diinta iyo dalka iyo dadka daacad u ah, wax dhisa ee aan wax
dumin, wax hagaajiya ee aan wax kharibin.
Is
bedelka soomaaliya manta kuwaas ayaa la jaan qaadi kara, (Warlords) ha ogaadaan,
inaaney mustaqbal dambe soomaaliya ku lahayn, ilaahay idankiis.
Qore: SH. Maxamed Idris
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8,
2006
SHUKRAN
MALAYSIA: Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |
CALOOL XUMO: 1
| 2 | 3 |