SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


WAABA-YAABE,CADDE MUUSE MA DOORASHUU KA RABAA DADKA PUNTLAND, MASE DAGAAL IYO BURBUR AYUU UGU SOCDAA KUNA CASUMAYAA?!!!

Waxaan ahay muwaadin soomaliyeed oo halwadeen ka ahaan jiray qarankii somaaliya, 14kii sano ee somaaliya ku jirtay burburka waxaan ku sugnaa Puntland waxaana ka soo qabtay hawlo muhiim ahaa, ilaa heer aan isu taagey u tartamidda jagada madaxweynemimada Puntland, aadna waa la iigu fishay la-iiguna saadaaliyey ilaa saacadahii ugu dameeyey oo wax iska beddeleen natiijadii doorashada faragelin dibadeed darteed.

Waxaan ka mid ahey somaalida jecel in ay dadkooda iyo dalkooda wax wanaagsan u qabtaan,hadii kalena ka soo horjeeda cidkasta oo waxyeelayneysa xasiloonida, jiritaankiisa iyo horumarkiisa, magacayguna waa Muuse Xaaji Saciid(Abees).

Markaan dib ugu soo laabto ujeedada qoraalkan aan ku xusayo Cadde Muuse waa sidan:
Cadde, ilaa intaan ka ogahay wuxuu ka mid ahaa saraakiishii xoogga dalka ee qarankii somaliyeed u
tababaray ciidamadiiqalabka sidey.

Markii somaaliya burburkii nasiibdarrada ahaa ka dhacay Cadde wuxuu u baxsaday dalka dibadiisa waxna kama ogayn duruufihii ka jiray somaaliya gaar ahaan Punland.

Markii ugu horraysay oo Puntland magaciisa laga maqlay waxay ahayd 2002dii isagoo nasiibdarro kolkaas xambaarsanaa qorshe jifi hoosaad, wuxuuna hogaaminayey isagoo jeneraal cadde ah kooxo maleeshiya ah oo hubaysan, kuwaas oo uu kaga hortegay ciidamada maamul goboleedka Puntland oo ka amar qaadan jiray cabdulaahi yusuf.

Ficilkaas xun ee uu cadde ku tallaabsaday, ahaana ficil noocaas ah oo puntland ka dhaca kii ugu horreeyey aad iyo aad ayaa bulshada puntland ula yaabtay ugana argagaxday waxaana laga filayey cadde inuu ka odayeeyo wixii dhibaatooyin jiray waqtigaas,maadaama uu ahaa oday dalka ka maqnaa mudo dheer.haddii uu abaalkaas dhigan lahaa maata ayuu libinteeda u aayi-lahaa waxaase dhacday(FULAYOOW GUULI KUU DHOWEYDAA).

ismutuxintii iyo wax ismoodkii hungada ahaa, kuna dambeeyey hungada ee cadde ku soo qorshaystay Canada natiijadiisii waxay noqotay jeneraal cadde oo sabab u noqday in dhegta dhiigga loo daro haadkana loo loogo boqolaal dhallinyaro ah, isaguna gacmo dhiig-leh ula cararo ceel afwayn.

Maalmo yar kaddib ,cadde wuxuu u hoydey, heeshiisyo hoosena la galay cabdullahi yusuf. Talaabadaas oo dad badani ku tilmaameen guuldarradii labaad ee cadde xantoobsado waxaa soo dhoweeyey cabdullahi yusuf oo qorshe siyaasadeed ka lahaa shirweynaha dib u heshiinta somaliya ee kenya,aadna u doonayey inuu mar uun iska soo afjaro wixii dhibaatooyin ka taagnaa Puntland.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in codsiyadii cadde u gudbiyey cabdullahi yusuf ay ka mid ahayd in cabdullahi ku wareejiyo cadde madaxweynenimada puntland, sidaas darteedna cadde mar kasta wuxuu ku lifaaqnaa cabdullahi meel kasta oo uu tago kolkii shirku ka socday Nairobi,inkasta oo aan tastuurka puntland qorayn in laba qof isku wareejin karaan maskabkaas ama jagadaas.

Hadaba iminka oo la sugayo in ay dhaqso u dhacdo doorashada puntland. ayaa cadde muuse meelo badan ka sheegay inuu musharax yahay,isagoo ay ka muuqato inuusan waxba iska waydiin danbiyadii gacan ku dhiiglenimada ahaa ee uu ka galay shacabka puntland ee uu ka sugayo hada in ay u codeeyaan.

Kaaga sii darane, fagaarayaashii Cadde Musse ka jeediyey hawadiisa Musharaxnimo, wuxuu raaciyey hanjabaado ah inuu burburinayo midnimada, xasiloonidda iyo jiritaanka Puntland, haddii qorshaha uu wataa ugu fuli waayaan sida uu isagu rabo. Haddaba waa yaabe, waxaa su'aal mudan: Caddoow, horta ma iska shaandheysay hirarka halista ah ee aan isgeyin ee aad isku khasbeyso? Ma doorashaad ka dooneysaa dadka reer Puntland, mase dagaal sokeeye iyo burbur? Run sheegoo, ma sidaas baad xil ummaddeed ku qaadi karta kuna caafimaad qabtaa? Maxaad u maleysay shacabka sharafta badan ee u dhintay una soo halgamay nabada iyo nidaamka maamul ee ka jira Puntland, isla markaana ah kuwii aad shalay xasuuqday ubadkooda?

Cadde Musse waa ninka keli ah ee reer Puntland ee caadifad gaar ahaaneed looga hayo xafiiska Daahir Riyaale, waxaana filayaa in Soomaalidu wada aqrisatay wararka Cadde lagu taageerayo ee ku jira Internet ee sheegaya in Cadde yahay ninka iska leh madaxweyne nimadda Puntland iyo dekedda Bossaaso, iyo waxyaabo badan oo aan afkeygu karin.

Sida warar xog-ogaal ah sheegayaan, waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray Cadde iyo Daahir Riyaale, kaasoo ujeedadiisu tahay in Riyaale ku taageero Cadde sidii uu ugu soo bixi lahaa madaxweyne nimadda Puntland, Caddena markuu kursiga ku habsado Riyaale si fudud ugu soo dhaweeyo xuduudkii Ingiriisku lahaan jiray ee goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, haddii aanu ku guuleysan kursigana loo hubeeyo ciidamo uu kula diriro maamulka Puntland, waana arintaas oo kale meesha dadka bari dagaa ka yiraahdeen "Ari-boowe, aallatahay!".

Iyadoo Cadde ogyahay heshiisyada shuhubada ah, hanjabaadiisuna ku saleysan yihiin oo lagana dhadhansan karo hadalkiisa iyo goolaaftankiisa, ayuu hadana maamulka, waxgaradka iyo shacabka Laascaanood ugu tagay inay doortaan indho adayg awgiis.

Ugu danbeytii, madaxtinimada Puntland meeli ugama banaana nimaan Ilaah aqoon, iimaan laheyn, oo aan amaanada xejin karin, danbiile iyo daneyste ah, oo aan aqoon saneyn u adeegidda dalka iyo dadka, oo aan doonayn ilaalinta jiritaanka, midnimada, xasiloonida, horumarka, iskuna kalsooneyn.

Shaqo kasta, gaar ahaan mida siyaasada iyo ummad hogaaminteed, ninkastaa ehel uma aha.sidaas darteed waxaa intaas oo dhan ka caafimaad qaba madaxweynaha hadda haya talada Puntland: Maxamed Cabdi Xaashi. Waxaa intaas u sii dheer aqoon iyo waayo aragnimo maamul, waxaana anigu maanta kula talin lahaa dadka reer Puntland inay isaga dib u doortaan, kuna tix galiyaan hufnaantii iyo howlihii uu hore u soo qabtay iyo duruufaha hada ka jira Puntland.

Fiiro gaar ah: Musharaxiinta u tartamaya madaxtinimada Puntland waa badan yihiin, saaxiibana waa ku leeyahay, sida: Abshir Musse, Ahmed Barre, Bile Qabowsade iyo rag kale, waxaanse si gaar ah wax uga sheegay Cadde Musse. Wax dhibaato ah oo aniga iyo Cadde noo dhexeeya ma jirto, wax nabcoodi ah oo aan u hayaana ma jirto, sidaasna kuma saleysna qoraalkeygu, balse sababtu waxay tahay waxaan wax ku leeyahay ayuu u tartamayaa, taasaana isku kaaya keentay, nimaan u qalmina waa igu waajib inaan uga digo ummadda si looga digtoonaado.


Musse Xaaji Saciid "Abees"
abees11@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2004


»SOOMAALIDU SAXIIB MA LEEDAHAY? | Raage
»Fiqado Makka Ayaa Lagu Diley! | Xoday
»Fursad Dahabiyaa ina Hortaal Doqoni Waa Mooge | Qays
»Ninka jooga Xamarow Xaabaashaada sii qodo | Wanaje
»Maxaa Arimaha Soomaaliya Ka Dhigay “Ma Dhamaato” | Ismacil
»‘Buufisku Madhabaa Misa waa Dhalanteed’? | Farxaan-ceynte
»MAXAAD LUQADAADA HOOYO UGA DOOR BIDAY AF QALAAD
»Qabuuro Dagaal-Ooge? mise Qabuuro madaxweyne? | Xirsi
»Laaluush iyo labeeb: Qoraalkii Shaafici
»Qodobka 49-laad Qaladkiisa Ma Geddi baa leh Mise C/laahi | Maryan
»DACWADA CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD